Friday, August 3, 2007



DALJIRE


“Baarroy Warran?......Gabadhii Dhalatay Garab-Ma-Lays”


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal:Waar shirkan aad la gasheen Gaboose iyo ururkiisii ee la yidhi albaabadaa u soo xidhateen muxuu ahaa? Ma urur aan sharciyeysnayn baa la shiraysaan?


Dubbe:Waxaan ku weydiiyay. Hadh iyo habeen Xabashi iyo C/lahi Yusuf oo ay hoosta ku wadato ayaa la shirtaan oo Addis Ababa, Nairobi iyo Roma intaba waa kula shirtaan dadkana uma sheegtaane ma mujaahidiintan arjiga sidata ee idinle waar daaqad aanu ka dhiibno waraaqdan noo fura ayaa nooga dhigaysaan inay deyrkii Maka gubeen? Waar anagaa la shirnay oo haddana la shiri doonna. Waddan dhan baa bixiseen oo C/lahi Yusuf u xalaalayseen oo illaa iminka aan la hayn oo na leediin Gaboosaa la shirteen. Waar weli gardarradaas oo kale ma aragteen? Waxaanse ku weydiiyay adiga, maxaa idinku kuraasidiisii u qaadateen? Ma kuwaa ku fadhideen baa idiniu yaraaday? Mise iyana xafladaha Madaxtooyada ayaa u baahan?



Doolaal: Allah! “waraabow bood oo xagga cadka u bood.” Baa la yidhi. Ma isku kaayo soo qaadday? Waar waakii Ismaaciil yare sheegay oo yidhi “abtigii Siyaad Barre ayuu jujuubka ka bartay.” Waar meesha sharciga ciddii jebisa shaqo ayaa laga qabanayaa.


Dubbe:Waar waabad i xusuusisaye waxaan arkay ninkii Ismaciil yare oo arrimo badan ka hadlaye. Ma Siyaad Barre ayuu afkiisa soo mariyay oo la hubaa? Awal naanaystiisi maxay ahayd anigu waxaan u aqaan Ismacil Adan Cisman Xaji Farax eh?


Doolaal:Maxaa adiga kaa galay wuxuu ka hadlay? Mucaaradkiinnana waakii yidhi ma rabo oo UDUB baan ahaanayaa weligay eh. Miyaydin khasbi dee? Weliba goalha haynoo ahaato.


Dubbe:Horta intaanan wax kale odhan. Waqti baan u waayay waana laysku leeyahaye ee waan tacsiyadaynayaa isagaya iyo walaalkii Mujaahid Abees ba. Waxaan leeyahay samir iyo iimaan Alla haydinka siiyo Abihiin, idinka iyo qoyskiina iyo qaraabadii uu ka tegey marxuumku. Isagana Ilaahay ha u naxariisto.


Doolaal:Aamiin. Waar qof ma moodaa maanta? Oo hore miyaanad u tacsiyadayn?


Dubbe:Sawnigan ku leh waqti baan u waayay. Horta hadalkiisii waan arkay. Dhinaca Gaboose iyo Qaran wax wixii ay UDUBtu dhuri jirtay ee aan macnaha lahayn ka badan muu odhan horta. Weliba isagu qaar badan buu dhaamay oo wuxuu yidhi. “Maxakamdda ha tagaan.” Laakiin ismaan lahayn Siyaad Barre iyo dhankaa wuu soo hadal qaadayaa. Waxaan kale oo garan waayay waxa ay qoladan UDUB u soo hadal qaaddo in ay Mareexaan dhaleen Ina Gaboose. cid walba cidbaa abti u ah ee maxaa abtiyadii keenay?


Goormaynu xagga islaamaha u ab tirsannay?


Qaar idinka ah baanaan garannayn cid abti u ahba oo aanu is nidhaahnaa malaa kuwan laba dhaqax dhexdood baa laga helay, haddana ma soo qaadno.


Hadda malaa taagga Somalilandnimada ayay u diidan yihiin Ina gaboose. Ta kale isagoo Wasiir ah oo weliba Abti loo yahay ayuu iskaga tegey oo SNM ku biiray ee idinka iyadoon abtina laydiin ahayn guuulwadayaal yar yarna ah haddana saw lamaydaan joogin faqash oo laydiinkuma soo gelin? Maxaa baddaa idin geliyay? Nin Sucuudiga tegey beri ayaa ku soo baxay xayn adhiga Sucuudiga ah ee madmadow ee dhogorta weyn leh. Markaasay ka dideen oo yaaceen. Markaasuu yidhi. “maxay ka yaacayaan?” “Way dideen” Baa la yidhi. “Anagaaba iyaga ka didaynee maxay la didi.” Ayuu yidhi. Iminka idinkiibaa Faqash iyo Siyaad iyo wax soo hadal qaadaya. Anaguna maxaanu soo hadal qaadnaa markaa?


Doolaal:Oo intaa ab iyo abtiba waa hadal haysaane dadkana Faqash waa ku tidhaahdaane maxaa la kululaataan markaanu midkiin yara taabanno? Ismaciilna iminkaanu wasiir ka dhigayna haddana. Haye.


Doolaal: Horta waynu ognay oo Wasiirnimada ciil uma qabo Ismaciil oo dhawr goor buu wasiir noqday inuu noqdo mar kalena waa suura geli kartaa oo biciidsan maynno. Laakiin madaxweyenimo ayaan doonayaa buu yidhi. Dee malaa taasi way ka yar adagtay Wasiirnimada? Miyaanay sidaa ahayn Doolaalow?


Doolaal:Waar anaga waxba naguma adka oo ninkaanu doono ayaanu ka dhigaynaa Madaxweyne. Ee iska wadoo hadal tiradaada adigu.


Dubbe: Wallah? Waar yaa Ilaahay yaqaan? Horta Ismaciil nacas ma aha oo wuu ogyahay in wasiir la noqodo xataa inaanad Madaxweynaha u baahnayn mararka qaarkood. Isla markaa inaanu Madaxweynuhu isagoon ku jeclayn ku eryi karin mararka qaarqood. Sidoo kale aanu wasiirnimada kugu hayn karin isagoo ku jecel mararka qaarkood. Ismaaciilna labadii goor ee uu Wasiirka noqdayba, Ilaahay uma baahin Madaxweynaha. Iminkana u baahin maayo hadduu doono ee anigu Madaxweynenimada ayaan ka hadlayaa baan ku idhi. Bal calaamadan kaalaya. Waar maanta maa daaqaddii xumayd baad ku so xiiqday waadigan sidii gaadhi xun oo foodh (Ford) ah kululaanaya ee aan waxba fahmayne?


Doolaal:siday u adagtay? Saw qofku intuu xisbigiisa ka soo baxo inuu cod doonto uun maaha arrinku?


Dubbe:Mayee waa sidaa marka ay hadalka oo keliya tahay. Laakiin markay falka tahay way ka duwan tahay. Waxaan arkay in ninkii Ismaciil laga badiyay isla markuu sheegay inuu damac madaxweynenimo leeyahay.


Doolaal:sidee looga badiyay? Ma haddaad nin aan tartanba ku jirin tidhi waa laga badiyay? Allah nimanku badis jecelaa?


Dubbe: Dee waa run oo idinka taariikhdiino waa maalintaa la joogo uun. Shalayba ma gaadhsiisna wax ka fog iska daayoo. Markuu Ina Gaboose wax ka sheegayay ayuu isagoo tilmaamaya waxyaabahii xumaa ee Ina Gaboose sameeyay yidhi. “waa ninka ururkii SAHAN ee aanu ku wada jirnay subax qudha ula guuray Dumbuluq. Ma ninkaasaa la aaminayaa?” Waxaan is weydiiyay tolow Dumbuluqdan uu tilmaamay ee la fogaatay ee uu kagaga daba tegi kari waayay ma Talabiib bay ku taal? Waan shakiyay. Maam (map) baan soo qaatay. Waan baadhay. Kaan imi; Dumbuluqdaayba halkaan ka filaayay bay ku taal oo dooxan Hargeysa daantiisa kale weeye. Hadallo horena waa iska jireen oo waakii berigii ninkii gaalka ahaa ee lagu dilay Star yidhi “maxaa isaga qaaradda madaw geeyey?”. Dee markaa waxaan is idhi waar ninka Dumbuluq la fogtay halkee kale ee uu cod uu Madaxweyne ku noqdo u doonanayaa? Berigii Dhoqoshay baa iyana jirtay. Dhankan Saaxil Madaxweyne-Ku-Xigeenka wixii kala gaadhay waynu ogayn oo mari maayo.


Galbeed iyo xaggaa Awdal waakii markuu Madaxweynaha u raacay Oodweyne waqtigii doorasha Wakiilada jiidhay markii lagu soo dhoweeyay makarafoonka ee la yidhi. “Iminkana Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah nin reer galbeed ah aan ku soo dhaweeyo makarafoonka.” Waakii isagoo Madaweynihinu ag taaganyahay, illayn isagu kamuu biqi jirin oo Ilaahayba uma baahine, ku jawaabay. “waar aniga reer galbeed haygu sheegin kuwaasi calooshay wax ku qabsadaane. Reer Oogo dheh.” Markii dambe ayuu caqligu igu soo degay oo inaan qaldanay baan ogaaday oo waxaan idhi. War reer Xaji Farax baa ku filan ee muxuu cid kale ku falayaa. Waar hayska doonto Madaxweynenimada ma Ina Rayaale ayuu ka liita?


Doolaal:Waar waxaase waa waxii hore ee waakii yidhi. “Liisankii siyaasadda ayaan qaatay intii aan xilka ka sii maqnaa.”


Dubbe: Waar anigu inuu hore u haystay baan moodayay ee liisanka siyaasadda ma Zambesi restaurant baa lagu bixiyaa? Yaase u saxeexay? Waar Ismaciil iska daayo sheekadii Ina Rayaale odhan jiray musuq maasuq ma jiro ayaan ogaaday halkuu ka keenay.


Doolaal:Maxaan ku arkay adigoo meel aan waxba ku jirin wax ka deyeya. Waar sheekadaasi way dhamaatay ee wax kale ma haysaa?


Dubbe:Horta islaantii Dulmar baa ii sheegtay oo waxay tidhi. Waxa jirta sheeko deegaamadaa galbeed ee dalka laga yaqaan oo la yidhi. Hadda haddan sheekada qaladana ha la iga raalli noqdo. “ninbaa gabadh guursaday. Gabadhii buu muddo dheer arki waayay iyadoo wax cunta ah afkeeda saaraysa. Wuxuu weydiiyay waxay wax u cuni weyday. Waxay ku tidhi. “waxaan dhashay sebenkii la odhan jiray Garab-ma-lays. Oo qofkaa sebenkaa dhashaa wax ma cuno.” Muddo ayuumbay raashinka beerta ugu keentaa iska noqotaa. Isna gabdhii oo sii naaxaysa ayuumbuu arkaa. Ilaahay yaab buu u keenay. Maalintii dambe ayuu meel aqalka ah ugu gabbaday. Wuxuu arkay iyadoo waxii weel yaallay guriga mid walba wax ka cunaysa ama ka cabbaysa. Ubbada subagga, haanta, xeedhada xilibka, dheriga hadhuudhka IWM. Maalintii dambe ayuu u yeedhay gabadhii. “Cunto ma sidii baad ka tahay? Buu weydiiyay. “Haa.” Bay tidhi. Weelkii guriga yaalay ayuu ku jeestay. Mid mid buu wax u weydiiyay. “Baarroy warran?” ubaddii. “yaa subagga kaa cunay?” “Iyada.” Mid mid bay u sheegeen inay iyadu xaalufisay. Halkii buu ku furay gabdhii.”


Markaa waxaan xusuustay lacagtan la yidhi shandado ayaa lagu geeyaa Madaxtooyada. Qaar kalena waa lagu sii qaadaa. Guryaha la yidhi Masar baa laga dhistay iyo Nairobi ee haddana la leeyahay wax la musuqaaba ma yaallaan. Dee malaa iyana Garab-ma-lays bay dhasheen ee iminka waa inaynu wasaarad walba iyo wakaalad walba iyo hay’ad walba iyo Deked walba, iyo bangi walba, iyo Airport walba iyo Kastan walba iyo Dawlad hoose oo walba iyo Rug Ganacsi walba iyo Total walba iyo Adhi walba weydiinaa cidda ka qaaday lacagtii ka soo baxday oo nidhaahnaa “Baarroy warran?”. Markay sheegaan waa inaynu nidhaahno dib kuugu codayn mayno.


Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.


Geeljire

No comments: