Sunday, August 19, 2007


DALJIRE


(Midnimada Adkeeyaay…..Ilduuf)




By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar waxaan ku weydiiyay yaryarkan reer Boorame ee la yidhi dad baa shiiday iyagoo kubbad ciyaaraya maxay ahaayeen?


Doolaal: Aniguba suuqaan ka maqlaye miyaanad laba socon ciyaaraha gobolada dalku isugu yimaadeen ee lagu tartamay halkan?



Dubbe:Wallay iga tay. Aw Xasan Sh. Cisman Nuur (AHN) ayaa isagoo suuqa Burco maraya arkay dad dhallinyaro ah oo meel ku buuqsan. Markaasuu weydiiyay waxa dhacay. “Bob Marley baa dhintay.” Bay ku yidhaahdeen. “Oo adeer ma xero qaadda ayaa lagu dilay?” buu weydiiyay. Ha la yaabine isagu meelihii uu tegi jiray lagama aqoon Bob Marley. Waa ta labaade shaw subaxii hore mar uu soo ag maray xero qaadda ayuu maqlay xabad ka dhacday xerada dabadeed labadii arrin ayuumbuu isu geeyey ;ninkii dhintay iyo xabbaddii dhacday. Iminka ma kubbad baanu ka warhayna? Waxay ahayd inay bahasha ka dhigaan saacadaha laga soo kaco bahalka. Iga walla markaan nus jebisa ka soo tuuro qolaadaan raaco inaan laga badiyeen. Hortayda iyo hareertaydana lama fadhiisteen oo laad iyo madax baan kala daali lahaa cidda fadhiisata. Hadal bay baratay.


Doolaal:Waar waxbana badin mayside maxaad ka sheegaysay dhallinyarada


Dubbe:Hortaa waxaasi hadday dhaceen waa ceeb weyn. sidee inamo kubad ciyaaraya oo farxad iyo tartan ku jira loo shiidaa? Maxaanse u maqli waayay Mayor kii ama Badhisaab ama cid uun xaal siinaysa inamada? Maxaase loo shiiday ma kubaddii baa laysku xanaaqay?


Doolaal: Miyaan garanayaa inay arrin foolxumi meesha ka dhacday ayuumbaan maqlaye.


Dubbe: Ninbaa loo sheegay nin uu jeclaa oo dhintay. "Rag kale ayaan kala jeclaa." buu yidhi. Horta inamada xaal baan anigu siiyay haddaan Dubbe ahay anigoo ku hadlaya magaca mafrishka. Ilaahay hortiina wax la maqlo maaha dadkeenii iyo dhallinteenii oo maanta la yidhi dhagax baa lagu tuuray. Aniguse shiidkaa rag kale ayaan kala jeclaa. Ta kale anigoon marnaba haba yaraatee cudurdaar u samaynayn foolxumada dhacday haddana waan garanayay markuu Ina Rayaale qabyaaladda bilaabay ee uu kolba waa lay qabyaaladaynayaada dhuray ee uu kolba koox yar oo durbaano sidata Boorame ka soo kaxaysanayay ee lahaa kaala reer Hargeysa igula soo foodhya inay waxaa iyo wax ka dariniba dhacayaan. Waar hadalkaygu halkuu kaa dhaafaa? Intaa waxaan leeyahay waar wax kasta dadku hays yidhaahdo laakiin yaan laysku dirin umadda oo gobol gobol laysugu dirin oo qabyaalad laysugu dirin oo wixii laga heshiiyay la soo faqin. Waar Somaliland jiri mayso haddaan dadkeedu walaalo noqon oo aanay gacmaha is qabsan. Waar waa ceeb in aynu Ina Rayaale u aanayno Awdal iyo dadkeeda.


Doolaal: Ma ku soo dhex tuurtay Madaxweeynihii halkanna? "dundumaan aqaan oo waxaro ayaan oo looma kala taag helo." ayuu yidhi ninkii jiray.


Dubbe:Waar mid kaloo Ina Rayaaleba ka liita ayaa jiree, maantuu u darnaaye Saleebaan muxuu yidhi? ma magaca Guurtida ku hadli maayo?


Doolaal:Hadduu yidhaa maxaa ku jaban? saw qofku markaanu magaca golaha uu ka tirsan yahay aanu ku hadlayn ee uu fikirkiisa gaarka ah sheegayo inuu dadka u bayaamiyo maaha?


Dubbe:Waar malaa waad yar silloon tahaye. Anagu dee uma baahnin oday gadhcad oo suuqa iska maraya hadalkiisa. way buuxaan kuwaasu. Ninkani gole dhan oo dalkan jiritaankiisu ku tiirsanaan jiray oo marka ummaddu is qabato dhex geli jiray oo marka dhibaato timaaddo cumaadaha ku kala dhex tuuri jiray ayaa guddoomiye looga dhigay ee halkuu kaga yimi markuu na leeyahay afkaygaan ku hadlayaa? Ma waxaasuu wixii hore umadda ugu darayaa? Muu iska casilo haddaanu afkooda ku hadli karayn. Ahaaaaa!


Doolaal:Waar waxaad ka hadlayso garan mayaayo eh ninkani sax buu ku hadlay ee wax kale ma haysaa.


Dubbe:Allay lehe waa wax kale ma haysaa. Anigaabaanay ahayn inaan Saleebaan ku xiiqo iminka sida uu yahay. Intaasaan garan waayay. Alla ku doori ayuumbaan maqli jiray. qoodh iyo xaro waa la doorsaday. Awalba afka Ina Rayaale ayuunbuu ku hadlijiray ee wuxuu doono ha yidhaado. "Laba walba isa saaray oo weligay laba tagoogo isma saarin." ayuu yidhi ninkii jiray. Allay lehe Saleebaan iyo Ina Rayaale ayaa laba tagoogo ah. waar yaa inoo soo xulay dadkan? Taasaa la leeyahay hore haw socoto.


Waar iskaba daayay kane waxaan ku weydiiyay Ina Rayaale ma intuu Distoorka kala bixiyo oo indhaha isku qabto oo meel farta saaro ayuumbuu qodabka ay noqoto cuskadaa? illayn sidane waa yaabe. Yaa u macneeya Distoorka? Meesha Qaadigii miyuu ka tegey? miyaanu se ogayn inuu yahay qofkii ka fogaan lahaa meelaha mugdigu ku jiro ee dadka madaxa isu gelin karta? miyaanu ahayn kii ummaddan hagi lahaa ee wanaagooda ka shaqayn lahaa? Tolow ninka Ina Rayaale ereyga SARRIIG ma yaqaan oo Af-somaaligkiisa ma ku jiraa? Yeelkadiisee Ingriisi ma ku yaqaan inay tahay ETHICS?


Ma kii kolba hog ka dusi lahaa ee Distoorka iyo xeerarka xar ku noqon lahaa baa?


Aan kuu sgeegee qofku markaanu tixgelin u hayn xeerka waa mishkilad. Nin maalin dhoweyd inala fadhiyay oo reer Kanada ahaa ayaa iiga sheekeeyey gabadh Somaliyeed oo gaadhi wadata oo boolisku joojiyay. Liisankii ay gaadhiga ku wadday buu weydiiyay. Waxay tustay liisan derajadiisu tahay G1. noocaasi muu ahayn mid u oggolaanayaa inay gaadhiga ku kaxayso waddadaa weyn ee lagu qabtay. Markuu askarigii u sheegay inaanay u haysan liisan waddadan ee looga baahan yahay nooca ama derejada G2 ayay saaxiibadeed oo la socotay ku jeesatay oo tidhi. "naa kaagii ma haysaa?" "Haa." bay tidhi. Intay ka qaadday oo askarigii u dhiibtay bay tidhi. " G1 kayga iyo G1 ka saaxiibadday isu gee oo waxay noqonayaan G2 (G1+G1=G2)" Askaragii intuu ku qoslay ayuu tidigh ganaaxa u jaray. Iminka Ina Rayaale kolba qodobbo aan is lahayn iyo waxaan Madaxweyne ku dhaqmin ayuu isugu keen walaqayaa oo odhanayaa qodob baan u cuskaday iyo xeerkaa ii fasaxaya. Malaa carruurtiisuu weydiiyaa. Igawalla arrinkiisu waa G1+G1=G2. Laakiin isaga askari ganaaxi maayo oo Oomane ayaa odhanaya ku wad waddo sax ah baad ku joogtaaye. waxaanse kaga ciil la'ay shicibka iyo taariikhda ayaa siidhiga ku tumi oo mar aan fogayn ganaax aanu weligii iska bixin karin u jari. Hayska sii dhuuqdhuuqo imika.


Doolaal:Adiguna dad aanaan arkayn uunbaad ka sheekaysaa tidhaahdaa waxbay yidhaahdeen. Waar nagala tag sheeko xumida.


Dubbe: Weliba wuxuu yidhi:


Qofkii aan ogaynow


Baqal isir la raaciyo


Asal uu ku faaniyo


Abtirsiin ilayn ma leh


Isna Ubad uu dhalayoo


Adhaxdiisa ka unkamay


Aabo weligii muu odhan


Afcadow Dameer iyo


Abihii ma shaabaho


Islaantana in buu yahay


Iyaduu u badan yahay


Ogobayse eegmada


dadbaa ku ashqraaruu


Faras ula ekaadaa


Is-moodsiise weeyaan



Adna Ina Rayaalow


Islaax iyo wanaag iyo


Ummad iyo Hoggaankeed


Odaynimo markay tahay


Waa laguu ilduufee


Ehelkeedba maad tihid


Aqoonteedna maad lihid


Xilka lagugu aaminay


Sida loo agaasimo


Eber baad ka tahayoo


Ambad baad ku noqotaa


Mid la eegto maad tihid


Arxan laawe bahaloo


Agoomaa dhacaayiyo


Afmiinshaarro tuugoo


Ku adeegta xumahaad


Hadba ururstaayood


Istareex ku tahayood


Addeecdaa warkoodoo


Sida Agab ay leeyiin


Adigana ku maamula


Indhahaad ka xidhantoo


Qalbigaa ku awdmaye


Inta samaha jecelee


Aafaadka necebee


Hor Ilaah u talisee


Wanaag kuu ishaartana


Hadday aayad sheegaan


Ama ay akhriyayaan


Quraankii Ilaahay


Abidkaaba maad maqal


Aayatiin la sheegiyo


Intifaac ma lihidoo


Irbad dhuub ma geliside


Arrintaadu waa mood


iyo noolba urursoo


Aagaan ka buuxsoo


Aqallana ka jeexee


Mee aayahoodii


Dadkii kuu abaabulay


Guusha ololaheedee


Oogada ku saaree


Alla bariga kuu qalay?


Ma ogtahay duruuftoo


Ishey maanta leeyiin?


Anfacada ma haystaan?


Biyo oonka tira iyo


Laydh maw iftiimaa?


Asbaroo kolay tahay


Ma helaan adeegyada?


Intee maqan dhulkoodii?


Ictiraaf ma haysaa?


Yaad siisay adhigii?


Aaway kalluunkii?


Ooridee ku soorteen?


Dhaqaalahu itaal iyo


Awood badan ma leeyahay?


Abaal laawe inaad tahay


Inkiraaya samihii


Amaahdii dadweynaha


Dhaartuu ayaan maray


Axdigiyo Distoorkii


Xeerkii innoo yiil


Saw maad ag marinoo


Idilkoodba maad jebin?


Golahii aloosnaa


Ardaagii Wakiilada


Saw maad asqaynoo


Asaraar ma gelinoo


Sharcigay unkaane


Umddaow sameeyaan


Awaaraha kumaad rogin?


Saw maad arjuminoo


Albaabada umaad xidhin?


Dalka odayadiisii


madax iyo aqoonyahan


Estii baaqigeedii (SNM)


Aasaasayaashii


Afduub sow kumaad guran?


Shuqulkii Afweyniyo


Eedaymo beeniyo


Adyad sow kumaad xidhan?


Kuma urursan jeeloo


Alambaqa kumaad ridan?


Aflagaaddo iyo cay


Sow weliba maad odhan


Argagixiso weeyaan?


Arrin wuxuu ku gaw yahay


Innagaa mas aaduya


Arligii u loognoo


Addimada ku maranee


Inagaa sun biirtiyo


Ajo huursan laacnoo


Cidna eersanmaynee


Umad yahay adkaystoo


Iimaan lahaadoo


Muddadii asdaysnayd


Ayaamaa ka hadhayoo


Kolla ooli maayee


Inuu Eed la'aan baxo


Alla qabay inaga tago


Aamiinta dhaha oo


Oofaa dalkoo idil


Awdal iyo Sanaag iyo


Agagaarka Sool iyo


Inta obocda joogtaay


Is qabsadaa gacmaayoo


Dantu iyada weeyee


Midnimada adkeeyaay.


Aaamiiiiiiin



Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe yidhaahdo.


A. Geeljire

No comments: