Monday, November 5, 2007



DALJIRE



(Ina Dhaan Dabagaalle Ma Dhab baa Laga Mooday? )


By A. Geeljire



Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal:Waar horta weftigii Laascaanood.....

Dubbe:Waar u kaadi u kaadi. Inaadeeerow dhawr kelmadood oo geeraar ah baan isku hagaajiyay ee intaanan kala illaabin iga dhegeysta.

Doolaal:Waar geeraarna garan mayside naga daa aanu kaa sheekaysannee.

Dubbe:Maxaad ku sheekaynaysaa ee aad haysaa? Waar na sug ninyow. Waar waxan nagala hadla dee.

Doolaal:Horta ma yar qayilnaa oo qadhaadku ma na gaadhaa? Anagoon salkaba dhigin baad leeday geeraar dhegeysta.

Dubbe:Waar sidaa wax u waddaan iga wallaan malaa dib loo qayilayne na dheeyso wixiiba kala illawnaye.

Doolaal:Bal wad.

Dubbe:Horta dee nin gabya ma ihi laakiin markaan ka yaabay sida aydin maalin walba u sii kibraysaan ee dadka u dulmaysaan ee Booliskii inaga dhexeeyay ugu adeegsanaysaan ee maxkamadahan sidii Jajabanta kolba meel u kaxaysanaysaan ayaan afar isu geeyay. Wuxuu yidhi.

Dhulkaa ciil gilgishoo

Samirkaa ka dhammaadoo

Dhaqdhaqaaqa gariir

Waxa dhooban dushiisa

Marbuu buuraha dheer

Dhinacaa u ridaa

Dadku dhiirri yaraa

Dhiig la’aa demenaa

Dhirbaaxooyinka xeerka

Dhanna aan kaga oollin

Ee Rayaale dhagtaa

Dhabanaanada xoogle

Dhacdaa uu ku hayo

Dheguu saw ma qarxaan

Ma dhaffoorro biray

Dhakadoodu siddaa

Dhibtuu leeyahay quudhsi

Dulmigoo laga dhuunto

Oo laga dhiidhiyi waayo

Horaa loo dhadhanshee

Ma dhakhsay u illawday

Iyagoon xadka dhaafin

Uu Distoorku dhigaayo

May xaqood dhacsadaan

Maxay dhawrsanayaan

Raggii aan wax dhimaynin

Sida dhuuryada haadda

Oo dhalaal cad u muuqday

Markii uu dhufanaayay

Ee dhayal uu u xidhaayay

Ee uu jeelka dhigaayay

Dhaantaduu tumanaayay

Dheeshii waa maqasheene

Illayn maaha dhurwaa iyo

Dhirahaa baxayee

Dalkeenay u dhasheenoo

Dhab bay soo halgameenoo

Faqashtii ka dhacsheene

Dhurdahaaba xanaaqa

Haddii aad u dhawaato

Halka uu dhitadiisa

Ku ilaasho dhashiisa

Dhawaaquu kugu yuuso

Dhegahuu ka galaayoo

Sahal looga dhaqaajine

Ma duqsaad dhanka hoose

Iyo dhulka aad marteen

Inagoon xadka dhaafin

Uu dhigaayo Distoorku

Maxaa loo dhicin waayee

Lagu dhaafay warkooda

Dhaqaalaa arligeena

Lafahaa dhabarkiisu

Adhiguu ku dhisnaaye

In dadkeenu u dhoofsho

Dhulka suuqu ku yaallo

Sawkan dhaar ka maree

Carab uu dhadhamo

Iyo dhuuni baas la cuno

Dhaadka nooga xidhee

Baqkhti aan ku dhawnay

Inagoon xadka dhaafin

Uu Dustoorku dhigaayo

Maxaa loo dhihi waayay

Waa midaan dhacahayn

Bulshadaa dhaqdhaqaaqay

Ururkay dhabdhabteen

Ee iskood u dhisteen

Kuwa dhawra xuquuqda

Ee dhibbanaa u hadlayaaya

Dhabqiskuu ku abuuray

Ee dhankaa gurigiisa

Laga dhiirrinayo

Ee ninka dhoomaha weynle

Iyo dhuuso ka buuxu (Tallaabo)

Dhex socdee hor kacaayo

Qufulkay ku dhufteen

Inagoon xadka dhaafin

Uu Distoorku dhigaayo

Dhayal maw furi weynay

Dhalaw maynu ka siiyo

Alla dhoohaninaa

Alla dhoy li’inaa

Dhan ka waalaninaa

Markuu dhaarta maraayay

“dhaqaalaan kobcin eegga

dhallintaan shaqo geyn

dadkuu wuu dhergayaa

hakhtarraan unkayaa

dugsiyaan dhisayaa”

Ma dhab baa laga mooday

Alla dhoohaninaa

Alla dhoy li’inaa

Dhan ka waalaninaa

Markauu dhoofka tegaayay

Uu dhulkaa marmaraayay

Ina dhaan dabagaalle

Irbad dhuub ma geshe

Muxuu soo dhicinaayay

Dheemantuu ururshay

Iyo doolarka dhoormay

Ayuu dhuuminayoo

Meelo soo dhiganaayay

Daaruu soo dhisanaayay

Dhoolluu soo tumanaayay

Dhanna wuu ka dalxiisay

Dhar buu soo gadanayaayay

Dharaartuu imanaayay

Dhawaaquu na lahaa

“wershadaan dhisayaa

dhuxul baan qodayaa

jibsam baan dhurayaa

gaaladuu dhereraayay

malaayiinti is dhaaftay

qof walooba ka dhaanso”

Ma dhab baa laga mooday

Dhalanteed u aroorka

Guddidii dhedhexaadka

Duqaydii dhaqankeenna

Kuwii diinta dhigaayay

Dhakhaatiir cilmi gaadhay

Intaasoo isku dhoon ah

Markuu dhoollo caddaynta

Soo dhawaada lahaa

Oo khilaafka dhammeeya

Axdiguu la dhigaayay

Ma dhab baa laga mooday

Dhegbaan lay jalaqsiinne

Sawnigii ku dhawaaqay

Ee dhaqankiisa tilmaamay.

UCID wayska dhallaanoo

Kolba dhaan iska raace

Kulmiyii dhumuc sheegtay

Ee dhaqdhaqaaqi (SNM) ka joogee

Dadku dhawrahayow

Miyaad dhuumatay doorkan

Ma dhoof baa qabateen

Dadku way dhanqalmeenoo

Bulshadii dhacantoo

Bahalaa dhufsadoo

Sharci layskaba dhaafye

Xaggee baa ka dhacdeen

Maa ka soo dhicisaan

Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

2 comments:

Anonymous said...

It's nearly impossible to find experienced people for this topic, however, you sound like you know what you're talking about!

Thanks

my web page; monster ヘッドホン

Unknown said...

Wale waxba ka dhacay