Thursday, July 19, 2007








DALJIRE



(“Dhidar Xabaalo Qodaa….” )

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar ninkii wanaagsanaa ee Wasiirka Beeraha ahaa maxaa qaaday?

Doolaal:Waar ninkaasi waa nin iska aamusan oo cid ka cabanaysaba ma arage maxaad sheegaysaa?

Dubbe:Anba waa taan la yaabanahay ee waxan uu shubay maxay ahaayeen? Laakiin dadku wuu qaladamaaye yaynaan budhka kula yaacin marka u horraysaba ee aan u dul qaadanno. Waa raggaan is lahaa markuu Ina Rayaale idin dhaafo UDUBta ha lagala xaajoodo illayn waa xisbi qaran oo mucaaradka berrito ahe oo dalka haydinla dhisaan.

Doolaal:Maanaguu na leeyahay mucaarad bay noqonayaan? Waar taasi dhici mayso eh e waxan aad ka hadalaysaa waa maxay? Muxuu ninku sameeyay?

Dubbe:Wax kale muu odhane qorshahii Ina Rayaale ee ahaa in dagaaladii sokeeye ee Isaaqu berigii isku yar yaacyaacay dib loo soo nooleeyo si uu cod u helo ayuu isna faraha la galay oo Maryo-alool iyo Malatia iyo waxbuu dabbaashay.

Doolaal:Waar muxuu leeyahay iminka? Waar yaa waxaa qorsheeyey ee aad sheegaysa?

Dubbe:Horta sow ma ogid Wasiiradu inay Ina Rayaale ka wakiil yihiin oo waxa ay yidhaadaan hadduu ku diidi waayo oo sheegi waayo inay wasiirka gaar u tahay ama tallaabo kale ka qaadi waayo inay tahay wax uu isagu ka dambeeyo oo ku raacsan yahay.

Ilaun wasiirrada maynaan dooran ee isaga ayaynu doorannay oo iyaga wakiishaya eh.

Waa wasiirkii saddexaad ee dagaaladii sokeeye soo qaada muddo afartan casho gudahood ah isagana weli juuq lagama hayo inaanu raalli ka ahayn in dib loogu noqdo waqtiyadii xumaa ee inna soo maray. Markaa ma taas baan ahayn qorshe uu wato? Bal muxuu qabyaaladda ku falayaa? Tolow miyaanu ogayn in haddii dagalaada sokeeye la soo qaado in kuwii shisheeyahana la soo qaadayo? In xumaan iyo xasuuq iyo waxaynaan u baahnayn dad soo qaadi doonaan.

Ta kale isagu yuu is moodayaa tolow ma Garxajis? Maxaa ka galay waxa Isaaqa dhexmaray? Mise inuu aafada dhacda guri kale ka dhistaa buu doonayaa sidii tii hore?

Qoodhiin iyo xeradiin ma goor arrimahaa la soo qodaa baynu joognaa? Miyaan waxaa laga heshiin? Miyaan tii Siyaad Barre laga heshiin? Miyaan wixii ka dambeeyey laga heshiin? Waar bal calaamadan kaalaya! Waa maxay Madaxweyne dadkiisii uun beelo u qaybinyaa? “Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhacaa.” Baa la yidhi. Beelaha Somaliland meelay joogaanba ha walaaloobeen. Ha midoobeen.Colaad iyo isku dir uma baahnin. “Abraahiinka haybtaanu nahay waanu hadahayne. Waa wada hilbiyo tol iyo habar wadaageye.” Buu yidhi Ina C/le Xasan.

Doolaal:Waar idinkaa had iyo jeer wax qallocinaya oo hadalka duwa.

Dubbe:Waar dhegeyso waryaa waa ninkaagan indhaha iska ridayaa. Ina Rayaale u sheega inaanu cod dambe ku helayn isku dirka Isaaq iyo beelo kale toona ee uu ku heli karo waxa uu dalka iyo dadka u qabtay lixdii sannadood ee uu xukunka haystay.

Aanse ku weydiiyee. Garxajiskan uu walaalahii is leeyay ku dirayo muxuu isagu u qabtaa ee u gaar ah? Wakaaladda Biyaha isagaa xukuma oo Madaxtooyada ayay hoos timaadda welina deegaanada Garxajis sida ummadda kale badideeda waa surmi. Wershadda laydhka isagaa haysta oo Madaxtooyada ayay hoos timaaddaa. Welina deegaanada Garxajis sida deegaanada kale badidooda waa madaw oo bir laydh oo keliya kama taagin. Ganacsiga adhiga ayay u badnaayeen dhaqan ahaan oo kiina laba nin oo keliya ayuu u xidhay oo ay guryahooda ku hor sugayaan iyagoo ka baryaya inay kun neef siiyaan oo taana dadka ayay la qabaan. Salaadiintooda intuu lug iyo gacan isku xidhay ayuu Mandheera u dhaadhiciyay. Waddaddii Oodweyne iska daayoo ta New Hargeysa ayaa marka roobku da’o gawaadhida Waaraadka ah liqda. Gacan Libaax Dugsi Sare ma leh. Dugsigii Cadaadlay ee caanka ahaa weli wuu dun san yahay. Deegaanada kale dugsiyo cusub isagu kama dhisin. Xukuumaddiisu in Gacan Libaax qayb Booliska ah laga furo UNDP way iska hor taagtay. Bal markaa waxan uu dagaalkii sokeeye uun u hadal hayo ee uu walaalahood ugu dirayo ee uu u hayaa waa maxay waa yaabe? Cid kale iska daayoo Reer Awdalna wax uma taro oo Boorame Laami ma leh. Biyo la’aan aanay lahaan jirin baa ka jirta hadda. Allaylehe haddii laga tegi waayo waxaan maqlay(run iyo been Ilaah baa iga og miday tahay waanse ka daba tegiye) beesha Maxad Case oo ah beelaha siduu wax u wado aad u diiddan ayuu iminka laba markab oo nin dhallinyaro ahi leeyahay ugu daray maraakiibta la yidhi isagaa leh ee ka kalluumaysata xeebaha galbeedka (dee malaa caqligiisa ku laaluush buu is leeyahay) kuna yidhi. “haddii mar labaad lay doorto dhulka Lughaya iyo Hargeysa iyo Saaxil isku hayaan idinkaan idiin saxeexayaa.” Taasina wax siin iyo wax u qabasho midna maaha ee iska horkeenka ayuumbay ka mid tahay. Markaa ninkani cidna wax uma taro oo dalkoo dhan jilbahuu u riday.

Ninkan wasiirka ahna sidaan sheegay waa nin wanaagsan ee sidii Cabdi Xayd uunbaa arrinku ka yar xumaaday.

Doolaal:Cabdi Xayd muxuu ahaa?

Dubbe:Wuxuu ahaa nin sidiisaa nin wanaagsan oo miskiin ah. Masaajidka weyn ee Dawladda hose ayuu joogi jiray. Ninkaasi nin cid wax u geysta ama dhiba ma hayn. Nin dadkiisa iskaga dhex jira buu ahaa. Safka hore (safal awlaka)ayuu ku sii diyaar garoobi jiray. Markaa marka salaadda loo kaco ee faataxada u horraysa lagu jiro ayuu yar shakiyi jiray oo intuu dadkii oo salaaddii ku jira soo jiidho odhan jiray “waxbaa iga yar baxsaday oo waysadii baa iga jabtay ee ii banneeya.” Markaasuu intuu soo weyseysto haddana dib u soo jiidhi jiray oo halkiisii safka hore tegi jiray. Markaa ragga way ku dhacdaa mar mar waxbaa ka yar baxsada ooweysadu way ka jabtaa ee ha la yaabina. “nin habari dhashay hal ma seegi waayo.”

Meeshan UDUBtana ma taqaaniine, Wasiirka lamaydaan yaabteene, meel wax qabad iyo hawlkarnimo iyo wax lagu joogo ma aha. Haddaad wasiir u noqoto oo aanad ragga qaarna ahayn oo isku kalsoonayn sida C/lahi Darawal iyo rag dhawr ah oo kale; marka kolba lagu yidhaa “odayaal idinka ayaa Madaxweynihii la joogay ama daaqaddii ku sugayay nin aan la garanayn oo suudh xidhanna way wadeen.” Ama laguu sheego odayaal jilib kale ah oo reerkiina ah oo meesha ku meeraysanaya, Waad yar shakiyaysaa dabadeed, nacallaba, dagaal sokeeye isku qaadayaa, intaad shir saxaafadeed qabato mid idinka ah dambaska ka dhigtayaa waa inaad waxoogaa qudhuna faraha la gashaa oo aad Ina Rayaale ku raallii geliso. Haddii kale waa macquul baa lagu odhanayaa kuu dhammaatay.

Doolaal:Waar anagu waanu isku wada kalsoonay. Xilka kalsooni baanu ku haynaa ee waxaas idinkaa iskuu maaweeliya. Madaxweynaha waa la doortay kalsooni buu haystaa wasiiraduna isaga kalsooni bay ka haystaan. Golaha Xukuumadda ayaa la yidhaahdaa. Taa kaa dhaadhicin kari maayo eh. Maxaad miyi ka doontay dorraad? Maxaadse ka keentay?

Dubbe:Wallaahi maalin dhow inaydin xabaalahana odhan doontaan “maxaad xabaalay haysaa.” Waar miyi wax la geeyo mooye ma waxbaa laga keenaa? Neef xoola ah ayaa laga keeni jiray kiina waydinkii joojiyay. Wallaahi dadkaa dhibta haysata waan ka naxay. Laakiin way ilbaxeen oo malayn maysid.

Doolaal:Maxay ku ilbaxeen?

Dubbe:Horta bahashii siyaasad ahayd bay ku ilbaxeen.odayaal badan baan soo arkay. Nimankaasu siday u garnaqasanayaan waad yaabaysaa. Waxaan idhi waar UDUBtii beenta yar ee nacasta ah dadka magaalada u sheegi jirtay hadday kuwan arkaan way iskaba ammusi lahaayeen.

Nimankaasi waxay yidhaahdeen. “horta anaga marka doorasho soo dhowaato ayuumbaa niman laandaroofarro (Landrover) wata oo is eryana oo siigada kicinayaa daf na soo yidhaahdaan oo yidhaahdaan anagaa idin barwaaqaysiinaynna oo idin caddaynayna oo idin madoobaynayna ee na doorta. Dabadeed tuula yar oo walba dhawr calan bay ka taagaan ninna waa dhigaan. Horta maalintaa doorasho dhacdo ee sanaaduuqda la guro ayaa noogu dambaysa.

Iyada tan dawlada ee la yidhi dalkay xukuntaa, waxay xukuntana ma naqaannee, waaba ta u liidata. Waar ma waxaad aragtay wax waxay dawo ka tahay aan la arkayn? Waaba gees riyaad. Gees riyaadna inuu ku mudo mooyee naafac kale ma leh. Abadan. Haba sheegin taa. Toobin ma leh oo wax laguma toobo. Caroog ma noqdo oo lama afuufo. Daab ma noqdo oo midiyaha laguma daabo. Garri ma noqdo. Guux ma leh gariir ma leh. Qurux ma leh. Bal iminka dawlad bay sheeganaysaa dalkiina dhuxul baa lagu xaalufiyay. Geed aad maanta suudiga ka hadhsato heli maysid. Geedkii boqolka sanno soo jiray 500 oo lacagteedan madmadaw ah ayaa lagu gubaa. Dhulkii waxa la tegey bahal shaag la yidhaa. Gawaadhi sidaa isu barbar yaacaysa oo haddii Eebbe idankeeda leeyahay meeshay shaag mariyaanba ay doox noqonayso oo dhulkii biyaha cirku orod ku dhaafayaan. Iminka siddeed tuulu oo halkaa iska xiga oo reerkan aynu sheeganayaa dego oo godankaa Bilcilka lehe u sokeeyo meel aanay waddo sidaa iyo sidaa uga tallaabin ma leh. Nin Wasiir ah ayaa kal hore mar na soo maray oo la yidhi isagaa ku shuqul leh deegaanka. Isna wuxuu yidhi. “shilinba dawladdu ima siiso oo dirqi baan idinku soo gaadhay iminkiaba.shaqaalena ma lihi ciidanna ma lihi” Wuxuu taro oo kalena hadalkeedaba daa. Wuu na diidaye anagabaa nidhi waar iska hoyda caawa aan xoolo idiin qallee.

Waxaana lagu leeyahay ninka Madaxweynaha sheegta gurigiisa Hargeysa ku dhex yaal 500 oo ciidan ah ayaa sidaa u hoganaya oo wax Alla waxay qabtaan aanay jirin. Waxa lagu leeyahay, illayn waa ninkaa afarta gidaar uun ku dhex xidhane, niman Wasiiro ah ayuumbaa ku odhanayaa, intay afka u soo yuubaan sidii nirig xun oo Dhukaan qabta, niman mucaaradku soo diray baanu qabanay oo ku soo weerari lahaa. Alla kelyo daranaa ninku. Tolow weligii goob siigadu ka duushay oo rag jilibka isu dhigay ma arkay? Keebaa arkay? Waxa la yidhi berigii la doortay dadkii hambalyeynayay salaantoodii bay gacani ku jabtay. Beri dhan baa nin dhakhtar ah oo reer Ceergaabo ah oo Carabeyte la yidhaa daweyn jiray baa lagu leeyay. Ma ninka asaalamu calykumtu jebinayso ayaa dal xorrayntii laga sugayaa?

Dee ciidamadii kale ee dhulka kala basrin lahaana waakaa afarta sanadood ku hor taagan meel aanay waxba ka qabanayn oo la yidhi kolba dib bay u soo yara ruqaansadaan. Dadkii aaggaas ee ehel iyo xasaboba ahaana inna kala dil oo cadw gacanta u geli.

Iyada horumar iyo iskuullo iyo dhakhtarro iyo xoolahoo naloo daweeyo iyo waxaa cidiba ma hadal hayso oo mid dambe oo Ilaah keeno dalka iyo dadka ka naxaysa mooyee tani quus. Neefkii aanu mar mar soo eryi jirnayna waa maqasheen sida uu yidhi hadda.

Markaa horta annaga sidaasaa naloo dayacay. Laakiin war wuxuu ka joogaa markaa haddana cod naloo soo doonto. Weliba kuwaa xukuumad isku sheegga ah.

Waa innoo toddbaadka dambe. Haddee Eebbe idmo.
A. Geeljire

No comments: