Thursday, May 31, 2007

Dadweynow Ka Jawaab Q2-aad



DALJIRE





Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar waakan soo hagaagaya qaadkii. Iminkaa la cuni karayaa dee. Oo awal biyo ayuu ahaaye.

Doolaal:Haa. Ayaamahanba sidaasuu ahaa. Wuu soo adkaanayaa. Laakiin anigu Faysal Cali Waraabe ayaaban ku raacsanay in bahalkaa layska daayo oo laynaga joojiyo. Waakii maalintii dhawayd yidhi ha layska daayo oo umadda ha laga joojiyo.


Dubbe:Waar malaa muu odhane? Ma haddana?

Doolaal:Ma mar hore ayuu sidaa yidhi?


Dubbe:Dee malaa markay doorashooyinku soo dhowaadaan buu qaadka xusuustaaye. Waakii doorshadii hore sidaas oo kale u hadlay. Tolow haddaba halkuu wax ku wadaa?

Doolaal:Muxuu wadaa ee aad sheegaysaa? Dee dadkuu la talinayaa.


Dubbe:Talada ma diidaniye. Waxaan is weydiinayay. Haddii u codna doonayo haddana ganacsigii codbixiyeyaashiisa uu is hor taagayo sidee arrintaasi noqonaysaa? Markaa ma Awdal buu cod u doonanayaa?

Doolaal:Waar illayn Awdal dalkay ka mid tahay hadduu u doonto eh. Maxaad uga jeeddaa adigu?


Dubbe:Waxaan uga jeedaa, malaa shanshubka ayuu kuugu dhacaaye oo hadalka oo dhan baad debedda iga keenaysaaye, hadduu degmooyinka Maxamud Haybe iyo Salaxley ee saldhiggiisa ahaa ganacsigii iyo odayaashii watay duqeeyo, oo uu Gacan libaax, Sabawanaag iyo cadaadlayna yidhi isku burji baanaan ahayn. Woqooyiga iyo Galbeed Hargeysana ka yara biyo diiday oo yidhi “ma nimanka Ina Rayaale iyo Siilaanyo iga doortay anigoo reer Hargeysa ah oo weliba abtina lay yahay?”. Bariga Burco iyo Galbeedkeedana khadkii u dhexeeyay waa la qaaday oo ay hadda dhinac isugu baydhay oo aanay meeli ka bannaanayn, Balli Gubadlana uu is caddeeyey. Ma Ina Rayaale ayuu marti uga noqonayaa qaybta yar ee uu Awdal ka haysto? Sawta la yidhi dhankaa martida waxa la yidhaa “soo meero”

Doolaal:Inaadeer horta nin xun oo lafta ka xun baad tahay. Bal waxaad ku hadlayso eeg? Ninka madaxda ahi waa inuu runta sheegaa xataa haddii aanay dantiisu ku jirin. Waa inuu umadda uu madaxnimada ka doonayo danteeda ka hadlaa.


Dubbe:Haa wuu ka hadli karaa danta umadda. Anigu Guddoomiyaha wax deelqaafa kuma odhan. Inuu guulaystana waaban jeclaaye. Wuxuumbaan leeyahay Gudoomiye codad baad u baahantay. Codadkiina, waday oo waday oo wadayoo meeshaa aad ka deydayeyso ee Madaxtooyada iyo la bahowga Ina Rayaale iyo afartii Wasiir ee aad tidhi dalka ha laga qabto waa casaabad tuug ahe(midkoodna ma maqal Xajkii buu tegey oo wuu toobbad keenay) si codad loogu helayo arki waayay. Aniga waa iga talo uun dee. Haa. Ceeb kale ma jirto. Waar taa halkaa ku dhaafoo Guddoomiyahu xaal ha qaatee adigaa kolba na soo hor marinaya oo munaafaq ahe, su’aalahii aan dadweynaha weydiinayay baan qaybtii ii hadhanayd dhammaynayaa ii kaadi.


S. 13aad: Dadweyne waxay ognahay in uu Madaxweynuhu marar badan magacaabay guddiyo uu u xilsaaray inay soo baadhan falal dhacay. Waxa ka mid ahayd a)Guddidii Jeelka ee maxaabiistii baxsatay baadhaysay b) Guddidii Ciidamadii Booliska ee kacdoomay c) Guddidii dhacdadii Dhakhtakar Hargeysa d) Guddidii dhacdadii Dumbuluq iyo qaar kale. Wax war ah oo midkoodna ka soo baxay ma jiro. Maxaa haddaba u malaynaysaan inuu marka horeba uga jeedo? Ma idinka ayuu idinku jeedinayaa oo arkay inaydaan laba cisho gudahood arrin xusuusnaan karin? Ma wax la qarinayo ayaa jira oo cid baa loo xaal mastuurayaa? Ma ka itaal baa oo waa ka bes xukuumadda oo xilkeeda ma gudan karto?

S. 14aad: Ballamadii badnaa ee Madaxweynuhu ka qaaday inuu dhibaatada dhulka ka dhalata wax kaga qabto weli lama hayo. Maxaa hor taagan baa u malaynaysaan? Dadka qaar waxay leeyihiin musuqmaasuqa guud ee xukuumaddu dalka ka waddo ayay ka mid tahay. Sidaa miyaa u malaynaysaan idinku?


S. 15aad: Madaxweynaha waxa caado ama dhaqan u noqtay inuu ganacsiga ka dhigo waxa loo yaqaan Monopoly oo uu gacan keliya isgu geeyo. Ta adhiga ayaynu ka war hayna, ta Total baynu ognahay. Wuxuu isku deyey inuu qaadka ku wareejiyo nin ay isku reer yihiin oo deggan Diridhabe, wayse u suura geli wayday. Wuxuu weli wadaa inuu isgaadhsiinta ku wareejiyo wiil uu adeer u yahay oo sharikadaha kale oo dhammi hoos yimaaddaan isaga. Wershaddii sibidhka wuu u diiday inay maalqabeenada Somaliland maal gashadaan oo Jarmal buu la raadinayaa oo yidhi waan siiyay. Maxay arrimahaasi idiinla eg yihiin? Ma u egtahay inuu ku wato dan gaara oo u hawl yaraanaysa markuu qof qudha gacanta u geliyo? Muxuuse u diidayaa inuu golaha Wakiilada hor keeno heshiisyada uu la galo shirkadaha ajaanibka ah sida Distoorku dhigayo?

S. 16aad: Laydh ama koronto ayaa Ethiopia innooga imanaya oo Meles baa inoogu deeqay ayuu madaxweynuhu inagu yidhi dhawr jeer. Koronto ha joogtee gaarabidhaan Ethiopia leedahay oo ina soo gaadhay miyaa weli aragteen? Wax mashruuca oo waxaa ku saabsan oo meelna ka socda ma ragteen?


S. 17aad: Maxaa u malaynaysaan, halkay ka dhacday idaacaddii miisaaniyad walba ku jirtay ee xukuumadda Rayaale ku ballan qaadaysay afarta sanadood? Xukuumadda doolarkeenii wax inoogu soo iibin kari weyday wax kale ma inoo soo dhicin kartaa baa u malaynaysaan?

S. 18aad: Dad badan oo jeelasha ku jira oo dil lagu xukumay racfaankiina dhamaystay baa jira oo madaxdhaqameedyo badnina ku dhawaaqeen fulinta xukunkaa sharciga ah oo ku xidhan Madaxweynaha. Muxuu u hor taagan yahay baa u malaynaysaan xukunadaa u adeegaya nabadgelyada iyo xasiloonida qaanka?


S. 19aad: muxuu derajadii ciidamada u bixin waayay baa u malaynaysaan Madaxweynuhu?

S. 20aad: Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu ka war hayo dawada dalka timaadda ee aan tayada lahayn. Waxa kale oo sheegay inuu sharci ka soo saarayo arrintaa lagu toosiyo. Saddex sano ka hor bay ahayd. Muxuu la qabanayaa baad filaysaan? Xaalkiisu ma iska dheh uun ma idiinla eg yahay?


S. 21aad: Madaxweynuhu wuxuu yidhaahdaa waa lay qabyaaladaynayaa marka wax laga sheego maamulkiisa ama dhalliil loo soojeediyo. Arrinkaasi run ma yahay oo miyay jirtaa in la qabyaaladaynayo?

S. 22aad: Wuxuu ku ballan qaaday Madaxweynuhu inuu dalka shareecada ku dhaqayo oo uu khudbaddiisii iidda ku sheegay. Guddi baan u saarayaa ka soo talisa sidii loo dabbiqi lahaa shareecada ayuu yidhi. Weli lama hayo. Muxuu u samayn waayay arrintaa markaad qiyaastaan? Ma idinla tahay inuu Maxaakiimtii ka baqayay berigii ay inoo hanjabayeen oo ay intaas iyo baqe uun ka ahayd?


S. 23aad: sharikadahii badnaa ee uu yidhi Madaxweynuhu waxay ka imanayaan Koonfur Afrika ( South Africa) oo dalkay maal gashanayaan ma war haysaan inay yimaadeen iyo in kale? Weli shirkad dalkaa ka timi oo shaqaale qoranaysa ma aragteen?

S. 24aad: Su’aasha u dambaysaa. Dadweyne adigoo mahadsan, Guurtidu ma buuxisaa kaalintii aynu u samaysannay mise way gabtay?


Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebe yidhaado.



A. Geeljire

Tuesday, May 29, 2007

Dadweynow Ka Jawaab




Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal:In badan waataa lahaydeen ma hadlo Madaxweynuhuye horta maanta khudbad laba saacadood socotey ma idinku sii daayay?



Dubbe:Kee khudbad sii daayay? Horta intuu makarafoonka ka cabanayay iyo intuu hadlayay way is leegaayeen.(sanad walba waa sidaa makarafoonku) Ta kale ma khudbad bay ahayd intii uu weligiiba odhan jiray ayuumbuu dib inoogu muuseeyey eh. Ingriisi ayuumbuu Talyaani inoogu macneeyey.


Doolaal:Maxaad uga jeedaa Ingriisi buu talyaani ku macneeyey?


Dubbe:Berigii aynu reer Somlia (Wallaweynta) isku darsannay dawladnimada ayaa la soo beddelay nin macallin ahaa oo dugsiga hoose Ingriisi u dhiga. Sabuuraddii buu ku qoray:


House, baby, cat, hen,tomato IWM. Markaasuu arday farta taagay oo yidhi. “macallin noo macnee.” Wuxuu yidhi:


House = minan waaye

Baby = muluq waaye


Cat = mukulaal waaye


Hen = dooro waaye


Tomato = yaanyo waaye


Ardaygii intuu haddana farta taagay ayuu yidhi.” Macallin dee Ingriisi ayuumbaad Talyaani noogu macnaysey ee af Somali noogu macnee.”


Iminka Madaxweynuhu hadalkii aan dhanna u socon ee aan waxba soo kordhin jirin ee ahaa carrab iyo laab aan wada jirin ee aynu shanta sanadood ka soo dhegeysanaynay ayuumbuu inoogu celiyay oo inoo badiyey. Qofkii khudbadihiisi hore dhegeystay erey erey buu u xusuusan karaa. Waar kaa iga daayo maanta dadweynaha sharafta leh ayaan laba dersin(24) oo su’aalo ah weydiinayaa.


Doolaal: Dadweynaha maxaad weydiinaysaa ma weriyaad tahay adigu? Ta kale waa maxay laba dersin oo su’aalaha ahi ma iyagaaba waqti u helaya?


Dubbe:Meesha waad iska dhex joogtaaye nidaamkaynu qaadanay waa dimuquraadi. Dimucuraadina dadka ayaa laf dhabar u ah oo waa inay si walba uga qayb qaataan xukuumadooda iyo habka dawladda. Sawdigii lahaa Ingriisi baan aqaanaa miyanad maqal odhaahda “government of the people by the people for the people” gebigeedaba dadweynaha ayaa iska leh weeye. Laba dersinna ma badna ee waaban u kala qaybin haddaad tidhi ka dhin oo iminkana 12 baan weydiin mar kalena 12.

Dadweynow idinkoo iga raalli ah waxaa idin weydiinaya dhawr su’aalood oo la xidhiidha xaaladaha dalkeena ee kala duwan. Waxaan jecelay inaydin jawaabaha idinku u gudbisaan warbaahinta markaa si fiican uga doodaan su’aalaha. Arrintuna muxaafad iyo mucaarad midna ma aha ee wadaninimo.

S.1aad: Waxa caddaatay inaanu Madaxweyne Rayaale arki karin hoggaamiyaashii SNM ee dalka xoreeyey una diiday inay ka soo qayb galaan xafladdii 18 May ee xornimada loo qabtay. Waxa kale oo la wada ogaa xabsiga iyo cagajuglaynta uu ku hayo mujahidiinta iyo isku dayga baabiinta taariikhdii halganka. Sidee arrintaa u dareemaysaan? Maxaase u malaynaysaan ninka u diiday mujaahidiintii inay xataa hadalkiisa dhegeystaan, illayn dheef kale kuma jirin xalfadda eh, hadduu isagu ahaan lahaa hoggaamiye halgan oo dadkiisii 200,000 laga dilay, malaayiin kalena baro kaceen oo hantidoodii boqolaalka sano jirtayna laga baabiiyay, oo uu ka guulaysto nidaamkii waxaa ku sameeyey. Ma la heshiin lahaa ashkhaastii u adeegaysay nidaamkaa oo weliba iyaga xukunka ma u dhiibi lahaa oo colaadda ma ka dooran lahaa walaalnimo iyo mustaqbal wacan?

S. 2aad: Dadweyne waxa laga wada war qabaa inay dhaqaale xumo aad u weyni idin haysato. Waxa la sheegaa in qaarkiin ay carrurtiinu gaajo ku seexato ama dugsiyada ku taqaan. In boqolaal qof oo xanuunada maskadea qabaa guryaha idiinku idhan yihiin oo meel aydin geysaan garan la’adihiin. Haddaba markaad maqashaan Madaxweynihiini Qaahira, Masar buu guryo malayiin doolar jooga ka dhistay, Wasiirkii Maaliyaddu Nairobi buu ka dhistay, musuqmaasuq baa xukuumada sida xarka u galay, Madaweynuhuna aanu dafirin eedeymahaa ee keliya uu yidhaa waa lay qabyaaladaynayaa iyo “ha karaamo seegina habaar laygu kari waayey.” Ayaan darro intee leeg baydin dareemaysaan? Codkiiniise maysku ciil kaambidaan aydin siiseen Madaxweynaha? Doorka dambese sidee yeelaysaan ma u codaynaysaan haddana?

S. 3aad: Idinkoo iga raalliya intiinna badani waa ogtihiin caddaalad xumada maxkamdaha dalka ka taagan. Waxa ogtihiin in qofkii aan xoolo lahayn ama awood kale lahayn aanay waxba uga suurta gelayn maxkamadaha, xukuumadda Rayaalena aanay shantii sano ee u dambeeyay waxba ka qaban arrimahaa. Sidee markaa u malaynaysaan in caddaalad loo siman yahay loo helayo? Waxa kale oo jira waxa loogu yeedho Guddida Nabadgelyada oo sharci darro ku shaqaysa oo dadka sida xoolaha isaga xidh xidha. Sidee u aragtaan taa iyada? Intiinii soo gaadhay maamulkii Siyaad Barre ee laga dagaalamay ma ku xasuusataan arrintan?

S. 4aad: xagga dhallinyarada haddaan u yar baydho oo runtii mustaqbalka dalka ah iyo madaxda berri. Ahna difaaca iyo xoogga dalka ee aanu cadaw ku soo dhici karin. (Waa 65% tirada dadka.) Waxaynu ka war haynaa inay cimrigoodii ku laasteen gacmo laaban, camal la’aan iyo rajo la’aan. Xukuumadda Rayaale oo iminka 5 sanno dalka ka talinaysayna weli may soo dhigin hal qorshe oo dhallinta shaqo loogu abuurayo. Ka sii darane waxay xukuumadda Rayaale aaminsan tahay in mar hadday dhawr oday oo dhallinta adeeradood ah wax u tuurtuurto inaanay u baahnayn inay dhallinta wax u qabato. Sidee haddaba dhallinyaroy ay arrintaasi idiinla muuqataa? Sideese uga baxi kartaan oo idiin qorshe ah?

S. 5aad: “Haani gun bay ka tolantaa.” Baa la yidhi. Umadi hooyo ayay ka hano qaaddaa haddaan dhinaca hooyoooyinka u baydho. Hooyooyin, waxaynu wada ognay in doorkiinii hore ee ahaa korinta ubadaka iyo meel marintooda ku darsateen inaydin daruurigana u soo shaqaysaan oo kifaax ugu jirtaan. Meelo badan oo kala duwan baa uga xoogsataan sida qaadka, hilibka, khudradda, ganacsiga yaryar. Haddaba su’aashu waxay tahay sidee bay xukuumadda Rayaale idiin taageertaa oo wax idiinla qabataa? Cashuurtay idinka qaado wax maydinku qabataa? Waxaad uga baahataan xafiisyada degdeg mawga heshaan iyo adeeg wanaagsan oo weliba mahadsanidin maydin tidhaa?

Haddaan iyana su’aal weydiiyo hooyinka ay qabaan askarta ciidanka ee saddex sano ku maqan jiidda hore ee ku keliyaystay koritaanka carruurta iyo wer wer odayga ka haya oo ay intaa leeyihiin tolow ma la soo sheegi tolow wax ma dhaceen. Sidee ayuu idiinku qaybsamaa mushaharka yar ee odayga la siiyaa? Xukuumaddu se wax maydiinku ladhaa? Duruuftiina guudse waa sidee?

S. 6aad: is gadhsiinta waddooyinka iyo gaadiidku waa halbowlaha dhaqaalaha umadeed ama dal. Waxaynu ognay in waddooyinkii dalka aanay waxba ku soo kordhin intii jirtayna ay sii baaba’day oo aan waxba laga qaban, marka laga reebo carro kaawo lagu saydhsaydho, oo gaadiidkiina ku burburay. Maxaa ugu baaqi lahaydeen xukuumadda inay ka qabato arrintaa?

S. 7aad: Ganacsatada guud marka hore waxaan u sheegayaa inaan ka xumay sida aanay xor ugu ahayn inay dekedda Berbera waxay rabaan ka soo dejiyaan. Waxa kale oo aan ka xumay inay ku dhibaatoodaan dekedda markay wax kala soo baxayaan oo nidaam xumo weyni ka jirto oo kartuunka yar ee ay sitaan Ilaahay yaab u keenayo marka kolba dhan loo raro ee dhan loo laado ee xafiis kale la geeyo oo kolba meel lagu jeexo. Haddaba su’aasho waxay tahay. Cashuurta aydin bixisaan oo had iyo jeer ku tilmaantaan mid aad u sarraysa markaa eegtaan maw qalantaa adeegga laydinka siiyo dekedda?

Sidee bay idiin saamaysay gawaadhida lagu gubo Kilalka 5aad oo ay sabab u ahayd siyaasadaa Rayaale ee ku wajahan dadka gobolkaa dega? Shirkaddan Total ee shidaalka sida sharci darrada ah loogu xidhay sidee iyada u aragtaan? Ugu dambayntii ganacsatada adhiga ee lagu kallifay inay laba nin oo Madaxweynaha u adeega oo aan dalkana idinkaga xaq badnayn idiinkana halgan badnayn isu daba taagtaan dhoofintii xoolaha oo kolba ka baridaan kun neef sidee baad u aragtaan caddaaladda arrintaasi ku fadhido? Miyayse arrintaasi idin qabataa idinkoo dalka xuquuq aan la koobi karin ku leh?

Waxse hore dalka u soo maray ma tahay? Maxaase ka yeelaysaan arrintaa ma aqbalaysaan oo cad quudheed ma qaadanaysaan?

S. 8aad: Waxa aad wadda ogtihiin inuu Madaxweynuhu diiday inuu la shaqeeyo Golaha Wakiilada ee aydin soo doorateen iyaguna ay marar badan muujiyeen inay diyaar u yihiin wada shaqaynta. Haddaba ninkii aydin u doorateen inuu umadda mideeyo oo hoggaamiyo miyay idinla habboontahay inuu sidaa u dhaqmo oo sheekh iyo shariifka dhexdhexaadinta ka diido oo ragaadiyo danaha ummadda?

S. 9aad: Dadweyne bal markaad qof walowba kelidaa xisaabtanto maxaad is leedahay way kuu kordheen oo Daahir Rayaale ayaa ka masuul ahaa? Maxaa kuu kordhay sida shaqo ma heshay? adeeg caafimaad ma heshay? biyo ma heshay,?laydh ma heshay? dhul ma heshay? halkaad joogtaa nadiif ma noqotay oo xukuumaddu ma hagaajisay, ? caddaalad ma heshay IWM? Maxaase xaaladdaada guud ka dhacay intii Rayaale dalka xukumayay ee uu saamayn ku leeyay? Haddaad haddaba ka sii dartay intuu Rayaale joogay maxaa kuu qorshaysan ee aad xaaladdaada ku wanaajinaysaa?

S. 10aad:Waxa ay sheegaan dad uu u xogwarramo Madaxweynuhu, khaasatan markuu debedaha u baxo inaanu shaki ka qabin in dib loo soo dooranayo waayo mar hadduu lacag uu dadka u qaybiyo hayo (Total, Dekedda iyo Adhiga) oo ayaamo ku qayilsiiyo isaga ayuumbay dooranayaan.(labaatan labaatan kun codkiiba) Haddii arrintaasi jirto, waana la rumaynayay eh, miyay idin qabataa in laydinku tilmaamo dad sayladda tuban oo la iibsan karo? Masiirkiinase ma siisan lahaydeen mijin qaada oo maalin la cuno?

S. 11aad: Beryahan dambe waxa dhegaheenna ka batay Ethiopia iyo Maraykan ayaa Somalia iyo somaliland dhexdhexaadinaya. Ethiopia way caddaysay. Madaxweynuhu wuxuu yidhi ma dhici karto wasiirka Arrimaha Debedda waan u diray inuu Ethiopia ka warkeeno. Dibna wax ugamaynaan maqa sidii caadada ahayd. Ka darane mar wal oo Madaxweynuhu Addis Ababa tago bal amarka Ilaahay C/lahi Yusufna wuu yimaaddaa. Nairobi sidaa si leeg. Sanaca sidaa si leeg.(waar ma taar baa isugu xidhan) safiirkii Somaliland ee Addis , Yusuf Jama Burale wuxuu ku cawday inaan waxba lala socodsiin ee Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Cawil uun Ethiopia toos ula xidhiidhaa. Kii ka horreyey ee Cumar Dheere sidaa si leeg ayuu u cawday. Labadiiba waa la soo kexeeyay. Waxa kale oo iyana dheer Madaxweynihii oo aan golayaashii u xog warramayn, dadweyniihii waxba u sheegeyn, xisbiyadii qaranka waxba u sheegeyn oo odhanaya uun “waa la qarin.” Markaa dadweyne waa iga su’aale ma la aamini karaa Madaxweynaha sidaa u dhaqmayaa ee duruufahaasina ku xeeran yihiin? Maxaa idiin damaanada inaanu Madaxweynuhu wax aan la ogeyn kula jiro dawladahaa caalamka?

Taariikha ballan qaadkiisa markaad dib u raacdaan xaataa dhaartii uu kitaabka ku maray wuu jebiyay. Waxa sirta uu ku qarsadaa Wasiirka Arrimaha Dibadda oo afar sanno idaacad inna lahaa way soo soocotaa lacagteedana qaadayay. Wasiirka Maaliyadda oo la yihdi (lagu eedeeyo) dawladdii somalia ayuu sirteedii Xabashi ka iibiyay. Ma yihiin rag la aamini karo oo aydin hadalkooda qaadan kartaan oo barkimada ku dheeraysan kartaan? Hadday jawaabtu tahay maya. Maxaa idiin banaan?

S. 12aad: Su’aasha qaybtan iigu dambaysa dadweyne waxay tahay. Afar sanadood wuxuu Madaxweynuhu lahaa xuduudaha dalka ayaanu sugaynaa ama soo taabanaynaa. Weli lama hayo. Inagaabay inagu soo durkeen xuduudihii intuu xukunka haystay. Ma filaysaan inuu arrintaa fulinayo? Hadduuse fulin waayo ma laga yaabaa inuu la sugayo markay doorashadu soo dhawaato oo uu dalka dagaal geliyo si uu kursiga u sii fuushanaado? Hadduu taa yeelo maxaa idiinka meel yaal?

Waa inoo todobaadka dambe.Haddii Eebe idmo

A. Geeljire

Wednesday, May 23, 2007

Dahir waan aragnoo dib u aamini mayno




Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe:Waar heedhee horta fanaaniintan yar ee iminka cajaladaha ka heesa midhaha ma Ina Xaji Dahir baa u sameeya? Weligey waxaa wax ka midho liita ma arag.



Dolaal: "Waraabow bood oo xagga cadka u bood." Baa la yidhi. Heesa xumida uun maad ku deysid maxaa wasiirkana kuu geeyey? Waar illayn gardarro...



Dubbe:Dee illayn xikmad xumi baynu ka hadlaynaa nin walibana wax buu caan ku yahay. Cajalad uu mar dhawayd yarka darawlaka ahi dhegeysanayay ayaan u fiirsaday. Mid wuxuu yidhi "Marna jaaha iyo jilbaha maysa saarnaa." Midna wuxuu yidhi . "jaleecadadaadii surka igu jaba." Kkkkk hadda waa wallaahi. Mid kalena wuxuu yidhi. " Kii i kaa baray baan boqol jeer ku weydiiyaa." Mid kalena wuxuu yidhi. " Ubax carro ka baxay oo xidadiisu wadna ka soo baxay baad tahay." Gabadhina waxay tidhi. "waadigii i diiday eh, waxba iima soo wadide." Mar kalena waxay tidhi. " noloshaba hadaanad aqoon naayaa haygu odhan niyaddana hayga jebin." Qoodhaa iyo xeradaa Ina H. Dahir mooyee cid kaloo sidaa wax u tirin lahayd miyaad garanaysaa? Xikmad yare. Horta Dhahar dabadeed miyaan kaana juuqba laga hayn?



Doolaal:Waar waxaa iska dhaafoo Xaaji Cabdi Waraabe ma dhegeysatay markuu lahaa Madaxweynaha aamina?



Dubbe: Horta waan dhegeystay Xajiga. Wax xunna muu odhan. Midhkaa aaminaaddana waynu ka wada hadliye hay dambeeyee. Waxaanse ku sheegayaa. Horta odayaasha waaweyn, Ilaahay baa weyne, waxba odhan maayo. Waayo, raggaa wada xayeeshka aah markay dhintaan ayuumbaynu garanaa qiimahooda. Waana ta labaade horta waa wax dabiiciya oo da'da ayay la socotaa inuu nin oday ahi dadka waaniyo oo weliba waxaa ay haystaan ama gacantooda ku jira yidhaahdo waar daysta.




Waayo, cilmi nafsiga ayaabay sheegay oo ma jecla inay wax is bedelaan oo wareer bay la tahay. Bal u fiirso oo intaa odayaashu markay gurigooda joogaan waxay leeyihiin " Naa ya kabahaygii halkan ka qaaday? waar yaa ushaydii arkay? Waar yaa koofayadii iga qaaday?" markaasay islaantu tidhaa. " ee kabaha anigaa illinka ka duway oo dhankaa u yara leexiyay waa kuwa isla halkii uun yaal. Ushii anigaa tiiriyay oo is idhi wuu ku kufi . Koofiyaddii waan maydhay oo waaniga cimaamadda dul saaray." Markaasu yidhaa. " Haa. Hayga qaadina alaabada. Waxaan mooday in kabahii layga illaday eh." Wax kale iska daayo haddii durraaxadda sariirta laga beddelo way ku caaroodaan. Markaa ma jecla waxaa ay garnayaan wax bedela ee Xajiga iska illaw.



Mahadsanid. Noolow Xaji. Inta kuu hadhay talada noo badi Xaaji. Dee haa. Maxay ina yeelaysaa? Waynu iska diidi waxaynu garan weyno eh.
Xaji, arrin yarna aan ku dareensiiyee, beryahaa kamaad war hayne, mutacalimiinta Garxajis Ina Buuba iyo Jamac yare way ka badan yihiin. Haa. Qaar badan baa soo kordhay Xaaji. Dhankan Somaliland ta ayaanay u badan yihiin. Tolow may maqlayaa?



Dadkuna iminka waa isku mid Xaaji. Arrimihii yaryaraa way iska dhamaadeen. Sideedabana iminka lama kala ilbaxsana. Qolona qolo kuma shaqaysato. Haa. Xaaji. Waa sidaa. Ina Gaboose na, Habar Awal soomay dirin. Ururka ayuumbay kula jiraan, sidaad adiguba xisbiga Samaroonta ugu jirto.. Qaar inkaari ku dhacday baa Xaajiga waalayee. Tolow ma Cawil iyo Ina Sulub buu xalay arkay xaajigu oo ku yidhi Habar Awal baa ina Gaboose ka dambaysa? Nolow Xaaji. Cimrigaa ha jiro.



Doolaal: Maxaad ku diidday hadduu yidhi Madaxweynaha aamina?
Dubbe: Horta Madaxweynahaad sheegaysaa sidii aan ku aamini lahayn ma yeelay baa ka horraysa?



Doolaal: Oo muxuu dhimay? Sawkaa dadaalaya maaha.



Dubbe:Eeg. Uma baahnid inaad indhaha iska riddo. Qof madaxa waxa lagu aaminaa marka u horraysa markuu raaco sharciga iyo xeerarka. Marka labaad markuu fuliyo ballanka uu ama dadweynaha u qaado ama qofba u qaado oo uu runta yaqaan. Marka saddexaad markuu dadka kala jaadka ah ee qaranka xilalka kiisa la siman u haya uu la shaqeeyo ee uu u xog warramo. Markuu dadweynaha uga xaal warramo waxay tabanayaan ee jiritaanka dalka khuseeya. Marka aanu musuqmaasuq ahayn. Marka aanu isku xeerin la taliyeyaal beenta iyo musuqa yaqaan. Intaas oo xaalo ninka aan midna ka lahayn sidaad u aaminaysaa adigoo la mid ah mooyaane? Waar kaa iska dhaafoo Xaajiga waxaad ku tidhaa:



Xaaji waa oggoloo
Oday weeye midhkiiye
Ninkaad aamina leeday
Malaa waanad ogayne
Wuu amuur badanyoo
Sida weeye Ibliiska
Udubtaa gabgaboowdiyo
Inyarood ku jirto
Ashqaraasan malaa
Dhanka ay ka arkaan
Aadmiguu u dhigmaayoo
Weliba waa edeb miidhan
Gacantaada afkiisa
In haddaad geliso
Saari maayo ilkaayoo
Axna soo celin maayoo
Arxankaabad la yaabi
Umaddiise dhamaan
Inteedii kaleeto
Dhanka ay arkayaan
Daahir waa orgome
Waa inkaaro hagoogan
Waa abeesada duuban
Abris weeye dilaaya
Ishuu noo nabayaayoo dib u aamini mayno
Arligii kharribyoo dib u aamini mayno
Indhahuu ka riddoo dib u aami mayno
Aakhiruu u diroo dib u aamini mayno
Axdiguu jebiyoo dib u aamini mayno
Ibtiluu noqdayoo dib u aamini mayno
Amakaag na badyoo dib u aaminimayno
Asquu qaybiniyaa dib u aaminimayno
Golahii inkiryoo dib u aamini mayno
Albaabkuu ka xidhoo dib u aamini mayno
Xukunkii amimyoo dib u aamini mayno
Afduub buu ku wadaa dib u aamini mayno
Anfaciina xadyoo dib u aamini mayno
Adduunkii gurayoo dib u aami nimayno
Adhigii rarayoo dib u aamini mayno
Aadan baa u gadoo dib u aamini mayno
Iskraabka dhacyoo dib u aaminimayno
Aqallaabu dhistaa dib u aamini mayno
Askartii qadiyoo dib u aamini mayno
Ardaydii lumiyoo dib u aamini mayno
Agoomii dayacyoo dib u aamini mayno
Estii (SNM) buu necebyoo dib u aamini mayno
Odayaal firdhiyoo dib u aamini mayno
Addis buu u dusaa dib u aamini mayno
Arrimuu la galaa dib u aamini mayno
Inay Yey la shiryoo dib u aamini mayno
Isna wuu la wadaa dib u aamini mayno
Daahir waan aragnoo dib u aamini mayno
Udub baa ka dartoo dib u aamini mayno
Waa inoo toddobaadka dambe, haddii Eebbe idmo.



A. Geeljire

Tuesday, May 22, 2007

Rafiiq, Wallaahi Anaa Maa Fii Raqaba..Anaa Fii Yed


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe:Waar waxani caddaalad xumu ka badane tan Maxkamada xaggaynu ka qabanaa? Miyaanaan waayaynba kolba mid ooman oo daf ina soo yidhaa? Waar yaa Ilaahay yaqaan?
Doolaal:Maxaad isla waalaysaa? Iminkaad madaxda aflagaadayne. Maxkamaddu saw sharciga tafsiil kama bixiso.



Dubbe:Waxaan ku weydiiyay. Dunida kale Qareenada iyo Garyaqaanada iyo dadka noocaasi way iska ladan yihiine kuweenani halkay ku soo oomeen? Oon idin laa. Oomane buu yidhi. Qoodh iyo xaro wuxuu u haystaa hadduu Ina Rayaale ka soo hor jeesto in risiiqii go'ay. Waxa la yidhi nin Hawiye ah oo Muruusade ah ayaa nin reer Somaliland ah gabadh- waa intii aan lays baran- waydiistay. Markaasu haybsaday.


Wuxuu u sheegay inuu Muruursade yahay. Ninkii reer Somaliland walaakii oo beri Xamar ka shaqayn jiray buu weydiiyay Muruursade. Wuxuu ku yidhi "Abgaalka ayaa markay caydhoobaan Muruursade noqda." Intuu ninkii inanta ka doonayay ku soo noqday buu ku yidhi "Adeer waad wanaagsantay oo si fiicanbaad yeeshay mar haddaad arrinka na soo gaadhsiisaye, laakiin adeer markaad Abgaalkaagii ku noqoto ee Maruursanimada ka baxdo haynoo ahaato." Iminka anigu weligay ma arag nin Bari ka yimi oo Oomane la yidhaaye; bal inta uu oonku ka baxayo ee uu Mujaahidnidaiisii ku noqonayo aan iska sugno dee bal in Ilaahay caddaaladda tuso.



Doolaal:Waar Maxkamddu si caddaalada bay u xukuntay kiiskii markay labadii dhinacba dhegeysatay. Weliba doorkan labada dhinacba way dhegeysatay oo kiis dhan bay qaaday. Marka hore aydin dadka jujuubayseen oo aydaan sharci ku socon



Dubbe:Caddaalad buu yidhi. Wallaahi Sucuudiga ka caddaalad xun. Ma nimankan wixii la weydiiyay mooyee wax kale kugu xukumaya ama ku daraya mar walba ayaad leeday caddaalad bay yaqaanaan? Wallaahi waxaan xusuustay nin Pakistani ah oo Sucuudigu ku soo masabiday tuugo oo ku xukumay in gacanta laga jaro. Ninkii oo qolkii jeelka ka ooyaya oo leh "wallaahi rafiiq anaa maafi xaraami." ayaa lagu soo xidhay isla qolkii afar kale oo Pakistan ah oo maandooriye lagu soo qabtay oo dil qoortoo laga jaro ah lagu xukmay. Subaxii dambe ayaa askari albaabka furay. Afartii dilka ahaa saddex ka mid ah iyo kii tuugada loo haystay buu waraaq ka yeedhiyay. Soo baxa buu yidhi waa laydin qisaasayaa. Kii in gacanta laga jaro lagu xukumay ayaa qayliyay "rafiiq, anaa wallaahi ma fii raqaba. Anaa fii yad. Anta maa fii khoof rabbak" Gacantii uu diidanaa ayuu oggolaaday oo yidhi wallahi aniga gacanta in layga jaro ayaa laygu xukumay ee in qoorta layga gooyo layguma xukumin. Askarigu warqaddan ayuumbuu akhriyayaa "soo bax buu yidhi. Kii dilka ahaa ee afraad baa jooga oo leh "waar dee aniga weeye ninka dilka ahi ee ninkan miskiinka iska daa" "uskut yaa kelb" intuu yidhi oo dhirbaaxay ayuu kii kale kexeeyay. Iminka waynu ladanay haddaanu Oomane xukumin in Golahu sharci darro ku fadhiyo oo la kala dareeriyo.



Doolaal:Waar muxuu ku hadlayaa?oo meeshu Sucuudigu caddaalad xumaa. Waar adaa waxaa malaa samaystay?



Dubbe:Wallee waxan aad maxkamada ku sheegeysaan ee dadkii nafta ugu keenteen iyo dalkii waa kuwaas sucuudiga oo kale. Haddaanay ka liidan. Iyaga Sucuudiga mar mar baabad nin Ilaaahay ka yaabaya arkaysaa. Idinkuna wax walba intaa tidhaahdaan "maxkamadda ayaanu geyneynaa" Illayn waa naasweynba dihine ayaydaan caddaaladna qaadayn. Haddaba Golahu "tunka ha ka leefo ilmada ka tiixaysa" waa kuwii gacmaha badan u taagay ninkan Ooman iyagoon iska hubsanne. Waar bal horta ninka su'aalo weydiiya ayaanu ugu taag weynay. Iminkaba Guddoomiyaha dambe ee la keeno inaga hubsada inaanu Oomanayn, waa inuu noqdaa mid buraashaddiisa sita.



Doolaal:Waar illayn oomanaantiisa adigu wax ma siiside "gari laba nin kama wada qosliso" baa la yidhi ee gartaada qaado oo oggolow qaraarka.



Dubbe: Dee horta wax kale oo ii banaaniba ma jiraan laakiin Ilaahay hortii dalkii cawaaqib xumo ayaa dhaxalsiiseen. Oo hanjabaadii uu Cawil TVga la soo fuulayna maxay ahayd? Ma Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa laga dhigay?
Doolaal:Hanjabaaddee?



Dubbe:Dee markuu qoladan Qaran u hanjabayay ee uu lahaa "waxaan idiinku ballan qaadayaa inaanu sharciga hor keeno."



Doolaal:Horta qofkii sharciga jebiya waa la horkeenayaa dee. Taa maxaad ku diidantay?
Dubbe:mar markaan cadho la dhiman gaadhaa waa markaan kibirkiina arkaa. Waar ninka muwaadin ah ee waxa uu u arko inuu xaq u leeyahay sheegtaa ama raadsadaa ma dembi buu galay. Waa maxay hanjabaadu. Xeerkan aad ku ordayso ee "anaa maafii raqaba" u baadh dee marka hore inuu waxan muwaadinku rabu xaq u lee yahay iyo in kale. Maxaa wareerkaba keenay? Maxaa keenay ha hadlina? Miyaanad ogeyn in muwaadiniintu is abaabulaan oo wax aan xeerkaba hore ugu jirin xukuumadda ka dalbadaan? Waar iska daaya jahligan guulwadaysan.



Doolaal:Maxaad ka waddaa?



Dubbe:Waxaan ka wadaa. Muwaadiniinta tidhaahda urur siyaasadeed baanu furanaynaa xeerka uun u baadh. Ma oggol yahay? Haa. Sii ruqsad. Ma oggol yahay? Maya. U sheeg inaanu xeerku oggolayn qodobka diidayna u sheeg oo maxkamaddu ha xukunto. Golayaasha qaran ha xukumaan. Ha laga doodo. Danta umadda ayaa ku jirta in muwaadinku wax raadsado lana qanciyo. Laakiin hanjabaad caantayni inna dhiqi mayso.




Doolaal:Waar waan kacayaa Madaxweyne Ku-Xigeenkii baa Ingriiska u dhoofaya oo aan sii dhaweynayaa haysii yaallo qaadku. Way ii tirsan yihiin qoryahu. Dheg ha la bixin iminkaba.



Dubbe:Waar qaad haddaan xadayo wax ka fiican baan xadi lahaaye oo xisbigiinaan soo geli lahaaye. Wadaadkii ma siyaaradii Sheekhaa la fogaatay oo uu carro Ingriis ka soo gurayaa? Mise Ingriis Carre ayuu maqlay oo inaynu wax isu nahay buu moodayaa? Mise colkuu colka gaadhsiinayaa oo dhulkii Ina Rayaale soo maraybuu isna soo marayaa? Ta kale doorkan ii soo duceeyaba muu odhan wadaadkuye. Malaa Ingriiskaa Dhahar ka dhow. Tolow intaa uu maqan yahay yaa yidhaa Aar Guruxeed ka sii gaadhsii oo siyaarada gur... Aar day..nacallaba.. waar ka gaadhsii...



Doolaal:Wefti ballaadhan oo Wasiirro iyo cid walba leh ayuu hor kacayaa qadiyadeena ayuu adduunka gaadhswiinayaa? Maxaa ku jaban taa?



Dubbe:Qadiyadda miyaan Cadillaahi Maxamed Ducaale iyo Cawil ku filnayn? Ma wax kalaa la soo qabtaa saw maha in la yidhaa " marti qaadbaanu hellay, khadiifad cas baa naloo dhigay, cashaa naloo sameeyay madaxdiina shir baanu la yeelanay oo qadiyadeenaanu u sheegnay. Weftina way soo diri doonaan. Inta kalena waanu qarin oo cadawga maqlaya"



Waa inoo toddobaadka dambe, haddii Eebbe idmo




Waxa Qoray. A. Geeljire