Monday, July 9, 2007

Maqan


DALJIRE


(Maqan baan dhigay)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe:Allaylehe dadkii reer Hargeysa ee wacnaa ee Madaxweynaha is yidhi soo dhoweeya waxbaa ku dhacay.


Doolaal:Hee. Maxaa ku dhacay?


Dubbe:Dee mar hadduu Ina Rayaale yidhi sacabkan yar ee xun ee dariiqyada la taagan tihiin waaban shuufay ee uf. Oo uu kooxo durbaano sita ka soo kaxaystay Boorame, muxuu kaga tegey? Bal iyagoon inuu wax taroba ka doonayn ayay weliba sacab ugu daraya oo weliba siigada gawaadhidiisa dheeraynaysa liqaya ayuu taa ku samaynayaa. Allaylehe abaalkood baa helay. Haddaba shicib yahow wanaagsani miyaa laga yaaba inaydin mar dambe intaydin laba lugood is daba dhigtaan oo cadceedda safaf dhaadheer is taagtaan u codaysaan ninkaa? “qofka aan quusan naftiisaa quus ah.” ayaa hore loo yidhi.


Mase laga yaabaa inaydin dhegeysataan Wasiir reerkiinna ah oo idin leh ninkan lixda sanadood dalka xukumayay wax-qabadkiisii ama wax-qabadla’aantiisii ha eegina oo ha kula xisaabtamina ee wasiirnimo ayuu innoo oggolyahay ee doorta. Iyo haddii nimaan isaga ahayn la doorto oo beelaha kale ah waa lays dilayaa. Iyo beel heblaayo oo xukunka qabata waxa inoo dhaama Ina Rayaale oo haya?



Doolaal:Waar muxuu ku hadlayaa? Waar iminka yaad u khudbadaynaysaa? Ma olole doorasho ayaad ku jirtaa? Inaynu qayilayno miyaad illawday? Waar koox fannaaniina oo meesha qurxinaysay bay ahaayeen ee waxan aad shubaysaa ma jiraan. Iyagaa isa soo abaabulay. Aroos bay u yimaaddeenna waan maqlay.


Dubbe:Kuwee? Iga walla waxay ahayd dhaadasho iyo dhoolla tusad. Waar war ma hayside ninkii halkaasuu la marayaa ficiltankii iyo qabyaaladdii. Bal yuu la ficiltamayaa ma dadkii kursiga saaray?


Beryahan miyaanad dareemin? Imisaan kuu sheegay? Haye. Iminkana haddaba siduu ku socdo ciidan koofiyadcas ah oo reer Awdal sooc ah oo golxad iyo gundhati xidhan ha keeno madaxtooyada. Berigii hore ee uu sidan dhaamay ee aanu mijo-roorka ka dhaansan lama ogaan jirin wax u yimi iyo wax kale.


Sidoodabana reer Awdal haddaan la kicin dad sanqadh iyo qaylo badan ma aha. Dad i maqlaay i arkaadana yaqaan ma aha oo waa dad deggan. Nin ay sheekaysteen berigaa hore nin Ilaalada Madaxtooyada ah ayaa iiga sheekeeyay. Wuxuu yidhi “waar meeesha cid badani uguma timaaddo ninka ee mar mar baa gaadhi MarkII ahi isa soo taaga markaasay ka soo degaan oo yidhaahdaan. “Haw ma joogo?” markaasaanu nidhaa. kuma? markaasay yidhaahdaan. “Daahir dee. Xaafaddaan nahaye.” Markaa dad xasarad leh may ahayn.” Isagaa iminka bilaabay inuu si qalada dadka wax ugu sheego. Dadku waa dad walaalo ah.


Waar taan hayayba illaabay eh anigoo isle u sheeg gaadhi waddada ku qallibmay ayuumbaan markaan ku arkay kooxdaa xusuustay.


Doolaal:Halkuu ku dhacay? Waxse ma lagu noqday?


Dubbe:Waddadaa Berbera ayuu ku dhacay baa la yidhi laakiin dhaawac fudud ayuumba la sheegay. Sideedaba dadkeenu nabadgelyada gawaadhida qalad bay ka fahamsan yihiin. Gaadhigan ballaadhan ayuumbay arkayaan ee uma fiirsadaan intay dib uga durkaan inuu gebigiisuba taako iyo badh in leeg ku taagan yahay. Bal shaagga eeg. Waa taako iyo badh. Markuu dhaqaaqo ee xawli ku socdana waxay noqotaa taako nuskeed. Markaa gaadhigu cagaba dhul kuma hayo ee dadku waxay ku xisaabtamaan baaxadda gaadhiga. Waar shaagga eega oo qunyar socda.


Doolaal:Ninyow waa runtaaye umaan firrsanba ee show bahalku dhulkaba inyar buu kaga taagan yahay. Waar intaa yaa kuu sheegay maanta? Horta anigu mid gaala oo aan beri raacay ayuumbaan ka maqlay “speed kills.” Oo macnaheedu yahay xawliga dheeri waa dilaa.


Dubbe:Cidda ii sheegtay iska daayoo. Ka warran farrintii Wasiirkii Etoobiyaanka ahaa. Maxaa laydinka saxeexay?


Doolaal:Oo kaa ma warbaa ku hadhay? Sawtii warsaxaafadeedka laga soo saaray.


Dubbe:Oo waxaa tidhaahdaan ama soo qortaan ma cidbaa rumaysata? Waanu iska amusnaa idin dhegeysanaa uune. Arrintiinu waa “warqaddii maqnayd baan dhigay.” Anaguna waanu yaabnaa uun. Intuu yaab naga soo reebi?


Doolaal:Waamaxay warqadda maqani?


Dubbe:Reer miyiga, weliba geeljiraha ayaa waayadii dambe turub bartay. Markaasay faraqa ku qaataan. Waxa ka lunta mid waraaqahiisa ka mid ah ama ka jeexjeexanta. Ka dib markay ciyaarayaan ayay illayn korka ayay ka hayaane yidhaahdaan. “warqaddii maqnayd baan dhigay.” Iminka waxa dadka la barateen jawaabo isku mid ah oo aan macno lahayn. Waa nimankiina yidhi wasiirku wuxuu u yimi inuu Madaxweynaha u sheego farrintii Meles oo ah inuu cilaaqaadkeenii sidii hore yahay. Berigaa idinku odhan jirteen Meles wuxuu yidhi baaba intaa dhaanteen. Iminkaa tiiyoo farriin ah noo sheegteen.


Maalintii dhoweyd ee uu Madaxweynuhu Meles isla sawiray maxay is yidhaahdeen. Isna ma gaal Jarmal ah buu ahaa oo wershed sibidh bay ka wada hadlayeen?


Waar waxa jira dadka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn xisbiyada qaranka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn. Golaha Wakiilada u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn. Guurtida u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn Labada Shirguddoon ee Baarlamanka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn ninkaa aad tidhaahdeen Oomane ayaa la yidhaa ee idiin eexda u sheega.


Doolaal:Xukuumadda iyadaa la doortay oo maamulka iyo siyaadda debedda ka masuul ah oo cadaw badan baynu leenahay. Markaa lama sheegi karo wax walba.


Dubbe:Waar cadawna garan maysaan cadyow miidhani. Waxba haw sheegina haddaad rabtaane wax yar baaba iskaga keen hadhaye. Ninka Oomane ee Maxkamdda sare ee Mujaahidka ahaa sawkii Ina Rayaale labada casho jawaabta ku siin jiray. Jawaabtii Golaha Wakiilada muxuu la qabanayaa?


Doolaal:Maxkamaddu jadwalkeeda ayay ku socotaa cidina ma dedejin karto cidina dib uma dhigi karto.


Dubbe:Dee mayee hayla yaabine. Maxkamadduu kiisaskii mucaaradku geystay 2003dii weli kamay jawaabin. Ina Rayaalena wuxuu weydiisto intay degdeg uga jawaabaan ayay weli u raxeeyaan oo u wafeeyaan oo qaar aanu weydiisan ugu daraan. Ma dawbaa taasi?


Bal haddaba garannay oo Guddoomiye Faysal waxaad tidhaahdeen wuu xanuusananayay. Kii ka horreeyayna waxbaa ku sheegteen. Qaadigiina waa la ogaa oo waxan la hadal hayo kuma jirin isagu. Haddaba ninkan Mujaahidka ahaa ee berigii halgankii buugga yar sidan jiray ee qodob baa la jebiyay wadnaha dadka ku caddeeyey iminka muxuu qodobaddii u arki waayay? Muxuuse caddaaladdii isaga indha tirayaa? Waar mujaahidka Ilaahay ka yaab dhaha oo dadka u xaqsoor oo sheeg waxaad u dhaarin weyday shanta xubnood ee Komishanka Doorashoyinka qaranka. Mujaahid “baqaa bari ka row.”



Doolaal:Eebaheenow muxuu kolba meel isku qaaday. “maxaan waraabow uuuh kaa maqlay.” Buu yidhi ninkii jiray. Maxaa iminkana arrimaha maamulka maxkamadda ku geliyay?


Dubbe: Aan kuu daayaba eh waydinka yidhaa “jaarkaaga Ilaahay baa kuu doora.” Ee maxaa Djibouti u hambalyayn weydeen sannad guuradeeda 30aad? Haddaa xukuumadda collowdeen shicibka miyaa collowdeen?


Doolaal: “Kaba tolow ma halkaasaad ka kudday?” ayaa la yidhi. Halkaad inala martay haddana?


Dubbe:Waar kiiska hayska waaline waataa markaa macawisaha aydin ka arradi weydeen ee weli masaajiddada ku timaaddaan ka soo guran jirteen na odhan jirteen “waa walaalaheen eh.” Maxaa iminka indhaha isaga ridaysaan? Ma macawisii bay joojiyeen?


Anaga hambalyaynayna. Waar Djibouti yey hambalyo. Oo Ina Cumar Geelow Hambalyo sidaad dadkaaga wax ugu qabatay. Woxoogaaga yar yar ee jira ee xagga dimuquraadiyaddana u dadaal. Ka neefi.


Niman wanaagsan oo madaxa baa meesha inooga iman jiray xagaaga. Kollay Xasan baa la xidhiidhiye. Waar nagu salaan Xasanow nimankii wanaagsanaa ee aad na bartay.


Doolaal:Waar maxaad u jeeddaa iminka waa ninka?


Dubbe:Sawtaa odhan jirteen. “haddaanaan xidhiidhka jaarkeena hagaajin oo ku guulaysan mid ka shisheeyana ku guulaysan mayno.” Ma iminka af Talyaanina ku hadasheen reer Djiboutina af garan weydeen? Alla nimanku indha adagaa. Wuxuu yidhi Xaji Dallaayad. “Sow Tuug alaab lagu hayaa kii habrada maaha.” Idinku waaba kaalaxdeen marraa waaxid.



Waa inno toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire