

Doolaal:In badan waataa lahaydeen ma hadlo Madaxweynuhuye horta maanta khudbad laba saacadood socotey ma idinku sii daayay?
Doolaal:Maxaad uga jeedaa Ingriisi buu talyaani ku macneeyey?
Dubbe:Berigii aynu reer Somlia (Wallaweynta) isku darsannay dawladnimada ayaa la soo beddelay nin macallin ahaa oo dugsiga hoose Ingriisi u dhiga. Sabuuraddii buu ku qoray:
Baby = muluq waaye
Cat = mukulaal waaye
Hen = dooro waaye
Tomato = yaanyo waaye
Ardaygii intuu haddana farta taagay ayuu yidhi.” Macallin dee Ingriisi ayuumbaad Talyaani noogu macnaysey ee af Somali noogu macnee.”
Iminka Madaxweynuhu hadalkii aan dhanna u socon ee aan waxba soo kordhin jirin ee ahaa carrab iyo laab aan wada jirin ee aynu shanta sanadood ka soo dhegeysanaynay ayuumbuu inoogu celiyay oo inoo badiyey. Qofkii khudbadihiisi hore dhegeystay erey erey buu u xusuusan karaa. Waar kaa iga daayo maanta dadweynaha sharafta leh ayaan laba dersin(24) oo su’aalo ah weydiinayaa.
Doolaal: Dadweynaha maxaad weydiinaysaa ma weriyaad tahay adigu? Ta kale waa maxay laba dersin oo su’aalaha ahi ma iyagaaba waqti u helaya?
Dubbe:Meesha waad iska dhex joogtaaye nidaamkaynu qaadanay waa dimuquraadi. Dimucuraadina dadka ayaa laf dhabar u ah oo waa inay si walba uga qayb qaataan xukuumadooda iyo habka dawladda. Sawdigii lahaa Ingriisi baan aqaanaa miyanad maqal odhaahda “government of the people by the people for the people” gebigeedaba dadweynaha ayaa iska leh weeye. Laba dersinna ma badna ee waaban u kala qaybin haddaad tidhi ka dhin oo iminkana 12 baan weydiin mar kalena 12.
Dadweynow idinkoo iga raalli ah waxaa idin weydiinaya dhawr su’aalood oo la xidhiidha xaaladaha dalkeena ee kala duwan. Waxaan jecelay inaydin jawaabaha idinku u gudbisaan warbaahinta markaa si fiican uga doodaan su’aalaha. Arrintuna muxaafad iyo mucaarad midna ma aha ee wadaninimo.
S. 6aad: is gadhsiinta waddooyinka iyo gaadiidku waa halbowlaha dhaqaalaha umadeed ama dal. Waxaynu ognay in waddooyinkii dalka aanay waxba ku soo kordhin intii jirtayna ay sii baaba’day oo aan waxba laga qaban, marka laga reebo carro kaawo lagu saydhsaydho, oo gaadiidkiina ku burburay. Maxaa ugu baaqi lahaydeen xukuumadda inay ka qabato arrintaa?
S. 7aad: Ganacsatada guud marka hore waxaan u sheegayaa inaan ka xumay sida aanay xor ugu ahayn inay dekedda Berbera waxay rabaan ka soo dejiyaan. Waxa kale oo aan ka xumay inay ku dhibaatoodaan dekedda markay wax kala soo baxayaan oo nidaam xumo weyni ka jirto oo kartuunka yar ee ay sitaan Ilaahay yaab u keenayo marka kolba dhan loo raro ee dhan loo laado ee xafiis kale la geeyo oo kolba meel lagu jeexo. Haddaba su’aasho waxay tahay. Cashuurta aydin bixisaan oo had iyo jeer ku tilmaantaan mid aad u sarraysa markaa eegtaan maw qalantaa adeegga laydinka siiyo dekedda?
Sidee bay idiin saamaysay gawaadhida lagu gubo Kilalka 5aad oo ay sabab u ahayd siyaasadaa Rayaale ee ku wajahan dadka gobolkaa dega? Shirkaddan Total ee shidaalka sida sharci darrada ah loogu xidhay sidee iyada u aragtaan? Ugu dambayntii ganacsatada adhiga ee lagu kallifay inay laba nin oo Madaxweynaha u adeega oo aan dalkana idinkaga xaq badnayn idiinkana halgan badnayn isu daba taagtaan dhoofintii xoolaha oo kolba ka baridaan kun neef sidee baad u aragtaan caddaaladda arrintaasi ku fadhido? Miyayse arrintaasi idin qabataa idinkoo dalka xuquuq aan la koobi karin ku leh?
Waxse hore dalka u soo maray ma tahay? Maxaase ka yeelaysaan arrintaa ma aqbalaysaan oo cad quudheed ma qaadanaysaan?
S. 8aad: Waxa aad wadda ogtihiin inuu Madaxweynuhu diiday inuu la shaqeeyo Golaha Wakiilada ee aydin soo doorateen iyaguna ay marar badan muujiyeen inay diyaar u yihiin wada shaqaynta. Haddaba ninkii aydin u doorateen inuu umadda mideeyo oo hoggaamiyo miyay idinla habboontahay inuu sidaa u dhaqmo oo sheekh iyo shariifka dhexdhexaadinta ka diido oo ragaadiyo danaha ummadda?
S. 9aad: Dadweyne bal markaad qof walowba kelidaa xisaabtanto maxaad is leedahay way kuu kordheen oo Daahir Rayaale ayaa ka masuul ahaa? Maxaa kuu kordhay sida shaqo ma heshay? adeeg caafimaad ma heshay? biyo ma heshay,?laydh ma heshay? dhul ma heshay? halkaad joogtaa nadiif ma noqotay oo xukuumaddu ma hagaajisay, ? caddaalad ma heshay IWM? Maxaase xaaladdaada guud ka dhacay intii Rayaale dalka xukumayay ee uu saamayn ku leeyay? Haddaad haddaba ka sii dartay intuu Rayaale joogay maxaa kuu qorshaysan ee aad xaaladdaada ku wanaajinaysaa?
S. 10aad:Waxa ay sheegaan dad uu u xogwarramo Madaxweynuhu, khaasatan markuu debedaha u baxo inaanu shaki ka qabin in dib loo soo dooranayo waayo mar hadduu lacag uu dadka u qaybiyo hayo (Total, Dekedda iyo Adhiga) oo ayaamo ku qayilsiiyo isaga ayuumbay dooranayaan.(labaatan labaatan kun codkiiba) Haddii arrintaasi jirto, waana la rumaynayay eh, miyay idin qabataa in laydinku tilmaamo dad sayladda tuban oo la iibsan karo? Masiirkiinase ma siisan lahaydeen mijin qaada oo maalin la cuno?
Taariikha ballan qaadkiisa markaad dib u raacdaan xaataa dhaartii uu kitaabka ku maray wuu jebiyay. Waxa sirta uu ku qarsadaa Wasiirka Arrimaha Dibadda oo afar sanno idaacad inna lahaa way soo soocotaa lacagteedana qaadayay. Wasiirka Maaliyadda oo la yihdi (lagu eedeeyo) dawladdii somalia ayuu sirteedii Xabashi ka iibiyay. Ma yihiin rag la aamini karo oo aydin hadalkooda qaadan kartaan oo barkimada ku dheeraysan kartaan? Hadday jawaabtu tahay maya. Maxaa idiin banaan?
S. 12aad: Su’aasha qaybtan iigu dambaysa dadweyne waxay tahay. Afar sanadood wuxuu Madaxweynuhu lahaa xuduudaha dalka ayaanu sugaynaa ama soo taabanaynaa. Weli lama hayo. Inagaabay inagu soo durkeen xuduudihii intuu xukunka haystay. Ma filaysaan inuu arrintaa fulinayo? Hadduuse fulin waayo ma laga yaabaa inuu la sugayo markay doorashadu soo dhawaato oo uu dalka dagaal geliyo si uu kursiga u sii fuushanaado? Hadduu taa yeelo maxaa idiinka meel yaal?
A. Geeljire
No comments:
Post a Comment