Thursday, October 18, 2007




DALJIRE



(Waraysiga Sanadka… Rayaalow Runta Sheeg.)



By A. Geeljire



Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe:Waaryaadhaheen. Waar bal intaynaan wax kale gelin Ugaaskii (C/lahi Yasin) faataxada u mara oo u duceeya in Ilaahay qabriga u nuuro. Aamiin.



Doolaal: Ilaahay naxariistiisa ha ka waraabiyo oo Janadii ha geeyo. Aamiin.



Dubbe:Duca yare. Yeelkadeedee haddii intaaba lagaa helay waa Ilaah mahaddii.



Doolaal:Waar qoladii aydin hoosta ku wadateen ee aydin Qaran lahaydeen waa maxay rasaastan iyo waxan ay shookiyada ku rideen? Magaalada afkaa laga wada hadlaa miyaa gacan iyo waxaa laysula yimaaddaa?



Dubbe:Waar shooki iyo Caliyo layne waa maxay shuqulkan aad la soo baxadeen ee dadka oo iska qayilaya odhanaysaan soo kac waa lagu xidhiyaa? Halkee waxaa la dheelaa? Wallaahi Shookibaad sheegaysaa inay uhda tegi haddii aydaan waxaa beddelin oo sharciga ka baydhaan. Waa maxay Wasiir baa na yidhi soo xidha iyo waxan askartu ku hadlaysaa? Wasiiradu inay qofkii ka soo hor jeesta ee reerkooda ah iska xidhaan halkay ku taallaa? Wallee in laga sheekayn.Waar hooy nabadda hooy.



Doolaal:Waar bilaysku nimaan dembi gelin ma xidhaane waxaa iska daayo maanta Ciiddii ka warran.



Dubbe:Ciidda ma carruur baynu nahay maxaan kaga warramaa? Waar Ciiddaa aad sheegayso ayaaban ku xusuustay eh, sow xalay kuma riyoon anigoo, wax Alla wax ii geeyay mooyaane, Ina Rayaale waraysanaya sidii suxufiyiinta.



Doolaal:Soo Jeedkii baanu khaati kaaga joognay ee ma haddaad riyadaadiina noo keentay mafrishka? Maxaadse weydiinaysay ma waxbaad garanaysaa adigu?



Dubbe:Horta cid baan fursad i siinne saw suxufi tegey baan ahay? Anigaaba iska yaabay. Bal isu kaayo dhegeyso Ina Rayaale. Qudhiisu dab yar muu shidayne.



S. Madaxweyne, Ciid wanaagsan.



J. Ciid wanaagsan adiga iyo dhammaan shicibka reer Somaliland meel kasti oo ay jjoogaanba.



S. Ugu horrayn waad ku mahadsantay fursaddan mar la aragta ah ee aad i siisay inaan waxoogaa su’aalo ah ku weydiiyo. Waxaanse kuu sheegayaa M/weyne inaanan anigu ahayn suxufiyiintan yar yar ee xarfaanta ah ee qalinka dhuuban sita ee aan ahay oday mafrish oo hadalka sidiisa u odhanaya markaa haddii aad hadalada qaar ka booddo dee iska dul qaado illayn ku dhiman mayside.Mise xiniin baa lagu sarayaa? Intaa sawaariikh baa nalagu ganayaa waannu iska dul qaadanaa. Weliba ragga aan kaa joojiyay ee aan anigu kaaga naxay ee Cabdi Cawar leh ee Yusuf Ashfaqe leh ee qaar kaloo badan leh haddaad og tahay billad baabad igu toli lahayd. Iga walla inaanad Kaahin yare dambe dhalayn hadday kugu ridaan.



J. Waar iska wado waxaaga aniga hadal waxba igama qaado eh. “habaar laygu kari waaye”



S.M/weyne waraysugu waa wax la qorayo oo wargeysyada ku soo baxaya oo taariikh noqonaya markaa in arrimaha qaar aynu is weydiino oo ku-tidhi-ku-teenta ka saarno ayaa loo baahan yahay. Intaynaan haddaba siyaasadda dhex gelin dhawr su’aalood oo naftaada khuseeya iyo soo yaalkaa nololeed ayaan ku weydiinayaa. Waadiga beryahan dambe ee aad tadhahday Ingriisida ku hadla eh. Haddii aan Ingriisi kuugu sheego. Let us set the record straight.



1. Berigii doorashada Madaxtooyada ee 2003dii wuxuu ku dooday mudane Cabdi Xasan Buuni, markuu mucaaradka ahaa, inaanad reer Somalilandba ahayn oo aad Ethiopia ku dhalatay kana timi. Maxaa arrintaa ka jira? Halkeedse ku dhalatay?



J. Anigu maan filaynba inay cidi shaki gelin karto Somalilandnimadayda. Laakiin haddan kuu sheego anigu waxaan ku dhashay tuulo yar oo ka tirsan gobolka Awdal.



S. Magaca aabahaa wuxuu ahaa Riyaale intii aanad Madaxweynaha noqon baa la yidhi. Markii dambe ayaa wareegto ku beddeshay oo aad Rayaale (Rooble) ka dhigtay. Maxaa ka jira?



J. Magacaygu Rayaale ayuumbuu ahaa ee waxaan wareegtada ku qoray in dadka sida qaldan u higgaadiyaa ay saxaan.



S. Aabahaa Rayaale Gorod (AHN) muxuu qaban jiray?



J. Dhakhtar buu ahaa.



S. (waar faan weynaa) Mid noocma ah?



J. Dhakhtar dhaqameed buu ahaa dhanka qalliinka ah weliba.



S. Waxaan maqlay weliba wuxuu gaar u qali jiray wiilasha beesha ee da’doodu u dhaxayso 6 illaa 12 sanno. Sidaa ma ahayd?



J.Haa. kollay adigu waa jirtay.



S.Ma ahaan jirtay Gaashaanle Sare oo ka tirsan ciidamadii Nabadsugidda ee Dawladdii Keligii-taliye Siyaad Barre?



J. Haa. Sida dadka oo dhamiba ugu soo shaqeeyay xukuumaddaa ayaan anna ugu shaqayn jiray.



S.1988kii markii ay xoogaggii SNM la dagaalamayeen xukuumaddii Siyaad Barre ee ay dadka badan ku laysay Berbera ma joogtay oo taliyaha Nabadsugidda ma ahayd?



J. Haa.



S. Magacaagu mar ma ku soo baxay oo ma ku jiray liisto rag madax ah oo lagu eedeeyay inay geysteen gefef Aadaminmada ka baxsan iyo falal dembiyeedyo kale?



J. Haa. Way jirtay laakiin si qalad ah ayaa laygu daray. Anigu anigaaba dad badan ka badbaadiyay xadhig iyo dil.



S. Intii u dhaxaysay burburkii xukuumaddii Siyaad Barre iyo intii aanad noqon Madaxweyne ku- xigeenka maxaad qaban jirtay?



J. Waxaan ahaa Ganacsade.



S. Waar hadalka israaciyoo illayn naga iibin mayside. Maxaad ka ganacsan jirtay?



J. Lo’da ayaan dhoofin jiray gaar ahaan dibida waaweyn.



S. Oo maxaad qaadkii aad keeni jirtay ugu reebaysaa ma ceebbaa? Nin raga oo shaqaysta baad ahayde. Xaaraantan la yidhi waad daldalataa ee aad if iyo aakhiroba ku gubanayso isagaa kuu dhaamay eh. Ma keeni jirtay qaadka Boondaraha la yidhaa?



J. Haa mar mar isna waan ka ganacsan jiray.



S. Ma kacday oo shirkaddii yarayd ma wadi kari weyday?



J. Adigu ganacsigii wuu xumaaday sidaas baanu u joogsaday.



S. Intii aanad M/weyne ku xigeenka noqon Hargeysa maw timi inuu Cilmi Kabaal oo markaa ahaa taliyaha Booliska uu shaqo ku qoro gaar ahaan Talie degmo oo Laanta Socdaalka ah(immigration dept.)?



J. Way jirtay.



S. Markii dambe isaga iyo Ina Sh. Cali Jawhar ma kuu geeyeen Cigal oo KU-xigeen ma kaa dhigeen?



J. Adigu…. Soco.. Haa.



S. Markiiba qofkii u horreeyay ee aad shaqada ka eriday ma noqday Cilmi Kabaal.



J. Ma jirin ee masabid bay ahayd.



S. (khabar mafias buu na moodayaa daa koba ha dafiree)Mahadsanid M/weyne. Haddaynu haddaba dhankii siyaasadda iyo Madaxweynenimada u baydhno. Iminka lix sanadood ayaad Madaxwene ahayd. Maxaad is leedahay waad u qabatay dalka iyo dadka ee horumar ah?



J.Anigu wax badan ayaan dalka u qabtay. Wixii aan qaban karayay waan qabtay. Wixii kalena ma qabsoomayaan baan idhi dee. Doorashooyinkii oo dhan baan qabtay. Adigu marlay wax naga dhimmanna way jirayaan. Waayo dal yar oon la aqoonsanin baan nahay oon caalamka meel na ictiraaftay eyna jirin markaa wax walba ma wada qaban karno ayaan qabaa anigu fikir ahaan. Markii lay dhaarinayay anigu wax keli haata ayaan ku dhaartay. Waxay ahayd inaan daacadnimo ku shaqeeyo. Tiina waan ku shaqeeyey. Yaah. Ma garatay?



S. Xaggaan ku gartay M/weyne wuxuunbaad isu kay dhex dhigtay eh.Waar yaa Ilaahay yaqaan?



Haddaan doorashada su’aal kale kaa weydiiyo. Doorashooyinku ma qorshe horumarineed oo aad adigu curisay buu ahaa mise mid aad dhaxashay oo aad fulintiisana ula sinnayd Baarlamaanka iyo Ururradii ka qayb qaatay ee saddexda xisbi ka soo hadheen? Sidaadse adigu ugu faanaysaa keligaa ee aad dadka dheerayd?



J.Anigu Madaxweyne ahaan fulinteeda ayaan ku dadaalay. Waxa weeji haddii aanu Madaxweynuha iyo xukuumaddu fulin oo aanay miisaaniyad u samayn ma soconayso ayaan qabaa anigu.



S.Doorashayooyinkii dib ayaa loo dhigay. Waxaad beryahan dambe isku adkaynaysay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha oo aad saddex sano hor taagnayd. Iminka waxa la leeyahay shirkad ay leeyihiin niman aad isku beel tihiin ayaad qandaraas aan lagu tartamin ku siisay waraaqaha aqoonsiga ee dadka lagu diiwaan gelinayo sidaa darteed waxaa meel dhigatay inaad ku boobto doorashada diiwaan gelin musuqmaasuq ah iyo waraaqo qaraabo kiil ah. maxaa arrintaa ka jira?



J.Adigu nimanka shirkadda ah ee qandaraaska la siiyay waa reer Awdal laakiin waa muwaadiniin. Xaqna way u leeyihiin. Tani boobka ee aad sheegaysana. Anigu haddeed waxaan ka idhaaba majiraan. Been weeye ayaan ku leeyahay. Waa dacaayadda Kulmiye iyo xaasaskooga.



S. Berigii hore Kulmiye ayuumbaad odhan jirtay eh iminka “iyo xaasaskooga” ayuumbaa lagaa soo daayay. Sawdigan xaasaskiina sas ka qaaday. Aan su’aalaha ku noqdee, M/weyne waxa adiga iyo wasiirradaadaba laydinku eedeeyaa inaydin tihiin dad u soo tafaxaytay inay dalka hanti ka urursadaan oo musumaasuq ku sifoobay. “fule xantii ma mooga” ayaa la yidhi. Maxaad ka odhan lahayd arrintaa?



J. Dee maan ku celcelinuun? Hore ayaan u idhi meesha wax la musumaasuqaaba ma yaal. Yaah? “malikul mawd aqal madhan muxuu ka guri?” ayaa la yidhi.



S. Taana ma xasaaska Kulmiye ayaa yidhi?



J. aniga hadal afkayga ha ku ridin.



S. sida la sheegay guryo ma ka dhisatay Qaahira, dalka Masar oo iminka carruurtaadu ma ku nool yihiin halkaa?



J. Carruurtaydu Qaahira dugsiyo ayay kaga jiraan laakiin guryo kama iibsan.



S. Gurigaa Madaxtooyada ma laga qaada lacag shandado ku jirta oo debedda ma laguu geeyaa?



J. Maya.



S.Baloodho badan oo dhul ah meheredado yar yar ma laguu iibiyaa oo magac kale ma lagu qoraa sidii uu darawalkii hore Xaaskaagu, Abshir, warbaahinta u sheegay?



J. Maya.



S. Lacagta dekedda Berbera ka soo baxda ee aan miisaaniyadda xukuumadda ku jirin iyadoo shandad lagu sido, sida la sheego, gurigaaga ma la keena?



J. Maya.



S. Shirkadda Total ee shidaalka ee saldhiggeedu yahay Berbera lacagtii ay xukuumadda siin lahayd adiga gaar ma laguu siiyaa sida wararku sheegayaan?



J. Maya.



S. Adhigan aad u xidhay ninka Sucuudiga ah ee AlJaabiri la yidhaa dhawr doolar ayaa si gaara kuugu saaran baa la yidhi. Ma jirtaa?



J. Maya.



S. Huteelka wayn ee Boorame ku yaal qayb baad ku leedahay baa la yidhi. Ma jirtaa?



J. Maya.



S.Waar iminka ma Hiindi baad i moodaysaa? Waxan oo “Maya” ah ee aad isu kay daba gelisay ma inaan kaa rumaysanyo ayaad moodaysaa? Illayn midh xalaala ma taqaanid ninyow? Wallaahi waxay sheegayeen waa dhab. Waar yaadhaeen.



J. Oo miyaynu murmaynaa mise waxbaad i weydiinaysaa? Sawdigii lahaa suxufi baan ahay. Ta kale inaan Madaxweynihii dalka ahay oo lay doortay oo aan doorashadii helay miyaanad ogayn? I am the president of this country. Be careful.



S. Dee maxaan sameeyaa? Wixii oo aad sidaa u wada liqday oo aanu arkaynay baad dafiraysaa. Iminkana iska dhaafoo, Mr. President, aan halkii ka wadnee. Xukuumaddaada waxa lagu sheegaa midaan haybad lahayn oo beenta kala miista oo tayo xun oo aan waxba ku wanaagsanayn. Maxaad ku difaacaysaa arrintaa?



J. Xukuumadu wixii suurta gal ah way qabanaysaa. Wixii kalena ma qaban karto. Waan kuu sheegay taa. Anigu qaddiyadeena inaan cid walba gaadhsiiyo oo albaab walba garaaco ayaa layga yaqaan. “Jaarkaaga ma dooratid ee Ilaahay baa kuu dooray.” Baa la yidhi. Dayaarado ayaan maxawil ku raacay. Haye.



S. Marar badan oo aad iska dhooftay waxaad la soo noqotay shirkado ayaa iga daba imanayaa, khadiifad casna waa laygu soo dhaweeyay, casuumad baan ka helay wax noocaas ah oo aanay sakaaro ka biirsan. Meeye sharikadihii?



J. Kollay adigu dib u dhac wuu jiraa. Waxanna wax gacanteena ku jira maaha ee wax dad ku xidhan. Markaa waan sugaynaa. Ma garatay?



S. Wallaahi waxaan ka naxaa raggad shan sanno horoodi ku tidhi “shaqo ayaan idinka qorayaa shirakadaha ajaanibka ah ee iman doona” ee weli sugaya. Innaa Lilaah. Aan ku su’aale waxan aad tidhaado markaa debedda ka soo noqoto. “waan qarinayaa cadaw badan baynu leenahay” waa maxay?





S. M/weyne waxa la sheegay oo weliba Wasiirka Maaliyadduna fagaare ka sheegay inaad sanadkan u dambeeya xilkaaga uun aad waxoogaa wax qabad yar ah dadka tusayso si aad cod uga hesho. Ma u malaynaysaa inaad sidaa wax ku helayso?



J. Kollayba annaga waajib baa na saaran. Mucaaradka waxba ma saarna. Meelahaa uun ha ka qaylyaan. Wixii aan qaban karno waan qabanaynaa waqti kasti ha ahaatee. Dalkana aan kula xukumo ma jirto anigaa lay doortay.



S.(Halkuu haddana iila kacay? Waar illayn belo. Doorashaan helay ayuumbay kaga dhegtay xilkiiba ka dhmaaye) M/weyne, waxa lagaa soo weriyay inaad tidhi anigu dadka uma baahni markay doorsho timaadana codkooda 30,000 oo shilin baa ii haya oo dad mab’ leh ma aha ee maxaan iskaga daalinba? “Ha karaama seegina habaar laygu kari waaye” maxaa ka jira arrintaa oo runtii ficilkeedu kaaba muuqdo sidaad u dhaqanto marka la eego?



J. Kollay doorashayooyinka waxoogaa kharashaadi way baxaan oo kuwii horaan garanayaa ma hawl yara. Hadeedna kollay kharashaad way bixi iminka se ka sii hadli maayo ee waqtigeeda ha la gaadho. Sideedabana nin qirtaayi ma jiro taas oo kale.



S. M/weyne sidaa ka war qabto dalkan dhiig baa lagu soo xoreeyay ay dadkii SNM ahaa u hureen. Kumanaankii qof ee u dhintay iyo hantidii ku burburtay waxa la siistay dalka iyo dadkiisa oo wanaag iyo walaalnimo ku wada dhaqma. Waana ta suura gelisay inaad M/weyne noqoto adigoo sarkaal sare ka ahaa xukuumadda dadka xasuuqday. Haddaba niyad wanaagga laguu muujiyay ee laguu igmaday inaad dadka walaalayso dalkana hore u mariso maxaad ugu beddeshay inaad Beelaha Isaaq isku dirto halgankoodii ay ku madheenna aad baabiiso oo caydo adigoo u adeegsanaya qaar wasiirro ah oo iyaga ka soo jeeda dhalasho ahaan? Miyaanay taasi arrin murugu leh oo cawaaqib xumo inna dhaxalsiin karta ahayn? Maxaadse u tidhaahdaa waa lay qabyaaladaynayaa marka wax lagu weydiiyo?



J. Horta waa runtaa oo dalka dhiig baa lagu xoreeyay. Waxa kelihaata ee aan dadka ama Somali kale kaga duwanahayna waa heshiiska iyo nabadda aan gaadhnay. Waxaan leeyahay nabadda ha l ilaaliyo oo yanaan dalka kala jiidanin. Tani wasiirrada aad sheegtayna. Anigu ma soo farin. Hadal xunna ha odhanina ayaan ku idhi bay ahayd. Haddana anigaa la hadli doona. Kollayna guddi wasiirro ah ayaan u saari oo arrinta eegta. Tani qabyaaladdana dee maaha in laygula kaco waxaan Ina Cigaal lagula kici jirn oo xataa mushaharkii yaraa layga qandhuufto oo layga gooyo.



S.Guddidaasaaban ku xusuustaye. Guddiyadii badnaa ee aad saartay ee hore maxay keeneen?



J. hawshoodii way wataan. Kollayna waan ka war sugi doonaa. Guddi M/weyne Ku-xikeenku guddoomiye ka yahay baan u saaray bay hahayd. Waan sugaynaa.



S. Wasiirradaa xanuusada debedda ayaad u dirtaa Mujaahidiintii dalka u naafowdayna beysteyn dhexda ka daloola ma siisid weliba cay baad ugu dartaa iyo af lagaado. Maxay ku dhacday?



J. Sidaan marar badan sheegay mujaahidiinta in la daryeelo waa waajib. Xukuumaddaba rag mujaahidiin ahaa way ku jiraan oo Yusuf Tallabo ka mid yahay. Insha Allaa wixii aan u heli karno waxba ka hagran mayno. Waan u dadaalaynaa.





Madaxweyne malaa waad yar harraaday waxoogaa macaanana waadigii lahaa ee aan yar shaahayno oo soddoon daqiiqo ka dib isku soo noqonno.





Waa inoo is arag dambe haddii Eebbe idmo.



A. Geeljire

No comments: