Friday, August 3, 2007


Daljire


(“AlKhawajaat?... Qatalnaahum Amis”)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbee:Waar u kaadiya. Waar bal is dhegeysata. Waar nimanku qaylo badanaa? Waar anigu mid baan idiinn sheegayaa. Geelaa loogu heesi jiray. “Derbi cagaweyn darka loo dhigay deysan meysee wayska dumisaa.” Waar ninkan Ina Rayaale isagaa iska duminaya darka ee idinku iska daaya. Daartii yarayd ee Qaahira ayaa ku fillaatay iyo dhawr xisaabood oo buuxsamay oo cod iyo taageero midna uma baahna. Markaa waxaan idin leeyahay ninkaasi yuu reer Awdal idin kala dilin ee isaga ku ekaada. Marka horena idinkaa doortay ee reer Awdal idinkumay khasbin. Maantana eega bal inay ku yidhaahdaan waad qaldantay ee dadkii ku doortay xumaanta ka daa iyo inkale. Laakiin aflagaaddo iyo ceeb kale yay reer Awdal u tegin. Ogaadana oo wax dheeraadana kuma qabaan ee dhibta uu dadka ku hayo mid ka xun buu ku hayaa. Ina Rayaale ka hor reer Awdal waa lays ahaa dabdiina waa lays ahaan doonaa.



Guud ahaanna waxaan leeyahay waar xisbiyadii aynu ku soo noqono oo beelahan uu Ina Rayaale inagu celiyay xaggooda haynoo kaxayninana.UDUBta ayaa marna qabyaaladda jeclaysata marna ay la qadhaadhaataa.


Doolaal:Waar iminka saddexdan nin ee la xidhay ee sharcigii dalka ka soo hor jeestay ma dadkay ka weyn yihiin? Ninna sharciga kama sarreeyo adeer. Maxaase samayn kartaan?


Dubbe:Horta hadalku wuxuu ku dhan yahay maxaad samayn kartaan? Cawil baaba hore u sheegay oo yidhi “Suldaan Cismaan baanu xidhnay oo cidi ka daba iman weyday oo afartii la socday dhuunteen. Kuwanna markaanu sharciga la tiigsanno cidi ka daba imanmayso.” Dee odayga waa runtiiye ma cidbaa ka daba tegeysa. Xaasha. “ku kaajaan nin u aqaan.” Buu yidhi ninkii jiray. Niinwaliba sidii Dhallin Ileeye ayuu odhan doonaa “Alla uma naxariistaanka annagaabay nagu dari.”


Doolaal:Haaye ma dadkay ka weyn yihiin.?


Dubbe:Horta mushkiladda meesha taalla waxa weeye laaska iyo dubbaha ayaa idin lumiyay. Haddaydaan maanta garanayn qiimo Allah qiime ay leeyihiin nimankaasi maxaan idin odhanba. Waxa la yidhi berigii Sucuudiga laga badhaayay saliidda ayaa laba nin oo Maraykan ah oo khubaradii saliidda baadhaysay ahi saxraagii ku dhaxeen habeen intuu gabbalku ugu dhacay meelihii ay sahmainayeen. Subaxii baa ciidan laga daba diray. Ciidankii baa ku soo baxay laba nin oo reer miyi ah oo Sucuudiyiin ah. waxay weydiiyeen inay arkeen labadaa nin ee maqnaa. Waxay ku jawaabeen. “Alkhawaajaat al ethneyn?” (ma labdii gaal) Nacam.(Haa) Baa la yidhi. “Qatalnaahum amis. Alla yalcan alkufaar.” (Shalay baanu laynay kufaarta Alla ha nacdalee) Bay yidhaahdeen intay iska dhaqaaqeen.


Iminka raggan aydin iska xidhatteen ee si aan sharci ahayn u xidhateen wax ay qiimo idinla leeyihiin ma jirto. Idnka waxa idiin daran uun inaad laba mujaahid xidhaan. Wixii ay keeneen ee ay u soo halgameenna waydinkaa ka dhiishaa dhaansaday. Sidii labadaa badaw ee Sucuudiga ahi ay uga dhergeen saliiddii ay soo saareen raggii ay laayeen. Dhiilkii nabsigaa idinka buuxsamay baan u malaynayaa.


Doolaal:Marka laydin qabtaa baa tidhaahdaan Jabhad iyo kaadi iyo wax. Waar adkaysta. Sharciga iyo nabadgelyada annagaa ka masuul ah. waa nala doortay. Doorashadii baa ku guulaysan weydeen. Hanashada hoggaanka ayaa ku guul darraysateen. Markaasaa ku jiq sii samaynaysaan oo xeerka jebeinaysaan.


Dubbe:Waar haddaydaan xumaan doonayn doonayn maaalin walba ma nin mujaahida ama muwaadina baa xaq darro jeel ku geyn lahaydeen. Nimankan haddaa markii hore u furi weydeen daaqad ay arjigooda ka dhiibtaan oo aydin ka door biddeen inaad dacwad ku soo oogtaan ma waxa garan weydeen markay maxkamadda yimaadeen damaanad ka qaada oo guryahiinii ku noqda dhaha. Inta kiiskaasi socdo ee maxkamadi inna kala saaraysana dhaqdhaqaaqa iyo abaabul siyaasadeed joojiya. Maalmaha dacwaddu socotana kaalaya maxkamdda. Taas oo aydaan xataa xaq u lahayn baa dhaami lahayd jeelka Mandheera geeya. Saw waxaad u jeeddaan maaha karaamada ka qaada? Maxaa iminka kordhisateen?


Doolaal:Maxaa damaanadba keenay? Hawadaa laga qarinayaa ninkii is waala. Angu mujaahid iyo jabhad waxaa ma naqaan. Sharciga qofkii jebiyaa wixii gaadha isagaa isu keenay.


Dubbe:Oo mujaahid iyo nin soo halgamay toona ma taqaaniin danna kama lihidin? Ma idinkii baa sidaa u hadlaya? Kkkk kkk kkk.


Doolaal:Anagu ninkii sharciga jebiya dan kama lihin. Jabhadda waa la wada ahaaye ma. Ma cid baa gaar u ahayd? Maxaadse ku qoslaysaa?


Dubbe:Waxaan ku qoslayaa sheeko beri nin iiga sheekeeyay iyo sidan Somaliland tahay iminka ayaa isu ekaaday. Wuxuu yidhi. “Nin asalkiisu Somaliland ka soo jeedo oo reer Kenya ah ayaa gabadh yar oo quruxbadan oo isagana aad uga yar guursaday. Aad buu ujeclaaday. Carruur aanay dumarkii hore ee uu qabi jiray u dhalin baa Ilaahay ka siiyay tan yar. Wuu sii jeclaaday. Meel tuula ah ayuu ula guuray. Maqaaxi iyo tukaan buu ka furtay. Shaw tuuladan baas nin saajin ah oo ba’an baa xukuma. Odaygii war aanu jeclaysan oo saajinkii iyo gabadhii ku saabsan baa dhegahiisa ka batay. Dhegahuu ka furaystay. Warkii baa kala go’i waayay. Waabuu ka sii daray. Talo ayaa ku caddaatay. Wuxuu arrin ku goostay inaanu gabadhaa furin wax kasta oo loo sheego.


Maalintii dambe ayuu daf gurigiisii soo yidhi mise saajinkii ayuu fal dembiyeedkii lagu sheegi jiray ku qabtay isagoo gacanta kula jira. Saajinkii oo argagaxsan baa boodi kari waayay oo halkii ku qallallay. Ninkii saajinkii lamuu hadale gabadhii buu hadal dagaala ku yidhi. “Naa saajinka cayaarta ka daa wax xun Allah ku badye. Saajinka ayuumbay ku ciyaarta oo la faro-ka-ciyaartaa. Miyaanay wax isku falayn oo aanay xishoonayn? Naa saajinka ka hoos bax oo banaankaa qun yar iska joog”


Ninkaasi wixii laga dagaalami jiray ee laga dhiidhiyi jiray ayuu indhahiisa ku arkay isagoo xaaskiisii lagula kacay. Hase yeeshee wuxuu gacmahiisa u laabtay oo sharaftiisii u difaaci waayay gabadhaa uu jeclaa ee carrurta badan Ilaahay ka siiyay iyo qoyskaasi inaanay ka burburin. Saajinkii wuu iska tegey isagoo nuskii dhintay. Ninkiina reerkiisii wuu iska asturtay oo iska dhaqday. Iminka,aniga hadduu doonayo xaal hay qabto sheeko xumida eh, waxaan leeyahay dalkan iyo dadkiisa ayaanu danaynaa weligiinba na xidhxidha. Somalilandey Nabadsugidda ciyaarta ka daaya ayuumbaanu leenahay oo xukuumadan wadda xadhigga xaqdarrada ah, musuqmaasuqa, khilaafka golayaasha, boobka hantida qaranka iyo cayda iyo aflagaaddada inagaa ka gar daran ee iyadu waxba may samayn. Doorasho aan ku sinno.


Doolaal:Waar kuwii cimaamadda xun ka bixin jirayna miyay maanta kaga baxeen? Waar ninkan aan xishoonayn xaal ka soo bixiya dee.



Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire

No comments: