Monday, November 5, 2007






DALJIRE



(Hadh Arooryo )

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar heedhee toddobaadkii inna dhaafay siday arrintu inaga noqotay? Ma ssida aynu wax u soo werino ayaa inaga qaladan mise bahashii qabyaalad ahayd ayaynu dhankeedii u badannay?

Doolaal:Oo maaad aragtay weligaaba wax khayr leh maad arage?

Dubbe:Dee inaadeer maahee dhawr war oo mar inna soo wada gaadhay miyaanad xusuusnayn? “Xukuumaddii oo Ba Hararsame adeegsanaysa oo Laas Caanood qabsatay.” “Xukuumaddii oo Reer Nuurkii u hanjabtay soona laaluushtay oo shir ugu qabatay Hargeysa.” “Xukuumaddii oo laba nin oo Soolamadaw ahi metelayaan oo Muse Carre heshiis la gashay.” “ Kursiga Isaaq ee Guurtida Dhulbahante ha la siiyo”Waxaas ayuumbaa mar qudha la shubay oo waan yaabay. Siday wax yihiin dee iminka?

Doolaal:Waar moojiye, waxaa iska dhaafoo horta beelahii aydin iska sheeganayseen inay xisbigiinna soo galeen ma idinku beeninnay?

Dubbe:Eeg hadda. “Soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefaysaa.” Baa la yidhi. Bal iminkaan sheegayay oo haddana beelihii buu dib iigu celinayaa. Maxaadse beeshan reer Nuur u sheeganaysaa wuxuunbay la mid yihiin beelaha kale ee dalka eh. Beel waliba Maax Dugsiiye heedii beri hore ayuu dhintay. Reer waliba qamaamuurtiisii ayuu u ooyayaa. Weliba sidaasay dadka ugu fiican yihiin oo dhallin wax baratay oo wada brofaysar ah oo timahaagaa ka badan leeyihiin.Ta kale sida reer waliba yahay ayay xisbiyada ku kala jiraan. Maxaadse ula yaabi weyday ninkan salaadiintii uu inanta ka hayay ee xididka ahaa sayladda soo tubay ee yidhi is buriya? Waxaasi waa wuxuu arrin isaga iyo reer Nuur dhex marty uu Cawil ugu diray inuu dhex galo eh. Sidiisaba anigu ninka Hadh arooryo ayaan idhaahdaa. Hadh arooryana wuu dheeryahay wana qabow.Weli miyaad aragtay qof hadh subaxeed hoos taagan? Maxaase reer Nuur shaqaalahiisa loogu hanjabayaa Daahir Rayaale hortiina xisaabiyaal way ahaayeenn dabadiina way ahaan doonaane? Ma isagaa wax baray? Isagaabay waxoogaaga u kala basriyaan oo uu weliba godob aanay shaqo ku lahayn geliyaaye.

Waxay tidhi gabadhii jirtay. “Haddaad i furto yaa cadkii (cududda iyo garabka) kuu kala goyn?” hadduu Axmed Daud eryo yaa wax u kala shiili? Yaa waxan oo beena ee ay isaga iyo Cawil dadka u soo sheegaan dadka u gudbin oo ku weji diirmi oo xidid iyo xigaalba ku seegi? Hadduu Qasim Sheekh eryo. Yaa marka la dhoofayo dhagxantii guntiga ku sii qaadi oo uu odhan “Haw dhagxantii ma sidid?” Haduu xisaabiyaha idman ee wakaaladda biyaha eryo yaa lacagtii qaadka dadka lagu soo reebay ee kolayada bixin? Hadduu xisaabiyaha dekedda eryo yaa Ina Xoor-Xoor la socon? Hadduu ka Total eryo.

Waa yaabe saa soo qaadi hawshii?Hadduu dhawrka xisaabiye ee goobaha Kastanada kala jooga eryo siday wax noqonayaan? Hadduu reerkaa isku taataabto saw meel dhow dab ka raaci maayo yaa lacagta debedda geyn oo madaarka ka dhoofin? Mid kaftanana aan raaciyee. Marka intaa soo dhan laga maro mataankoodii lumay ee Garxajis ahaa heedhe ma illawsan yahay uu? Kkkkk. Waar orodoo ninka Xaal uga keen reerka Alla ku dooriye.

Doolaal: Waar nacnacdaa iska saayoo ma dhegeysanaysay markuu Yusuf Tallaabo lahaa mujaahidiinta cusb Dahir Rayaale ayaa ka kow ah? saw runtii maaha?ninba maalin buu jihaadaaye miyaanu xaq u lahayn markiisa?

Dubbe:Saw iminka kumaan lahayn ninkaa xaal ka doon? Haddaba isna xaal u gee markiisa.

Doolaal:Oo waayo?

Dubbe:Waar ma maantaad u darnayd oo aad Madaxweynihii caydeen oo Mujaahid ku sheegteen? Waar naga hor kac.....Wallaahi inaan....

Doolaal:Waar maxaad biyaha iigu saydhaysaa? Ma waxbaa kuu dhinmay?

Dubbe:Waar mujaahidka aad sheegaysaa miyaanu ahayn kan tobanka sannadood dibjirka ahaa ee kaynta ku jiray ee injirtu ku gashay? Ma Madaxweynahan sarkaalka ahaa ee Nabadasugidda ahaa ee duqsiga isku taagaa shanta xabbadood ahaa baad waxaa ku sheegaysaa?

Ma waxan wada naafada iyo dhaawaca ah baad ku sheegaysan ninkan dheer ee jalaqsan ee aan maalin qodaxi mudin?

Ma nimanka ilkahu ka wada daateen baad ku sheegaysaa ninka Jarmalka ka soo tuntay ilkaha ee aan qosol afka isku qaban karayn halka mujaahidkana qaadka uu cunayaa ka soo daadanayo hadduu qoslo?

Waar ma nimankan darxumo daraadeed hooyooyinkood garan waayeen ayaad ninkan Meles yaqaano ku sheegaysaa?

Waar ma nimankan shaqo la’aantu googoysay ee gidaarada tuban ayaad ninkan dalkoo dhan afka haysata ee badh cunay ee badh dhigtay ee badh huwaday ee illaa Shuuro-Net maraya ku sheegaysaa?

Waar ma nimanka aan carrurtoodii deberi karin ee aan cilmi iyo camal toona siin karin baad ninkan carruurtiisii Qaahira iyo London kala geystay ku tilmaamaysaa?

Waar nimnakan aan roobka meel ay ka galaan lahayn baad ninkan guryaha waayweyn dalka iyo debeddaba ka dhistay ku sheegaysaa?

Waar ma nimanka wax Allah waxay ku soo dhinteen aan garanyn ee aan Ilaahay mooyee aan cidina abaal u hayn baad ku sheegaysaa Madaxweynahan isagoon qodaxi u soo mudin lagu casuumay kursiga ee aan isagu cidna ka abaashanayn ee welib asacabka loo tumayo iyo mushxaradda ?

Ma nimankan madaxdoodii jeelka ka baxuunaan ee aan u hiilin karin baad ku sheegaysaa ninkan qofkii la hadla nin NSS ahaan jiray sanka jaraya?

Ma waxaad ku sheegaysaa kuwan dadkoodii ay xoreeyeen naceen ee isaga hoos joogjooga ee baryayay?

Ma waxaad ku sheegaysaa nimanka kumanaan ka mid ahi Aakhiro u hoydeen si ubadkooda iyo umaddoodu xornimo iyo wanaag u dhaxlo iyo ninkan isagu ninkuu doono xidhayaa ee jeelka geysanaya?

Waar ha habaarin Ilaahay Madaxweynaha hoos uma soo celiyo oo MUJAAHID kama dhogo eh. Yaan afku ku qalloocane.

Waa inoo toddobadka dambe haddii Eebe idmo.

A. Geeljire

1 comment:

Anonymous said...

I am regular reader, how are you everybody?
This article posted at this website is really good.

Review my web site - air jordan