Saturday, December 1, 2007

DALJIRE: ("........Inta UDUB Colaad Qabo")

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo.

Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo.

Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Koormeer yare dhe. Tolow waxani illayn kormeer ma ahayne ma faalkii baa yihdi dhawr albaab isa soo taag?

Doolaal:Malaa idinka sina laydinka ammaan heli maayo? Madaxweynuhu hadduu shaqadiisa qabsado iyo had walba waxbaa ka sheegaysaan. Waar isla yaaba haddaba nimanyow.

Dubbe:Wasiiraddu ma carruur dugsi laga xaadirinayaa muxuu ka soo eegayay inay joogaan iyo in kale? Kormeer waxa loo maraa inaad indhahaaga ku soo aragto sida ay ku sugantahay halkaad tegeysaa iyo xaaladdeeda dhabta ah waxna ka beddeshid wixii dhiman ee aad aragto. waa maxay intaad wariyeyaasha hoosta ka war geliso kolba meel is hor taag oo wasiirkii mee dhe oo dabadeed ka noqo? Wasiiradu sawkuwan isaga hoos tuban ee shidaalka ka shaxaadaya? Ama dacwoonaya ee leh Cawil baa miisaniyaddii na siin waayay ee nagala hadal.

Teeda kale sawka og inaanay wax qorshe ah oo ay ku shaqeeyaan jirin meeshana uu qabyaalad uun u geeyay. Kormeer yare Ina Rayaalow Kaashif baad tahay. Wallaahi inaan u gabyi

Doolaal:Waar gabayna garan mayside waxaa iska dhaafoo inaanu idaacaddii keenay? Maxaydin iminkana odhan haddaba waa yaabe?

Dubbe:Horta haddaa keenteen waa arrin wanaagsan. Waxase ka horraysa anigu ma idin rumaysanayaa? Dee waa maya. Illaa aan dhegahayga ku maqlo iyadoo leh “Halkani waa radio Hargeysa, idaacaddii cusbayd ee raagtay oo ku hadlaysa codka JSL” oo meel walba laga soo sheego in la maqlayay. Ta kale nacasnimadiina ma in iminka la idinku amaano ayaa rabtaan?

Doolaal:Oo waayo saw waxaanu qabannay oo ammaan ku mutaysannay maaha?

Dubbe:Waaryee Doolaal. Waar inaadeerow bahshan nacasnimo la yidhaa halkaan kaaga soo daweeyaa? Qoodhaa iyo xeraddaa ma kaa dhab baa?

Doolaal:Why not? Yes. Waa iga dhab.

Dubbe:Dee waa Because. Haye. Bal horta marka hore aburkaaga aggaa iiga jeede oo markay ilkaha hoose qaar ku maqan yihiin kelmadaha ssss ku dhamaada sida Yes laguma xejiyo carrabka illayn qaadkii baad soo tufaysaa. Waar annagaa wax aragnay.

Ta kale ma bahashaa toban miisaaniyadood ku darsateen ee lixda sanno la maqnaydeen baad ammaan ku doonaysaan? Fariiddo!

Waar bal aan dhanka aad wax ka fahamto kaa tusee. Bal waxaad ka soo qaaddaa inagoo halkan mafrishka ku soo dhacnay iyadoo labadii ah inagoon qaad sidan oo magaaladoo dhammina qayilayso.

Doolaal:Haye.

Dubbe:Oo dabadeed mid u dirannay oo lacag u dhiibannay?

Doolaal:Haye.

Dubbe:oo dabadeed aynu ninkiiba weynay

Doolaal:Oo xagguu qabtay dee?

Dubbe:U kaadiyoo. Jabba waaka dambeeyee. Oo dabadeed berri oo kale uu iska yimi. Oo yidhi qaad ma sidee keena lacag aan idiin doono qaad kale eh.

Doolaal:Oo sabab?

Dubbe: Bal adba. Oo miyuu weligiiba sabab sheegay. Haddana waa u dhiibnay. Illayn xaraaradda iyo dubaabkii waad garannaysaaye.

Doolaal:Haaye. Haaye. Weliba Aniga islaan buuran oo madaw baa la igu salidaa oo i bakhtiisa eh. Cunahaas ayuumbay ila ledaysaa..dhab. Haye. Soco.

Dubbe: Haa kelmaddaa “Dhab” markaan maqlo ninbaan xusuustaaye. Waar ninkii shan cisho ayuu waxaa inagu maaweelinayay dadkuna qayilayay inana dubaabku ina cunayay. Maalintii dambe ayuu laba geed inoo keenay. Ninkaa miyaad ammaani lahayd mise isaga iyo qaadkiisaba laad baad ku tuwaalin lahayd lacagtiina bartaadhig baad odhan lahayd? Weligaana qaad dambe ma u diran lahayd?

Doolaal:Wallaahi inaanu UNITED NATION ku na kala saareen. Waar miyuu waalan yahay.

Dubbe: Bal hadduu weliba yaabo oo yidhaa waa i xaasidaysaan markaa qaadkii keenay bal ka warran? Dee bal haddaba ka warran idaacadda xunna? Bal qaad ka soo qaad. Shicibkii dhegeysan lahaa ee kuwa cadawga ka hor geen lahaana inaga innaga soo qaad.

Doolaal:Waar muxuu leeyahay? maxaad afka iigu ridday iminka? Maxaase qaadkii iyadaacaddii isku mid ka dhigay? Idacaaddu ma qaadbaa oo Ina Afdiinle ayaa keena? Saw bahasha Ardul-walaaya laga dooni maayo. Oo intaas oo gaal iyo belaayo kolba waraaq teeb garaysan loo diri maayo. Waar bad hay gelin aniga waryaa.

Dubbe:Waxba inamay maqlayn basaasiintiye. Waxaan ku idhi. Intan aynu Ina Cabdi Xaabsade hadal hayno waxaynu illawnay ninkii keli ahaa ee arrinta Laascaanood u ahaatay.

Doolaal:Oo waa kee?

Dubbe:Dee waa odaygii yaraa ee gaabnaa ee Cisman Garaad ee ahaa kuxigeenka Ina Bullaale, Xoghaya Guud ee UDUB.

Doolaal: Oo muxuu helay?

Dubbe:Horta afartan sanadood illaa 1964kii markii Laascaanood laga doortay wuxuu khaati ka joogay Garaad Saleebaan oo uu adeer u yahay oo Garaadnimadana ka boobay. Mar uun wuxuu rabay inuu meeshaa uu wax ka soo qabto isagoo aan Garaad Saleebaan joogin.

Waxa la yidhi Aw Xasan Sh. Cisman (AHN) ayaa mid yar oo uu dhalay oo yar dhibay oo uu dhoof la raadinayay ayuu markab saaray. Habeenkii markii inankii tegey ayuu intuu mijintiisii soo qaatay yidhi. “Eesh qiyaasak mar haddii aniga iyo inankii Khadar caawa badi noo dhaxayso?” iminka Cismaan garaad wuxuu leeyahay. Eesh qiyaasak mar haddii aniga iyo Saleebaan caawa Ciidan noo dhaxeeyo oo uusan Garooye soo dhaafi karin.

Mar hadduu Cismaan Garaaad galabta Laas joogo. Mar hadduu Saleebaan gembiyay uu u gaadhna ku adkeeyey. Mar hadduu geesh iyo hor dhigay gaasas qalabaysan. Mar hadduu waa guul allee gaaddo soconaayo. Waar iska daa hadal. Wallaahi inaan isna u gabyi.

Doolaal:Waar yaadhaheen. Kiiyoo afar kelmadood igu bartay. Waar halkaan u qayilaad tagaa halkani ii la’ e

Dubbe:Horta anigu gabay ma aqaane waxba ha didine. Nin shalay ii sheekeeyay ayaa iga qosliyay. Wuxuu yidhi. “waxaan arkay gabadh reer Qaran ah oo tidhi waxaan jecelahay nin UDUBta waaweyn ah. Hadda UDUB xayraanta maaha. Waa ta waayeyn. Waxay tidhi hees baan u tiriyay ninkii ammaan ah oo jacayl ah oo dhiiggu tif leeyahay. belo qabowba, ninkiiba heestii macnaheeedii iyo waxan aan ku ammaanayo wuu garan waayay. Waxaan xusuustay bay tidhi. Waa tan dadka walaalaha ahi ama isku deegaanka ahi kaftamaan. Qolada Isaaq ayaa beesha walaalahood ee Garxajis ku dacaayadeeyay markii carruurtoodii quraankii baran waayeen ayaa higgaaddii loogu daray wax ay garanayaan oo la yidhi. “Ba’ la kordhaby baruur lagu reebay. Cayn laa goday cad lagu reebay......” markaasay yidhaadeen. “ dee haa. Iminkuu bahalku oon xoolaad leeyahay oo aanu fahmaynaa.” Markaa waxay tidhi. Ninkii baan hees uu fahmayo u sameeyey.”

Doolaal:Ma haddaad dumar heesayna noola timi?

Dubbe:Waar dhegeyso dumarku iyagaa inaga caqli badane waynaan dhegeysanne. Waxay beddeshay heestii Maxamed Axmed ee uu midhaheeda lahaa abwaankiiweynaa ee Cabdi Iidaan(AHN). Waxay tidhi:

(1) “Callaal (laaluush) iyo cashuur iyo

Kharash Cawil bisleeyow

Cagaarweyne Shacabkoo

Daahir Jago Caseeyow

Caanadiiqda galabtii

Kuwa cagagsadee xoog

Caanadaa ka soo gura

Caynkoodiiyoo kale

Inaad musuq ku caan tahay

Cidi kuuma diidine

Cadyow dhaqanka tuugga ah

Waad i caaddibaysaa

Adna aniga iga curi

Inta UDUB colaad qabo

(2) Markab cooja doonyii

Dekeddoo camiranow

Ceelkii Berbera oo

Bagaash cidhifka joogow

Carroo nabar leh meel Cali (Xoorxoor)

Keli camanka buuxsado

Dhallintuna caddibanyiiin

Caynkoodiyoo kale

Inaad musuq ku caan tahay

Cidi kuuma diidine

Cadyow dhaqanka tuugga ah

waad i caddibaysaa

Adna aniga iga curi

Inta UDUB colaad qabo.

Markaasuu fahmay inay ammaanayso oo inantu jeceshay.

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire



DALJIRE


(Qaran Way Dhaqaaday EE Dhankaaga Ka Raac)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:KKKK. Waar heedhee, wallaahi waydinkan dhaqaaqay ee maryaha dhigtay.

Doolaal:Allaylehe ninkaagaa isla qoslaya ayaa dhaqaaqay. Maxaad ku qoslaysaa bal?

Dubbe:Waxa la yidhi.”belaayada aan kaa qoslini belaayaba ma aha.” Waxaan ku qoslayaa waxaan xusuustay nin dhallinyaro ah oo xanauusnayaa, Ilaahay caafimaad ha siiyo isaga iyo kuwa kale ee bukaba eh, oo xaafadda Gacan Libaax , Hargeysa ku nool, oo mar Alla markuu riyaha arko laaya ama ul ha ku dhufto ama hadduu gaadhi waayo dhagax ha ka daba tuuro eh.

Doolaal:Oo muxuu u sheeganayaa?

Dubbe:Wuxuu yidhaahdaa “indhaha gaalada ayay leeyihii.”

Doolaal:Maxaad uga jeeddaa iminka?

Dubbe:Waxaan uga jeedaa. Mar Allah markaa qof Qaran ah aragtaan ayaa ku boodaysaan oo odhanaysaan “indhihii Kulmiye ayay leeyihiin.” Waar marada qabsada oo dadkan aydin sharci darrada ku xidhaysaan joojiya.

Doolaal:Waar anagu cidna sharci darro kuma xidhno ciddii sharciga jebisana gudaha ayaanu dhigaynaa. Ninna laga baqi maayo. Kulmiyaha aad sheegayso ayaanu xidhaynaa. Maxaynaan warba iska hayn?

Dubbe:Waar ninyow malaa waa runtaaye waa waxaanu beryahan dambe la yar baqaynay. Waar inaadeero miyaad na bajinaysaan mise waa runtiin oo waaba na xidhaysaan?Reer magaalka waan ku xidhi lama yidhaaye. Wallaahi “awrkii wacays cunay” wax waliba waa ka suuro galaan. Raggiina Ina Xaashi iyo Ina Gabboose iyo Ina Caydiid xidhay ee aan buus la odhan. Wallee way idiin ahaatay. “Alla uma naxariistaanka angaabay nagu dari.” Buu yidhi Dhallin Ileeye markuu is yidhi walaalkii u soo hiili ee isagii la sigay. Malaa waxaaba la arki anagoo bustayaal iyo barkimooyin iyo kaloodhado cunta ah sii sidna oo idin leh waraaq noo gooya aanu Axmed siilaanyo iyo C/raxman Aw Cali iyo Muse Biixi, iyo Maxamed Kaahin iyo Ibrahim Dhega weyne, iyo Xasan Guure aan u geyne oo idin beryayna oo jeelka hor taagan oo siigadu indhaha kolba naga gelayso. Oo aydin idinla na leedihiin. “ordoo Ina Xaaji Daahir ama Cawil ama Ina Saleebaan weyne ama Ina Bulaale ama duamarka qaar aan la magacaabi karayn hadan xukunka haya waraaq baryo ah u qorta oo dabadeed u geeya Suldaan Janan Cabdi Guray ama Kornayl Cawaale.

Doolaal:Waar baddaa ka bax oo ninkii sharciga jebiya waa la xidhiyaa.

Dubbe:Waaan anigu kuu sheegayaa Qaran way hir gashay u taag heli maysaan ee haysku keen dilina. Saw maad arag nin intay qaar meel u kexeeyaan uun caano ku soo qubaan oo dabadeed suldaan noqda. Weligaaba diid. Adigoo suldaan leh ayuumbaad is arki marka dambe.

Doolaal:Weligoodna hir geli maayaan. Intaanu joogno hadday hir galaan kaa kaadi igaga xiiir.

Dubbe:Maxaan kaaga xiiraa marka horaad nijaas la gashaye. Waar waxaa iska daayoo bal warkii kulankii Ina Xaabsade iyo Ina Rayaale noo dhiib.

Doolaal:Oo kaa ma war baa ku laaban? sawta wargeysyada iyo idaacadahaba laga sheegay. Waar idinku casuumaddii aydin u fidiseen ka warran?

Dubbe:Waar warkii Daraawiishta ayuu kaasi ahaaye kii Khusuusida noo dhiib. Anagu casuumaddaanu u samaynay waynu gaadhiye. Mar kalaan kaaga warramiye.

Doolaal:Waar warku waa isku mide iska qayil.

Dubbe:Waar hadda qudhaydu ma madhni oo waxbaan hayaa ee wax maysu sheegnaa mise waa maya?

Doolaal:Oo haddaad wax hayso maxaad iga weydiinaysaa?

Dubbe:Sawdiga yaqaan dadkeena caadadiisa. Iyagoo warkii haya ayay warkii laftiisa ku weydiinayaa. Tusaale ahaan waxay ku odhanayaan meselan:

“Waar bal warran?”

“waa nabad ee bal warran”

“oo Xaaji Axmed ma yimi shalay tolow?”

“Wallaahi war uma hayo”

“Waar yimiye ma Daallo ayuu la socday tolow mise tii Xabashida?”

“Dee mooji. Adigaaba sheegay e....”

“Waar Daallo ayuu la socday. Tolow nimankii lacagtii ma ka soo helay?”

“Waar anigu dee uma war hayo lacagtan iyo ninkan aad sheegayso midna.”

“Waar ka soo helye. Tolow maw soo dhameeyeen mise badh bay kala hadheen?”

“Waar yaa Ilaahay yaqaan? Dee hadddaba waa ku sidee adeer?”

“Waxaan badnayn bay kala hadheen baa la yidhiye. Nimanku waa tuug weeyaan. Rag badan baa waa ku sameeyeene... tolow ma gurigii buu jogaa iminka mise suuqa ayuu usoo dhaadhacay? Miyaad meelahan ku aragtay?”

“Ahaaaaa. Bal bixisadan eega. Dee mooje baan ku idhi.”

“Mar dhoweyd baan gurigiisii ka soo eegay oo ma joogin. “suuqa ayuu qabtay.” Bay tidhi gabadhiisii.”

“Dee orodoo haddaba raadso oo i nabad geli aniga.”

“Haaa. Xaraf buu ka qoraacdaa subax subaxe baal aan ka soo eego. Oo ma ku gaadhayaa baad u malaynaysaa?

Doolaal:Iminka ma waxbaan hayaa baad leedahay?

Dubbe:Horta “meeshaa ma joogine waxa igu maqaaloobay.” Ayuu yidhi ninkii yiray e. ninbaa iiga warramay kulankii gaarga ahaa ee labada oday. Adigu haddii laga tegi waayo ninkana waxoogaa inuu allifo waan ku aqaanay yeelkadeedee run bay u ekeyd illayn anigaa rabay e.

Doolaal:Muxuu yidhi dee haddaanad iska deynayn hore uun u sheeg?

Dubbe:Waar bahalku samir daranaa dee. Waar wuxuu yidhi sidan bay u dhacday sheekadu:

Rayaal: Waar Axmed bal warran? Shalay markaad timidayba ha la ii keenu baan idhi bay ahayd.

Xaabsade: Madaxweyne waa la roon yahay. Wax dhibaato ahi ma jirto. Haa yarkii Ina Sulub ayaa ii keenay farrinta oo yidhi odaygii baa ku raba. Wallaahi ninkaa yari waa fariid. Illaa Tuka Raq buu aaday. Mindhaa dagaaladii hore ayuusan ku jirin oo kan yaan xuduudda lagaaga horrayn buu is yiri.

Rayaale: Dee inagu aad isuma naqaan oo berigii aad halklan joogtayna siyaasadda kumaan jirin bay ahayd.

Xaabsade: Waxba ma leh. Raggu maruun is bartaa. Iminkaba si xun iskuma baran aynu. Raggu mar hadduu halgan wada galo oo isku hadaf noqdo barasho ka fiican ma jirto ay.

Rayaale: Laakiin aan iska kaftannee. Berigii aad Laascaanood nagu soo weerartay maxaad sidaa noogu gashay?

Xaabse: Kee? Oo raggu mar hadduu is galo sow ma kala gallad la’a. waar . miyuu is yeelyeelayaa? Maxaadse idinku la yaacdeen aydin waxa magaalada idiinku yimiba afar gaari ma dhamayne? Wallaahi faraskayagii Ina Dabayl Qabad mooyaane inaanan wa kale idinku mesaalin. Belo ku degtay. Waxaan iri waar nimanka reer galbeed saw inaku jabaan. Waar nimanku dheereeyeen.

Rayaale: Anigu runtii aan joogno baaban idhi bay ahayd ee raggii kale ayaa yidhi inaga saara. Laaakiin sawkii Daaniye yidhi ciidan badan bay ahaayeen.

Xaabsade:Daaniye waa kee? Waar ba’a heedhe me kii Jamac Siyadku dhalay ee anu abtiga u ahayn baa? Oo ma kula socday usna? Oo kaasi waa iska belo sidiisa ahe. Ma usagaa yiri ciidan badan bay ahaayeen. Kufurtu billaahi inaanu afar gaari mid u dheerayn.

Rayaale: Anigu waan garanay. Waan gartay markiiba.

Xaabsade: Waar heedhe Madaxweyne. Oo adigu wax walba ma garnay? Taan soo qaadaba waan garanay baa dleedahay. Mise waati la yiri qolada galbeedku waa faalisaaye tusbaxan aad gacanta ku hayso ayaad rogtay?

Rayaale: Anagu faalka waanu naqaanaa laakiin kuma camal falno eh. Maxaad noo tidhi ma farasbaa nimanku haddaanu angu dadkii badbaadinay oo dagaalkii idinkala baxnay? Dadku se inuu dadkayagii ahaa sow ma ogid?

Xaabsade: kkkkkkk. Wallaahi meel baad horta igaga soo baxday. Laakiin aan mid kuu sheego. Anigu idinma oran raaggu waa fardo. Dadkii baa idin sheegay. Aniga mid aanu ilma adeer ahayn oo dhinacna aan abti uga ahaa oo gabadh aanu aad isugu dhawnahay dhashay, hadeer iskaba dhimayba oo dagaaladii baa lagu dilaye, ayaa ii sheegay oo yidhi “shaaggii gaadhigii Ina Rayaale maray go’gii dambe ayaanu geela ka waraabinay” weliba hal geelayga ka mid ahayd oo Derbi la yiraahdaa waaba ku jabi gaadhay iyadu. Siduu ii sheegay. Waar ma hashaa sidaan uga nahay baadan ogayn.

Rayaale: Waar heedhee nimankiina reer bari. Oo hashiina waad ka naxday ninkii dhammaa ee aad marna ilmaadeerka ahaydeen marna aad abti u ahaydna kamaad nixine waa sidee. Alla ha u naxariistana maad odhane.

Xaabse: Oo “nin dhintay kabahiisaa dhaama.” Ma aad maqal miyaa? Waar ninkaasi dhimaye. Haddeer teena inoo wadoo nimankii Waa inaku soo maqan yihiin........

Waa inoo todobaadka dambe, haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire