Sunday, July 29, 2007




(Ama Tayda Raac Ama Tubta Qaad)

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar heedhee. Tii Laandta ahayd siyaasdeedii iyo arrimaheedii ma majaajillo ayay noqdeen?

Doolaal:Waayo?

Dubbe:Umaddiiba xaqiiqadii intay ka tagtay ayaa khayaali la galay. Waar maxaa innagu dhacay? Waxaan arkay Madaxweyne aanay dani ugu jirin inuu qabyaalad ku shaqeeyo oo ku shaqaynaya oo beesha uu ka soo jeedo ka hor keenaya beelaha kale ee uu cod ka badan ka heli lahaa. Waan yaabay. Waxaan arkay Madaxweyne loo doortay inuu niyad wanaag iyo isku duubni dadka ka dhex abuuro oo dagaaladii sokeeye raba inuu dacartoodii dadka ku soo nooleeyo isaga oo is leh sidaas baad cod ku helaysaa oo illawsan dadka uu isku dirayaa inay iska xigaan isaga. Ama ay qodqodi karaan sooyaalkiisii iyo xidhiidhkii uu la lahaa Siyaad Barre xukuumaddiisii. Waan yaabay.

Waxaan arkay Madaxweyne dalkii oo dhan leh ama tayda raac ama tubta qaad.

Waxaan arkay dal kuwii xoreeyay bakhtiyayaan naafadoodii agoontoodii iyo kuwoodii caafimaadka qabayba oo isla markaa kuwii ay ku maamuuseen inay hoggaamiyaan ay hantidii umadda guryo kaga dhisanayaan dalal debedda ah oo ay weliba leeyihiin naguma filna ee noo kordhiya. Waaban yaabay.

Waxaan arkay Golahii Wasiirrada oo inta xun mooyee intii kale aan laga helayn nin qudha oo yidhaa waar siday wax yihiin oo dantooda uun ka badin waayay, waar kulligood ma Xaaraamo Cune ayay wada dhasheen. Waan yaabay.

Waxaan arkay nin leh “waxaan ahay Guddoomiye ku-xigeenka UDUB ee Awdal oo sidaa daraadeed baa lay xidhay. Badhasaabkuna waa mucaarid. Waxaan idhi tolow kuwa Kulmiyena sidee loo galaa” Waan yaabay.

Waxaan maqlay UDUB oo adeegsanaysa Cismaan Kalluun oo aynu ka wada dheregsannay halkuu ka joogo qaddiyadda Somaliland oo u diratay inuu Ingriiska ka abaabulo shir beesha uu ka soo jeedo ee HY ah oo uu u xodxodo inay UDUB taageeraan. Isla markaa Maxamed Xashi Cilmi, Dr. Gaboose , Jamal Caydiid iyo taageerayaashoodana ku tilmaamay qaran dumis oo weliba xadhig ugu hanjabay. Waan yaabay.

Waxaan arkay Guurtidii oo leh khilaafka xukuumadda iyo Wakiilada u dhaxeeya ayaanu dhexdehexaadin ka gelaynaa. Iyagoo isla markaa illawsan inay qaybta ugu weyn ka yihiin khilaafkaa. Waxaan is weydiiyay waxa ay labadan nin ee ay iyagu soo magacaabeen u soo beddeli waayeen horta oo ay halkaa uga bilaabi waayeen xallinta arrinta. Waan yaabay.

Waxaan arkay Guurtidii oo guddi xildhibaanno ah iska soo xushay oo ku soo dartay Xoghayahii Golahooda. Sababta ayaan garan waayay. Waxaan is weydiiyay. Oo Guurtididana miyaa loo dhegeystaa Ina Rayaale sawkuwa xaggiisa ah? Waan yaabay.

Waxaan arkay xildhibaanno Wakiilada ah oo la yidhi fadhiga caadiga ah ee Golaha ma yimaaddaan haddana in Golahu sii furnaado oo fadhi aan caadi ahayn galo codsanaya. Waan yaabay.

Xildhibaan Cali Barre oo dhirbaaxadii Ina Rayaale ku dhuftay weli sii hafeefanayso oo misna isagii xaq darro ugu hiilinaya ayaan arkay. Markaa waan amakaagayba.

Waxaan arkay Guddomiyihii Makamadda Sare oo si badheedha ula saftay Ina Rayaale. Waan yaabay. Mujaahidka waan u duceeyey. Ilaahay xaqa ha tuso. Aamiin.

Waxaan ka war helay budhcadda ka dillaacday Hargeysa ee ciidan ku filan loo waayay. Iyo haddana isla markiiba ciidanka faraha badan ee loo helayo in lagu kala kaxeeyo taageerayaasha Ururka Qaran. Xin iyo xaasid loo xoogweyna. Waan yaabay.

Waxaan arkay Ethiopia oo markay dekedda wax kala soo degayso wasiirro soo diraysa oo inagu odhanaysa wadadii “Berbera Corridor” baanu samaynaynaa. Iyo laydhkii Wajaale ayaanu soo gelinaynaa. Oo markay alaabtu inna dhaaftana aan dib loo arkayn. Iyo xukuumaddeena oo sidii sabeenihii Tuuyo lagu dhaqan jiray u oslaysa markay Xabashi aragto . Waan yaabay.

Waxaan maqlay war sheegaya in Wasiiradeenii ku socday Ethiopia lagu hor joogsaday Wajaale oo markii dambe la sii daayay iyaga iyo askartii ilaalinaysayba iyagoo hubkoodii sita. Waxaan idhi tolow miyaanu dadku ogayn in Madaxtooyada loo diido wasiirrada. Haddii la sii daayana laga reebo askartooda oo debedda ay fadhiistaan. Waan yaabay. Waxaan arkaa Wasiirrkii Warfaafinta oo aan idaacaddii cusbayd ka warramayn oo markay tii gabowday xumaato shaqaalahii masaakiinta ahaa Booliska (CID) u dalbanaya oo xidhaya. Waan yaabay.

Waxaan arkay nin shaqaale dawladadeed (Civil Servant) ah, Agaasimaha Telefishanka Qaranaka, oo haddana Fulinta UDUB ah oo og inay xeerka ka soo horjeeddo arrintaasi oo haddana shir saxaafadeed qabanaya oo sheegaya oo aan waxba laga qabanayn isna aan isla yaabayn oo weliba cid kale wax ka sheegaya.intaa waan uga hanweynaa Mudane Maxamed Muse Diiriye. Waan yaabay.

Waxaan maqlay muwaadin la yidhi nin carbeed baa yidhi lacag baan ku leeyahay ee ii soo mustaafuriya oo laysku dayay in loo dhoofiyo inta carabkii lacag laga qaatay. Waan yaabay.

Waar adigu waxba yaan hadal kugu daalinne dhankaan eegoba waan yaabay. Sow keligay maahee dadkoo dhan baa yaabban.

Doolaal:waar iminka kuuguma horrayso inaad yaabto oo yaabka waad ku soo dhalatay malaaye. Guurtidu hadday wax dhexdhexaadiso maxaad ku diidday? Miyaanay shaqadoodii ahayn?

Dubbe:Mayee inaadeer ma diidaniye. Ha i qoonsane. Horta marka horeba in khilaafka layska dhawro weeye. Yeelkeedee hadduu dhaco anigu mar walba ninka leh waar danta ummaddu kuma jirto khilaafe aan wada shaqayno oo wixii aynu ku heshiin karno aan dhaqaajino oo Ina Rayale xabaddan uu dhafoorka kaga hayo dalka ha ka daayo ayaan ahay. Waxanse yar diiday...

Doolaal:Waar u kaadi. U kaadi. Waxba maad diidine halkaa ku jooji. Aan wada shaqayno wax dhaama odhan mayside.

Dubbe:Hee? Miyaan iska aamusaa?

Doolaal:maxaa kuu hadhayba? Waad dhammaysaye.

Dubbe:Waar waxba maanaan dhammayne na sug ragguumbaad gaagixisaaye. Halkay Guurtidu ka maraysaa dhawr iyo afartankii guulwade ee mooshinada deg degga ah Oday Saleebaan soo dul dhigi jiray? Bal waxaad noo keenayso eeg. Waar awr baynu caano dhanaan ka lisaynaa ninyow ee iska aamo.

Doolaal:Waa maxay awrka iyo waxaad sheegaysaa? Guurtidu hadday wax isku raacdo oo shir degdega qabsatay oo guddi saartay arrinka dhammayn mayso miyaa?

Dubbe:Waxa la yidhi nin dhallinyaro ah oo ciyaalo iskuula ahaa ayaa meshaa iyo geelii u baxay. Habeenkii u horraysay markuu caanihii dhamay ee uu jiifsaday ayuu markiiba soo booday. Geeljirihii buu toosiyay. “waar yaadhaheen. Waar caanihii baa sanka sare noo soo yaacaye ee barkimo na siiya. Nacal jinsakum. Waar wuxu waa maxay? Habeenkii xigayna intii uu hurday bay neef hogeysteen oo subaxii bay cad hiliba u dhiibeen. Markuu waxoogaa ka yar googoostay buu yidhi. “’Aar salaaddan hore madhin kari mayno waxanoo hilibee halkaa naga dhiga oo in maraqa noo dhiiba.” Habeenkii saddexaad bay calooshu socotay. Subaxii bay hadhuub caana ah haddana u dhiibeen. “Waar inaadeer,min fadlakum, billahi calaykum, kuwan calooshaa igu socotaye iga daayo kaa (intuu awr farta ku fiiqay) caano dhanaan iiga soo lisa.”

.

Iminka kolba guddi yar oo aan dhiiqayn baynu caano dhanaan ka sugaynaa calooshuna way inna socotaa. Waar Guurtidu hadday wax qabanayso labada nin ha beddesho horta. Wixii kalena ha dhex gasho. Haddii kale bal Ina Rayaale isagaa cirka roob ku oge u daaya wuxuu wado.

Doolaal:Sidey wax u qaban karayaan haddaydaan fursadba siinayn oo cagaba dhul u marainayn? Waar nimanyow dalka sidan ka daaya.

Dubbe:Ahaaaaa! “Hadal hadal ma ku daayaa?” bay tidhi gabadhii yaabtay. Waar dalkaad sheegaysaa ee lagu moodo mid ka naxayaa waakee?

Doolaal:Dee waa kan. Ma Ugaandha ayaynu hadal haynay haddaa?

Dubbe:Waar dalkan ka niximaysaan dhib idinka ka weynna ma qabo dad iyo duunyo. Ee aan wax kuu sheege nin odaya ayaa shalay ii sheekeeyay. Wuxuu yidhi. “Adeer nin yar baad tahaye aan wax kuu sheego.”

Waxaan idhi ma yariye adiguumbaan kaa yaray ee soco.

Wuxuu yidhi. “ adeer dalkii markaan u fiirsaday ee aan isha geliyey wuxuumbaan ku qiyaasay gaadhi xammuula oo kuwan miyiga u baxa ah. Gaadhigaasi markii u horreysay ee la soo waday ee dalkaba la keenay wuxu soo maray waddo aad u xun oo isagoo burbursan baa la keenay dalka .

Gaadhigaa saddex darawal baa iska beddelay illaa hadda. Darwalkii u horreeyay isaga oo aan in badanba wadin laakiin isku yar toos tosiyay oo duqadahii ka biiyay qaar welina u dadaalaya ayuumbuu mar qudha wax qoonsaday oo intuu meel dhigay furihiina iska dhiibay iskaga dhaqaaqay. Kii labaad guntiga ayuu u gaabsaday oo xagga duubbe ka dhufo xagga kaga dhufo wuu isku toos toosiyay oo gaadhigii dhaqaajiyay. Wax Allah wixii ka soo baxana gaadhiguu dib ugu celin jiray. Wuxuuse jab ku dhigay. Mar mar ayuumbuu siduu gaadhiga u toocinayo arki jiray nin laba go’ oo cad cad sita oo waddada ka tallaabaya oo aan cid kale arkayn. Markaasuu gaadhiga dhufan jiray oo ama geed jiidhsiin jiray ama qallibaad halis u noqon jiray. Yeelkadiisee ninkaasi tiriib (trip) qudha kama habsaami jirin ee wuu bixi jiray.

Waxa ka dambeeyey mid aan gaadhiga wadistiisa wax badan ka aqoon xarrifse isu haysta. Mid isu qaatay in gaadhiga la siiyay oo dadkii lahaa wuxuu ku celiyo daaye aan waysar (washer) ka beddelayn. Mid aan gaadhigii dhaqaajinayn oon rarayn. Haddana aan bakhtiinayn oo uu guuxayo uun. Sidii maalinba meeli gubanaysay iminka injiinka (engine) ayaaba sanqadhi ka baxaysaa oo inuu duqeeyo waw halis.

Ninkaa darawalka ahi dadkan gaadhiga saaran ee saaka lixdii fuulay ee afartii galabnimo maraya ee cadeeddaa Kaliileed ku bislaysay gaadhiga dushiisa ee badidoodu qatan yihiin ee reerahoodii inay ku hoydaan iyagoo nabad qaba raba dan kama leh. Maba oga. “Shidanaaba shidan.”

Wuxuu ku mashquul yahay xisaabta isaga iyo kaariga u dhaxaysa.

Markuu Kaarigu lacagta u dhiibo markiiba intuu ka dhufto ayuu odhanayaa. “waa maxay waxanu? Ma iyadaa lacagba ah. sawtaad 15ka casho raraysay bahalka. Waar lacagta na nasii ama naga rog dadkan aad na saartay. Intani naaftadaba ma aha. Bixiba maayo. Waar naga soo dega waryaa. Naga soo dega.” Markaasuu kaarigii yaabayaa. Markaasuu hoos la maqlayo isulahadlayaa oo odhanayaa. “waar ma kan baa Ilaahay ninkii noogu beddelay. ‘aar ma kan baa ninkii ka dambeeyey. Wallaahi kan dhuxulaha ayaa guban. Weligiiba meeshuu ka yimi kani malaa dab laguma shidin. Waar waxani risiq maaha ee aan wax kale ka doonto magaalada.” Markaasuu haddan isagii ku odhanayaa. “Waar lacagtu way dhantahay. Shilin kama maqna.”

Dadkii gaadhiga saarnaa way yaaban yihiin oo waxay leeyihiin tolow koormuu dhaqaaqayaa. Darawalkiina intuu kaarigii soo saaro guudka ayuu dadkii odhanayaa tiri. Oo jawaanada, moohaarada iyo alaabta ay sitaan tiri. Markaasaa dadkii la odhanayaa ka kaca alaabtaa la eegayaa. Markaasay odhanayaan. “waataanu kiradii bixinnay ee ma waxbaa nagu hadhay.” Markaasay dib u soo degayaan. “waar kabta ii qabo. Hadda ushaa ii qabo aan soo degee. Waar yaa arkay go’aygii aan ku fadhiyay.” Wareer baa ka dhacaya. Tiro ka dib baa haddana la soo koroyaa. xisaab baa laysugu noqonayaa. Dadkii oo soomal-haadsan ayay tu yari la hoos imanaysaa khudrad. “saytuunka saytuunka..” markaasuu odayodhanayaa. “kaa beri baan cunay oo dibiro ayuumbaa cirkaa layla baxay. Haysoo dhoweyn adeer.” Dadkii in la baxayo iyo in la soo hoyanayo midna ma sheegi karaan. Wax looma sheegayo. Ha yuururaanuun. Gaadhi guuxaya oo aan socon ayuumay fuushan yihiin.

Gaadhigaasi wuxuu leeyahay kirishboy (garage boy) ku weynaaday oo saddexdii darawalba la soo shaqeeyay. Darawalnimada ma barto laakiin wuu ka sheekayn yaqaan sida loo kaxeeyo gaadhi. Wax weyn kuma qabo ee waxaanu ka maarmayn bariiskaa lagu reebayo iyo inta qaadka ah ee garaabada u badan ee uu u jeexo ka gaadhiga wadaa ee uu weliba gaadhigoo socda ugu yeedho oo untuu jenbiga ka dego ka soo qaato oo dib ula soo fuulo dusha. Inay oodi xagatana la arkee markuu daaqadda fuushan yahay. Ma arrad baxo oo wuxuu leeyahay shaadh iyo surwaal uu dhigto doobiilaha oo inta magaalada la joogo uu gashado. Cidday darawalka wax isku qabtaanna isagoon maxaa lagu sadqeeyayba dhan ayuumbuu dhinaca kaga qabtaa oo darawlka la saftaa. Marka dambena maslaxaadda ayuu wax ka galaa oo iska dhigaa nin wax kala qabanayay oo ladqabe ahaa.

Waxa kale oo uu gaadhigu leeyahay deni dhawaan shaqada la qoray oo illaa maalintii uu gadhiga soo fuulay loo diidan yahay in la xisaabiyo ama loo sheego waxa gaadhiga u yaal waxa soo gala iyo waxa galay midna.

Waxa kale oo jooga raggii darawalkii u horreeyey gaadhiga la soo kexeeyey markuu dalka soo gelinayay ee la soo rafaaday. Ninka shookiga haysta oo darawalka ay isu dhuun daloolaan iyo Kirishboyga ayaa lagu ballimiyay oo maba soo dhaafi karaan. Afkaba hadday gaadiga soo mariyaan qaylada ayaa isu yeedhaysa.

Waxa iyana meel ku xaraysan carrurtii reerkoodu gaadhiga lahaa oo dheri dab loo saarin muddo dheer oo tukaankiina biilkii ka jaray.

Markaa adeer gaadhigaas ayaynu fuushannay meelna uma soconno nin xisaab xun oo naftiisa uun wax u raadinayaana wuu wadaa. Dee markaa Alla haynoo sahlo.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe yidhaahdo.

A. Geeljire

No comments: