Friday, June 29, 2007

Laba Hadhley


DALJIRE


(Laba Hadhlay)

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal:Wallee Cawil waa “ruugcaddaagii raacdo soo celi.” Sawkaa idinkala daba yimi ee yidhi “Beeshaydu meel kale mari mayso aan UDUB ahayn. Burcana jab baanu la maaggannay ee doorashadu ha soo dhowaato horta”

Dubbe:Horta odaygu waa ruugcaddaa oo layskuma hayo laakiin doorkan hadhkuu laaday.

Doolaal:Waxaanan garanayn ayuumbaad ku hadashaa. Waa maxay hadhkuu laaday.

Dubbe:Nin reer magaala oo sidaa Cawilna waayeel noqday oo dhawr nin oo saaxiibadii ah la socda, da’dana ay isku hayaan oo isku xanaakadiyaan ayaa goor fiidcawl ah soo ag maray dhallinyaro kubbad ciyaaraysa. Markaasu yidhi. “soo laad adeer.” Way u soo tuureen.Laad buu isula kala jiiday oo hawada mariyay. Markaasuu xambaaro cirkaa maray oo qadaadka dhulka ku dhuftay . Intuu kacay isagoo yar khajilsan ayuu yidhi. “laba hadhlay.” Sow bahasha hadhkeedii buu laaday oo iyadii mooday. Iminka odaygii Cawil Kulmiye iyo Qaran iyo dhawr beelood iyo wax is barbar yaacaya ayuu miduu laaday garan waayay. Kaagaga darane markuu dhacayna Siciid Sulub oo ordaya oo show isna kubadahaa badan wax ka eryannaya ayaa jilib ka laaday markuu yidhi. “Muse Carre ayuumbaa UDUB ka baxay Habar Yoonis.” Markaa xukuumad fiidcawl joogta oo gabbalkeed dhacay ninka is yidhaa kubbad u ciyaar isagaa ku wareeri. “Laba hadhlay” ayuumbaa u dambayn.

Ta kale odaygi iminka safka horeba kama baxo ee maxaa dhacay? Waar waa sii jeedaa malaa?

Doolaal:Waayo malaa ninka cibaadaysta ee safka hore galaa hawl ma hayo.

Dubbe:Xaji Axmed Ildab (AHN) oo ahaa tiirarkii Hargeysa ayaa qolo ay adhiga wada diri jireen arrintaa kaga cawday beri. Adhigu wuxuu is taagi jiray waqti sannadka ka mid ah markaasay shaqo la’aani dhici jirtay dhawr bilood. Ragguna intaa isma arko oo ninba meel buu ka dhacaa. Maalintii dambe ayuu arkay rag ay saaxiib ahaayeen oo daanta Dumbuluq iyo New Hargeysa u badnaa oo shaqo la’aantii kuba naaxay oo dhalaalaya muddana aanu magaalada ku arag. Wuu waraystay. Waxay u sheegeen inay reero miyi leeyihiin oo marka adhigu istaago ay miyaga u baxaan oo isa soo dacar bixiyaan oo xoolo soo qashaan oo shuqulkii magaalada ka soo raystaan. Intuu sidaa u eegay buu yidhi. “ Waar miyaydaan tol ahayn? Maxaa haddaa safal-awalka noogu eegeyseen ee arrintaa noogu sheegi weydeen?” markaa macnaheedu waxa weeye waad iska garanaysaa shuqul shaydaanka iyo nafta oo mar haddaad hawl hayso safka hore ka habsaantay. Iminka oday Cawil wuu sii socdaa baan u m alaynayaa.

Doolaal:Waar waxaa iska daayo hadalka ha duwine. Ma waxaad leeday Galbeed Burco UDUB ka bax? Bal ha lagu maqlee.

Dubbe:Horta adiga fahamkaagu wuu yaraadaa mar haddii aan meesha wax la cunayn oo aan lacagi ku jirin. Waxaasaan UDUBtana ku nacay. Badidooda Maskaxdooda iyo hungurigooda ayaa isku tallaalan sidii qaadhi selefku xumaaday.

Waar haddaad hadalkiisii u fiirsato. Oo aad kii odayaashii baaqa soo saaray u fiirsato oo nin dadka kala yaqaan tahay waad fahmi lahayd waxa socda.

Doolaal:Oo waayo? Sidaanan u garanayn.

Dubbe:Horta aan dhawr arrimood oo keliya kuu sheego. A)Waa marka u horraysa ee Habar Yoonis beel ma aha ee waa beelo. La soco. Dadkaad codka ka doonayso baro horta. B)Marka labaad. Isuma hanjabto loomana hanjabo. Waayo markay Cawil iyo Siciid u hanjabayaan ee ay leeyihiin kaanu keenno ayuumbaa u codaynaysan hadduu dhagax yahay. Ma dhegeysanayaan meel-ka-dhacana way ku tahay. C) Waa ta saddexaade. Arrinta meesha taalay cod iyo doorasho may ahayn maanta. Waxay ahayd beelihii reer Toghdeer ee UDUB isku diri jirtay ee naxliga ku dhex abuuri jirtay ayaa isu muruxsaday. Beloy baydh. Meded yaa qaws. Beerkoodaa burcad laysu mariyay. Markaa beentii la odhan jiray haddaydaan nin reer Awdal ah u codayn daad baa soo rogmanaya magaalada qaada ayaa laga ilbaxay. Wixii intaa ka dambeeya xisbigay dan moodaan ha u codeeyeen. “Aji indhihiisuu qabaa.” Bay tidhi gabadhi.

Haddaad eegto odayaashii baaqa soo saaray. Waxay yidhaadeen beeshu yaanay kala horrayn ee ha isa sugto oo xisbigay dan mooddo ha ka tashato. Berigii hore waxay odhanjireen. Beelaha HY waa UDUB. Arrinku waa ha laysa sugo iminka. U fiirso hadalka. Waa hadal waayeel. Guud mar weeye. Haa.

Doolaal:Waar hadal “waa mergi oo waa kolba dhanka loo duwaa.” Baa la yidhi ee meeshaa waxba idiinma yaalaan. Ha ku lug go’ina.

Dubbe: Waar waxba ku mari maayaane iska daayo horta islaantan garaabada mafrishkeenna ka qaadata magaceedu muxuu ahaa?

Doolaal:Dulmar buu ahaa. Oo waayo maxaa islaantana kaa soo galay maanta?

Dubbe:Shalay bay anigoo halkaa ku weysaysanaya oo ay hadhqoodarka fadhido wax i weydiisay.

Doolaal:Maxay iyana ku weydiisay? Waar illayn cibaaro.

Dubbe:Wax badan may ahayne, waxay wax iga weydiisay safarka Madaxweynaha iyo siyaasadda guud ahaan.

Doolaal:Bal maxaa iyana ka galay safarka Madaweynaha iyo siyaasad iyo umuurahaa? May garaabadeeda iska gurato oo xasarad la’aaniska socoto. Wallee dadkanaan loo taag helin.

Dubbe:Waar illayn meeshu waa dimuquraaddi oo fikirkeeday dhiibanaysaaye. Miyaanay muwaadinad ahayn? Hadday doonto xisbi bay furanaysaa. Haye.

Doolaal: Haddaba habar sheekadeed qaadka hanagaga diline iska aamus oo wax kale ku hadal ninyow.

Dubbe:iga walla habartaasi intay garatay haddaan garanyo carrabkaan cirka la gaadhi lahaa. Waar maxaa laysku lug go’ayaa.

Doolaal:iminka ma kaa dhab baa?

Dubbe:waxay tidhi. “ Hooyo. Madaxweynihii halkuu qabtay baa la yidhi?”

“Yurub.” baan idhi.

“Oo hooyo ma xuma eh doorarkii hore ma dhaamayaa baad u malayn?” ayay i weydiisay.

“Ilaahay baa og, laakiin illaa iminka wax waxii ka duwan ma maqal”. baan idhi.

“Oo hooyo Talyaaniga miyuu tegey baa la yidhi?” ayay ku dartay.

“Haa.” Baan idhi.

“Oo Talyaanigu miyaanu ahayn kii reer Xamarka la jiri jiray?” ayay tidhi.

“waa isagii.” Baan ugu jawaabay.

“Horta hooyo fariiddo ayaan idin moodayay laakiin waxaan u malaynayaa inaa nacasyo tihiin.” Ayay si canaan leh u tidhi intay dhulka ul ku xarriiqday iyadoo hoos u foorarta.

“Siday wax u jiraan?” ayaan ku celiyay.

“Hooyo. Malaha arag xumadayda iyo diifta iga muuqata ayuumbaad istidhi tani wax garan mayso eh. Horta qoftaygaa iminka dulkaa sankaaga geli kartaa albaabkaa- kaa gawaawdhidu ka soo gasho- maan mari kari jirin. Caddaantana Dulmar-Dhuuxo ayaaba lay odhan jiray. Iminkana hooyo waa iska addunyo oo nin walba ama geeri baa soo ridi ama gabow intuu xididku sii qoyan yahay. Waxase jira hooyo araggu wuu doorsoomaa ee qofnimadu ma doorsoonto. Waraabe yari hooyo markuu duqoobo muxuu noqdaa? Dee waraabe gaboobay uun.

Hooyo ninkan aad Madaxweynaha ku sheegaysaan haddii boqol goor la doorto nin is beddelaya ma aha. Hadduu Cadan iyo Cawsa tagan nin isbeddelaya ma aha. Makaanu makaanu. Waa kii uun.

Hooyo markii hore inuun baa la is lahaa hayska tabar darraadee wuxuun buu qaban oo marka uu u liito sharcigaa lagu doortay buu dhawri oo umadda ayuu isu soo dhowayn oo waa laga eed la’aan, oo xasarad la iman maayo.

Aniga hooyo aan kuu warramee anigoo xisbigaa inankaa Adan Madoobe ee Axmed Siilaanyo ku jira oo leh isagaa soo halgamay, berigiina Dulcad baan ku arkay, ee codka sii ayay tu aan habryayr u ahay oo habeensatay uun goor fiida anigoo markaasuun Maqribkii ka baxay ii timi. Kute. “Habar yar Somaliland maanta wadajirkeeda ayaa laga shaqaynayaa ninkaa Marxuumkii meesha kaga tegey ee reer Awdal ayaa codka la siinaya. Yaynaan ceeboobin oo la odhan beelaha kale waxba uma oggola oo xataa kii intaa Ina Cigaal hoos fadhiyay kursigii way u diideen.” Hooyo hadal fiican baabu ila noqday oo daw ah oo sidaasaan horta anigu codkaygii u siiyay. Halkaa Sheekhadda ayaan anigoon kici karayn intaan sii luuday ii banneeya idhi oo ugu riday codkii.

Hooyo. Horta ninkii sidaa loo galay ee mujaahidka looga hiilay iyo inankii kale ee Caaqilku dhalay horta maanta siduu dalkii u galay waa aragtaan.

Midna waan idiin sheegayaa hooyo ee dadku waa dakeennii. Wada qaraabo iyo deris iyo xidid iyo xasabo iyo ehel baynu wada nahay. Dad Ilaahay isku degaan ka dhigay oo isku naf ah ayaynu nahay.

Hooyo maanta wuxuu taro daaye waa maqlaysaan inuu leeyahay haddii lay dooran waayo Somaliland jiri mayso. Habeensadow, waa maqlaysaan inuu markuu afkaa qala qaadaba leeyahay waa lay qabyaaladaynayaa. Waa maqlaysaan inuu kuwan Wasiirra ah soo dirayo oo meel walba ay ka leeyihiin haddii nin Isaaqa la doorto waa la ba’ayaa waa la hoogayaa. Hoostiina la hela. Ilaahay nooma maqlo kuwaa. Hooyo kuwaasi waa sida jiirka. Jiirku haddaanu wax raamsanayn ilkaha hoose ayaa dheeraada markaasu waxba calashan kari waayaa oo dhintaa. Sidaasuu xadhig, bir, qori, cunto, haan iyo wuxuu soo gaadhaba u googooyaa. Markaa hooyo iyagu waxay cunaan uunbay yaqaanaan ee dheg haw dhigina. Mid mid baa xishooda oo meelahoodaa iskaga naban oo waxba yay qabane waa laga ee la’yahay. Mid mid fariidini wuu ku jraa sida Inankaa Darawal la yidhaa iyo ninka reer Laascaanood ee Ina Adan Cadde la yidhaahdo iyo.....

Hooyo. Ninkani waa shinni. Hadda hadalkaygaa gunto. Shinniduna mar bay wax qaniintaa dabadeed way dhimataa. Hooyo ninkan quxuu inna yeeli lahaa iyo wuxuu guran lahaaba dhammaysay. Markaas ayuumbuu inna qaniinayaa. U dul qaata intuu inna dhaafayo. Dadka yuu isku kiin dirin. Reer Awdal soo dhoweeya. Dhuunta gashada hooyo. Waa dadkeenii. Iyaguba dhibaato ayay ku qabaan. Wax ma taro. Weliba iyaga wuu xidhxidhaa baa la yidhi.

Hooyo dalkan dhan ee farxaddu ka maqantay miyaanad arag ee murugaysan mooyee wax labadaa dhoollood caddaynayaa aanad arkahayn? Laba waliba meel bay isku weydiinaysaa. Waar sidee wax yihiin iminka? Waar tan xagaynu uga dhaqaaqnaa? Hooyo dadkii waa madluuuuuuuun. Haaa hooyo. Madluuun.

Hooyo maanta codkiina u hubsada. Xabashi baa lacag siinaysa baan belef ku maqlay oo inuu codkiina iibsado ayuu ku talo jiraa. Yay sun idinku noqon hooyo. Kolba birissh yar oo dadka lacagta lagu dhisay laga soo guray buu odhan anaa dhisay. Kolba dhaldhalaal yar oo naf la caariya ayuu ayaamaha u dambaysaa idin tusi. Lix sandood wuxuu qaban waayay miyuu sagaal bilood ku qaban? Xaaraantii nebi xarrimay. Waa iga dardaaran. 16 sanno iyo saqaal bilood ayuu odaygii sii motanaa. Habeen walba waxaan is idhaahdaa waaga kugu simi mayso. Markaa hooyo waa iga dardaaran ee hadalkayga dhegta u fura. U raaraciya hooyo.

Hooyo maanta ma ninkii dadkii sharrifay ee cisiga siiyay, Ilaahaybaa cisi lehe, ugu abaal gudi lahaa inuu isku diro baa? Ma ninkii xeerkii lagu doortay qabyaalad ka jeclaan lahaabaa? Ma ninkii hooyo ku farxi lahaaba markuu golayaasha curyaamiyo? Gunta ka dhac miyaan idhaahdaa... habarka ma jecli hooyo. U duceeya isna inuu ilaahay meel khayr qabta geeyo inagana inaga kaxeeyo.Aaamiin.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Sunday, June 24, 2007

Maxaa Is Beddelay?


DALJIRE


(Maxaa Is Beddelay?”)


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal:Waar maanta maxaad dhalaalaysaa? Maxaad heshay ninyow?


Dubbe:Ma anigu? Waar dhalaalka waan isaga dhashaye laakiin maanta waxa ii dheer. Mar haddaan 7:30ka beer geel iyo laba farood oo Kurus ah. ka cuno Boodaale ee Khayriyadda u dhowaa ama gabadha halkaa Cabbaaye looga leexdo ku haysa. Oo markay barqadii tahay meelahaa 10:00ka aan Daahir ka caanaha geela ku iibiya halkaa Bangiga ka soo horjeeda ama Doob oo dumbuluqa aan galaas ka tuuro. Dabadeed aan 11:30ka Xagalo hudheelkii Golis ee New Hargeisa u doonto oo aan idhaa “C/lahi yarow. Maant Dhawr baannu nahaye ha nagu soo yarayn oo keen hadda.” Uu yidhaa “Maxaan idiin soo raaciyaa ma waddanidii mise bariis?” Oo illayn wuu iska garanayaaye saddex Xagalo iyo laba Dhuumato geedahii iyo duquskii leh keeno. Oo aan anigoo yar dhididsan ka soo baxo oo idhaado. “waar kii gaadhhigan lahaa mee? Naga daba qaad dheh adeer yarkow.” Oon soo dhaqaaqo oo aan Masno oo halkaa Maaweel ku taal isku soo tuuro oo koobkii liinta ahaa ee aan magaaladaba oollin isku qaboojiyo biyiihiina ka qaato qaadkana isla geedeka hablaha fadhiya ee qaad wanaagga ku caan baxay mid ka qaato inaan dhalaalo miyaanan xaq u yeelan?


Doolaal:Anagaabu na cuni. Waa maxay waxan oo geel ahi; beer geel, caano geel iyo hilib geel. Dee qaad geel umbaa kuu hadhay iyo adigoo muqmad ku qayila.


Dubbe:Waar raashin nin weyni waa hilib geele iska daayo. Waxaan la yaabay dadkan iska xanaaqay markuu Siciid Sulub (Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta) Burco ka yidhi “Maxaa is beddelay? Ina Rayaale awalna waxbaa loo doortay oo raggii la tartarmay baa laga xushay iminka wixii loo doortay weli way jiraane.”


Doolaal:Waar waxaa aad sheegayso ma maqalba anigu. Maxaase looga xanaaqayaa waa runtaaye?


Dubbe:Horta waan garan karaa oo dadkii marka la yidhaa Ina Rayaale ayaa doorasho haddana doonaya ayay boodayaan. Laakiin waxaan leeyahay Wasiirka su’aashiisa uga jawaaba uun dee, qunyar oo dhalatay. Maxaa la xanaaqaysaan?


Doolaal:Oo maxaa ku jira ee lagaga jawaabayaa ee aad sheegaysaa?


Dubbe:Dee waxa loo sheegayaa waxa is beddelay ee uu isagu ugu horreeyo?


Doolaal:Sidee Yacni? Ii bal ballaadhi.


Dubbe “Beenaale markhaatigiisuu fogeeyaa.” Baa la yidhiye. Horta ma xusuusantahay maalintii aynu maqallay Cawil (Wasiirka Maaliyadda) iyo Ina Sulub baa odayaal Habar Yoonisa ku shiriyay Hotel Ambassador oo yidhi “Habar Awal iyo Habar Jeclo ayaa xukuumaddii inaga ridaya ee aan xukuumadda difaacno oo nimankaa iska celinno.” Dabadeed labadooduba markii arrintii soo baxday aqbaleen inay mafrishii Shacabka ku yaallay ee u dhowaa guriga Madaxweyne Ku-xigeenka yimaaddaan oo arrintaa dadkii reer Somaliland ee ka xumaaday ka qanciyaan.


Doolaal:Haa waan xusuustaa. Laakiin waa kuwii dafiray ee yidhi maanaan odhan hadaladaa.


Dubbe:Waa runtaaye way dafireenne. Siciid Sulub mafrishkii ma ka yidhi “Anagu maanta Isaaq ciil kale uma qabno oo waannu ka aar goosannay mar haddii aannu Ina Rayaale dusha ka saarnay.” Oo ma raaciyay? “Inkasta oo anigu berigaa aan Maryo Alool ahaa.”


Doolaal:Soco.


Dubbe:Waar soco ha na odhane marag baanu kuu qabsannay eh ama noo fur ama waa beentaa na dhe. Waar wuxu waa maxay miyaanu nin weyn ahayn?


Doolaal:Way jirtay.


Dubbe:Ma wada naxnay oo ma is wada eegnay?


Dolaal:Adigu rag aan jeclaysani way jireene iska soco.


Dubbe:Weliba wuxuu yidhi laba goor baanu aar goosannay ee tii kale ayaan illaabay. Horta waxaan leeyahay waxa is beddelay isagaa u horreeya ee oo mar hadduu yidhi Isaaq mar labaad ka aargoosan maynno Dahir Rayaalena intaas uunbaanu u doorannay.Aan tiisaba u raacnee, dee waa is beddel ee waa inuu ku socdaa. Maxaa isaga iska beddelay? Illayn Isaaq “mar kale ka aargoosan maayo eh.” Muraadkii Ina Rayaale uu ka lahaana “wuu dhammaadaye.”


Doolaal:Waar wuu iska kaftamaayay. Arrin qaad baad noo sheegaysaa.


Dubbe:Waa run oo Cali Gabilayba wuu iska kaftamaayay eh. Waxa kale oo is beddelay. Berigii saleebaan la dooranayay Siciid Sulub ma ahaa raggii u horreeyay ee arrintaba keenay ee taageeray Saleebaan? Wasiiraddii uu Xaaji Cabdi ka cawday ma ahaa.?


Doolaal:Way jirtay.


Dubbe:Berigaana ma yidhi. “annagu libaax laba jeer raqod ka wada kicin mayno oo mar haddaanu berigii dhoweyd Silaanyo ridnay maanta Saleebaan u dhowaan mayno waanaanu taageyraynna labada beeloodna inay isku soo dhowaadaan baanu jecellay oo Burco midowdo.? Sidiina ma ku hawl galay oo rag sutida maw qabtay?


Doolaal:Way jrtay.


Dubbe:Qoodhaa iyo xeradaaba ku ray. Haddaba maanta Burco midowday ee muxuu ku diidayaa? Taa markaynu ka nimaadno iyo qabyaaladda yar ee laynugu salliday oo ay ‘Land ta weyn u soo noqonno waxa is beddelay aan kuu sheego eh waxaad Siciid tidhaahdaa. Siciidow Somaliland kumay heshiin in kolba qoladii madaxnimada weydaa ka baxdo. Ama koba qoladii haysataa tidhaado haddii nala rido waan baxaynnaa ee horta waxba ha noogu hanjabin reer Awdal baa tegi haddii Rayaale la dooran waayo. Berigii hore waxaydin odhan jirteen haddii Kulmiye qabsado dagaal baa dhici. Markii tii fashilantay baa iminka tidhaahdeen haddii Rayaale la rido Awdal baa tegi. Fadlan reer Awdal cayda ka daaya. Rayaale Awdal maaha, Awdal Rayaale maaha.


Waxaan intaa raaciayay:







1) Barwaaqada darteed


Iyo beri samaad


Haddaad baantayoo


Baarka fidhatayoo


Baal kaa qotomo


Haddaad buuxda maal


Iyo xoolo badan


Haddaad booli qaran


Afka buuxsatoo


Dhereg aad bes tahay


Wax is beddelay Siciid


Dalkii baab’ayoo


Waa busaaradoo


Bakhtiyoo dadkii


Baaxaa degyoo


Bayl daace oo


Beerkuu u yaal


2) Wax is beddelay Siciid


Ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


nagu badhi furyoo


Ballankuu galiyo


Wacadkiise been


Bilaash buuh ahaa


Beel daajiyiyo


Geesi bilan ma noqon


Baraf iyo qabow


Caanaha baqiyo


Bakhtigaa ka kulul


Laga boob dalkii


Sool iyo banan


Boholaa xargagan


Bari iyo Sanaag


Cadaw baa bilcamay



6) Wax is beddelay Siciid


Ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


Guurtideeni buur


Iyo biro adag ahayd


Ee qaranku beri


Ku badbaadi jiray


Baaqeedu nabad


Barkhad tuu ahaa


Budhcad cad buu ka dhigay


Bakhti gawracoo


Buuquu kacsahba


Barbar taagnaoo


Baashiisa mara


7) Wax is beddelay Siciid


Ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


Balwaddiisu xumo


Beeroo colaad


Beelaha dhex gee


Iyo boqol wasiir


Dabay beleliyaan


Kama badato oo


Waxa laga baqaa


Belo inay dhacdee


Bixiyow na bixi



8) Wax is beddelay Siciid


ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


Marsadii Berbera


Bennedyoo xidhyoo


Ganacsigii ka baydh


Boosaaso qabay


Baabuurta Qalab


Bagaash Qaada ee


Miyi Beegsataa


Baandada Guubtiyo


Baaruudda nacab


Ku bislaade oo


Ku basbeele hawd


Loomana birmado



3) Wax isbeddelay Siciid


Ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


Bilicday lahayd


Bulshadeena guud


Dhallintii badnayd


Quruxdoodii bii


Baylah buu ku dilay


Rajo beele oo


Balanbaalis iyo


Baal dacar ka fudud


Doonyo beegsadoo


U boqoole dhoof


4) Wax is beddelay Siciid


Ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


Markuu baawar (power) helay


Baadil buu xaqii


Beddelkiisa dhigay


Maatada ku boob


Baroortooda maqal


Ba’ay tii tidhaa


Jeel la beegsayoo


Soo qabay bilays



5) Wax is beddelay Siciid


Ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


Wayska rogay bustii


Billaduu toshay


Iyo baro shabeel


Boqor buu is biday


Billawuu sitaa


Barre iyo Siyaad


Beeshiisi noqoy


Buri oo Distoor


Gole Baarlamaan


Wayska baal maraa


Buruudkoodi dhimay


9)Wax is beddelay Siciid


Ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


Musuq maasuq beer


Badahii dalkiyo


Buurahii daldalay


Bir-libaaxdii guray


Berriyada Carbeed


Ka binaysay guri


Adhigii bucshare


U boqooli jiray


Eebuuxi jiray


Kuwii beec- wa- shire


Bad ku geyn jire


Baabkii yiqiin


Burucaa la jaray


Budulkay cabeen


Xaaji Baradho iyo


Balaqbalaq la sii


Dhinac looga baydh



10) Wax is beddelay Siciid


ninkii beri na dagay


Ee bugux ka yimi


Saw illayn bayuur


Kama baqaba ceeb


Bir magaydo show


Beri shekadeed


Kuma bawsanoo


Bidhaanteed ma arag


Ninka baaqayee


Halgankii birtiyo


Boobaha wax dila


Loogu babac dhigee


Buuraha jarkiyo


Birjeex loo galee


Beerkiyo wadnuu


Boqolaal kunoon


Baqanayn ku go’ay


Inta baaqiyee


Ka badbaadday iil


Naafada bugteen


Cidi baananayn


Agoomaha basaas


Baahi cawlaneen


Biyo dhaansanayn


Halkuu booqan laa


Bugcaddii xornimo


Beertii ka hiray


Ee tubay bannaan


11) wax isbeddelay Siciid


Idin baranayoo


Bahalaa tihiin.


Idn baranayoo


Baas baa tihiin


Idin baranayoo


Belaayaa tihiin


Soo baraarugnee


Naga baxa hadaba



By A. Geeljire

Monday, June 18, 2007

Burco way Midowday ee Ma Cid baa ka Bugta


DALJIRE

Burco Way Midowday Ee Ma Cidbaa ka Bukta?

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar heedhee haddii Burco is raacdo oo midowdo maxaa uga xanaaqaysaan ee idiinku jaban? Malaa idinkoo beelaha isku dira oo dagaaladii sokeeye nabarradoodii qodqoda mooyee cod heli maysaan? Xukuumad baa tihiine haddii aydin cod doonaysaan maxaa wax ugu qaban weydeen dadka iyo dalka? Burco way midowday oo laba briij yeelatay weliba. Haye. Dillaaca dee.

Doolaal: Waar waqti dadka beelo loo shiriyo ma joogno oo tolla’ay lagu dhex meero.

Dubbe:Horta aan mid idin weydiiyo eh Galbeedka Burco ma cid baa hadiiyad idiin siisay illayn haddii Axmed Siilaanyo Bariga oo qudha la shiro maydaan sidaa tidhaahdeene? Waar in iyaga loo xidhnaado mooyee cid uma xidhna nimankaasi ee ha ku lug go’ina. Waar libaaxii wuu toosay Burcana way is raacday. “dad bay meeli bugtaa,bugtaa. Dad bay meeli bugtaa.” “Bulshada is raacday miyay ka bukaan?”

Doolaal:Annagu cid baa noo xidhan maanaan odhan ee dimuquraadiyaddu waxay ku wacan tahay xisbi nimo.

Dubbe:Waar maxaynu maalin walba wax arkaynaa? Oo maa oggolaataan xisbiyada hadday sidaa tahay? Waxaanse ku weydiiyay, iminka Wasiirkan aad tidhaadeen Axmed Siilaanyo cay ma waxaan kursigii muxuu dadka ku caayayaa oo ku dhimanayaa? Hadda gebigiisuba laba hablood iyo darawalkiisa ayuu wasiir u yahay.

Doolaal:Waxa la yidhi “dundumaan aqaan oo waxaro ayaan aqaan oo looma kala taag helo.” Durba maysku qaadday wasiiraddii? Maantana waa kee kaad sheegaysaa ee wax caayay?

Dubbe:Horta kan oo kale maynaan aragba. UDUBtii waxay tidhi “waah waah waabad naga dhinnayd show” markuu isa soo taagay ayuu isagoon faraxalan HAM iyo HAM ka siiyay iskaraabkii oo werwshed dhan afka ku tuuray. Markaasay cuna isu taagtay. Markii lagu qayliyayna dadkii buu Ingriisi ku caayay oo “shit” ku yidhi.

Ninbaa igu yidhi maalmahuu yimi ayaan idhi “waar halkaad ku soo degtay aan kuu imaaddee?” guri buu ii sheegay buu yidhi. “ii tilmaan baan idhi” buu yidhi. Wuxuu igu yidhi buu yidhi. “waddadaa dheer markaad oo qaado halka buudhiga daxalaystay yaal ka soo leexo, in yar markaad socoto meel biro iskraab ahi ku tuulan yihiin baad arkaysaa; soo yar dhaaf. Dhinaca midig waxa ka qabanaya dukaan yar oo qacaayadi hor taal. Ha ku leexan. Soo dhaaf. Xaajiyad buudhigeed ayaad haddana arkaysaa. Geerash meel ahaan jirtay oo biro hor yaallaan baa kuu muuqan doon. Laba aqal soo dhaaf. Meel bakhaara oo garaa’idka iibisa markaad aragto ka ku xiga ee albaaka birta ah leh weeye.” Waxaan idhi buu yidhi. “waar waxan oo bira oo ninku tilmaamay waa maxay weligay baan meesha marayay oo ma arage? Wax aan bir iyo iskaraab ahaynba miyaanu arag? Ma bir lab buu liqay? Bir liqoo ku dhimo miyaan idhaahdaa.”

Doolaal:Arrintaasi hawl qaran bay ahayd. Warshadda sibidhka ayaa la furfurayaa ayuu yidhi oo mid cusub lagu soo bedelayaa. Wax walba waxbaa ka soo saaraysan. Sidee loo shaqaynayaa oo dadka wa loogu qabanayaa?

Dubbe:Waar taana lama hayo eh. Waxay ahayd kaarto nacas yar oo iskaraabka lagu cunayo eh. Waxa ka daran Wasiirada markaa qorataan shaqada, weliba kuwa debedda ka yimaadda, miyaydaan wax u sheegin? Orientation ma siisaan? Ma adeerkaa soo cay ayuumbaa ku tidhaadaan? Isaga qudhiisu waa mid aan waxba is weydiin. Miyaanu odhanaynba waar raggii kaa soo horreeyay ee adeeradood caayay ee weliba wasaaradaha waaweyn haystay halkay ku dambeeyeen? Waxa la yidhi islaan dawarsan jirtay oo wiil yarna lahayd oo Boorame joogtay ayaa marka la yidhaa naa qolomaad tahay odhan jirtay. “naftayduna waa Jaarso reer Axamedna waan u dhaxay.” Way dhimatay. Kii yaraa ayaa weynaaday. Markaasaa la yidhi waar qolomaad tahay. Wuxuu yidhi. “naftayduna waa Jaarso reer Axamedna waan u dhaxay.” Waa intuu hooyadii isagoo yar ka maqli jiray. Markay dhimatayna cid kale wax uma sheegin. Iminka ninka kursigii Daaniye xejin kari la’ wuxuumbaa ku tidhaahdeen adeerkaana waa Saleebaan Ina Rayaalena waad......u shaqaysaa ee Siilaanyo iyo SNM halgankeedii soo cay.

Waar dadkan marka horeba badidoodu caqliga ka saboolka yihii ee wax u dirataan wax u sheega oo Ilaahiinna ka yaaba. Oo dadkan Quufla wax lagu qafilay uun sidii rikoodhka soo celinaya wax u sheega.

Doolaal:Idinku ninka wax idinka sheega ayaa tidhaahdaan halgankii buu wax ka sheegay. Waar xejista runtaaa laydiin sheegayaa.

Dubbe: Oo waa maxay waxa aydin sheegaysaan? Dadkii baa qabyaalad lagula shiray baad tidhaahdeen. Maalin walba kuwan aydin Madaxtooyada ku shirinaysaan ee leedihiin maantana rer Hebel baa Madaxweynihii la fadhiya waa maxay?

Doolaal: Dee Madaxweynaha sow odayaasha iyo madaxdhaqameedyada inuu arko ma aha?

Dubbe: Wuxuu yidhi Huryo(AHN) “oo haddaa ma kuwayaga ayaa faraajiin ah?” Anagu kuwaanu la shiraynaa haddaa maxay yihiin? Waar kan haygu jeedine maxaad ka war haysaa safarkii Madaxweynaha ee Yurub?(Europe)

Doolaal:Si wanaagsan ayuu u socdaa. Sida loo soo dhoweeyay waad yaabtaa. Dhawr jaaliyadoodna wuu la kulmay. Maxaad ka haysaa adigu.

Dubbe:Horta waa runtaaye jaaliyaduhu way soo dhoweeyeen intaan maqlay. Laakiin ma dhegeysatay jawaabahii uu ka bixiyay su’aalihii la weydiiyay?

Doolaal:Ma maqal laakiin kollay hadal seegi maayo waan garanayaa. Nimaad taqaan waad la joogtaa.” baa la yidhi.

Dubbe:Horta waxaasi waa waxaa ku waasheen ninkan miskiinka ah. marka aydaan runta u sheegayn. Ee qaladka aydaan ka qabanayn. Oo wixii run aan ahayn u saxayn.. ayuu isna cid walba moodayaa inuu UDUBtii la hadlayo oo wuxuu doono iska odhanayaa.

Doolaal:Oo muxuu yidhi ee qalad ah? ta kale adigu dee weligaa madaxweyne maad arage. Ma Madaxweyne dhan oo ku soo hor fadhiya ayaad odhan lahayd waxaasi ma jiraan ama waa been ama waa qalad? Faan weynaa.

Dubbe:Waar ilayn dadka cuni maayee dhegeyso. Horta dhawr arrimood oo uu ka hadlay Ilaahay yaab buu kuu keenayaa. “waar illayn afaan kugu ool ma qabatid.”

Doolaal:Maahee waa sidaad adigu u aragto.

Dubbe:Bal horta maxay ahayd dhe dee?

Doolaal:Hayee maxay ahayd? Baal aan kaa dhegeysannee.

Dubbe:Wuxuu ka sheekeeyey dhibaatada ka haysata ictiraaf raadinta iyo hawsha iyo kadeedka ay u soo maraan isaga iyo Cawil iyo Ina Dhoola-yare. Wuxuu yidhi. “ictiraaf raadiska waxaad moodaysaan inuu hawl yar yahay. Challenges badan ayaa inna hor yaal. Challenges kaa haddaan idiin sheego. Markaanu Nairobi ka dhoofaynay ee aanu Uganda iyo Ruwanda iyo Tanzania tegeynay. Dhib weyn baa nala soo deristay. Ballankii naloo qabtay ayaa saddex maalmood oo isku xiga noqday. Booking waanu weynay. Maxaynu yeelaa baanu nidhi. Arrinkii baa nagu adkaaday. Dabdeed nin reer Somaliland ah oo dayaarad leh ayaan la hadlay. Waar maxawil nagu qaad baan idhi. Wuu naga yeelay oo naqaaday. Challenges kaas oo miidhan baa jira.” Wuxuu ku daray oo yidhi. “ Maalintii shirka AU da lagu qabanay Gabon iyana Challenges baa naga hor yimi. Cabdillahi iyo Cawil baa arjigeenni qaaday. Booking bay waayeen markaa waxay noqotay inay doon raacaan oo webiga kaga tallaabaan oo subaxii dhawr iyo afartan dawladood arjigeenii u dhiibaan. Wax hawl yar maaha. Waxaas ayaa jira oo aydaan ogayn. Ictiraafka ciyaar iyo wax sahlan baad mooddaysaan” Sacabkaaba loo tumay.

Waxaan la yaabay nin dayaarad bilaash ku raacay oo dhibaato ka dhigay. Iyo nin dooni webi kaga tallaabay oo laga dhigay inuu kifaaxay. Waxaan is weydiiyay tolow ninkan oo jabhadeeyaa oo jab iyo hoog soo maraa muxuu samyn lahaa?

Doolaal:Dee waa runtii. Madaxweyne dhan oo kolba madaar tegey oo dayaarad waayay maxaa ka xun. Weliba macaanna wuu qabaa.

Dubbe:Wegerey. Dulligiiyow. Wuxuu yidhi markalena. “Anigu markii lay dhaarinayay mid kelihaata ayaan ku dhaartay. Inaan daacad dalka ugu shaqeeyo oo kelihaata ayaan ku dhaartay. Tiina waan ku shaqeeyaa inaan ku shaqeeyana waan idiinku ballan qaadayaa. Wixii qabsoomi waaya waa halkeed oo waxba kama qaban karo.”

Bal haddaba haddaynu taa raacno oo is weydiino qofku inuu daacadnimo ku shaqaynayo maxaa lagu gartaa? Ma sankaa dheeraada mise falkuu ku kacay iyo natiijadiisa ayaa laga gartaa? Musuq inuu ku kacaa ma daacadnimaa? Qaahira inuu guri ka dhistaa ma daacadnimaa? Distoorka oo uu jebiyaa ma daacadnimaa? Golayaasha oo uu muransiiyaa ma daacadnimaa? Waddooyinka oo uu dhisi waayaa ma daacadnimaa? Dalka oo uu soo dhicin waayaa ma daacadnimaa? Muwaadiniinta oo uu shaqada u diidaa ma daacadnimaa? Adhiga inuu qof qudha siiyaa ma daacadnimaa? Isaga iyo Xabashi waxa ka dhexeeya inuu cidna uga warrami waayaa ma daacadnimaa?

Waa inoo toddobaadka dambe.Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Monday, June 11, 2007

Halkee Bay Ku Dambeysey




DALJIRE
(Halkeebey ku dambeysay?)
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Wadhi. Ah. Ahay ah. Waar golahii siday arrintu ka noqotay? Mise anigaan nidaamka Golaha iyo Xeer Hoosaadkiisa garanayn? Sidee bay saddex nin oo Guddida Arrimaha Gudahu kaga war bixisay inaanay waafaqsanayn xeerkii lagu magacaabay shuruudihiisa oo da’doodu weyn tahay ugu codeeyeen? Miyaanay ahayn arrintu, saddexdaa inaga reeba oo inta kale u codeeya? Mise waxaanay ku qancin warbixintii guddida? Mise wax aynaan ogayn baa jira?
Doolaal:Wallaahi arrintaa aniguba su’aalo mooyee jawaab uma hayo. Markaan jawaab helaba su’aal kale ayuumbaa igu soo baxaysa. Gaaladu waxay tidhaahdaa. “There are more questions than answers.”
Dubbe:Haaye. Markaad qodob yar igu haysaa baad Ingriisi ku hadashaaye. What you talking about? Ma qabyaalad baa ku jirtay baad leedahay? Iska caddee arinta.

Doolaal:Dee bal adba. Bal wax kale ku sheeg. Ama qabyaalad la’aan ku sheeg. Bal macnee. Waxa la yidhi nin reer Boorama ahaa oo dukaan lahaa ayaa mid ka iibiyay dawo xoolaad oo aan loo oggolayn inay dukaanadu iibiyaan. Subaxii buu dukaankii askari soo hor maray. Markuu dhaafay ayuu xusuustay wax uu gurigiisii ku soo illaabay markaasuu isa soo rogay, dukaankii buu sii hormaray. Alaabadii buu soo qaatay oo isagoo shaqadiisii kusocda oo Ilaahay u siciida ayuu haddana dukaankii sii hor maray. Ninka dukaanka lahina intaa wuu arkayaa askariga. Markii u dambeysay ayuu soo baxay oo askarigii buu ku yidhi “ waar iminka maxaad iga hor marmaraysaa ma dawadan yar ee xalay layga iibiyay baad laguu sheegay oo aad doondoonaysaa? Hoo waatane oo nagu kaxee laakiin ha na hor marmarin.” Iminka Golahii dawo ayaa laga iibiyay ee hayska qirtaan.

Dubbe:Horta waa mide aniguba runtii arrintaa more question no answer taa aad sheegtay ayuumbaan ku jiraa. Xeer jebinta iyo xumaanta iyo wax walba siyaasadaynta aan qaranka u fiicnayn Ina Rayaale iyo xukuumaddiisa ayaa qandaraas ku haysatay oo in waxay sameeyaan wax u dhawna golahu sameeyo may ahayn. Laakiin kan Xildhibaanka ah ee Cali-Gabiley ee isna sidaada Ingriisida ku hadlay ee yidhi “No more Somaliland” waa kee? Ma ninka dheer ee cas ee dhukuran ee debnaha waaweynle ee askariga ahaan jiray ee berigii hore Xaashi Minni la odhan jiray baa?

Doolaal:Waar faruuryo weyna ma arag Minnidan aad sheegaysana ma maqal ee waa ninka dheer ee timaha xiira ee golahii horena ahaan jiray ee Ina Xaji Dahir ay isku reerka yihiin. Haa.

Dubbe:Haaa. Miyaanu ahayn ninka mar kasta qabyaaladda wax ku doona ee inanta Xildhibaanka ah ee Ikraan X. Daud ku eedeeyey miisaaniyaddii bay ka codaysay oo Awdal bay ka codaysay?

Doolaal:Ma maqal.

Dubbe:Waar maqashaye. Miyaanu ahayn ninkii berigii xeerkii doorashada la samaynayay yidhi haddaan kuraastaanu rabno reer Awdal (16) nala siin Laandtuba jiri mayso?

Doolaal: Waar maxaad u jeeddaa iminka? Waar yaa Ilaahiisa yaqaan haddaba?

Waar waxaa aad sheegayso ma maqale, ninku waa ninkaa aan kuu tilmaamay laakiin wuxuu yidhi waan kaftamayay ee raalli ahaada. Qofkuna hadduu qaladka cadhadu ka keentay ka soo noqdo waa wacan yahay. Dadkuna maruumbuu wax ka hadhaa ee iska dhaaf arrintaa. Wax aad sii qod-qoddaa kuma jiraan. Move on.

Dubbe:Waar Move iyo Caliyo layne adiga lagu moofeeye; aniga ninkaasi markiisa horeba fariid iilama eka. Raalli gelintiisana mid run ah uma arko waayo ma aha markii u horreysay ee uu waxaa ku hadlo ama marka aad eegto sida uu qabyaaladda u jecel yahay. Waana kuwa Ina Rayaale ku yidhaa baan filayaa, sidaad doonto yeel maxay kaa qaadayaan Dhulbahantena wuu maqan yahay inana waynu goosan hadday is waalaan Isaaquye. Muxuuse la cabaadayaa qabyaaladdu inay sidaa u xuntay miyaanu ogeyn? “what goes around comes around.” Ayaa la yidhi. Yaad Igriisida ka taqaan?

Wallaahi waxaan xusuustay awr raray ah oo aanu lahayn oo Ina Xasow la odhan jiray ayaa marka casarkii seetada laga furo maqasha ku durdurin jiray oo islaamahu “ Doobir, doobir,dooh, dooh, dooh” ku waalan jireen. Marka hogaanka loo soo qado ee la is yidhaa laba haamood oo biyo ah ku soo dhaamiyana marka karbaashka yar ee u horreeya la saaro ayaa qadh-qadhiisa laga bixi jiray oo qofka raraya uu wada uus iyo calyo ka dhigi jiray oo la odhan jiray waar “afka qabta neefku.”

Waar qabyaaladda xumi ninna dan uma aha reerna dan uma aha Somalilandna dan uma aha ee iska daa dhe bahasha. Reer Awdlna muwaadiniin weeye caddaalad xumona ku dhici karto xaqoodana heli kara sida kuwa kaleba. Wixii qaldanna in la toosiyo mooyee tolla’ay meesha kuma jirto.

Doolaal:Waar waxaagan aan xishoonayni wax iskula hadh. Oo Ilaahaaga ka yaab cidina wax kuma tidhaa Madaxweynaha eh.

Dubbe:Dee maxaanu samaynaa? Haddii qofkii wax yar loo diidaaba yidhaa meesha inagu kala kaxeeya oo ilaa Madaxweynihii ay labada suul ku taagan oo leh waa lay qabyaaladaynayaa;sidaanu yeelnaa?

Doolaal:Madaxweynuhu waxba muu odhan ee wuxuumbuu yidhi. “Laba muwaadin oo somaliland ah ayay ahaayeen iyaba ee waxa loo ansixin waayay weydiiya Wakiilada.”

Dubbe:Qabyaalad yare dhe. Tolow Amina Weris miyaanay muwaadinad ahayn? Yaanu se weydiinaa wixii shaqada loogu diiday ee Sawaaxilga looga siiyay? Maxamed Xashi miyaanu muwaadin ahayn? Sawkii isaga oo aan isagu magacaabistiisa lahayn haddana is hor taagay ee yidhi nin reer Awdal ah keena. Reer magaalku sheekooyinka wuu ku yar celceliyaaye islaantii aragtay Shiinaha samaynaya waddada ee garan weyday nooc Allah nooc ay yihiin ee markii loo sheegay inay Shiine yihiin tidhi.”Bariis xume dhe hooyo.” Kama duwana arrintu. Ina Rayaalow qabyaalad yare. Sidiisaba ninkaa maynu mahadin sidaynu u doorannay. Reer Awdalna Rayaale wuu ula siman yahay Somaliland oo keligood may keenin ee yaan loo aanayn.Allow dalka iyo dakuba ma wacnaayeen hortii. Ah.

Doolaal:allayleheh been baad sheegtay ee waa la mahadiyay. Wax badan baa innoogu kordhay doorashadiisii. “Caano yar iyo calaf yarba marka la waayo ayaa la gartaa.” Baa la yidhi.

Dubbe:Horta intii Daahir la doortay
Ee dalka uu xukumaayay

Dib baa loo soconaayoo

Dekaan baynu ku dhownay

Doolaal: maxaa taa u daliila?

Habaar waa debede.

Dubbe:Waar dalka oo isu dhan

Miyaan Daahir la dooran?

Sidee buu ku dambeeyay?

Sida duunyo la qaaday

Rag miyaanu dareersan

Oo dacal aanu maqnayn?

Inagoo isku duuban

Dadka oo is jecel

Tiiyoo laysu dulqaato

Miyaan Daahir la dooran?

Sidee baan ku dambaynay?

Sawtan laysu dudee

Cadho laysu dig leeyay

Distoorkoo la xaqdhawro

Sharcigoon la darjiidhin

Miyaan Daahir la dooran?

Halkeebuu ku dambeeyay?

Sawtan uu ku dacsee

Digta uu ka jaree

Dusha uu kaga joogo

Dekeddoo camiran
Oo illaa daafaha buuxda

Oo daabulkii guri waayay

Miyaan Daahir la dooran?

Halkeebay ku dmbaysay?

Sawtan looga daree

Moohaar soo degi waayay ee

Markii duunyo la waayay

Umaddii degenaydiyo

Dadkii uu ka qaxee

Deeradii ka hadaaftay

Ganacsigoo ah durduur

Xoolahoo la diraayo

Oo dillaal khasaba iyo

Cidna loo daba joogsan

Miyaan Daahir la dooran?

Halkeebuu ku dambeeyay?

Sawtan loo dabrayee

Xaaji uu dan la leeyay

Xaaraan aydaldashaan

Uu digreeto ku siiyee

Adhiilii la dulleeyee


Daba joog laga yeelee



Dibnaa ay cunayaanee

Ay dillaac ku dhawyiin

Baddeenoo dihinoo

Darartoo magawdoo

Kalluun uu daf ka yey

Miyaan Daahir la dooran?

Halkee bay ku dambeysay?

Sawtan doonidu qaaddee

Dumar loo xidhayee

Dal shisheeye la geeyo

Dulmigoo la naco

Xaqoo loo diriro

Musuqoon la dabbaalan

Miyaan Daahir la dooran?

Halkee baan ku dambaynay?

Sawkan doollarka qaatee

Debedaa u baxee

Daaro dheer ka binaystay

Badhna ay sida diirta

Dawladdii ku baxeenoo

Dalamtuu ku hayaanee

Wada diirtay dhamman

Dawyadoo ah nadiif

Laamigoon daldaloolin

Miyaan Daahir la dooran?

Sidee bay ku dambeysay?

Sawtan daad qashina

Lagu daadinayee

Duqsi aad ayax mooddaa

Daacuun uu fidiyee

Dadkii uu wada liito

Sidaasaanu degeynoo

Doobta soo tumayaa

Damac uu ka hayaa

Markaloo laba doortee

Duul Allow ka warran?

Waa duni aakhirsamaan

Ma dar aan wax ogayn iyo

Daasaduu inna mooday?

Wallee waan lagu dooran.

Iyada taa daa……….
Waa inoo toddobaadka dambe
By A. Geeljire

Monday, June 4, 2007

Arlada Dumar Baa Ku Nool


DALJIRE


(Arlada dumar baa ku nool)


“Waraabaha ka ciya Wadhan ka liitee”



By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Doolaal:Waar xaggaad ka dhacday shalay? Waaban kaa raastay anigu. Marna waxaan is idhaahdaa yaa kii inkaarta qabay keena oo murqaankii baa iga si noqday.


Dubbe:Waxbaa shalay i gaadhaye. Saw ismaan odhan suntii Cawil qaybiyay bal wax ku dhintay iyo wax ka nool dhawr mafrash isu mar. meeshaan tagaba aniga ayuumbaa layla yaabaa.


Doolaal:Sidee laguula yaabay yacnii? Maxaad iminka ka sheekaynaysaa?


Dubbe:Maxaad la kulushay weli waxbaba maan odhane. Waar dee iminka fartaa ku gaadha. Waxaan ku idhi meeshii aan tagaba markaan idhaa “waar waxa Cawil yidhi ma maqasheen?” ayuumbaa lay yidhaa. “ Oo adeer ma hurdaad ka soo toostay?waaba Cawile. Maxaa laga dhegeystaa Cawil? Ma waxaan naxli iyo cudur ahaynbuu sheegaa? Waar waanu ka ilbaxnay kaase maxaad noo wadday maanta? Sheeko kale ma haysaa ninkaad sheegeysa “waraabaha ka ciya Wadhan ka liiteeye? Xataaa meel halkaasa oo qaar idinka ah oo sooc ahi fadhiistaan ma garanaysaa? Halkii masaajidka u dhoweyd ee ninka waalani hor fadhiisan jiray. Xataa kuwaasaa ii aamusay markaan weydiiyay. Way yaxyaxeen. Guulwadayaashii ayaa xataa yaabay. Waar dadka xidid baa sii qoyan.


Dolaal:Oo dabadeed maxaad yeeshay?


Dubbe:markaan laba saacadood gudahood afar mafrash isu maray oo dabayli igu dhacday ayaan madax wareer ka qaaday. Waxaan ku tashaday inaanan idinku soo noqon oo aan geedkii daaraddayda ku yaalay iska hoos fadhiisto. Laakiin waxaan rabay ee aan maantoo dhan raadinayay halkaasaan ka helay. Dumar is wareysanaya oo xaafadda u soo wareegay baan sidiinii dhegadhegeeyey. Dee laakiin raamsigii baan joojiyay oo qaadkiiba ma cunin. Ninyow idnku sidee raamsiga wax uga maqashaan markaa na basaasaysaan? Sow waanan u fiirsan oo ilaahay baan baasaasid ii baahinne; dhegta iyo daanku wayisu daloolaan. Dee malaa waa laydin taba baray idinka.


Dolaal:Waar miyuu waalan yahy wuxu? Ma dumar baad dhegeysatay adigoo nin weyna? Iga walla in wax walba lagugu maqli. Oo haddaad dumar dhegeysan karayso maad qaadka iskaba deysid?


Dubbe:Alla ku doori. Waar caqligii iyo xikmaddiiba iyagay ku hadhay. Marka horeba iyagaa inaga xikmad badan. Dumar dumar dumar. Alla maxaa mid xun oo aan waxba ku wanaagsanayni dumarka afka iskala galay?


Doolaal:Waa maxay xikmadda ay ku hadleen.


Dubbe: Horta laba dumar ah ayaa is galay. Waxaan filayaa inay igu soo duushay in midna ay haweeya ugu yeedhayeen midna Deeqa. Sidanay u dhacday:



Haweeya: Naa ma maqashay wuxuu yidhi odaygii Cawil la odhan jiray?


Deeqa: Naa mana maqale muxuu yidhi cajuusku? Ilaahay iyo awowgay Ma-Qallocshaan kuu baryee cadaabta gal. waxa la yidhi da’daa uu yahay intaa ama laba qof buu isku dirayaa ama laba qabiil. Walle eedyar baanu faraha dhigin. Waxa la yidhi islaan baa odaygeedi dhintay markaasay iska sabirtay. Inankeedii baa waxooggaa ka dib dhintay. Way iska sabirtay. In yar ka dib baa ridii ay shaaha ka caddaysanaysay dhimatay. Markaasay tidhi “ Wallee Ilaahaybaan eedyar faraha dhigin. Ama qof ku rarnaa ama neef.” Iminka istaaqfuralla eh. Waxaan uga socdaa. Wallee Cawil baan xumaan faraha ka dhigin oo aan ka gaboobin.


Haweeya: Naa maantuu u darraaye. Alla dumudheeeeey. Yaa yidhi kanaa durriyadda ah?


Deeqa: Naa dee bal noo sheeg. Muxuu yidhi. Maxay leeday lasii qaaddu?Oo adigaaba nagaga darane.


Haweeya: Telefishanka ayaan ka daawaday oo ninkaasi siduu is leeyahay, siduu afka u taagayo ee uu inamada kolba mid farta ugu fiiqayo. Siduu indhaha isugu qabqabanayo iyo khaakhaayiraada waad yaabtaa. Waataan indhaha beelaa ilmaa i qabatay ciilkii. Yaa halkan kuu soo dhiga baan is idhi aad ilkha ku cuntide.


Deeqa: Hoogyey. Keeba indhaha isku qabta? Ma aboorkan? Naa kaasi aragna ma laha uu afka la taagee waa duud abeeso eh. Muxuu yidhi? Aftaagow lagu jecel. Waataan Fu’aad waayaa markaan arko kiiyoo tv ku jira ma bakhtiisaa baa i qabata. Naa iga daayoo muxuu yidhi baad tidhi? Waa aakhir saman eh.


Haweeya:Af buuxa ayuu ku yidhi Isaaq Madaxweynenimada ma geyo. Guul darrayso. Naa miyaa intaa joogteen ee jirteen cimrigiin waxaa maqasheen? Dee waa umad la doorsaday oo halkaa (hunguriga) u dhimatay. Haa. Waa la dhaxal wareejiyay. Dhulku idinla go’. Naa malaa way falan yihiin? Falkii la sheegayay baa runa malaa.


Deeqaa: Naa ma waataad aabahaa weydaabaa?


Haweeya: Waataan aabahay iyo intuu dhalayba waayaa inaanu wax kale odhan. Oo labadaydan dhegood baan ku maqlayay eh.


Deeqa: Naa Ilaahbaan kugu dhaarshee run ee sheeg.


Haweeya:Runtii waa sidaa. Waaban kuu dhaartee.


Deeqa:Oo Isaaqoo dadkiisii ku madhay oo ku debedyaaloobay oo ku duni waayay oo ku curaddo beelay oo ku goblamay hadduu kursiga u qalmi waayo yaa u qalma haddaa? Naa malaa wuxuu u jeeday kolba qolo ayaa haynaysa kursiga? Kolba cidii loo doorto. Mise uma qalmaan buu yidhi? Qallal dheh. Allaylehe intay u qalmaan baanu ku tusi iyagoo dusha kaga fadhiya. Haye. Naayaadhaheen. Maxaanu wax walba u soo joognay. Naa tanna ma noo dambaysay. Oo afarta shilin ee xaaraanta ah ee uu musuqmaasuqa ku qaato ayuu Isaaqoo dhan u yasayaa? Ku go’ dheh. Naa may dhuunta u fadhiistaan? May may may. Ninkaa horaa loo sheegay. Isaaq naf ma leh. Isagaa saxa. Oo hadday naf leeyihiin ma kaasoo kale ayay isu jebin lahaayeen. Hogayeeey. Naa haddaba ma qarracmaa? Inamadayda waataan waayaa diiqaddii ayuu diricii iga yaraaday. Naa bal xaggaa iiga durka. Oo Yaa geya buu yidhi markaa gunta ka dhece?


Haweeya:Ciddii aan Isaaq ahayn buu yidhi. Waayo wuxuu yidhi Isaaqu way is dilayaan hadday midkood Madaxweyne noqdo. Horena way isu dileen buu yidhi.


Deeqa:Habaarka hoostaada la hel dheh. Horta anigu xaqiiqada bil xaqiiqatan haddan kuu sheego. Ma diidani in cid kale kursi qabato oo reer Somaliland waa hal qoys. Kii ka naxayaa ha ka naxo. Isaga ayuumbaa mid liita ahe oo dal iyo dad toona wax u qabanayne, iminkaba waa kaa jooga nin aan Isaaq ahayni ee ma reerkiisaa keenay sow dadkoo dhami uma wada codayn? Waxaanse ka muraaradillacsanay Isaaq ma geyo. “Hadal hadal ma ku daayaa” bay tidhi. Naa dago yahay islaameed hadalku qadhaadhaa. Tabaadsadow. Tan uu yidhi way is dilayaan. Ma dad walaalo ah oo is dila bay u horreeyeen? Haabiil iyo Qaabiil oo aabbo iyo hooyo wada dhaleen oo dunidaba laba ku ah ayaa is dilay oo mid lagaga quruufay. Naayaadhaeen. Muxuu moodayaa? Ragga walaalaha ahi waanay is dilaan waanay heshiiyaane. “carrab iyo labadiisa daan baa is qaniina.” Adiguse Cawilow xaggaad joogtay markii Isaaqa la laynayay. Miyaanad Afweyne la joogin? Kuwaadse jowaanada ku soo qaadaysey ee jeelka Afweyne lagu gurayay miyaanay Isaaq ahayn oo weliba Habar Yoonis ahayn? Naayaadhaheen. Casalla callaa muuna. Ma inaanu illownay buu moodayaa. Hadduu yidhi qaar kale ayaan jowaan kusii ridayaa oo Gaalkacayo geynayaa. Naa dhiman waaye muxuu wax walba arki.


Haweeya: Naa munaafaqnimadiisa waa ninka yidhi. “doorashadii markaan Ina Rayaale raacay Isaaq baan kala badbaadinayay.” Ilaahow kaa halka lagu cadaabayo ha joojin haddaan kuu salaadno oo kuu soonno.


Deeqa: Naa waa jirjiroole eh. Kolba halka uu ku joogo ayuu u egyahay. Iminka shalmadaydaa hadduu ku joogsado sideedaas ayuumbuu shagaar yeelanayaa buni iyo akhtar ah. Hadda ninka caynkaas lihi waa ninkii markii doorashada Radio Hargeysa ka yidhi. “Kulmiye waxa ku jira reerihii beeshayada laayay dagaalkii sokeeye oo u codayn mayno sidaas baanu UDUB u raacaynaa.” Ma kii baa maanta leh isaaq baan kala badbaadinayay? Weligiin bal been intaa leeg ma aragteen. Waakii Cabdi Aw Dahir u jawaabay.


Haweeya:Haaye isagu wuxuu jecel yahay inuu naxliga iyo xumaanta sidii Dhidarka qodo oo dabdeed naafac ka dayo. Tolow maxay tidhi yartayda raxma oo habeen dhoweyd ka inan ah sara joogga ku diiratay? Iyada oo aan canaananayo ayuu ku yidhi. “naa hooyadaa maqal.” Ayay ku tidhi Kelmad Ingriisaya oo aan markii dambe weydiiyay oo ay tidhi waa; ha ka kalluumaysan biyo cakiran. Naa tolow maxay tidhi? Haa. Waxay tidhi “no fish wooter tarabal.” Wax caynkaasa oo miyaan karayaa. (Do not fish in troubled waters) Markaa qudhunkaas uumbuu faraha kula jiraa cimrigii. Dadkii yaqaanay sidaasay yidhaahdeen.


Deeqa: Naa wooter trabalkaase, isagaase eediye. “Caaqilo halkii lagu galay caw ku hurudaaye.” Isagay dambarsan doontaa. Shib ka dhaha dago xaawalayeey. Waxaanse isaga iyo kuwa maanta isle Isaaq isku dira oo kala kaxayntooda kursi ku hela u sheegayaa. Waa tay ku go’aan; inaanay u suura gelayn. Waxaanu leenahy somaliland waa wada walaalo. Kii Ilaahay u garto ayaa kursiga fuulaya. Qolana angu odhan mayno ma geydo. Ciduu doono ha ahaado. Laakiin inaydin mar kale Isaaq kala qoqobtaan oo naxli kula wareegtaan. Xaasha. Xaaraantii nebi xarrimay. Calayhi salaatu wasalaame. Baabacadaa timo may ka soo bixi. Abadan. Cawilna, waxba yuu soo dhumaalaysan oo 127 qof soo jiidhin oo qabaa’il dhan soo dhuqayn. Khuuradiisa waanu ognay. Garxajis buu is leeyahay walaalahii ku dir. Waataad eeddaa Cawilow. “waaba lax baa lagaa yidhi.” Waxii yaraa ee ku dhex jirayna way ka heshiiyeen. Dadkooda ayay wax la qabsanayaan.


Haweeya: Naa na dhegeysta dee. Naa anna qabadhaasan meelay joogto ka fogaan waayay. Naa bal u kaadi. Ilmaadeerayaal kuwan dumar ahi qaylo badanaa. Wuxuu yidhi Muse Carre iyo Adan Madoobe Yuhuud bay cad ku leeyihiin. Inkasta oo uu yidhi nin kale ayaa sidaa igula kaftamay.


Deeqa: Yuhuudaa? Yoomul Qiyaamaha lagu shid. Keebaa yidhi ninbaa igula kaftamay? Nacstiiyey. Hoogtoy. Tii aqoonta qaanso qurqurkeed loo saararay. Naa orodoo is doox caanyo yahay. Ma inta wax lagu yidhaa ayuumbaad iska soo qaadanaysaa sidii dameer malab la saaray?


Haweeya: Hee. Maxaa dhacay? Naa maxaad igu xuubsatay?


Deeqa: Naa weligiiba run muu sheegin. Isagaa odhanaya. Markaasuu rag kale ku xoqanayaa. Waxa lagu leeyahay siduu isu miskiiniyo. Siduu dhulka isu dhigo. Siduu isaga oohiyo sidii mid run sheegaya tacajab baad u go’aysaa. Dhabankaa iyo shantaas ayuumbaad isa saaraysaa.Weligaa ha rumaysan. Muse Carre iyo Adan Madoobe wuxuu Isaaq yahay ayuumbay yihiin. Yuhuudna ma aha ee waa ahlu baytkaa ashahaadanaya ee islaamka ah ee islaamku dhalay ee ashraafta ah.. Naayaadhaheen. “sitoy Faadumo Rasuuleey sawjaddii Calaay. Maalintii bacad kulayl biyo nasii.” Eeg eeg eeg. Naa eeg. Intaa wuxuu is leeyahay kolba laba reer meel madaxa isugu xidh. Naa ma dadkaanu lahayn haydin hoggaamiyeen oo qabyaalad haydinka saareen ayuumbaa halkaa maanta na marinayaa. Ilaahayow tooba. Ilaahow intaanu iska dulqaadayno meel xun loo qaadkan nagu sin. Ilaahaw adaa qaadiree qasaare ha nagu ridin. Ilaahayow waad aragtaa umadda laysku dirayo ee addoomahaagii ah ee aan is necbayn ee wada dhashay ee wada xidi iyo xigaal ah. Ilaahow adaanu kaa hoos gallay. Anaga ka Isaaq, ka Samarroon ka Daarood ka dad kale ah waa isugu kaayo mid kii wax khayrle na taraaba. Kii dhibta iyo dhuguca wax nooga qabtaaba waa kii kale. Ilaahow quluubtayada isu soo jeedi. Ilaahow wixii xun naga qabo. Naa dee aamiin dhaha afku idin go’ miyaan idhaahdaaye.


Haweeya: Wuxuu yidhi Burco ayaan tegey oo markaan Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar soo xidhayay Habar Yoonis tii way dhunteen. Markaasaan intaan sidaa suuqa isu dhex taagay idhi. “car soo baxa dee haddaa rag tihiin oo Suldaanka wax ka celiaya.” Iminkana Ina gaboose ayaan dayaarad u saarayaa Gaalgacayo. Kuwa la socdana waan xidhayaa.


Deeqa: Birriq birriq. Muxuu yidhi baa tidhi? H. Yoonis baa iga yaacday. Naa ma Ina Rayaale ayuu ina moodayaa inagana. Kaasuu waxaa ugu sheekeeyaa baa layidhi ye. Waar orodoo cidaad waxaa ugu sheekayn jirtay ugu sheekee. Habar Yoonis boqortooyadii Ingriiska ayay ka yaaci weyday ee ma adigay kaa yaacaysaa. Miyaanay ahayn raggii Giib diley ragguu sheegayaa? Hawl yar yari. Naa maxaa afka laysku jaqayaa oo laysku lumayaa? Naa heedhee naa tolow yaa i tusa? Walaahi intaan cunahaa la ledo ayaan ceejin lahaaye. Naa haddan gartay. Naa gabdhiisa inoo geeya aan ku soo boodnee isaga waxa layna odhanayaa oday raq ah ayay faro saareene.


Haweeya: Dee halkan ma joogto.


Deeqa: Aabhaa weydee? Naa miyaad iska hadlaysaa? Oo ma da’danuu soolane ku yahay? Silic ku dhimo miyaan idhaahdaa? Oo illayn waa wuxuu la lismay ee la madhay. Oo naa halkuu wax ka cunaa?


Haweey: Dee moojidiisa. Waxaan maqlay guriga Ina Rayaale.


Deeqa: Oo illayn ninkuba in yar oo hadhuudha oo madaxtooyada laga siiyo ayuu inagu galaaftay. Waar iskaga kaalay dheh anaguba waanu kuu karine kadab go’e. ma cimrigaasuu doc guri kale ka cawlan yahay. Waar hudheeladaba tag dhe. Habeenso eh. Ha na ceebayne.


Haweeya: Naa sidaad mooday maaha. Cunto muu waayin iyo cid u karisa toona. Ilayn inanba wuu qabsan lahaaye. Naa waxa lagu leeyahay ninka xukuumadda ku jira ee Ina Rayaale la casheeyaa, waay la tahay inuu carrabka cirka la gaadhay. Naa iska aamu war ma hayside. Naa garawgu waa derejo. Cilmi Jaamac Ciyaar mood. Naa illayn habeensato dunida waad ka huruddaa. Naa raggeenii ma noola. Hambada Ina Rayaale ayuumbay sidaa kuyuu ugu jiraan baa lagu leeyahay. Akhas calykum. Wejigiin gubey. Waxay yidhaahdaan oo hankooduba yahay baa la yidhi. “caawa anigaa soo seexiyay oo la soo casheeyey. Nin igagama dambeyn.” Markay inagu soo noqdaana waxay yidhahdaan “calooshaa caawa i yar xanuunaysee iska casheeya.” Calankiin jab. Naa walaal malaa sheekhii baa ina habaaray waxani nacasnimo ka badane.


Deeqa: Naa horta inaadeeray maxaad dhiiggayga shan uga dhigtaa ee aad waxaa aniga iiga sheekaysaa? Markayga horebana dhiig kar baan leeyahay oo Maxamed yare markii aan uurkiisa lahaa sidii uu iigu dhacay igama teginba. Iminka waa lix sano iyo badh. Laba habeen baa malaha ka dhiman qiyaaastii. Haa. Cirkaasuu isku shareeraa. Iminka intaa kurta ayaad mooddaa in dubbe laygaga garaacayo oo labada dhafoor iyo mergiga ayaa gaw gaw gawdaa i haya. Isaga dhabarka hadalkiisa daa. Iyag garbaha oo dhankan degta soo xigta iyo labaa gacmood iguma yaalaanba. Sidaa gacanta uma qaadi karo oo dhankaa ma jalleeci karo. Dhakhtarna ma tago oo Ilaahaybaan iska aaminay. Isagaa qaadir ahe.


Haweeya: Alla ha ku caafiyee wuxuu yidhi....


Deeqa: Naa naga daa qidhim laga siiga waxna odhan maayo kaasiye.Intii horaanu ku xanuusanaye. Naa sanadkaa maanta ah cidna siri kari maayaan. Meel walba waa laga bartay. Isaaqna iskuma diri karaan. “Mar i dage Alla ha dago. Mar labaad i dagese anaa is degay.” Baa la yidhi. Ta kale markay afka inoo geliyaan ee aynu Isaaq Isaaq da uun gurno dadku waaxaabay moodi in wax kale loo jeedo. Looma jeedo. Xukuumad dib inoo celisay oo halgankii taariiikhdiisii baabisay oo dadka dhafoor taabanaysa ayaynu gacmaheenna ku keensannay. Iminkana aan iska ridno marka doorashadu timaado. Kana feejignaada isku dirkooda oo dadka walaalaha ah yaan la kala soocin.


Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire

Somaliland Qofba Si La Ah


DALJIRE


(Somaliland Qofba si La Ah)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe:Maanta waxaan la kulmay odayaal Guurtida ah oo meel mkhaayada fadhiya oo aan iskla fadhiistay.


Doolaal:Maxay hayeen odayaashu?


Dubbe:waxay ku dawakheen wixii C/lahi Ducaale ku akhriyay.


Doolaal:Oo siday ugu dhawakhaan? Si fiican ayuu ugu balbalaadhiyay jawaabahii oo dhan. Siyaasaddii debedda, xidhiidhka Ethiopia iyo kiuwa caalamkaba si la yaqaan buu ugu faahfaahiyay. Waar ninkaasi waa hadal yaqaan.


Dubbe:Horta way iga qosliyeen. Wuxuumbaan la kulmay iyagoo leh. “ Waar inankii Wasiirka ahaa ee Ina Dhoollayare muxuu ina yidhi? Dayuuraddii ina dul martay ee la garan waayay muxuu kagaga warramay?”


Doolaal:Sawkii yidhi soo weynay oo cid ka war haysaa ma jirto “hawaduna way iska furantay.”


Dubbe:Waxay fahmi waayeen Madaxweynahan taleefanka qarxiyay ee dayuuradda shaydaan waayay iyo dadka la soo weydiiyay ee garan waayay iyo Cali Warancadde oo yidhi waa la gartay dayuuraddii; waxan oodhan bay waxba ka garan waayeen. Waxay waxba ka garan waayeen ictiraafkan la raadinayo uun ee haddana sii fogaanaya. Xabashidan aynu is hoos dhigayno uun ee haddana C/lahi Yusuf inaga raacaysa. Wixii baan markaan fahamsiiyay.


Doolaal:Allah! Waar odayaasha miyaad sii waashay iga wallaanad wax fahansiine?


Dubbe:Mayee waan u jilciyay. Waxaan idhi. “ma garanaysaan miyiga carrurta qaar guryaha ku hadha oo aan xoolaha raacin oo waraabe xoolaad ah oo ama casarkii markay soo dhawaadaan xooluhu la yidhaa ka hortaga oo qofka wada xoolaha soo nasiya. Ama mar mar la yidhaa ordoo maqashii soo eega ama nirgihii reerka joogay oo dabadeed intay kaa dhaqaaqaan oo kaa libdhaan dundumo isku toosin jiray oo markay waxoogaa kaa maqnaadaan soo noqda oo yidhaa “xoolahii dhan walba ka soo eegay oo soo waayay.” Oo dabadeed guriga iska joogi jiray.”


“Haa.” Bay yidhaahdeen. “horta Wasiirku waa noocaas.” Baan idhi. “idaacaddii uu unta badan inoogu maqnaa miyaa aragteen?” baan weydiiyay. “waar haddaanu garanay.” Bay yidhaahdeen. “oo inankuba caws iyo biyo ku nool iyo reer guura-raac buu nooga sheekeynayay show. Waxan uu shubayaa inanku waa maxay uumbaan idhaahdaa. Waa wuxuu kolba la ruqruqaansanayay show.” “Aabahaa la jannee. Alla ninkaa Aabihii fariidanaaye.” Bay raaciyeen.


Doolaal:Maxaan sheegayay. “Nimaad taqaan waad la joogtaa.” Baa la yidhi.


Dubbe:Maan waaline, iyaba waa rag waaweyn oo weligood soo jiray oo way garteen muluqmuluqda inaka eh; odayaasha waxan aydin ku akhriyaysaan ee dalka oo dhan afuufaysaan ka daaya. Ta kale iminka xukuumaddii ma beelo ayaa ka dhigteen oo hab dawladadeedkiiba waa ka baydheen?


Doolaal:Oo sabab? Maxaad ku keentay?


Dubbe:Dee sawdinkan wasiir walba odhanaya qofkaad isku reer tihiin u jawaab oo daba gal. Maxaa Ina Gabboose u daba dhigteen Cawil iyo Siciid Sulub inkasta oo aanu Ina Sulub afxumoonin? Haddii ururka Qaran laga hadlayo rag badan baa ku wada jira eh maxaa goonida ugula baxaysaan Ina Gaboose? Maxay uga hadli waayeen wasiirada ay khusayso ee sharciga la xidhidha? Ina Gaboose iyo ururka Qaran ma foojarro ayaa ka yaal Maaliyadda mise jago ayay Shacabka ka doonayaan? Waa sidee dee arrintu?


Doolaal:Maxaad taa u odhanaysa? Nimankanu waa wasiirro oo xukuumadda ayay u hadlayaan. Maxaa ku jaban taa?


Dubbe:Waar heedhee. Dee maystidhi Hindi baad ii haysataa? Ma Hindi baad i moodaysaa adeer? Yacni anaa Baaniyaal? Waar wasiir xukuumada u hadlayaana ma jiro ee waanu idin naqaanaa ee dawladnimada sidan ka daaya. Ta kale hadday wuxu beel beel yihiin Suldaan Wasiir Sulub muxuu ku dhimanayaa sawtii kii u lahaa “ laba nin oo reer Caynaashe ah baanu ugu shaqaynaa dawladda, taliyihii C.I.D da, ee maxaa lanoo sheeganayaa” la eryey maaha.. Iminka ma kelidii haanlaa mise “afartii reer Nuur” ee uu sheegayay ayuu ku biiray?


Doolaal:Waar ninkaa waad iska haysataa wuxuu yidhi “xeerku Qaran ma oggola.” Hadday intaasi ceeb tahay iyo haddii kaleba. Wasiirku inuu Burco tago oo arrimaha siyaasadda ka hadlana waa waxa uu wasiir u yahay. Waar umaddan yaa dawladnimada baray? Oo indhaha ayuumbay faraha iska wada gelinaysaa?


Dubbe:Maya bahshan Somaliland ta ayaan isku siba inala ahayn. Anagana waa nala si dinkina waa idinla si.


Doolaal: Waa maxay sida ay idinla tahay ee aanay nala ahayni?


Dubbe: Idinka Somaliland tiinu waxay idinla tahay meel hungry loo joogo oo waxa ay ka kooban tahay Qabyaalad iyo dad la kala xadayo layskuna diro si arrimahiinu idiinku suura galaan.. Wasiir hebel aan ku hagaajino hebel ama reer hebel. Maayarka meel heblayaayo aan lacag ka soo qaadno ama siduu dhul inoo siiyaa. Gancsade hebel aan u xidhno ganacsiga si aynu wax uga helno. Meel heblaayo aan ciidanka nidhaahno iskaraab ka soo gura aan iibinnee. Kee baa lacag haysta oo aynu wax ka soo ridanayaa. Dekedd. Total. Wershed sibidh. Caaglayaal. Saad iyo shidaal. IWM. “ninna dhuunuu kuu dhexjoogaa...”


Dolaal: Idinkana tiinu maxay ka kooban tahay?


Dubbe:Anaga Somaliland tayadu waxay ka kooban tahay:


Islaantaa wadhatada fadhida, ta caanaha la wareegeysa ee leh “gadhoodhka gadhoodka”, ta qaadka suuqa la fadhida ee carrurta ka masruufta ee intaa dhacdaan haddana weli qosli karaysa ee mid kale idin amaahinaysa, inanka yar ee shaaha qaada, ardayga dugsiga ku kallahaya ee arkaya labadii ka waaweynaa ee qalin jebiyay oo aan shaqo la siin haddana aan niyad jabayn, carruurta malcaamadda ee quraanka subcinaysa aanse ka war hayn inaydin mustaqbalkoodii cunteen, gabadha hilibka qasha ee hadday tidhaa cashuurta naga dhima Guddida Nabadgelyadu jeelka u dirayso, umaddan wanaagsan ee wax ka weyn daayoo haddii gaadhi kaa banjaro boqolaal ku caawinayaan, ka adigoo qadaynaya iskala kaa soo fadhiisnaya ee hilibka kuu jarjaraya adigoon garanayn, ka joornaalka aad akhriyayso dhinacakaga qabanaya ama keenba ku odhanaya, ka adigoon ka codsan kula talinaya, ka cimaadadda aad sidato ku odhanaya “waar bahashu fiicanna? Waar bal tan iska keen” ka iska kaa weydiinaya waxaad xalay qabanaysay waayo dhawr goor baad meel uu fadhiyay hor martay, dadkan maalin walba cadaalad xumada maxkamada kala kulmaya ee haddana weli iyadii ku sii socda ee u ashtakoonaya, Dhallinyaradan aan shaqo iyo rajo hayn ee haddana niyadsamida ku jooga dalkooda, Mujaahidkan naafada ah iyo kan aan ahayn ee dayaca ka mutaystay halgankoodii ee haddana weli heeganka ah, agoomahan gaajada la gotay ee hadana maqlaya daaraha waaweyn ee aydin dhisataan ee xoolaha umadda ka dhisataan, ganacsatadan yar yar ama dhexe shilin shilinka gaadhsiinaysa ee dhaqaalaha dalkuba ku fadhiyo haddana darumada iyo cashuur qaaliya ku haysaan, ganacsatadan waaweyn inta ka madax banaan boobka hantida umadda, wadaadan tabliiqa ee Ilaahay ka yaaba leh, suxufiyiinta halganka inagu soo gaadhsiisa waxa dalka ka socda ee haddana hagardaamada ku haysaan, iyo boqolaal sawir oo kale oo laysu geegeeyay ayaa na jeclaysiiya dalka oo nagu khasbaya inaanu ka ridno bahalahiinnan qalbigu gudhan yahay. Wuxuu yidhi Koosaar Cawar. “Allah waa nalooga qaadi waayay ee maxaannu iimaan u dhallanay.”


Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebe idmo.


A. Geeljire