Sunday, September 9, 2007



Daljir


(Qalwadii mulac baa galay)


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe:Waar heedhee bishu waa lix tii horena lama arag Ina Rayaale ee ballankii uu qaaday inuu inta u hadhay bil walba ina caayo miyuu ka noqday?



Doolaal:Madaxweynuhu markuu doono ayuu qudbadaynayaa. Ma inuu iska dhurmayo ayaad u haysataa? Markuu dadka wax u sheegayo ayuumbuu hadlayaa.


Dubbe:Waar weligiiba wax macno leh ma odhane. Wallaahi ninkaasi inaanu ballan uu qaaday weligii fulin karayn. Xataa hadduu hadal yahay. Waxaan maqli jiray “dabka igu soo dheji ku k ari maysid.” Inagaase ka liidana. Waxaanse u naxaa nimankii Guddida Dhexdhexaadinta.


Doolaal:Maxaad ugu naxaysaa saw kuwaa hawshoodii wata maaha?


Dubbe:Halkay hawshu toogtaa? Sawkuwan daaqaddii Ina Rayaale ee dadka lagu gumaysan jiray iyana hoos tuban maaha ee kolba soo noqda iyo sii noqda la leeyahay.


“Nin kuu digay kuma dilin.” Bay Somalidu tidhaadaa. Miyaanan odayaasha u digin oo aanan odhan waar cidday wax ka go’aan la shira. Oo weligii ballan muu oofin ee ha fogaaninna arrintu ma dhowa eh?


Doolaal:Waar waa la dhammaynayaa waxoogaa yar ee hadhay e is deji. Madaxweynuhuna wufuud buu ku mashquulay ee wuu arki lahaa odayada.


Dubbe:Haaye. Waa mashquule. Intuu ragga iska xidho ayuu party to party gelayaa oo is mashquulinyaa? Geeliisaa boqol gaadhaye.


Doolaal:Waar waxaa iska daayoo sawkan xisbigiinii meesha ku kala yaacay. Sawkan odaygii Cabdi Haybe soo goostay. Inaydaan meesha mabd’ ku hayn ma aragtaa horta oo waxaad nagu sheegaysaan idinba qaadanaysaan markaa heshaan?


Dubbe:Horta habaar waa debede anagu rag kala yaacaya ma nihin. Odaygan Ina Haybe ma inaan wax idhaa baad doonaysaa. Odhan maayo. Haddii laga tegi waayo heestii geela ee la odhanjiray “Saddex boqol iyo sagaashan habeen oo sidkaa yahay waanu kugu simi haddaad seegtana waanu kaa socon.” Ayuumbuu odaygu is weydaariyay oo yidhi. “saddex boqol iyo sagaashan habeen oo sedkaa yahay sugi maynee waannu kaa socon.” Wallaahi iyo tii xilood sagaashankii baa lagu jiraa. ‘aar adeerow naga daa afkayaga wax khayr leh kuma ogine ha na soo hor marine.


Doolaal:Maxaan kaa daayaa gebigiinuba intaasaa ku siman tihiine. Sanqadh yar oo laydiin tuuro ayaa idinku filan. Waar waynu is naqaan.


Dubbe:Wuxuu yidhi ninkii gabadha walaalkii ka dhintay dumaalay ee mar walba ay ninkii dhintay amaantay. “Walaalkaa oo dhintayna wax la caayo maaha. Naagtaasina wax loo dul qaato maah.” Iminka kollay waa igu jiqe waxaanse ku idhi. Cabdi Haybe maka Ina Rayaale la soo qaado sankuu qabsan jiray dabadeed xabbad sigaara ayuu shidan jiray oo odhan jiray urtaan iskaga biinayaa. Tolow iminka marka miiska Golaha Wasiirrada laysugu yimaaddo ma Ina Rayaale ayaa sanka qabsanaya waa yaabe?


Doolaal:Wadhlo.Weligiinba sankiinu inta ay jagadu ka maqantay ayuu qadhmuunka uriyaa.


Dubbe:’aar bal soo dhowow. Meelahan wax dumar ah iyo carruuri miyay ka dhowyihiin?


Doolaal:Maya. Waayo?


Dubbe:Horta mafaariishta waxaan ku jeclaaday, waxaad doonto ayaad iska odhanaysaa. Dadka fadhiyana badhbaaba waalan oo mirqankii la tegey. Soo durug dee yay inna maqline. Kor haw qaadin hadalkee, waxaan xusuustay mid beri yidhi waxaan maqlay hablo reer Djibouti ah oo isu warramaya oo isku leh. “naa ma maqasheen heblaayo waxay dhashay will qarac (garac) ahe?” oo halkuu wax kale ka eegayay ay ugu jawaabeen. “Heeey. Naa iska dhaaf yaakhii ha dhasho eh. Haddaa muu isugu dheggenaanuun soddonkii bay dhaaftaye?” iminka mar baan odhan gaadhay. Heey waar Wasiir ha noqdee is dhaaf odaygu toddobaatankii buu gaadhaye. Kkkkkkk.



Doolaal:Waar wuxuu muxuu ku hadlayaa? Waar ku maqallay eh yaan cid kale ku maqlin.


Dubbe:Tan aad leeday waa kala yaacdeen. Horta wax dimuquraaddi ah, faanna ha angu ahaatee, anagaa jirna. Ragga meesha marayaa SNM bay u badan yihiin. SNMna dhaqan bay u lahayd dimuquraadiyadda. Markaa naloo biqi maayee waxaanla yaabay idinka oo laydin yaqaan oo UDUB, hadda waa UDUB ayaa dimuquraadiyaad ka hadlaya. Ma xusuusataa markii ay 160 xubnood oo golaha dhexe ahi codsadeen in shirkii golaha oo boqolaal goor mudda dhaafay la qabto wixii lagu sameeyay?


Doolaal:Maxaa lagu sameeyay? Shirka cidbaa sharcigu xaq usiiyay ku dhawaaqistiisa eh.


Dubbe:Afhayeenkiinu miyaanu shir saxaafadeed ka odhan. “dadka liiska ku qorani waa qaar u badan dad markooda horeba naga soo galay ururradii ASAD iyo Hormood. Inta kalena waaba reer Sool iyo Sanaag.” Miyaydaan nimankii u soo dirin ciidamada dembi baadhista ee CID.


Berigii Cabdi Aw Daahir ku dhawaaqay inuu is sharraxayo maxaa ku samayseen? Xisbigaba miyaydaan ka saarin. Miyaydaan xafiiskiisii askar hor dhigin ka celisa inuu galo? Ma kuwiinaas ayaa cid kale farta ku fiiqi kara oo odhan kara way is haystaan?


Digtaatooriyaddii Ina Rayaale oo Guddoomiyahiinna ahina waataa UDUBba soo dheeaftay ee dalkii oo dhan saamaysay.


Ta kale illayn waxani waa wax aydin iska wada dhaadhiciseen. Sideedii u gabyay Ina Rayaale.


Doolaal:Waa maxay gabaga aad sheegaysaa? Sawdigii lahaa hadalka caadiga ahba ma yaqaan?


Dubbe:Waar barwaaqaduu la gabyay ee dhegeyso. Gabaygii Cabdi Gahayr buu beddelay. Bal ninyow markan wuu la helay.


Hadduu qilaaf reerkaaga yaal waa la qariyaaye


Qormadii Estiinii (SNM) la dhigay way qadhmuuntahaye


Qosol rag buu ugu kordhaa qaabadaad tahaye


Qaylo laguma soo helo kursiga quufla kaa tegaye


Ha is moodin qoonkaa Harti qaybna igu raacye


Adiguumbaa qareen moodayee wayska Qulujeede


Ha ku qooqdo Yuu Es Bii (USP) waa qorshe u yaalle


Qiyaamo iyo xeelad lama gudbanid qaranka baallaaye


Qarash ma siino Guurtid iyo qabacda waaweeyne


Quruush iyo sunuud iyo quud yar baa rida e


Qallaxay oo waanigaa Golii qiimihii dilaye


Qiyaamahu ifkuu idinku helay qiranna maysaane


Waxa qiimigiinii beddelay waa qiyaas xumo e


Maanigaa qubuuraha Malkada qubis idiin geeyay?


Quwaddiina maanaa ka dhigay qaraf midaan daarin?


Qaafadiina maa hunguri qayb u wada siiyay?


Qolqolkaygaa manaa ku xidhay kuman qadhaab doona?


Quudhsi iyo maanaa ku idhi qaata xumahayga?


Maanigaa idin qaybqaybiyoo qolaba meel geeyay?


Maanaa qasaaraha ku riday qaaxo tacabkeeda?


Qasab codka maana ku idhi qaalib igusiiya?


Idinkiyo qambooshuba horaa qodax weydeene


Talo Eebahay kaa qadshaan qeex is lee yahaye


Qarandiyow i maqal qabar ma haysaane


Mar haddaan qadaadkaa ku dhegay badiba qoyskiina


Mar haddaan qaadiga hantiyay mariya qaynuunka


Oo aanan qiil waayahayn qalad kastaan geysto


Mar haddii kuwaan qool ku xidhay cidiba soo qaadin


Mar haddii inaan qisaas xukumo aan qarka u joogo


Mar haddii qoodh iyo haween la iga qoofaayo


Qalwo saw inaan la galo oo qaato gogol maaha?


Qab hurddada aan idhaa qodobku saw maaha?


Adna inaad saw inaad quusatoo qabato hawd maaha?



Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire

No comments: