Monday, November 12, 2007



DALJIRE


(Oob jac.. Dib u Jeeeeeso)


By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar yaadhaheen waa nimanka meesha haw hawda ka haya. Waar bal saddex hadal oo saddex nin kala yidhaahdeen u fiirsada. Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu yidhi. “Dib u dhigga doorashooyinka Guurtidaa iska leh wuxuun baanu gelaynaana arrintaa marka uu xukuumadda waqtigu ka dhamaado.” Waxa kale oo yidhi mar uu Guurtida la hadlayay. “doorashooyin iyo wax wal oo kaleba inaga daaya hadal hayntooda oo xaaladda dagaal ee Sool iyo xuduudaha uun aan ka hadallo.” Yusfuf Tallabo wuxu yidhi. “xaalad dagaal ayaa lagu jiraa dimuquraadiyadii way soo koobantay oo xukun deg deg ah ayaanu wax ku xukumaynaa nin walowba is ilaali.” Ina Xaaji Dahirna mar uu Guurtida la hadlayay wuxuu yidhi. “Waxaanu u shaqaynaynaa sidii dawladdii hore ( ee Siyaad Barre)” Haddaba maxay idinla tahay. “hadhawbay odhan layma heesinoo laylama hadline..” waar intay goori goor tahay ma tashannaa? Waar miyaanay idiin muuqan halka laynagu wadaa? Miyaydaan arkayn in muddadii layskaba korodhsaday? Ahaaa!

Doolaal:Oo maxaad ka tashanaysaa ma ceeba baa la yidhi? Dagaal baa lagu jiraa looma baahna in wax kasta layska yidhaa.

Dubbe:Ma sidaasaad adna la qabtaa? Horta nin baa maalin dhowayd xikmad ii sheegay. Wuxuu i weydiiyay inaan weligay ciyaarsiiska ama layliga askarta galay ee Oob-Jac da loo yaqaan. Maya baan idhi. Wuxuu yidhi. “ Askarta marka la ciyaarsiinayo ninba ninka uu ka dheeryahay ee ciyaarta ka yaqaan ayaa safafka hore la joojiyaa. Dabadeed sarkaalka layliga ayaa ku dhawaaqa “horeeeeey soco. Kow laba kow laba Ooob jac oooob jac” sida loo socdo ayuumbuu yidhaa haddana “Dib u jeeeeso.” Dib baa loo jeestaa in allaa intii gaagaabnayd ee ciyaarta xumayd ayuumbaa safka hore noqota. Iminka dib u jeeeeso ayaa inagu dhacday dadkan inna hoggaaminayaa waa intii xagga dambe joogtay marka hore.” (dadka gaagaaban aflagaado ulama muraadin ee waa xaqiiqo ka jirta ciyaarsiiska askarta)

Waar ninku meel buu wax iga tusay. Bal dadkan inaga ina xukumaya eega dad yahow. Dib u jeeeeeeeeeso dambe inaynu u baahannay miyaynu isla diidannay?

Doolaal:waar waatan islaantii hadalka badnayd ee u kaadiya. Waar yaa inaga joojiya. Adeer garaabada ugu soo dhakhsada hayna dhaaftee.

Dubbe:Waar daa islaanta iyadaa ku dhaantee.

Dulmar: Hooyo ma nabad baa? Ma la roon yahay? Ma joogaa inankii Dubbe?

Doolaal:Ee mojidiisee halkaa joog ha soo dhaafine anagaa garaabada ku siinaynee. Sug sug.

Dulmar: Waar inankaagani faduulisanidaa? Naa yaadhaheen. Wallee qadhaadhkaygaanad waxba ka arage afka ilamaad soo gasheen. Naa maxaa laysku lug go’ayaa? Wallee inaad farta dhexda ka qaniini. Anigu maadigaan kula hadlayay inankaa Dubbe iyo raggaa kale ee meesha fadhiya ayaan bariidinayay eh. Waar aniga waxba haysu kay madoobayn oo wejiga jaqaaf hayga dhigin. Waar siddi siddidaada mooyee dhul u dhacaaga hubso waa inanka. Naa yaadhaheen dagayay islaameed.

Dubbe:Dulmaray waykane iska daa ninkan oo waa mid sidaasa eh. Maxaad maanta wadday ?

Dulmar: Mayee eeddo waaba laygu dilaa. Sankaasuun buu daf kaa odhanayaa sidii xabbad bariis ah. Wallaahi inaanu ku hindhisi.

Dubbe:Iska dhaaf eeddo kanoo maxaad wadday?

Dulmar: Eeddo maalin dhowayto

Ood Ina dhaan dabagaalle

In dhaliila ka sheegtay

Runtii baad ku dhawaaqdoo

Anna waan la dhacay

Waxse aad ka yar dhaaftay

Sidii weeye Dhegdheere

Inuu dhaayo la’aantii

Iyo meel dhacadiidka

Dhiig dadoo u hillaciyo

Uu u dheeryay dad lays

Midna kaama dhegeysanoo

Runtii waan dhibsaday

“UCID wayska dhallaaniyo

hadba dhaan iska raac”

iyada kaama dhegeysan

ee dhoobaad ku maliiqdiyo

dhiriqdaada ka daa

Ha ku dhammooqin xumaan

malaa way ku yar dhaaftee

haw dhowaanin halkaa.

Dubbe:Horta Dulmaray waa talo wanaagsan. Waanan qaatay. Qudhaydu wax kale ma sheegini wuxuun baan idhi maalinba dhan bay yara maraan oo wax si ula muuqdaan. Laakiin iskaba daayay ee aan dhawr su’aalood ku weydiiyo eh horta inaan suxufi noqday ma ogtay? Mase taqaannaa suxufiga?

Dulmar: Mayee eeddo ma aqaane. Laakiin masaajidkaa ninka reer........... tukiyo ee nagu qabsan ayaan subaxii ka maqlaa isaga oo leh “Suxufi Ibrahiim wa Muusaa..”

Dubbe:kkkkk. Istaaqfurallaa. Ee kaasi waa quraane ha dambaabine. Suxufigu waa kan joornaalada iyo telefishanka ka soo hadla ee dadka wax weydiiya.

Dulmar: Oo eeddo maxaa aniga elefashankaa aad sheegayso iyo joornaalada i geynaya? Maya maya. Anigaa suxufigaa iga daa eedo. Itaalba uma hayo inaan elifayshankaa aad sheegayso soo dhex galo eeddo.

Dubbe:Waa hagaage haddaba nimankii waaba la qabqabaynayaa intaan laynagu darin aan wax ku weydiiyee. Ma maqashay inuu Ina Rayaale yidhi warba uma hayo waxay xukuumadda iyo hay’addii Xuquuqda Adamaha u doodi jirtay ee Shuro-Net isku qabteen? Maxayse kula tahay ma runtiibaa?

Dulmar: Dee hooyo hadduu yidhaahdo war uma hayo anigu ma beensanayo. Hadduu xukuumadda is yidhaa ka war hel saw mashquuli maayo yaa u ogaanaya xaasaska Kulmiye waxay raggooda u kariyeen qadadii. Yaa u ogaanaya cidda guriga Axmed Siilaanyo gashay iyo cidda ka soo baxday. Yaa u ogaanaya cidda UDUB ah ee cid Kulmiye ah salaantay . yaa u ogaanaya xanta mafaariishta ka socota iyo waxa laga leeyahay. yaa u ogaanaya maqaaxiyaha waxa laga leeyahay. yaa u ogaanaya inta bagaasha ee ay bashaashlaydii keentay. Yaa u ogaanaya inta adhiya ee ninkii sucuudiga ahaa raray. Yaa u ogaanaya inta doonyood ee kalluuna ee la raray. Yaa u ogaanaya inta birood ee iskaraab ee la raray. Yaa u ogaanaya doonyaha yar yar ee aan rukhsadda haysan ee kalluumaysanaya ee ku cidhiidhyaya badda. Yaa u ogaanaya inta shidaal soo degtay. Yaa u ogaanaya inta cigaar dib loo dhoofinayo. Yaa u ogaanaya inta baloodh ee shacabka ka bannaan. Waar Madaxweynaha ha jeedin hawl buu haystaaye. Maxaa ka galay Tallaabo oo cidla ka bakhbakhle iyo dumar ay is haystaan oo urur leh. Maxaase lagu qabqabanayaa nimanka aad suxufiga ku sheegtay?

Dubbe:Dee anigaa su’aalaha ku weydiinayee adigu ha i weydiinin. Oo waa sidee suxufinimadii baabaynu isku haysannaa labadeenuye. Muxuu Rayaaleba ku soo gaadhi. Ee ma maqashay xeerka saxaafadda “caalamiga” ah waxa lagu sheegay ee la yidhi joornaalkii wax xukuumaddu diiddo qora ha la xidho oo qalabkana ha laga qaado ? ma se maqashay inuu yidhi ha xisaabiyaan waxa soo gala oo xukuumadda haw sheegaan?

Dulmar: Kee baa wax xisaabinaya? Hoogyeeey! Ma kan inuu Baarlamaanka xisaabiyo diiday. Ma kan inuu xisaab xidhkii miisaaniyadda inuu keeno diiday? Ma in hanti dhawr lagu sameeyo diiday? Ma lacagtii ummadda ee dekedda Berbera in miisaaniyadda lagu daro diiday? Ma kan in lacagta Total ka soo baxda in miisaaniyadda lagu daro diiday? Ma kan wax walba diiday ayaa leh nimankan masaakiinta ah ee siday ugu finjiriireen waraaq yar oo ay qorayaan indhuhu ku gudheen i soo xisaabiya. Waataad ku go’daa dheh. Allah Hunguri. Hunguriyow lagu eed. Oo ma isagaa la leh. Naayadhaaheen. Dhiman waaye muxuu wax walba arki. Adigu miyaad maqashay xeer “Caalamiga” ah ee uu masaakiinta dawarsata ku soo saaray ee dhawaan Wakiilada loo gudbinayo?

Dubbe:Ee miyaanan ku odhan anigaa suxufi ah oo wax ku weydiinaya. Wallee Dulmar baan loo taag helin. Aan ku weydiiyee muxuu ahaa xeerkaasi?

Dulmar: oo haddaad suxufi tahay maad su’aal aad leeday keensatid? Ma taydii uunbaad dib ii weydiinaysaa?

Dubbe:Ee bal haaye muxuu ahaa xeerkaasi?

Dulmar: horta xeer “caalami ah” ayuu soo rogayaa. Wuxuu odhanayaa waxa dad dalka ka dawarsadaa waa inay xisaabtooda wasaaradda Maaliyadda keenaan iyagoo raacaya habka xisaabaha ee caalamiga ah. Dadka wixii Somaliland u dhashay labada saacadood ee hore wixii soo gala xukuumadda ayay u keenayaan. Wixii Oromo iyo Ethiopian iyo Walla Weyn ahina waxay keenayaan nus wixii soo gala. Haddii kale daasada ay sitaan iyo kabaha xun xunba waa lagala wareegayaa. Hadday dacwad qabaan maxkamadda gobolka ayay tegeyaan. Hadday soo waayaan kollay cid baa kaxaysatay ee suuqa ha ka raadiyaan. Haddii ay waayaanna ShuroNetka cusub ee aanu samaynay haw tagaan iyana Tallaabo ha soo weydiiyaan waxa laga yeelayo intaanay wax ku dhawaaqin. Haddii kale Ina Shiil shaqadiisa wuu yaqaan...

Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.



A. Geeljire

150 comments: