
DALJIRE
(“Maxaa Is Beddelay?”)
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Doolaal:Waar maanta maxaad dhalaalaysaa? Maxaad heshay ninyow?
Dubbe:Ma anigu? Waar dhalaalka waan isaga dhashaye laakiin maanta waxa ii dheer. Mar haddaan 7:30ka beer geel iyo laba farood oo Kurus ah. ka cuno Boodaale ee Khayriyadda u dhowaa ama gabadha halkaa Cabbaaye looga leexdo ku haysa. Oo markay barqadii tahay meelahaa 10:00ka aan Daahir ka caanaha geela ku iibiya halkaa Bangiga ka soo horjeeda ama Doob oo dumbuluqa aan galaas ka tuuro. Dabadeed aan 11:30ka Xagalo hudheelkii Golis ee New Hargeisa u doonto oo aan idhaa “C/lahi yarow. Maant Dhawr baannu nahaye ha nagu soo yarayn oo keen hadda.” Uu yidhaa “Maxaan idiin soo raaciyaa ma waddanidii mise bariis?” Oo illayn wuu iska garanayaaye saddex Xagalo iyo laba Dhuumato geedahii iyo duquskii leh keeno. Oo aan anigoo yar dhididsan ka soo baxo oo idhaado. “waar kii gaadhhigan lahaa mee? Naga daba qaad dheh adeer yarkow.” Oon soo dhaqaaqo oo aan Masno oo halkaa Maaweel ku taal isku soo tuuro oo koobkii liinta ahaa ee aan magaaladaba oollin isku qaboojiyo biyiihiina ka qaato qaadkana isla geedeka hablaha fadhiya ee qaad wanaagga ku caan baxay mid ka qaato inaan dhalaalo miyaanan xaq u yeelan?
Doolaal:Anagaabu na cuni. Waa maxay waxan oo geel ahi; beer geel, caano geel iyo hilib geel. Dee qaad geel umbaa kuu hadhay iyo adigoo muqmad ku qayila.
Dubbe:Waar raashin nin weyni waa hilib geele iska daayo. Waxaan la yaabay dadkan iska xanaaqay markuu Siciid Sulub (Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta) Burco ka yidhi “Maxaa is beddelay? Ina Rayaale awalna waxbaa loo doortay oo raggii la tartarmay baa laga xushay iminka wixii loo doortay weli way jiraane.”
Doolaal:Waar waxaa aad sheegayso ma maqalba anigu. Maxaase looga xanaaqayaa waa runtaaye?
Dubbe:Horta waan garan karaa oo dadkii marka la yidhaa Ina Rayaale ayaa doorasho haddana doonaya ayay boodayaan. Laakiin waxaan leeyahay Wasiirka su’aashiisa uga jawaaba uun dee, qunyar oo dhalatay. Maxaa la xanaaqaysaan?
Doolaal:Oo maxaa ku jira ee lagaga jawaabayaa ee aad sheegaysaa?
Dubbe:Dee waxa loo sheegayaa waxa is beddelay ee uu isagu ugu horreeyo?
Doolaal:Sidee Yacni? Ii bal ballaadhi.
Dubbe “Beenaale markhaatigiisuu fogeeyaa.” Baa la yidhiye. Horta ma xusuusantahay maalintii aynu maqallay Cawil (Wasiirka Maaliyadda) iyo Ina Sulub baa odayaal Habar Yoonisa ku shiriyay Hotel Ambassador oo yidhi “Habar Awal iyo Habar Jeclo ayaa xukuumaddii inaga ridaya ee aan xukuumadda difaacno oo nimankaa iska celinno.” Dabadeed labadooduba markii arrintii soo baxday aqbaleen inay mafrishii Shacabka ku yaallay ee u dhowaa guriga Madaxweyne Ku-xigeenka yimaaddaan oo arrintaa dadkii reer Somaliland ee ka xumaaday ka qanciyaan.
Doolaal:Haa waan xusuustaa. Laakiin waa kuwii dafiray ee yidhi maanaan odhan hadaladaa.
Dubbe:Waa runtaaye way dafireenne. Siciid Sulub mafrishkii ma ka yidhi “Anagu maanta Isaaq ciil kale uma qabno oo waannu ka aar goosannay mar haddii aannu Ina Rayaale dusha ka saarnay.” Oo ma raaciyay? “Inkasta oo anigu berigaa aan Maryo Alool ahaa.”
Doolaal:Soco.
Dubbe:Waar soco ha na odhane marag baanu kuu qabsannay eh ama noo fur ama waa beentaa na dhe. Waar wuxu waa maxay miyaanu nin weyn ahayn?
Doolaal:Way jirtay.
Dubbe:Ma wada naxnay oo ma is wada eegnay?
Dolaal:Adigu rag aan jeclaysani way jireene iska soco.
Dubbe:Weliba wuxuu yidhi laba goor baanu aar goosannay ee tii kale ayaan illaabay. Horta waxaan leeyahay waxa is beddelay isagaa u horreeya ee oo mar hadduu yidhi Isaaq mar labaad ka aargoosan maynno Dahir Rayaalena intaas uunbaanu u doorannay.Aan tiisaba u raacnee, dee waa is beddel ee waa inuu ku socdaa. Maxaa isaga iska beddelay? Illayn Isaaq “mar kale ka aargoosan maayo eh.” Muraadkii Ina Rayaale uu ka lahaana “wuu dhammaadaye.”
Doolaal:Waar wuu iska kaftamaayay. Arrin qaad baad noo sheegaysaa.
Dubbe:Waa run oo Cali Gabilayba wuu iska kaftamaayay eh. Waxa kale oo is beddelay. Berigii saleebaan la dooranayay Siciid Sulub ma ahaa raggii u horreeyay ee arrintaba keenay ee taageeray Saleebaan? Wasiiraddii uu Xaaji Cabdi ka cawday ma ahaa.?
Doolaal:Way jirtay.
Dubbe:Berigaana ma yidhi. “annagu libaax laba jeer raqod ka wada kicin mayno oo mar haddaanu berigii dhoweyd Silaanyo ridnay maanta Saleebaan u dhowaan mayno waanaanu taageyraynna labada beeloodna inay isku soo dhowaadaan baanu jecellay oo Burco midowdo.? Sidiina ma ku hawl galay oo rag sutida maw qabtay?
Doolaal:Way jrtay.
Dubbe:Qoodhaa iyo xeradaaba ku ray. Haddaba maanta Burco midowday ee muxuu ku diidayaa? Taa markaynu ka nimaadno iyo qabyaaladda yar ee laynugu salliday oo ay ‘Land ta weyn u soo noqonno waxa is beddelay aan kuu sheego eh waxaad Siciid tidhaahdaa. Siciidow Somaliland kumay heshiin in kolba qoladii madaxnimada weydaa ka baxdo. Ama koba qoladii haysataa tidhaado haddii nala rido waan baxaynnaa ee horta waxba ha noogu hanjabin reer Awdal baa tegi haddii Rayaale la dooran waayo. Berigii hore waxaydin odhan jirteen haddii Kulmiye qabsado dagaal baa dhici. Markii tii fashilantay baa iminka tidhaahdeen haddii Rayaale la rido Awdal baa tegi. Fadlan reer Awdal cayda ka daaya. Rayaale Awdal maaha, Awdal Rayaale maaha.
Waxaan intaa raaciayay:
1) Barwaaqada darteed Iyo beri samaad Haddaad baantayoo Baarka fidhatayoo Baal kaa qotomo Haddaad buuxda maal Iyo xoolo badan Haddaad booli qaran Afka buuxsatoo Dhereg aad bes tahay Wax is beddelay Siciid Dalkii baab’ayoo Waa busaaradoo Bakhtiyoo dadkii Baaxaa degyoo Bayl daace oo Beerkuu u yaal 2) Wax is beddelay Siciid Ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi nagu badhi furyoo Ballankuu galiyo Wacadkiise been Bilaash buuh ahaa Beel daajiyiyo Geesi bilan ma noqon Baraf iyo qabow Caanaha baqiyo Bakhtigaa ka kulul Laga boob dalkii Sool iyo banan Boholaa xargagan Bari iyo Sanaag Cadaw baa bilcamay 6) Wax is beddelay Siciid Ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi Guurtideeni buur Iyo biro adag ahayd Ee qaranku beri Ku badbaadi jiray Baaqeedu nabad Barkhad tuu ahaa Budhcad cad buu ka dhigay Bakhti gawracoo Buuquu kacsahba Barbar taagnaoo Baashiisa mara 7) Wax is beddelay Siciid Ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi Balwaddiisu xumo Beeroo colaad Beelaha dhex gee Iyo boqol wasiir Dabay beleliyaan Kama badato oo Waxa laga baqaa Belo inay dhacdee Bixiyow na bixi 8) Wax is beddelay Siciid ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi Marsadii Berbera Bennedyoo xidhyoo Ganacsigii ka baydh Boosaaso qabay Baabuurta Qalab Bagaash Qaada ee Miyi Beegsataa Baandada Guubtiyo Baaruudda nacab Ku bislaade oo Ku basbeele hawd Loomana birmado | 3) Wax isbeddelay Siciid Ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi Bilicday lahayd Bulshadeena guud Dhallintii badnayd Quruxdoodii bii Baylah buu ku dilay Rajo beele oo Balanbaalis iyo Baal dacar ka fudud Doonyo beegsadoo U boqoole dhoof 4) Wax is beddelay Siciid Ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi Markuu baawar (power) helay Baadil buu xaqii Beddelkiisa dhigay Maatada ku boob Baroortooda maqal Ba’ay tii tidhaa Jeel la beegsayoo Soo qabay bilays 5) Wax is beddelay Siciid Ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi Wayska rogay bustii Billaduu toshay Iyo baro shabeel Boqor buu is biday Billawuu sitaa Barre iyo Siyaad Beeshiisi noqoy Buri oo Distoor Gole Baarlamaan Wayska baal maraa Buruudkoodi dhimay 9)Wax is beddelay Siciid Ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi Musuq maasuq beer Badahii dalkiyo Buurahii daldalay Bir-libaaxdii guray Berriyada Carbeed Ka binaysay guri Adhigii bucshare U boqooli jiray Eebuuxi jiray Kuwii beec- wa- shire Bad ku geyn jire Baabkii yiqiin Burucaa la jaray Budulkay cabeen Xaaji Baradho iyo Balaqbalaq la sii Dhinac looga baydh 10) Wax is beddelay Siciid ninkii beri na dagay Ee bugux ka yimi Saw illayn bayuur Kama baqaba ceeb Bir magaydo show Beri shekadeed Kuma bawsanoo Bidhaanteed ma arag Ninka baaqayee Halgankii birtiyo Boobaha wax dila Loogu babac dhigee Buuraha jarkiyo Birjeex loo galee Beerkiyo wadnuu Boqolaal kunoon Baqanayn ku go’ay Inta baaqiyee Ka badbaadday iil Naafada bugteen Cidi baananayn Agoomaha basaas Baahi cawlaneen Biyo dhaansanayn Halkuu booqan laa Bugcaddii xornimo Beertii ka hiray Ee tubay bannaan 11) wax isbeddelay Siciid Idin baranayoo Bahalaa tihiin. Idn baranayoo Baas baa tihiin Idin baranayoo Belaayaa tihiin Soo baraarugnee Naga baxa hadaba |
No comments:
Post a Comment