Sunday, September 23, 2007



(Booli cun)



By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe:Waar heedhee maxaa ninkii Madaxweynaha ahaa u geeyey xaasaska madada Kulmiye? Muxuu uga jeeday? Markuu raggii soo dhaafay buu dumarkii ku socdaa iminka? Waakaa dee ninkaynu wax ka sugaynaa. Hadal gurigiisa laga lahaa ee dumarku dumarka ku xamanayeen ayuu shir jaraa’id la imanayaa. Wadhi.


Doolaal:Maxaa idinka Qaran idinka galay ee ugu doodaysaan ma qareeno ayaa u tihiin?


Dubbe:”ninkii baxaya indhaha ayaa casaada .”ayaa la yidhi. Wallee inaan laydiin taag helayn illaa indhahiinna cirka la tuso. “miidaame dhego ma leh hadduu malag dhawaaqaayo.” Waar nimankan faraha ka qaada oo soo daaya. Waar kan iga daayoo waynu eegi halkuu ku dambeeyo eh, ninkii odayga ahaa ee Cabdi Haybe ayaan waxoogaa talo ah u hayay eh ma iga gaadhsiinaysaa?


Doolaal:Maxaad Cabdi Haybe ka sheegaysaa Fagadhena socoy eh? Maxaad u sheegaysaa Ina Haybe iminkana “ma hilbaa idinka dhaxeeya?”


Dubbe:Waar Fagadhe arjigii uumbuu dhiibtaye weli ma soconne. U se malayn maayo meesha C/lahi Ducaale UNta iyo AUda ka raajicinayo inuu isagu safiir u doonanayo eh. Waxaad Cabdi tidhaahdaa nin baa farriin ii kaa soo faray UDUB ahaan jiray. Wuxuu ku yidhi dheh waadigii xubinta firfircoon noqonayay maahee:


Marka hore waxay ahayd inaad sidii Abshir uun Wasiir iska noqoto adigoon Kulmiye ka bixin oo aad fara dhexdood ka siibato. Laakiin mar haddaad ku dhawaaqday inaad xubin firfircoon noqonayso sida Cumar Jaamac warkan qaado.


Markaad Madaxtooyada gelayso waxaa u soo horreeya eed la kulantaa waa askarta kadinka joogta. Niman fiican bay u badan yihiin. Ninkan meesha ku jiraa siduu doono ha ahaadee innagaa u dhiibanay oo nidhi waanu doorannay ee noo ilaaliya. Markaa nimankaa wanaaji. Qaadkana ku ballami. Qaar ka mid ayaad maqli iyagoo ku yar xamanaya oo leh. “Allah! Ninkaa gaadhigiisu sameecad weynaayee berigii ololaha. “Kulmiye, kulmiye. Kulmiyaynu nahay.” Iska dhaaf waa runtoode.


Guddaha ayaad geli. Qaar daaradda tuban oo farta isugu kaa soo fiiqfiiqaya ayaad dareemi. Waad malayn kartaa waxay leeyihiin ee iska dhaaf.


Daaqaddii baad tegi. Sidii caadada ahayd waa lagu buuqsan yahay. Illayn umaad baranne dib baad isu yar taagi adigoo khajilsan. Waad la qabsanne iska dhex gal.


Inamada qolka yar ku jira ee Dahir iyo Axmed Kaah waa inamo fiican. Way dulman yihiin. Ninkii aynu wixii ka sheegi jirnay ayay beentiisa iyo beladiisa uu soo faray dadka u qaybiyaan iyagoo ka xun. Way u xil qariyaan sida waajibku yahay. Weligaa hadal xun ha ku odhan.


Wasiirro iyo xildhibaano UDUB ah iyo Guurtidii iyo dadkii aynu nebcayn oo dhan baa tuban meesha. way ku wada salaami. Hoostana way kaaga qosli oo waxay odhan. “Ma tanuu Jafaalna baqal u soo fuulay?”


Waxaad arki Wasiiru Dawlahaagii, Ku xigeenkaagii labadii Agaasime Guud ee wasaaraddaada oo midba goonni u sugayo inuu Madaxweynaha arko. Manaydaan wada socon. Ha yaabin. Meeshu waa caynkaa. Keligaa war ma siddid. Inta badanna waxaad meesha ka soo doontay maba garanaysid.


Ayaamaha hore soo daaya Cabi Haybe ayuu odhan Ina Rayaale. Wuxuu ku odhan “ayaamahan waan yar mashquulsanay ee kollay waa inaynu maalin wada fadhiisanna.waqti isu helnaa.”


Sheekada uu rabo ha u qaadan mid hawleed iyo horumar. Xan iyo wixii mafrishyada ayaa lagaa doonayaa. Haddaad halkaa fahmi wayday. Ibraahim Yey doono.


Hawsha xubinta firfircoon ee UDUB ahi waa inaad basaasid, xan, isku dir dad ama beelo gaar ahaan reerkiina. La soco. Abdillahi Darawal ma samayn jirin.


Madaxtooyadu laba xafiis bay leeday. Ka Madaxweynaha uun ku ekow. Sidii Dareewal.


Markii hore waxaad diiddo ee aad ka cadhooto waad ka hadli jirtay. Iminka adiguumbaa hoosta ka guban. Ku talo gal. in badan waad odhan waar meesho waa sidee?


Saddex xafiis inay kabahu kaaga dhamaadaan ku talo gal. Xafiiska Cawil. Ka Ina Daud. Iyo ka Cabdiraxman Ducale. Midba inuu mid kugu riixo ku talo gal.


Waqti yar ka dibba Madaxtooyada waxaad u tegi inaad shidaal yar iyo kharash yar oo aad wasaaradda hawsheeda ku fuliso.


Rag waaweyn oo meelahaa warsaxaafadeed ku qaban jiray oo laabta garaaci jiray oo aad moodaysay inay awood leeyihiin ayaad arki iyagoo boqol doolar daaqadda ka qaadanaya. Ama daaqadaba laga xidhanayo oo la leeyahay ka dhaqaaqa. Ha ku qoslin. Way kuu dambaysaa haddaanad is ilaalin.


Doolaal:Waar intaasi waa waxaagii xilka lahaaye sheeko kale ma haysaa?


Dubbe:Waxaan kuu hayaa gabay nin Ina Rayaale tiriyay oo aan maanta maqlay. Wuxuu yidhi markaan maqlay gabaygii Cabdi Gahayr ee uu xayiray ayaan anna mid kale oo Cabdi Gahayr leeyahay Xayiray. Wuxuu yidhi.



Dad baad gashay Daahirow gundheer baqanse meyn aade


Adigoon burhaan wacan lahayn iyo buruud toona


Adigoo basaas ahaan jiray markii bili laguu yeelay


Billaddii Ra’iisnimo markii baalka lagu saaray


Wanan inaad birayso ood xamdiga badiso mooyaane


Baanisadu kuumay ekeen kibir la buuftaane


Adigaaba duul bahdilan oo baaban xaakima e


Adigaaba ballan aan fulayn iyo been ku maamula e


Adigaaba sidii biigga turub jaraya baashaaye


Adigaa raggii bohol ku riday biri ma geydiiye


Adigaaban buus lagugu odhan oo lagaa baqaye


Adigaan bayuur iyo ka nixin ceebta booliga e


Adigaaba sidii Ba-Habar-Gidir boobka laasimaye


Adigaa Balaq-Balaq la cuna iyo Baradho xoolaaye


Adigay dekeddii Berberi Baadi kuu tahaye


Adigaa kalluunkii baddiyo qaatay birihiiye


Adigaaba doolarkii bidaar baanka sii dhiga e


Meles baa birmad ku iman haw banaaxiyine


Baawarkaanu leenahay ma ogid ciilna nagu biirye


Bilaa hadhay sadkii intaad naga boqoolayso


Ee bulshadu ay codkiyo foodka bixinayso


Adeerow baqaagaa cunoo belana haw yeedhan


Haddii kale bishaa Soon-fureed buuqa kaca eega.


Waa inoo waqti dambe haddii Alla yidhaado. Ramadaan kariim


A. Geeljire

No comments: