Monday, August 13, 2007


DALJIRE


(Qaraf iyo saliid)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe:Waar xaaladdiinu ma waxay maraysaa inaad xaasaskii inay soo booqdaan raggoodii aydin dulmiga ku xidheen u diiddaan? Maxa waxa maraysaan in iyagoo gosgoshii iyo cuntaday u sideen laalaadsanaya kolba xafiisba xafiis kale u diro? Ma waxaa maraysaan in lagu tuuro warqaddii ay ka soo qaateen maxkamdii xidhay oo tidhaahdaan tani socon mayso ee Guddida Nabadgelyada ee xaaraanta ah u taga?


Doolaal:Waar wax waliba nidaam loo raaco ayay leeyihiin ee nidaamka soo raaca. cid sharciga ka weyni ma jirto. “nin kuu digay kuma dilin.”


Dubbe: Waa hagaage waxaad ka heshaan baa leedihiine, nimankan dhiillaysan ee khasaarahu ka soo gaadhay dabkii maxaa ugu ciyaaraysaan?


Doolaal:Oo waayo? Madaxweynuhu Guddi buu u saaray oo inuu caawiyo ayuu doonayaa.


Dubbe:Waar Wallahi inaanu lacag uu i dhiibo aanay tirinayne luggooyada ka daaya nimanka. Iminkay daaqaddii siday u taagan yihiin ee uu kolba ballan aan dhammaanayn iyo igu soo yar noqda iyo waxoogaa baan meel ka sugayaa nafta ugu keeni oo ay kabahu kaga madhan doonaane nimankaa luggooyada ka daaya. Waar nimankii warshadda lahaayow. Dadkii daaqadda sii taagnaa wax weydiiya oo Ilaahaybaa lacag badane ha ku habsaamina.


Doolaal:Waa waajib in khasaaraha laga taakuleeyo nimankaa dalkooda maal gashaday ee wax kale ma haysaa?


Dubbe:Waan hayaaye nimankan Guurtida ahi ma carruur bay noqdeen? Mise inay Ina Rayaale u kordhiyaan muddada ayay u sii gogol xaadhayaan?


Doolaal:Waar odayada afkaaga ka jeedi. Maxaad ku qoonsatay iyana?


Dubbe:Waxay warbixinta ku sheegayeen ee ay Golahooda ka akhriyayeen ma maqlaysay? “markaasaanu la ballannay oo haddana 9:30kii la ballannaay. Oo maalintii kale lixdii la ballanay markaasaanu nidhi ....Oo haddana hudheel kula ballanay..oo misna..”


Waar ama sagaalkii la ballama ama tobankiiyoo meesha wax macno leh maydaan wadin dee. Farrin Ina Rayaale leeyahay baa sideen ergona waa isku magacawdeen. Labadii nin beddeli mayno baa la soo shir tagteen waxna waanu dhexdhexaadinaynaa baa tidhaahdeen ee waa sidee arrinkiinu?


Anigu maan fahmin sida ay nimankaasi dhexdhexaadka u yaqaanaan? Waaba dhexdhexaadnimadii Maraykanka marka uu Carabta iyo Yuhuudda leeyahay waan u dhexeeyaa. Cidduu la socdana waa la ogyahay.


Arrinkoodiina waakaa fashilmay markuu Ina Rayaale yidhi labadii nin hawl gala.


Siduu u hawl geliyaa niman aanu magacaabistooda lahayn? Sidee buu se ugu cuskadaa qodobka madaxda iyo hay’daha madaxa bannaan ee Madaxweynuhu magaacaabo. Kuwani waa Komishan gooniya xeer gooniya oo u gaarana way leeyihiin.


Doolaal:Hadday ballanka sheegaan saw Shirguddoonka Wakiiladu kagama bixin kullankii? Ta kale Madaxweynuhu saw Distoorka raaci maayo?


Dubbe:Waar heedhee. Waar dalkan sidan ka daaya. Oo khiyaamooyinkan yar yar ee is daba dhigaysaan waanu idinla garanaynaa haysku keen dilina. Garsoorayaal maxkamadda lagu kordhiyo, Guurti iyadoo kalfadhigeedii caadiga ahaa saddex casho ka hadhay qabsata fadhi aan caadi ahayn oo guddi yar oo farrin Ina Rayaale ka soo qaadda la warwareegta, qodobo aan jirin oo uu iska cuskado Ina Rayaale. Waar waanu fahmaynaa naga daaya. Alla ha u naxariistee halgamaagii weynaa ee Faarax Nur haddaan canjilo waxaan odhan lahaa:


Is qallufintii ma dayn Daahir weli Laysku qoonsadaye


Qasab waxuu doonayaa waxaan qabsoomayne


Haddaan heshiiska loo wada qasdiyin wayska qiil jabane


Waataa raggii Qaran lahaa qaar maxbuus yahaye


Goormaa run uga qaadateen quduro weeyaane


Qushi hadalka loo leeyahaan qaar ka didayaaye


Waa lagu qiyaamaynayaa ururka qaaroowe


Bal qallooca daya Guurtidaa idin qafaalaysa


Qaadiyada halkee lagu wadaa layska qoranaayo?


Qasanaddii dadweynaha maxaa qodaha loo siistay?


Qadhaabka maxaa loo siinayaa UCID dan qiiraysan?


Qaraarrada Golaa maxaa loo qaddarin waayay?


Qawsaaradiisii maxaa cay loogu wada quudhay?


Qolo tuuga jaasuus qayaxan qaaraan garanaayo


Odayaal samii laga qafilay oo qarad u hooseeyo


Qodob beena xeerkaa qarriban ee la isku qaadaayo


Qorshe duuban qiso faqasha iyo qabac la dhiibaayo


Doqon ba shirkii lagu qatali qayb ka soo noqone


Maanigaa xarfado lay qarshaa miino Qulujeedsan?


Maanigaa qaraar aan hubin qalin ku duugaaya?


Qaafada dadweynaha la nacay oonka la ilaaway


Umaddaa qaadhaan codeed qayb dhan nagu siine


Qaraf iyo saliid baanu nahay booli quutahe


Inuu haatan Qaahira tagaa Qaadir soo rogaye


Waaryaadha ha quusanina kani waa qaddaro dhowe



Wa innoo Toddobaadka dambe: haddii Eebbe idmo.

No comments: