Wednesday, May 23, 2007

Dahir waan aragnoo dib u aamini mayno




Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe:Waar heedhee horta fanaaniintan yar ee iminka cajaladaha ka heesa midhaha ma Ina Xaji Dahir baa u sameeya? Weligey waxaa wax ka midho liita ma arag.



Dolaal: "Waraabow bood oo xagga cadka u bood." Baa la yidhi. Heesa xumida uun maad ku deysid maxaa wasiirkana kuu geeyey? Waar illayn gardarro...



Dubbe:Dee illayn xikmad xumi baynu ka hadlaynaa nin walibana wax buu caan ku yahay. Cajalad uu mar dhawayd yarka darawlaka ahi dhegeysanayay ayaan u fiirsaday. Mid wuxuu yidhi "Marna jaaha iyo jilbaha maysa saarnaa." Midna wuxuu yidhi . "jaleecadadaadii surka igu jaba." Kkkkk hadda waa wallaahi. Mid kalena wuxuu yidhi. " Kii i kaa baray baan boqol jeer ku weydiiyaa." Mid kalena wuxuu yidhi. " Ubax carro ka baxay oo xidadiisu wadna ka soo baxay baad tahay." Gabadhina waxay tidhi. "waadigii i diiday eh, waxba iima soo wadide." Mar kalena waxay tidhi. " noloshaba hadaanad aqoon naayaa haygu odhan niyaddana hayga jebin." Qoodhaa iyo xeradaa Ina H. Dahir mooyee cid kaloo sidaa wax u tirin lahayd miyaad garanaysaa? Xikmad yare. Horta Dhahar dabadeed miyaan kaana juuqba laga hayn?



Doolaal:Waar waxaa iska dhaafoo Xaaji Cabdi Waraabe ma dhegeysatay markuu lahaa Madaxweynaha aamina?



Dubbe: Horta waan dhegeystay Xajiga. Wax xunna muu odhan. Midhkaa aaminaaddana waynu ka wada hadliye hay dambeeyee. Waxaanse ku sheegayaa. Horta odayaasha waaweyn, Ilaahay baa weyne, waxba odhan maayo. Waayo, raggaa wada xayeeshka aah markay dhintaan ayuumbaynu garanaa qiimahooda. Waana ta labaade horta waa wax dabiiciya oo da'da ayay la socotaa inuu nin oday ahi dadka waaniyo oo weliba waxaa ay haystaan ama gacantooda ku jira yidhaahdo waar daysta.




Waayo, cilmi nafsiga ayaabay sheegay oo ma jecla inay wax is bedelaan oo wareer bay la tahay. Bal u fiirso oo intaa odayaashu markay gurigooda joogaan waxay leeyihiin " Naa ya kabahaygii halkan ka qaaday? waar yaa ushaydii arkay? Waar yaa koofayadii iga qaaday?" markaasay islaantu tidhaa. " ee kabaha anigaa illinka ka duway oo dhankaa u yara leexiyay waa kuwa isla halkii uun yaal. Ushii anigaa tiiriyay oo is idhi wuu ku kufi . Koofiyaddii waan maydhay oo waaniga cimaamadda dul saaray." Markaasu yidhaa. " Haa. Hayga qaadina alaabada. Waxaan mooday in kabahii layga illaday eh." Wax kale iska daayo haddii durraaxadda sariirta laga beddelo way ku caaroodaan. Markaa ma jecla waxaa ay garnayaan wax bedela ee Xajiga iska illaw.



Mahadsanid. Noolow Xaji. Inta kuu hadhay talada noo badi Xaaji. Dee haa. Maxay ina yeelaysaa? Waynu iska diidi waxaynu garan weyno eh.
Xaji, arrin yarna aan ku dareensiiyee, beryahaa kamaad war hayne, mutacalimiinta Garxajis Ina Buuba iyo Jamac yare way ka badan yihiin. Haa. Qaar badan baa soo kordhay Xaaji. Dhankan Somaliland ta ayaanay u badan yihiin. Tolow may maqlayaa?



Dadkuna iminka waa isku mid Xaaji. Arrimihii yaryaraa way iska dhamaadeen. Sideedabana iminka lama kala ilbaxsana. Qolona qolo kuma shaqaysato. Haa. Xaaji. Waa sidaa. Ina Gaboose na, Habar Awal soomay dirin. Ururka ayuumbay kula jiraan, sidaad adiguba xisbiga Samaroonta ugu jirto.. Qaar inkaari ku dhacday baa Xaajiga waalayee. Tolow ma Cawil iyo Ina Sulub buu xalay arkay xaajigu oo ku yidhi Habar Awal baa ina Gaboose ka dambaysa? Nolow Xaaji. Cimrigaa ha jiro.



Doolaal: Maxaad ku diidday hadduu yidhi Madaxweynaha aamina?
Dubbe: Horta Madaxweynahaad sheegaysaa sidii aan ku aamini lahayn ma yeelay baa ka horraysa?



Doolaal: Oo muxuu dhimay? Sawkaa dadaalaya maaha.



Dubbe:Eeg. Uma baahnid inaad indhaha iska riddo. Qof madaxa waxa lagu aaminaa marka u horraysa markuu raaco sharciga iyo xeerarka. Marka labaad markuu fuliyo ballanka uu ama dadweynaha u qaado ama qofba u qaado oo uu runta yaqaan. Marka saddexaad markuu dadka kala jaadka ah ee qaranka xilalka kiisa la siman u haya uu la shaqeeyo ee uu u xog warramo. Markuu dadweynaha uga xaal warramo waxay tabanayaan ee jiritaanka dalka khuseeya. Marka aanu musuqmaasuq ahayn. Marka aanu isku xeerin la taliyeyaal beenta iyo musuqa yaqaan. Intaas oo xaalo ninka aan midna ka lahayn sidaad u aaminaysaa adigoo la mid ah mooyaane? Waar kaa iska dhaafoo Xaajiga waxaad ku tidhaa:



Xaaji waa oggoloo
Oday weeye midhkiiye
Ninkaad aamina leeday
Malaa waanad ogayne
Wuu amuur badanyoo
Sida weeye Ibliiska
Udubtaa gabgaboowdiyo
Inyarood ku jirto
Ashqaraasan malaa
Dhanka ay ka arkaan
Aadmiguu u dhigmaayoo
Weliba waa edeb miidhan
Gacantaada afkiisa
In haddaad geliso
Saari maayo ilkaayoo
Axna soo celin maayoo
Arxankaabad la yaabi
Umaddiise dhamaan
Inteedii kaleeto
Dhanka ay arkayaan
Daahir waa orgome
Waa inkaaro hagoogan
Waa abeesada duuban
Abris weeye dilaaya
Ishuu noo nabayaayoo dib u aamini mayno
Arligii kharribyoo dib u aamini mayno
Indhahuu ka riddoo dib u aami mayno
Aakhiruu u diroo dib u aamini mayno
Axdiguu jebiyoo dib u aamini mayno
Ibtiluu noqdayoo dib u aamini mayno
Amakaag na badyoo dib u aaminimayno
Asquu qaybiniyaa dib u aaminimayno
Golahii inkiryoo dib u aamini mayno
Albaabkuu ka xidhoo dib u aamini mayno
Xukunkii amimyoo dib u aamini mayno
Afduub buu ku wadaa dib u aamini mayno
Anfaciina xadyoo dib u aamini mayno
Adduunkii gurayoo dib u aami nimayno
Adhigii rarayoo dib u aamini mayno
Aadan baa u gadoo dib u aamini mayno
Iskraabka dhacyoo dib u aaminimayno
Aqallaabu dhistaa dib u aamini mayno
Askartii qadiyoo dib u aamini mayno
Ardaydii lumiyoo dib u aamini mayno
Agoomii dayacyoo dib u aamini mayno
Estii (SNM) buu necebyoo dib u aamini mayno
Odayaal firdhiyoo dib u aamini mayno
Addis buu u dusaa dib u aamini mayno
Arrimuu la galaa dib u aamini mayno
Inay Yey la shiryoo dib u aamini mayno
Isna wuu la wadaa dib u aamini mayno
Daahir waan aragnoo dib u aamini mayno
Udub baa ka dartoo dib u aamini mayno
Waa inoo toddobaadka dambe, haddii Eebbe idmo.



A. Geeljire

No comments: