Sunday, September 23, 2007


(“Beeni Raad Ma Leh”)


Ururka Dayaca Umadda Baahan (UDUB)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal:Waaryee. Waxaa qaylisaan oo dimuquraadiyad ka hadashaanba sawdingka qabyaaladdii dib ugu noqday ee ergooyinkii beelaha ku qaybsaday.


Dubbe:Kee? Ma munaafaqaddii yarayd ee UDUB(Ururka Dayaca Umadda Baahaan) baad halkan ula soo shir tagtay adna?


Waar maanagaa qabyaalad wax ku qaybina mise idinka? Miyaydaan ahayn kuwii yidhi xukuumadda waxaannu u badinay si aanu beelaha u gaadhsiino? Ma shir baa qabsanayseen markaa? Miyaydaan ahayn kuwii doorashadii Wakiilada xisbiga keliya ee beelaha dib ugu celiyay xulista musharraxiinta? Miyaydaan ahayn kuwii yidhi Hargeysa Habar Yoonis iskama soo sharraxi karto aan Isaxaaq ahayni? Miyaydaan ahayn kuwa jagadii qof banneeyaba mid reerkooda ah oo Guulwade ah ku beddela? Miyaydaan ahayn kuwii Wakiilada ku yidhi beelo ayaa idin soo doortay oo meteshaan? Ma idinkaa maanta qabyaalad ka hadli kara?


Doolaal:Waar waxaa iska daayoo haddaa leediin xisbi baanu nahay xisbinimo ku shaqeeya.


Dubbe:Waar anaga taayada iska daayoo idinku war ma isu haysaan? Mise dacaayadiina yar ee bilaa maskaxda ah ayuumbaa rumaysataan? Waar runta sheega oo sida Fiinta ayaa ka sii qaylinaysaan ta idinku soo socota eh waxba been yar ha ku gabbanina.


Haddaan taadaba kuu raaco beelnimadu halkay ka maqantay nolosha dadkeenna? Wax kale iska daayoo majaasid ayaa qabyaalad loogu qaybiyay dadkeena?


Doolaal:Oo sidee loogu qaybiyay?


Dubbe:Masaajid cusub ayaa nin taddawuc ku dhisay markaasu nin wadaada imaam uga dhigay. Laba jilib oo kale oo reerkoodii ah ayaa ku qabsaday. Markaasaa labadii jilib laba nin oo ka mid ah midna Mu’addin laga dhigay kii kalena la yidhi marka salaadaa loo kacayo Aqiim oo dadkana istawuu ku dheh. Taasaad leeday adigoo cod ka doonaya maxaad beelo wax u siisay.


Doolaal:Waar waxaase hadal maahee dimuquraadiyad ayaa lagaa doonayaa ee ma haysaa mise ma haysid? Ma ku dhaqmaysaa mise ku dhaqmi maysid?


Dubbe:Horta adigu haba soo qaadin taa baan ku idhi. Mase maqashay ninka wadaadka ah ee uu meeshii ii wadaadka ka ahaa ugu yimi nin kale oo ka cilmi badani oo laakiin beel kale ka dhashay?


Markuu arkay in wadaadkan socotada ahi ka cilmi badan yahay ayuu tuuladii shir u qabtay wadaadkiina wuu u yeedhay. Wuxuu yidhi. “Bal ninka wadaadka ah isu kaaya dhegeysta.” “waar wadaadow kitaabkaagu Aal Cimraan ma sheegayaa?” “Haa.” buu yidhi. “Albaqara ma sheegayaa oo Lo’da ah?” “Haa” buu yidhi. “Alnisaa ma sheegayaa oo dumarka ah?” “Haa.” Buu yidhi. “ Haddaba beelyhaay kitaabkaa uu sito ninkaasi ee reeraha kale lagu sheegay ee Cimraan lagu sheegay ee lo’ lagu sheegay ee dumar lagu sheegay ee beesheenna aan lagu sheegin ragna aan lagu sheegin geelna aan lagu sheegin miyaa raalli ka tihiin inuu idiin akhriyo?” maya bay yidhaahdeen oo way ka dareereen. Halkii buu wadaadkii socotada ahaa kaga carrabay markii xitaa fursad uu tiisa ku sheego la siin waayay. Ninkalena waxa lagu yidhi. “waar xumaantan aad tolkaa ku raacayso iyo dulmigan aakhiro waa lagagu cadaabi ee iska daa.” Wuxuu yidhi. “adeer Janno aan tolkayba joogin maxaan ku falayaa.” Haddaba bahashu sidaasay inoogu marantay ee anagu gobollo ayaannu wax ku qaybinay ee idinkaa macnahan u duwaya. Qofka ama qoladiisaad ku sheegi kartaa ama xilkuu hayo. Anagu gobol iyo degmo ayaanu wax ku qaybinay ee haddaad adigu magacyo ula baxayso adigay ku jirtaa.


Doolaal:Anagu duwi maynee idinkaa “waxna qalanaya middiyahana qarsanaya.”


Dubbe:Waaryaa waaryaa waa ninka. Waar dee nimaan ku aqoon u sheekee. Wuxuu yidhi Duwane. “Ingriisi, France, Italyan ,Ereg Xayle Salaase, Cabdinaasir afkiisa, Indo China iyo Ruus intaasoo umada afkeedaaan akhriyaayoo, I read and write all news about you.” Iminka ma inaanan kuu war hayn baad moodday? Bal anagu shir iyo tartan baanu ku jirnaa idinku idin mee? Waxaa la yidhi nin meel Xabaalo oo dhulkaa gaalada ah maamule ka ahaan jiray oo meel kale uga wareegay ayaa la yidhi “ka warran shaqadan iyo taadii hore tee fiican.” Wuxuu yidhi. “tii hore ayaan jeclaa.” “waayo?” ayaa la weydiiyay. Wuxuu yidhi. “shaqadaydii hore 200 oo qof ayaa iga hooseeyey wax buuqana may lahayn.” Iminka Ina Rayaale gaalkaa kama duwana. Xabaalo ayuu Guddoomiye ka yahay. UDUB xabaalaha kama duwana.


Doolaal:Waar ma annaguu xabaalo nagu sheegayaa?


Dubbe:Oo haddaa maa hadashaan oo dal iyo dadba kharribye ka daa tidhaadaan? Mise Janno aan UDUB joogin waxba ku fali maysaan ee cadaabta ayaydin doorateen. Waar anagu xor baanu nahay kii doona ayaa intuu shir jaraa’id qabsado odhanayaa waan tartamayaa. Oo haddan odhanaya waan ka tanaasulay. Idinkuna nin lagu arko isagoo qof Kulmiye ah salaamaya ayaa shaqada ka eridaan.


Waar taa iska dhaafoo waa laydin yaqaanne odaygii Cabdi Guray ma runbaa wuxuu ku eryay Taliyihii jeelka Mandheera waxaad caddibi weyday nimanka Qaran ee xidhnaa? Ma taasaa haddana la timaaddeen?


Doolaal:Waar anagu cidna caddiba maanaan odhane ninkii shaqadiisa qabsan waaya waa la eryayaa? Miyaynaan dawlad ahayn?


Dubbe:Waar Suldaanku Booliskii hore ee siyaasadda ka madax banaanaa buu ahaaye siday wax ka noqdeen? Midda kale maa iska qirataan oo tidhaahdaan Xabashi baanu nimankan u haynaa oo ay u xidhan yihiin? Mise Xaalad abuurka ayaa idinka dhaba oo mushkilad doorashooyinka dib ugu dhigtaan baa doonaysaan?


Doolaal:Waar nimankan i dambi bay galeen oo cafis soo qorta baa loogu taag waayay.


Dubbe:Oo caffiska Ina Rayaale soo qoran waayay ee uu weliba Madaxweyne ku noqday ee uu iyaga ka doonayaa waa maxay? Wuxuu yidhi Huryo. “Wallee belo ayaa ke higle.” Wallee waxaa rabtaan inaydaan weli cid u sheegin.


Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire



(Booli cun)



By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe:Waar heedhee maxaa ninkii Madaxweynaha ahaa u geeyey xaasaska madada Kulmiye? Muxuu uga jeeday? Markuu raggii soo dhaafay buu dumarkii ku socdaa iminka? Waakaa dee ninkaynu wax ka sugaynaa. Hadal gurigiisa laga lahaa ee dumarku dumarka ku xamanayeen ayuu shir jaraa’id la imanayaa. Wadhi.


Doolaal:Maxaa idinka Qaran idinka galay ee ugu doodaysaan ma qareeno ayaa u tihiin?


Dubbe:”ninkii baxaya indhaha ayaa casaada .”ayaa la yidhi. Wallee inaan laydiin taag helayn illaa indhahiinna cirka la tuso. “miidaame dhego ma leh hadduu malag dhawaaqaayo.” Waar nimankan faraha ka qaada oo soo daaya. Waar kan iga daayoo waynu eegi halkuu ku dambeeyo eh, ninkii odayga ahaa ee Cabdi Haybe ayaan waxoogaa talo ah u hayay eh ma iga gaadhsiinaysaa?


Doolaal:Maxaad Cabdi Haybe ka sheegaysaa Fagadhena socoy eh? Maxaad u sheegaysaa Ina Haybe iminkana “ma hilbaa idinka dhaxeeya?”


Dubbe:Waar Fagadhe arjigii uumbuu dhiibtaye weli ma soconne. U se malayn maayo meesha C/lahi Ducaale UNta iyo AUda ka raajicinayo inuu isagu safiir u doonanayo eh. Waxaad Cabdi tidhaahdaa nin baa farriin ii kaa soo faray UDUB ahaan jiray. Wuxuu ku yidhi dheh waadigii xubinta firfircoon noqonayay maahee:


Marka hore waxay ahayd inaad sidii Abshir uun Wasiir iska noqoto adigoon Kulmiye ka bixin oo aad fara dhexdood ka siibato. Laakiin mar haddaad ku dhawaaqday inaad xubin firfircoon noqonayso sida Cumar Jaamac warkan qaado.


Markaad Madaxtooyada gelayso waxaa u soo horreeya eed la kulantaa waa askarta kadinka joogta. Niman fiican bay u badan yihiin. Ninkan meesha ku jiraa siduu doono ha ahaadee innagaa u dhiibanay oo nidhi waanu doorannay ee noo ilaaliya. Markaa nimankaa wanaaji. Qaadkana ku ballami. Qaar ka mid ayaad maqli iyagoo ku yar xamanaya oo leh. “Allah! Ninkaa gaadhigiisu sameecad weynaayee berigii ololaha. “Kulmiye, kulmiye. Kulmiyaynu nahay.” Iska dhaaf waa runtoode.


Guddaha ayaad geli. Qaar daaradda tuban oo farta isugu kaa soo fiiqfiiqaya ayaad dareemi. Waad malayn kartaa waxay leeyihiin ee iska dhaaf.


Daaqaddii baad tegi. Sidii caadada ahayd waa lagu buuqsan yahay. Illayn umaad baranne dib baad isu yar taagi adigoo khajilsan. Waad la qabsanne iska dhex gal.


Inamada qolka yar ku jira ee Dahir iyo Axmed Kaah waa inamo fiican. Way dulman yihiin. Ninkii aynu wixii ka sheegi jirnay ayay beentiisa iyo beladiisa uu soo faray dadka u qaybiyaan iyagoo ka xun. Way u xil qariyaan sida waajibku yahay. Weligaa hadal xun ha ku odhan.


Wasiirro iyo xildhibaano UDUB ah iyo Guurtidii iyo dadkii aynu nebcayn oo dhan baa tuban meesha. way ku wada salaami. Hoostana way kaaga qosli oo waxay odhan. “Ma tanuu Jafaalna baqal u soo fuulay?”


Waxaad arki Wasiiru Dawlahaagii, Ku xigeenkaagii labadii Agaasime Guud ee wasaaraddaada oo midba goonni u sugayo inuu Madaxweynaha arko. Manaydaan wada socon. Ha yaabin. Meeshu waa caynkaa. Keligaa war ma siddid. Inta badanna waxaad meesha ka soo doontay maba garanaysid.


Ayaamaha hore soo daaya Cabi Haybe ayuu odhan Ina Rayaale. Wuxuu ku odhan “ayaamahan waan yar mashquulsanay ee kollay waa inaynu maalin wada fadhiisanna.waqti isu helnaa.”


Sheekada uu rabo ha u qaadan mid hawleed iyo horumar. Xan iyo wixii mafrishyada ayaa lagaa doonayaa. Haddaad halkaa fahmi wayday. Ibraahim Yey doono.


Hawsha xubinta firfircoon ee UDUB ahi waa inaad basaasid, xan, isku dir dad ama beelo gaar ahaan reerkiina. La soco. Abdillahi Darawal ma samayn jirin.


Madaxtooyadu laba xafiis bay leeday. Ka Madaxweynaha uun ku ekow. Sidii Dareewal.


Markii hore waxaad diiddo ee aad ka cadhooto waad ka hadli jirtay. Iminka adiguumbaa hoosta ka guban. Ku talo gal. in badan waad odhan waar meesho waa sidee?


Saddex xafiis inay kabahu kaaga dhamaadaan ku talo gal. Xafiiska Cawil. Ka Ina Daud. Iyo ka Cabdiraxman Ducale. Midba inuu mid kugu riixo ku talo gal.


Waqti yar ka dibba Madaxtooyada waxaad u tegi inaad shidaal yar iyo kharash yar oo aad wasaaradda hawsheeda ku fuliso.


Rag waaweyn oo meelahaa warsaxaafadeed ku qaban jiray oo laabta garaaci jiray oo aad moodaysay inay awood leeyihiin ayaad arki iyagoo boqol doolar daaqadda ka qaadanaya. Ama daaqadaba laga xidhanayo oo la leeyahay ka dhaqaaqa. Ha ku qoslin. Way kuu dambaysaa haddaanad is ilaalin.


Doolaal:Waar intaasi waa waxaagii xilka lahaaye sheeko kale ma haysaa?


Dubbe:Waxaan kuu hayaa gabay nin Ina Rayaale tiriyay oo aan maanta maqlay. Wuxuu yidhi markaan maqlay gabaygii Cabdi Gahayr ee uu xayiray ayaan anna mid kale oo Cabdi Gahayr leeyahay Xayiray. Wuxuu yidhi.



Dad baad gashay Daahirow gundheer baqanse meyn aade


Adigoon burhaan wacan lahayn iyo buruud toona


Adigoo basaas ahaan jiray markii bili laguu yeelay


Billaddii Ra’iisnimo markii baalka lagu saaray


Wanan inaad birayso ood xamdiga badiso mooyaane


Baanisadu kuumay ekeen kibir la buuftaane


Adigaaba duul bahdilan oo baaban xaakima e


Adigaaba ballan aan fulayn iyo been ku maamula e


Adigaaba sidii biigga turub jaraya baashaaye


Adigaa raggii bohol ku riday biri ma geydiiye


Adigaaban buus lagugu odhan oo lagaa baqaye


Adigaan bayuur iyo ka nixin ceebta booliga e


Adigaaba sidii Ba-Habar-Gidir boobka laasimaye


Adigaa Balaq-Balaq la cuna iyo Baradho xoolaaye


Adigay dekeddii Berberi Baadi kuu tahaye


Adigaa kalluunkii baddiyo qaatay birihiiye


Adigaaba doolarkii bidaar baanka sii dhiga e


Meles baa birmad ku iman haw banaaxiyine


Baawarkaanu leenahay ma ogid ciilna nagu biirye


Bilaa hadhay sadkii intaad naga boqoolayso


Ee bulshadu ay codkiyo foodka bixinayso


Adeerow baqaagaa cunoo belana haw yeedhan


Haddii kale bishaa Soon-fureed buuqa kaca eega.


Waa inoo waqti dambe haddii Alla yidhaado. Ramadaan kariim


A. Geeljire

Sunday, September 9, 2007



Daljir


(Qalwadii mulac baa galay)


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe:Waar heedhee bishu waa lix tii horena lama arag Ina Rayaale ee ballankii uu qaaday inuu inta u hadhay bil walba ina caayo miyuu ka noqday?



Doolaal:Madaxweynuhu markuu doono ayuu qudbadaynayaa. Ma inuu iska dhurmayo ayaad u haysataa? Markuu dadka wax u sheegayo ayuumbuu hadlayaa.


Dubbe:Waar weligiiba wax macno leh ma odhane. Wallaahi ninkaasi inaanu ballan uu qaaday weligii fulin karayn. Xataa hadduu hadal yahay. Waxaan maqli jiray “dabka igu soo dheji ku k ari maysid.” Inagaase ka liidana. Waxaanse u naxaa nimankii Guddida Dhexdhexaadinta.


Doolaal:Maxaad ugu naxaysaa saw kuwaa hawshoodii wata maaha?


Dubbe:Halkay hawshu toogtaa? Sawkuwan daaqaddii Ina Rayaale ee dadka lagu gumaysan jiray iyana hoos tuban maaha ee kolba soo noqda iyo sii noqda la leeyahay.


“Nin kuu digay kuma dilin.” Bay Somalidu tidhaadaa. Miyaanan odayaasha u digin oo aanan odhan waar cidday wax ka go’aan la shira. Oo weligii ballan muu oofin ee ha fogaaninna arrintu ma dhowa eh?


Doolaal:Waar waa la dhammaynayaa waxoogaa yar ee hadhay e is deji. Madaxweynuhuna wufuud buu ku mashquulay ee wuu arki lahaa odayada.


Dubbe:Haaye. Waa mashquule. Intuu ragga iska xidho ayuu party to party gelayaa oo is mashquulinyaa? Geeliisaa boqol gaadhaye.


Doolaal:Waar waxaa iska daayoo sawkan xisbigiinii meesha ku kala yaacay. Sawkan odaygii Cabdi Haybe soo goostay. Inaydaan meesha mabd’ ku hayn ma aragtaa horta oo waxaad nagu sheegaysaan idinba qaadanaysaan markaa heshaan?


Dubbe:Horta habaar waa debede anagu rag kala yaacaya ma nihin. Odaygan Ina Haybe ma inaan wax idhaa baad doonaysaa. Odhan maayo. Haddii laga tegi waayo heestii geela ee la odhanjiray “Saddex boqol iyo sagaashan habeen oo sidkaa yahay waanu kugu simi haddaad seegtana waanu kaa socon.” Ayuumbuu odaygu is weydaariyay oo yidhi. “saddex boqol iyo sagaashan habeen oo sedkaa yahay sugi maynee waannu kaa socon.” Wallaahi iyo tii xilood sagaashankii baa lagu jiraa. ‘aar adeerow naga daa afkayaga wax khayr leh kuma ogine ha na soo hor marine.


Doolaal:Maxaan kaa daayaa gebigiinuba intaasaa ku siman tihiine. Sanqadh yar oo laydiin tuuro ayaa idinku filan. Waar waynu is naqaan.


Dubbe:Wuxuu yidhi ninkii gabadha walaalkii ka dhintay dumaalay ee mar walba ay ninkii dhintay amaantay. “Walaalkaa oo dhintayna wax la caayo maaha. Naagtaasina wax loo dul qaato maah.” Iminka kollay waa igu jiqe waxaanse ku idhi. Cabdi Haybe maka Ina Rayaale la soo qaado sankuu qabsan jiray dabadeed xabbad sigaara ayuu shidan jiray oo odhan jiray urtaan iskaga biinayaa. Tolow iminka marka miiska Golaha Wasiirrada laysugu yimaaddo ma Ina Rayaale ayaa sanka qabsanaya waa yaabe?


Doolaal:Wadhlo.Weligiinba sankiinu inta ay jagadu ka maqantay ayuu qadhmuunka uriyaa.


Dubbe:’aar bal soo dhowow. Meelahan wax dumar ah iyo carruuri miyay ka dhowyihiin?


Doolaal:Maya. Waayo?


Dubbe:Horta mafaariishta waxaan ku jeclaaday, waxaad doonto ayaad iska odhanaysaa. Dadka fadhiyana badhbaaba waalan oo mirqankii la tegey. Soo durug dee yay inna maqline. Kor haw qaadin hadalkee, waxaan xusuustay mid beri yidhi waxaan maqlay hablo reer Djibouti ah oo isu warramaya oo isku leh. “naa ma maqasheen heblaayo waxay dhashay will qarac (garac) ahe?” oo halkuu wax kale ka eegayay ay ugu jawaabeen. “Heeey. Naa iska dhaaf yaakhii ha dhasho eh. Haddaa muu isugu dheggenaanuun soddonkii bay dhaaftaye?” iminka mar baan odhan gaadhay. Heey waar Wasiir ha noqdee is dhaaf odaygu toddobaatankii buu gaadhaye. Kkkkkkk.



Doolaal:Waar wuxuu muxuu ku hadlayaa? Waar ku maqallay eh yaan cid kale ku maqlin.


Dubbe:Tan aad leeday waa kala yaacdeen. Horta wax dimuquraaddi ah, faanna ha angu ahaatee, anagaa jirna. Ragga meesha marayaa SNM bay u badan yihiin. SNMna dhaqan bay u lahayd dimuquraadiyadda. Markaa naloo biqi maayee waxaanla yaabay idinka oo laydin yaqaan oo UDUB, hadda waa UDUB ayaa dimuquraadiyaad ka hadlaya. Ma xusuusataa markii ay 160 xubnood oo golaha dhexe ahi codsadeen in shirkii golaha oo boqolaal goor mudda dhaafay la qabto wixii lagu sameeyay?


Doolaal:Maxaa lagu sameeyay? Shirka cidbaa sharcigu xaq usiiyay ku dhawaaqistiisa eh.


Dubbe:Afhayeenkiinu miyaanu shir saxaafadeed ka odhan. “dadka liiska ku qorani waa qaar u badan dad markooda horeba naga soo galay ururradii ASAD iyo Hormood. Inta kalena waaba reer Sool iyo Sanaag.” Miyaydaan nimankii u soo dirin ciidamada dembi baadhista ee CID.


Berigii Cabdi Aw Daahir ku dhawaaqay inuu is sharraxayo maxaa ku samayseen? Xisbigaba miyaydaan ka saarin. Miyaydaan xafiiskiisii askar hor dhigin ka celisa inuu galo? Ma kuwiinaas ayaa cid kale farta ku fiiqi kara oo odhan kara way is haystaan?


Digtaatooriyaddii Ina Rayaale oo Guddoomiyahiinna ahina waataa UDUBba soo dheeaftay ee dalkii oo dhan saamaysay.


Ta kale illayn waxani waa wax aydin iska wada dhaadhiciseen. Sideedii u gabyay Ina Rayaale.


Doolaal:Waa maxay gabaga aad sheegaysaa? Sawdigii lahaa hadalka caadiga ahba ma yaqaan?


Dubbe:Waar barwaaqaduu la gabyay ee dhegeyso. Gabaygii Cabdi Gahayr buu beddelay. Bal ninyow markan wuu la helay.


Hadduu qilaaf reerkaaga yaal waa la qariyaaye


Qormadii Estiinii (SNM) la dhigay way qadhmuuntahaye


Qosol rag buu ugu kordhaa qaabadaad tahaye


Qaylo laguma soo helo kursiga quufla kaa tegaye


Ha is moodin qoonkaa Harti qaybna igu raacye


Adiguumbaa qareen moodayee wayska Qulujeede


Ha ku qooqdo Yuu Es Bii (USP) waa qorshe u yaalle


Qiyaamo iyo xeelad lama gudbanid qaranka baallaaye


Qarash ma siino Guurtid iyo qabacda waaweeyne


Quruush iyo sunuud iyo quud yar baa rida e


Qallaxay oo waanigaa Golii qiimihii dilaye


Qiyaamahu ifkuu idinku helay qiranna maysaane


Waxa qiimigiinii beddelay waa qiyaas xumo e


Maanigaa qubuuraha Malkada qubis idiin geeyay?


Quwaddiina maanaa ka dhigay qaraf midaan daarin?


Qaafadiina maa hunguri qayb u wada siiyay?


Qolqolkaygaa manaa ku xidhay kuman qadhaab doona?


Quudhsi iyo maanaa ku idhi qaata xumahayga?


Maanigaa idin qaybqaybiyoo qolaba meel geeyay?


Maanaa qasaaraha ku riday qaaxo tacabkeeda?


Qasab codka maana ku idhi qaalib igusiiya?


Idinkiyo qambooshuba horaa qodax weydeene


Talo Eebahay kaa qadshaan qeex is lee yahaye


Qarandiyow i maqal qabar ma haysaane


Mar haddaan qadaadkaa ku dhegay badiba qoyskiina


Mar haddaan qaadiga hantiyay mariya qaynuunka


Oo aanan qiil waayahayn qalad kastaan geysto


Mar haddii kuwaan qool ku xidhay cidiba soo qaadin


Mar haddii inaan qisaas xukumo aan qarka u joogo


Mar haddii qoodh iyo haween la iga qoofaayo


Qalwo saw inaan la galo oo qaato gogol maaha?


Qab hurddada aan idhaa qodobku saw maaha?


Adna inaad saw inaad quusatoo qabato hawd maaha?



Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire