Sunday, July 29, 2007




(Ama Tayda Raac Ama Tubta Qaad)

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar heedhee. Tii Laandta ahayd siyaasdeedii iyo arrimaheedii ma majaajillo ayay noqdeen?

Doolaal:Waayo?

Dubbe:Umaddiiba xaqiiqadii intay ka tagtay ayaa khayaali la galay. Waar maxaa innagu dhacay? Waxaan arkay Madaxweyne aanay dani ugu jirin inuu qabyaalad ku shaqeeyo oo ku shaqaynaya oo beesha uu ka soo jeedo ka hor keenaya beelaha kale ee uu cod ka badan ka heli lahaa. Waan yaabay. Waxaan arkay Madaxweyne loo doortay inuu niyad wanaag iyo isku duubni dadka ka dhex abuuro oo dagaaladii sokeeye raba inuu dacartoodii dadka ku soo nooleeyo isaga oo is leh sidaas baad cod ku helaysaa oo illawsan dadka uu isku dirayaa inay iska xigaan isaga. Ama ay qodqodi karaan sooyaalkiisii iyo xidhiidhkii uu la lahaa Siyaad Barre xukuumaddiisii. Waan yaabay.

Waxaan arkay Madaxweyne dalkii oo dhan leh ama tayda raac ama tubta qaad.

Waxaan arkay dal kuwii xoreeyay bakhtiyayaan naafadoodii agoontoodii iyo kuwoodii caafimaadka qabayba oo isla markaa kuwii ay ku maamuuseen inay hoggaamiyaan ay hantidii umadda guryo kaga dhisanayaan dalal debedda ah oo ay weliba leeyihiin naguma filna ee noo kordhiya. Waaban yaabay.

Waxaan arkay Golahii Wasiirrada oo inta xun mooyee intii kale aan laga helayn nin qudha oo yidhaa waar siday wax yihiin oo dantooda uun ka badin waayay, waar kulligood ma Xaaraamo Cune ayay wada dhasheen. Waan yaabay.

Waxaan arkay nin leh “waxaan ahay Guddoomiye ku-xigeenka UDUB ee Awdal oo sidaa daraadeed baa lay xidhay. Badhasaabkuna waa mucaarid. Waxaan idhi tolow kuwa Kulmiyena sidee loo galaa” Waan yaabay.

Waxaan maqlay UDUB oo adeegsanaysa Cismaan Kalluun oo aynu ka wada dheregsannay halkuu ka joogo qaddiyadda Somaliland oo u diratay inuu Ingriiska ka abaabulo shir beesha uu ka soo jeedo ee HY ah oo uu u xodxodo inay UDUB taageeraan. Isla markaa Maxamed Xashi Cilmi, Dr. Gaboose , Jamal Caydiid iyo taageerayaashoodana ku tilmaamay qaran dumis oo weliba xadhig ugu hanjabay. Waan yaabay.

Waxaan arkay Guurtidii oo leh khilaafka xukuumadda iyo Wakiilada u dhaxeeya ayaanu dhexdehexaadin ka gelaynaa. Iyagoo isla markaa illawsan inay qaybta ugu weyn ka yihiin khilaafkaa. Waxaan is weydiiyay waxa ay labadan nin ee ay iyagu soo magacaabeen u soo beddeli waayeen horta oo ay halkaa uga bilaabi waayeen xallinta arrinta. Waan yaabay.

Waxaan arkay Guurtidii oo guddi xildhibaanno ah iska soo xushay oo ku soo dartay Xoghayahii Golahooda. Sababta ayaan garan waayay. Waxaan is weydiiyay. Oo Guurtididana miyaa loo dhegeystaa Ina Rayaale sawkuwa xaggiisa ah? Waan yaabay.

Waxaan arkay xildhibaanno Wakiilada ah oo la yidhi fadhiga caadiga ah ee Golaha ma yimaaddaan haddana in Golahu sii furnaado oo fadhi aan caadi ahayn galo codsanaya. Waan yaabay.

Xildhibaan Cali Barre oo dhirbaaxadii Ina Rayaale ku dhuftay weli sii hafeefanayso oo misna isagii xaq darro ugu hiilinaya ayaan arkay. Markaa waan amakaagayba.

Waxaan arkay Guddomiyihii Makamadda Sare oo si badheedha ula saftay Ina Rayaale. Waan yaabay. Mujaahidka waan u duceeyey. Ilaahay xaqa ha tuso. Aamiin.

Waxaan ka war helay budhcadda ka dillaacday Hargeysa ee ciidan ku filan loo waayay. Iyo haddana isla markiiba ciidanka faraha badan ee loo helayo in lagu kala kaxeeyo taageerayaasha Ururka Qaran. Xin iyo xaasid loo xoogweyna. Waan yaabay.

Waxaan arkay Ethiopia oo markay dekedda wax kala soo degayso wasiirro soo diraysa oo inagu odhanaysa wadadii “Berbera Corridor” baanu samaynaynaa. Iyo laydhkii Wajaale ayaanu soo gelinaynaa. Oo markay alaabtu inna dhaaftana aan dib loo arkayn. Iyo xukuumaddeena oo sidii sabeenihii Tuuyo lagu dhaqan jiray u oslaysa markay Xabashi aragto . Waan yaabay.

Waxaan maqlay war sheegaya in Wasiiradeenii ku socday Ethiopia lagu hor joogsaday Wajaale oo markii dambe la sii daayay iyaga iyo askartii ilaalinaysayba iyagoo hubkoodii sita. Waxaan idhi tolow miyaanu dadku ogayn in Madaxtooyada loo diido wasiirrada. Haddii la sii daayana laga reebo askartooda oo debedda ay fadhiistaan. Waan yaabay. Waxaan arkaa Wasiirrkii Warfaafinta oo aan idaacaddii cusbayd ka warramayn oo markay tii gabowday xumaato shaqaalahii masaakiinta ahaa Booliska (CID) u dalbanaya oo xidhaya. Waan yaabay.

Waxaan arkay nin shaqaale dawladadeed (Civil Servant) ah, Agaasimaha Telefishanka Qaranaka, oo haddana Fulinta UDUB ah oo og inay xeerka ka soo horjeeddo arrintaasi oo haddana shir saxaafadeed qabanaya oo sheegaya oo aan waxba laga qabanayn isna aan isla yaabayn oo weliba cid kale wax ka sheegaya.intaa waan uga hanweynaa Mudane Maxamed Muse Diiriye. Waan yaabay.

Waxaan maqlay muwaadin la yidhi nin carbeed baa yidhi lacag baan ku leeyahay ee ii soo mustaafuriya oo laysku dayay in loo dhoofiyo inta carabkii lacag laga qaatay. Waan yaabay.

Waar adigu waxba yaan hadal kugu daalinne dhankaan eegoba waan yaabay. Sow keligay maahee dadkoo dhan baa yaabban.

Doolaal:waar iminka kuuguma horrayso inaad yaabto oo yaabka waad ku soo dhalatay malaaye. Guurtidu hadday wax dhexdhexaadiso maxaad ku diidday? Miyaanay shaqadoodii ahayn?

Dubbe:Mayee inaadeer ma diidaniye. Ha i qoonsane. Horta marka horeba in khilaafka layska dhawro weeye. Yeelkeedee hadduu dhaco anigu mar walba ninka leh waar danta ummaddu kuma jirto khilaafe aan wada shaqayno oo wixii aynu ku heshiin karno aan dhaqaajino oo Ina Rayale xabaddan uu dhafoorka kaga hayo dalka ha ka daayo ayaan ahay. Waxanse yar diiday...

Doolaal:Waar u kaadi. U kaadi. Waxba maad diidine halkaa ku jooji. Aan wada shaqayno wax dhaama odhan mayside.

Dubbe:Hee? Miyaan iska aamusaa?

Doolaal:maxaa kuu hadhayba? Waad dhammaysaye.

Dubbe:Waar waxba maanaan dhammayne na sug ragguumbaad gaagixisaaye. Halkay Guurtidu ka maraysaa dhawr iyo afartankii guulwade ee mooshinada deg degga ah Oday Saleebaan soo dul dhigi jiray? Bal waxaad noo keenayso eeg. Waar awr baynu caano dhanaan ka lisaynaa ninyow ee iska aamo.

Doolaal:Waa maxay awrka iyo waxaad sheegaysaa? Guurtidu hadday wax isku raacdo oo shir degdega qabsatay oo guddi saartay arrinka dhammayn mayso miyaa?

Dubbe:Waxa la yidhi nin dhallinyaro ah oo ciyaalo iskuula ahaa ayaa meshaa iyo geelii u baxay. Habeenkii u horraysay markuu caanihii dhamay ee uu jiifsaday ayuu markiiba soo booday. Geeljirihii buu toosiyay. “waar yaadhaheen. Waar caanihii baa sanka sare noo soo yaacaye ee barkimo na siiya. Nacal jinsakum. Waar wuxu waa maxay? Habeenkii xigayna intii uu hurday bay neef hogeysteen oo subaxii bay cad hiliba u dhiibeen. Markuu waxoogaa ka yar googoostay buu yidhi. “’Aar salaaddan hore madhin kari mayno waxanoo hilibee halkaa naga dhiga oo in maraqa noo dhiiba.” Habeenkii saddexaad bay calooshu socotay. Subaxii bay hadhuub caana ah haddana u dhiibeen. “Waar inaadeer,min fadlakum, billahi calaykum, kuwan calooshaa igu socotaye iga daayo kaa (intuu awr farta ku fiiqay) caano dhanaan iiga soo lisa.”

.

Iminka kolba guddi yar oo aan dhiiqayn baynu caano dhanaan ka sugaynaa calooshuna way inna socotaa. Waar Guurtidu hadday wax qabanayso labada nin ha beddesho horta. Wixii kalena ha dhex gasho. Haddii kale bal Ina Rayaale isagaa cirka roob ku oge u daaya wuxuu wado.

Doolaal:Sidey wax u qaban karayaan haddaydaan fursadba siinayn oo cagaba dhul u marainayn? Waar nimanyow dalka sidan ka daaya.

Dubbe:Ahaaaaa! “Hadal hadal ma ku daayaa?” bay tidhi gabadhii yaabtay. Waar dalkaad sheegaysaa ee lagu moodo mid ka naxayaa waakee?

Doolaal:Dee waa kan. Ma Ugaandha ayaynu hadal haynay haddaa?

Dubbe:Waar dalkan ka niximaysaan dhib idinka ka weynna ma qabo dad iyo duunyo. Ee aan wax kuu sheege nin odaya ayaa shalay ii sheekeeyay. Wuxuu yidhi. “Adeer nin yar baad tahaye aan wax kuu sheego.”

Waxaan idhi ma yariye adiguumbaan kaa yaray ee soco.

Wuxuu yidhi. “ adeer dalkii markaan u fiirsaday ee aan isha geliyey wuxuumbaan ku qiyaasay gaadhi xammuula oo kuwan miyiga u baxa ah. Gaadhigaasi markii u horreysay ee la soo waday ee dalkaba la keenay wuxu soo maray waddo aad u xun oo isagoo burbursan baa la keenay dalka .

Gaadhigaa saddex darawal baa iska beddelay illaa hadda. Darwalkii u horreeyay isaga oo aan in badanba wadin laakiin isku yar toos tosiyay oo duqadahii ka biiyay qaar welina u dadaalaya ayuumbuu mar qudha wax qoonsaday oo intuu meel dhigay furihiina iska dhiibay iskaga dhaqaaqay. Kii labaad guntiga ayuu u gaabsaday oo xagga duubbe ka dhufo xagga kaga dhufo wuu isku toos toosiyay oo gaadhigii dhaqaajiyay. Wax Allah wixii ka soo baxana gaadhiguu dib ugu celin jiray. Wuxuuse jab ku dhigay. Mar mar ayuumbuu siduu gaadhiga u toocinayo arki jiray nin laba go’ oo cad cad sita oo waddada ka tallaabaya oo aan cid kale arkayn. Markaasuu gaadhiga dhufan jiray oo ama geed jiidhsiin jiray ama qallibaad halis u noqon jiray. Yeelkadiisee ninkaasi tiriib (trip) qudha kama habsaami jirin ee wuu bixi jiray.

Waxa ka dambeeyey mid aan gaadhiga wadistiisa wax badan ka aqoon xarrifse isu haysta. Mid isu qaatay in gaadhiga la siiyay oo dadkii lahaa wuxuu ku celiyo daaye aan waysar (washer) ka beddelayn. Mid aan gaadhigii dhaqaajinayn oon rarayn. Haddana aan bakhtiinayn oo uu guuxayo uun. Sidii maalinba meeli gubanaysay iminka injiinka (engine) ayaaba sanqadhi ka baxaysaa oo inuu duqeeyo waw halis.

Ninkaa darawalka ahi dadkan gaadhiga saaran ee saaka lixdii fuulay ee afartii galabnimo maraya ee cadeeddaa Kaliileed ku bislaysay gaadhiga dushiisa ee badidoodu qatan yihiin ee reerahoodii inay ku hoydaan iyagoo nabad qaba raba dan kama leh. Maba oga. “Shidanaaba shidan.”

Wuxuu ku mashquul yahay xisaabta isaga iyo kaariga u dhaxaysa.

Markuu Kaarigu lacagta u dhiibo markiiba intuu ka dhufto ayuu odhanayaa. “waa maxay waxanu? Ma iyadaa lacagba ah. sawtaad 15ka casho raraysay bahalka. Waar lacagta na nasii ama naga rog dadkan aad na saartay. Intani naaftadaba ma aha. Bixiba maayo. Waar naga soo dega waryaa. Naga soo dega.” Markaasuu kaarigii yaabayaa. Markaasuu hoos la maqlayo isulahadlayaa oo odhanayaa. “waar ma kan baa Ilaahay ninkii noogu beddelay. ‘aar ma kan baa ninkii ka dambeeyey. Wallaahi kan dhuxulaha ayaa guban. Weligiiba meeshuu ka yimi kani malaa dab laguma shidin. Waar waxani risiq maaha ee aan wax kale ka doonto magaalada.” Markaasuu haddan isagii ku odhanayaa. “Waar lacagtu way dhantahay. Shilin kama maqna.”

Dadkii gaadhiga saarnaa way yaaban yihiin oo waxay leeyihiin tolow koormuu dhaqaaqayaa. Darawalkiina intuu kaarigii soo saaro guudka ayuu dadkii odhanayaa tiri. Oo jawaanada, moohaarada iyo alaabta ay sitaan tiri. Markaasaa dadkii la odhanayaa ka kaca alaabtaa la eegayaa. Markaasay odhanayaan. “waataanu kiradii bixinnay ee ma waxbaa nagu hadhay.” Markaasay dib u soo degayaan. “waar kabta ii qabo. Hadda ushaa ii qabo aan soo degee. Waar yaa arkay go’aygii aan ku fadhiyay.” Wareer baa ka dhacaya. Tiro ka dib baa haddana la soo koroyaa. xisaab baa laysugu noqonayaa. Dadkii oo soomal-haadsan ayay tu yari la hoos imanaysaa khudrad. “saytuunka saytuunka..” markaasuu odayodhanayaa. “kaa beri baan cunay oo dibiro ayuumbaa cirkaa layla baxay. Haysoo dhoweyn adeer.” Dadkii in la baxayo iyo in la soo hoyanayo midna ma sheegi karaan. Wax looma sheegayo. Ha yuururaanuun. Gaadhi guuxaya oo aan socon ayuumay fuushan yihiin.

Gaadhigaasi wuxuu leeyahay kirishboy (garage boy) ku weynaaday oo saddexdii darawalba la soo shaqeeyay. Darawalnimada ma barto laakiin wuu ka sheekayn yaqaan sida loo kaxeeyo gaadhi. Wax weyn kuma qabo ee waxaanu ka maarmayn bariiskaa lagu reebayo iyo inta qaadka ah ee garaabada u badan ee uu u jeexo ka gaadhiga wadaa ee uu weliba gaadhigoo socda ugu yeedho oo untuu jenbiga ka dego ka soo qaato oo dib ula soo fuulo dusha. Inay oodi xagatana la arkee markuu daaqadda fuushan yahay. Ma arrad baxo oo wuxuu leeyahay shaadh iyo surwaal uu dhigto doobiilaha oo inta magaalada la joogo uu gashado. Cidday darawalka wax isku qabtaanna isagoon maxaa lagu sadqeeyayba dhan ayuumbuu dhinaca kaga qabtaa oo darawlka la saftaa. Marka dambena maslaxaadda ayuu wax ka galaa oo iska dhigaa nin wax kala qabanayay oo ladqabe ahaa.

Waxa kale oo uu gaadhigu leeyahay deni dhawaan shaqada la qoray oo illaa maalintii uu gadhiga soo fuulay loo diidan yahay in la xisaabiyo ama loo sheego waxa gaadhiga u yaal waxa soo gala iyo waxa galay midna.

Waxa kale oo jooga raggii darawalkii u horreeyey gaadhiga la soo kexeeyey markuu dalka soo gelinayay ee la soo rafaaday. Ninka shookiga haysta oo darawalka ay isu dhuun daloolaan iyo Kirishboyga ayaa lagu ballimiyay oo maba soo dhaafi karaan. Afkaba hadday gaadiga soo mariyaan qaylada ayaa isu yeedhaysa.

Waxa iyana meel ku xaraysan carrurtii reerkoodu gaadhiga lahaa oo dheri dab loo saarin muddo dheer oo tukaankiina biilkii ka jaray.

Markaa adeer gaadhigaas ayaynu fuushannay meelna uma soconno nin xisaab xun oo naftiisa uun wax u raadinayaana wuu wadaa. Dee markaa Alla haynoo sahlo.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe yidhaahdo.

A. Geeljire

Thursday, July 19, 2007


DALJIRE


(Libaaxee?)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Doolaal:Waar waxaan ku weydiiyay. Maxaa labadan nin ee Komishanka u hor taagan tihiin ee Golaha u soo hor dhigi waydeen? Miyaydaan doorasho doonayn?


Dubbe:Horta mar mar baad waxoogaa caqliya leeday ninyow. Oo maanta sida dadka ayaad u hadlaysaa. Waar dad laga quusto illayn.


Dolaal:Waar aflagaadaddada iska daayoo aniga haysku kay soo qaadine, adigaan dad iyo duunyo toona ahayne, ka jawaab waxbaan ku weydiiyaye.


Dubbe:Innoo dir biyo iyo sharaab horta waayahaye.


Doolaal:Annagaa kuu diraynee adigu soco. Ka jawaab. Hoo kuwan sii cab.


Dubbe:Horta aniguba hoosta ayaan iska weydiinayay arrintaa. Horta Golahu inay dhafoor taabadka iyo macangagnimada Ina Rayaale ee aanu Distoor iyo xeer kale toona tix gelinayn taa kaga jawaaban waa sax. Oo dee ninkii sidan uu wax u wado si loo dul qaadan karo ma aha. Laakiin midhka meesha ku jiraa ee aan is leeyahay malaa qoladan Goalaha cadhada ayaa ka qarinaysa waxa weeye. Waxay illowsan yihiin inay la macaamilayaan nin aan qofnimadiisa ku kalsoonayn oo wax walba ku eegaya indho cuqdadaysan oo isle waa lagu qabyaaladaynayaa ama lagu yaraysanayaa. Oo aan isu haysan hogaamiye qaran. Nin aan tiisa ku socon ee dad kale oo nooc walba leh tooda ku socda. Waayo waxa lagu leeyahay maramr badan buu yidhaa “waar sidan aan wax u wadaa ma wacna ee dadka aan isu keenno.” Markaasaa haddana la beddelaa.


Markaynu inagu sidaa u eegayno waxaynu aragnaa Madaxweynaheenii aynu doorannnay ee taariikhda galay ee dadkaba u sarreeyay oo ah libaax, oo bulbul iyo gocomo leh oo haddana walaalkeen ah. Isna markuu muraayadda hor tago ee uu keli yahay wuxuumbuu arkayaa curri yar oo weliba dabadii iyo dhegina go’antay waslad aanu lahaynna haysta cadawna ku xeeran yahay. Dee markaa isu keeni mayno.


Nin awrkuu hoggaaminayay la murmaya oo kolba odhanaya “ma aniga ayaad iga xoogweyntay awrow?” sidee laga yeelayaa. Haddaa hoggaankii lagu kaxayn lahaaba isaga ayaa gacantiisa ku haya.


Islaamo agoomo ah oo xaqoodii weydiistay buu odhanayaa “Ina cigaalba may weydiisan jirin.” Missaaniyadii buu odhanayaa “Ina Cigaalba laga goyn jirin.” Waar musuqa daa marka la yidhaa buu odhanaya “idinba waa qaadan jirteen ee anaa i qabyaaladaynaysaan.”


Doolaal:Maxaad u jeeddaa yacni? Ma Madaxweynaha ayaan isku kalsoonayn?


Dubbe:Haa. Isaga ayaan isku kalsoonayn. Intaa aynu inagu dal iyo dadnimo ka hadlayno ee aynu leenahay waar xeerka eeg. Waar dadkan haysku dirin oo reerahan aad sida qaladka ah wax u gelinayso ka daa. Waar taariikhdaada dhawro. Isagu wuxuunbuu ka fakirayaa yaan Isaaq kaa adkaanin. Hadda waa kuwii soo doortay. Golahan iyo waxan wuxuu u arkaa qabyaalad marka aad eegto sida uu u hadlo iyo sida kuwa ka wakiilka ahi u hadlaan ee aanu ku beenin. Waxa isaga laftiisa laga hayaa marar badan “waa lay qabyaaladaynayaa.” Waakan iminka siyaasadda iyo qorshaha ka dhigtay inuu reer Awdal abaabulo. Markii uu Wasiirka ka dhigay Garaadkii Komishanka ahaan jiray shirkii wixii layska yidhi way inna soo gaadhay. Waakan kuwa u hadla soo fara inay yidhaahdaan “Isaaqland baa la samaynayaa suuqa ka dhaha iyo no more Somaliland IWM.” Waakan marna dagaaladii sokeeye inay qodqodaan soo fara Wasiirradiisa. Markaa Golahu malaa taa saani umay dhugan.


Doolaal:Maxay dhugtaan ma wax jira baa? Idinkaa waxaa iska samaysanaya eh.


Dubbe:Waar. “Hadal waa run kama rayste” ayaa l a yidhi. Maanta waxa rag waaweyni suuqa kaga hadlayaan waad aragtaa. Waxaanse Golaha odhan lahaa iyo mucaaradkaba. Waar ninkani wuu badheedhay. Si Alla sidii ay u dhacdo isago maanta dan kama leh oo ficilkiisa iyo odhaahdiisuba waa ka marag. Hore ayuu boqol wax oo aan sharci ahayn oo aan xalaal ahayn oo Guurti leh oo Miisaaniyado leh oo haddii Rabbi xukunkeeda leeyahay Distoor jebin leh ugu kacay oo inna marsiiyay oo aynu nindhi bal aan lafaha uun kala hadhno ee shib ka dhaha. Iminka lafahii buu u soo jeestay. Maanta ummadda reer Somalliland iyo dalkuba badbaado ayay u baahan yihiin. Inay doorasho qabsoonto ayuumbaa u dana. Isaga waataan sheegay oo mijaroor buu ka dhaansaday. Marka meel fog laga soo dhaansanayo weelka lagu soo dhaansadaa ma badna oo wixii awr qaado ama gaaadiidkaad haysataa qaado ayuumbaad dhaansataa. Markase magaalada majaroorka aad ka dhaansanayso xataa koobabka shaaha ayaad u dhigataa markaad wax wal oo godanba, foostada, jalxadda,dusuudda, baaldiyada, madiibadaha iyo tashtiyada dharka lagu maydho buuxsato. Markaa ninakani majaroor buu ka dhaansaday. Xabashiyina ha qabsato ayuu marayaa. Xabashi qudheeda ayuu hoosta wax aynaan ogeyn kala wadaa.


Anigu waxaan odhan lahaa. Waar ku dhiman meynee; labadan nin ee faalku u qabtay waxba u tari maayaan oo shanti kale ee uu yidhi waa Isaaq oo aamini maayoba way joogaane yuu dadka inna kala dilin doorashaduna yay dib u dhicine u sii daaya. Mid hore oo labadan la xeeraba waydin sii deyseen ee kuwanna inaga sii daaya.


Waar miyaa illowdeen in Saleebaan iyo Xaaji Cabdi iyo raggii aad garanayseen ee Golaha Guuritdu halkii u fadhiyaan oo khilaafkanna ay dhankiisa yihiin oo berri odhanayaan ha loo kordhiyo. Ninkii Oomanaa ayaa isnaa meel ku ogtihiin oo aan weli harraad goyn. Saw wixii intaa ku xigaa wax xil leh iyo meel aynaan ka soo qaban karin iyo halkuu la doonayo ma aha? Ina Rayaale oo maanta inagu yar qosla oo isna libaax isu yar qaataa waxba inna yeeli mayso oo hore ayuu inoogu qoslay marar badan oo markaynu doorannay ayuu inagu qoslay oo yidhi “waar bal nacasyadan waalan eega.”manaynaan ku dhiman. Iminka ayuu weli inagu qoslaa markuu arko dadkii ka soohorjeeday oo ka dhamaan waayay gorgortan kursi iyo aanu idinku sooo biirno ee maxaa noo oggshiin? Iyo anagaa hore u sii joognay oo anaba iskuma gaadhno iyo haddaan anaga wax lana siin waxba socon maaayaan iWM. Laakiin waxa wax inna yeelayaa waa doorashada oo carqalad inaga gasha iyo isagoo ummadda madax isu geliya. Beenta uu beelaha hareeraha u sheegayo lugta qabta oo labadaa nin u sii daaya. Danta ka raaca. Ma meesha Cali Barre Ina Rayaale la saftay baa wax ka sugaysaan? Eesh calaa USP.


“Geed ay ku xoqoto ha weydo.” Ayay odhaahi tidhaahdaa.


Doolaal:Waar anagu doorasho dib u dhigi mayno ee horta baga ayaad la hadashay golahan wax walba cunaha iskaga duubaya.


Dubbe:Waar Golaha Ilaahay waxbuu tusay oo nimaan mansabka uu hayo garanayn baa Ilaahay gorodda u geliyaye. Waxa la tusay nin intuu isagu wax walba isku duubo haddana golaha eedeeya. Ma hurdada uu toddodobaadkii shan cisho oo ka mid ah hurdo ayay iska hor taageen? Ma inuu waddoyin dhiso ayay k ahortaagan yihiin? Ma inuu caafimaadka wax ka qabto ayay ka hor taagan yihiin? Ma in magaalooyinka qashinka laga guro ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Agoomaha wax taro ayay ka hor taagan yihin? Ma inuu Mujaahidiinta naafada ah wax taro ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Ictiraaf raadiyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu musuqmaasuqa wax ka qabto oo Hantidhawraha Guud hawl gelliyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu xisaabiyaha Guud ku amro inuu xisaab xidh keeno ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Maayarada UDUB ee dhulka Danta Guud ah iibinaya maalin walba ka joojiyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma Bangi Ganacsi inuu sameeyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu lacagta Giimbaarka Burco ka bedelo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Rayaalka Boorame ka beddelo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu maxkamadahan caddaalad darrada ku dhaqma wax ka qabto ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Guddida Naabadgelyada ee xaaraanta ah baabiiyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu cayda iska daayo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Berbera oo aan lacagta dekeddeeda ka soo baxda loogu iman inuu laydh u sameeyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu ganacsigan meel walba istaagay wax ka qabto ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu idaacadda miisaaniyad walba ku jirtay keeno ayay ka hor taagan yihiin? Ma baddan uu xaalufiyay inuu ka daayo ayay ka hor taagan yihiin? Ma dhulkan uu cadawga u daayay ayay xorayntiisa ka hor taagan yihiin? Ma kumanaankan Caaglaha ee lagu lacag qaato ayay ka hor taagan yihiin? Ma lacagta Wakaaladda Biyaha ee siyaadda lagu maamulo ayay ka hor taagan yihiin? Ma lacagta Wakaaladda Korntada ee iyana Madaxtooyada lagu shubo ayay ka hor taagan yihiin? Ma xisaabta Hargeysa Club ayay ka hor taagan yihiin? Ma Lacagta Airportka laga qaado ee doolarka ah ee labada sicir leh ayay ka hor taagan yihiin? Ma lacagtan Maayarada UDUB Hargeysa, Berbera iyo Gabiley ka keenaan bay ka hor taagan yihiin? Ma Warbaahinta xikuumadda ee sida gaarka ah uu u adeegsado ayay ka hor taagan yihiin? Ma iskaraabka uu dhoofiyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma hay’daha markay guuraan uu qalabkooda iyo gaadiidkooda ku tagri falo ayay ka hor taagan yihiin? Bal wax Alla waxay ka hor taagan yihiin noo sheeg. Golaha, Golaha ayuumbaad iska odhanaysaa.


Waxaasaa dadka ku mashuulisaan. Markaa iminka isaga ka caalweydeen waxaad tidhaadaan “isaga waanu aragnaaye cid dhaanta ma hayno.” Iyo “ Haaye idinkana niman adag baa idinku jira.” Waar waa lays dhaamaa kan cid waliba dalka iyo dadka way u dhaantaa.


Doolaal:Waar salaadda innoo kiciya ninkan hadal kama dhammaado eh.


Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.









DALJIRE



(“Dhidar Xabaalo Qodaa….” )

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar ninkii wanaagsanaa ee Wasiirka Beeraha ahaa maxaa qaaday?

Doolaal:Waar ninkaasi waa nin iska aamusan oo cid ka cabanaysaba ma arage maxaad sheegaysaa?

Dubbe:Anba waa taan la yaabanahay ee waxan uu shubay maxay ahaayeen? Laakiin dadku wuu qaladamaaye yaynaan budhka kula yaacin marka u horraysaba ee aan u dul qaadanno. Waa raggaan is lahaa markuu Ina Rayaale idin dhaafo UDUBta ha lagala xaajoodo illayn waa xisbi qaran oo mucaaradka berrito ahe oo dalka haydinla dhisaan.

Doolaal:Maanaguu na leeyahay mucaarad bay noqonayaan? Waar taasi dhici mayso eh e waxan aad ka hadalaysaa waa maxay? Muxuu ninku sameeyay?

Dubbe:Wax kale muu odhane qorshahii Ina Rayaale ee ahaa in dagaaladii sokeeye ee Isaaqu berigii isku yar yaacyaacay dib loo soo nooleeyo si uu cod u helo ayuu isna faraha la galay oo Maryo-alool iyo Malatia iyo waxbuu dabbaashay.

Doolaal:Waar muxuu leeyahay iminka? Waar yaa waxaa qorsheeyey ee aad sheegaysa?

Dubbe:Horta sow ma ogid Wasiiradu inay Ina Rayaale ka wakiil yihiin oo waxa ay yidhaadaan hadduu ku diidi waayo oo sheegi waayo inay wasiirka gaar u tahay ama tallaabo kale ka qaadi waayo inay tahay wax uu isagu ka dambeeyo oo ku raacsan yahay.

Ilaun wasiirrada maynaan dooran ee isaga ayaynu doorannay oo iyaga wakiishaya eh.

Waa wasiirkii saddexaad ee dagaaladii sokeeye soo qaada muddo afartan casho gudahood ah isagana weli juuq lagama hayo inaanu raalli ka ahayn in dib loogu noqdo waqtiyadii xumaa ee inna soo maray. Markaa ma taas baan ahayn qorshe uu wato? Bal muxuu qabyaaladda ku falayaa? Tolow miyaanu ogayn in haddii dagalaada sokeeye la soo qaado in kuwii shisheeyahana la soo qaadayo? In xumaan iyo xasuuq iyo waxaynaan u baahnayn dad soo qaadi doonaan.

Ta kale isagu yuu is moodayaa tolow ma Garxajis? Maxaa ka galay waxa Isaaqa dhexmaray? Mise inuu aafada dhacda guri kale ka dhistaa buu doonayaa sidii tii hore?

Qoodhiin iyo xeradiin ma goor arrimahaa la soo qodaa baynu joognaa? Miyaan waxaa laga heshiin? Miyaan tii Siyaad Barre laga heshiin? Miyaan wixii ka dambeeyey laga heshiin? Waar bal calaamadan kaalaya! Waa maxay Madaxweyne dadkiisii uun beelo u qaybinyaa? “Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhacaa.” Baa la yidhi. Beelaha Somaliland meelay joogaanba ha walaaloobeen. Ha midoobeen.Colaad iyo isku dir uma baahnin. “Abraahiinka haybtaanu nahay waanu hadahayne. Waa wada hilbiyo tol iyo habar wadaageye.” Buu yidhi Ina C/le Xasan.

Doolaal:Waar idinkaa had iyo jeer wax qallocinaya oo hadalka duwa.

Dubbe:Waar dhegeyso waryaa waa ninkaagan indhaha iska ridayaa. Ina Rayaale u sheega inaanu cod dambe ku helayn isku dirka Isaaq iyo beelo kale toona ee uu ku heli karo waxa uu dalka iyo dadka u qabtay lixdii sannadood ee uu xukunka haystay.

Aanse ku weydiiyee. Garxajiskan uu walaalahii is leeyay ku dirayo muxuu isagu u qabtaa ee u gaar ah? Wakaaladda Biyaha isagaa xukuma oo Madaxtooyada ayay hoos timaadda welina deegaanada Garxajis sida ummadda kale badideeda waa surmi. Wershadda laydhka isagaa haysta oo Madaxtooyada ayay hoos timaaddaa. Welina deegaanada Garxajis sida deegaanada kale badidooda waa madaw oo bir laydh oo keliya kama taagin. Ganacsiga adhiga ayay u badnaayeen dhaqan ahaan oo kiina laba nin oo keliya ayuu u xidhay oo ay guryahooda ku hor sugayaan iyagoo ka baryaya inay kun neef siiyaan oo taana dadka ayay la qabaan. Salaadiintooda intuu lug iyo gacan isku xidhay ayuu Mandheera u dhaadhiciyay. Waddaddii Oodweyne iska daayoo ta New Hargeysa ayaa marka roobku da’o gawaadhida Waaraadka ah liqda. Gacan Libaax Dugsi Sare ma leh. Dugsigii Cadaadlay ee caanka ahaa weli wuu dun san yahay. Deegaanada kale dugsiyo cusub isagu kama dhisin. Xukuumaddiisu in Gacan Libaax qayb Booliska ah laga furo UNDP way iska hor taagtay. Bal markaa waxan uu dagaalkii sokeeye uun u hadal hayo ee uu walaalahood ugu dirayo ee uu u hayaa waa maxay waa yaabe? Cid kale iska daayoo Reer Awdalna wax uma taro oo Boorame Laami ma leh. Biyo la’aan aanay lahaan jirin baa ka jirta hadda. Allaylehe haddii laga tegi waayo waxaan maqlay(run iyo been Ilaah baa iga og miday tahay waanse ka daba tegiye) beesha Maxad Case oo ah beelaha siduu wax u wado aad u diiddan ayuu iminka laba markab oo nin dhallinyaro ahi leeyahay ugu daray maraakiibta la yidhi isagaa leh ee ka kalluumaysata xeebaha galbeedka (dee malaa caqligiisa ku laaluush buu is leeyahay) kuna yidhi. “haddii mar labaad lay doorto dhulka Lughaya iyo Hargeysa iyo Saaxil isku hayaan idinkaan idiin saxeexayaa.” Taasina wax siin iyo wax u qabasho midna maaha ee iska horkeenka ayuumbay ka mid tahay. Markaa ninkani cidna wax uma taro oo dalkoo dhan jilbahuu u riday.

Ninkan wasiirka ahna sidaan sheegay waa nin wanaagsan ee sidii Cabdi Xayd uunbaa arrinku ka yar xumaaday.

Doolaal:Cabdi Xayd muxuu ahaa?

Dubbe:Wuxuu ahaa nin sidiisaa nin wanaagsan oo miskiin ah. Masaajidka weyn ee Dawladda hose ayuu joogi jiray. Ninkaasi nin cid wax u geysta ama dhiba ma hayn. Nin dadkiisa iskaga dhex jira buu ahaa. Safka hore (safal awlaka)ayuu ku sii diyaar garoobi jiray. Markaa marka salaadda loo kaco ee faataxada u horraysa lagu jiro ayuu yar shakiyi jiray oo intuu dadkii oo salaaddii ku jira soo jiidho odhan jiray “waxbaa iga yar baxsaday oo waysadii baa iga jabtay ee ii banneeya.” Markaasuu intuu soo weyseysto haddana dib u soo jiidhi jiray oo halkiisii safka hore tegi jiray. Markaa ragga way ku dhacdaa mar mar waxbaa ka yar baxsada ooweysadu way ka jabtaa ee ha la yaabina. “nin habari dhashay hal ma seegi waayo.”

Meeshan UDUBtana ma taqaaniine, Wasiirka lamaydaan yaabteene, meel wax qabad iyo hawlkarnimo iyo wax lagu joogo ma aha. Haddaad wasiir u noqoto oo aanad ragga qaarna ahayn oo isku kalsoonayn sida C/lahi Darawal iyo rag dhawr ah oo kale; marka kolba lagu yidhaa “odayaal idinka ayaa Madaxweynihii la joogay ama daaqaddii ku sugayay nin aan la garanayn oo suudh xidhanna way wadeen.” Ama laguu sheego odayaal jilib kale ah oo reerkiina ah oo meesha ku meeraysanaya, Waad yar shakiyaysaa dabadeed, nacallaba, dagaal sokeeye isku qaadayaa, intaad shir saxaafadeed qabato mid idinka ah dambaska ka dhigtayaa waa inaad waxoogaa qudhuna faraha la gashaa oo aad Ina Rayaale ku raallii geliso. Haddii kale waa macquul baa lagu odhanayaa kuu dhammaatay.

Doolaal:Waar anagu waanu isku wada kalsoonay. Xilka kalsooni baanu ku haynaa ee waxaas idinkaa iskuu maaweeliya. Madaxweynaha waa la doortay kalsooni buu haystaa wasiiraduna isaga kalsooni bay ka haystaan. Golaha Xukuumadda ayaa la yidhaahdaa. Taa kaa dhaadhicin kari maayo eh. Maxaad miyi ka doontay dorraad? Maxaadse ka keentay?

Dubbe:Wallaahi maalin dhow inaydin xabaalahana odhan doontaan “maxaad xabaalay haysaa.” Waar miyi wax la geeyo mooye ma waxbaa laga keenaa? Neef xoola ah ayaa laga keeni jiray kiina waydinkii joojiyay. Wallaahi dadkaa dhibta haysata waan ka naxay. Laakiin way ilbaxeen oo malayn maysid.

Doolaal:Maxay ku ilbaxeen?

Dubbe:Horta bahashii siyaasad ahayd bay ku ilbaxeen.odayaal badan baan soo arkay. Nimankaasu siday u garnaqasanayaan waad yaabaysaa. Waxaan idhi waar UDUBtii beenta yar ee nacasta ah dadka magaalada u sheegi jirtay hadday kuwan arkaan way iskaba ammusi lahaayeen.

Nimankaasi waxay yidhaahdeen. “horta anaga marka doorasho soo dhowaato ayuumbaa niman laandaroofarro (Landrover) wata oo is eryana oo siigada kicinayaa daf na soo yidhaahdaan oo yidhaahdaan anagaa idin barwaaqaysiinaynna oo idin caddaynayna oo idin madoobaynayna ee na doorta. Dabadeed tuula yar oo walba dhawr calan bay ka taagaan ninna waa dhigaan. Horta maalintaa doorasho dhacdo ee sanaaduuqda la guro ayaa noogu dambaysa.

Iyada tan dawlada ee la yidhi dalkay xukuntaa, waxay xukuntana ma naqaannee, waaba ta u liidata. Waar ma waxaad aragtay wax waxay dawo ka tahay aan la arkayn? Waaba gees riyaad. Gees riyaadna inuu ku mudo mooyee naafac kale ma leh. Abadan. Haba sheegin taa. Toobin ma leh oo wax laguma toobo. Caroog ma noqdo oo lama afuufo. Daab ma noqdo oo midiyaha laguma daabo. Garri ma noqdo. Guux ma leh gariir ma leh. Qurux ma leh. Bal iminka dawlad bay sheeganaysaa dalkiina dhuxul baa lagu xaalufiyay. Geed aad maanta suudiga ka hadhsato heli maysid. Geedkii boqolka sanno soo jiray 500 oo lacagteedan madmadaw ah ayaa lagu gubaa. Dhulkii waxa la tegey bahal shaag la yidhaa. Gawaadhi sidaa isu barbar yaacaysa oo haddii Eebbe idankeeda leeyahay meeshay shaag mariyaanba ay doox noqonayso oo dhulkii biyaha cirku orod ku dhaafayaan. Iminka siddeed tuulu oo halkaa iska xiga oo reerkan aynu sheeganayaa dego oo godankaa Bilcilka lehe u sokeeyo meel aanay waddo sidaa iyo sidaa uga tallaabin ma leh. Nin Wasiir ah ayaa kal hore mar na soo maray oo la yidhi isagaa ku shuqul leh deegaanka. Isna wuxuu yidhi. “shilinba dawladdu ima siiso oo dirqi baan idinku soo gaadhay iminkiaba.shaqaalena ma lihi ciidanna ma lihi” Wuxuu taro oo kalena hadalkeedaba daa. Wuu na diidaye anagabaa nidhi waar iska hoyda caawa aan xoolo idiin qallee.

Waxaana lagu leeyahay ninka Madaxweynaha sheegta gurigiisa Hargeysa ku dhex yaal 500 oo ciidan ah ayaa sidaa u hoganaya oo wax Alla waxay qabtaan aanay jirin. Waxa lagu leeyahay, illayn waa ninkaa afarta gidaar uun ku dhex xidhane, niman Wasiiro ah ayuumbaa ku odhanayaa, intay afka u soo yuubaan sidii nirig xun oo Dhukaan qabta, niman mucaaradku soo diray baanu qabanay oo ku soo weerari lahaa. Alla kelyo daranaa ninku. Tolow weligii goob siigadu ka duushay oo rag jilibka isu dhigay ma arkay? Keebaa arkay? Waxa la yidhi berigii la doortay dadkii hambalyeynayay salaantoodii bay gacani ku jabtay. Beri dhan baa nin dhakhtar ah oo reer Ceergaabo ah oo Carabeyte la yidhaa daweyn jiray baa lagu leeyay. Ma ninka asaalamu calykumtu jebinayso ayaa dal xorrayntii laga sugayaa?

Dee ciidamadii kale ee dhulka kala basrin lahaana waakaa afarta sanadood ku hor taagan meel aanay waxba ka qabanayn oo la yidhi kolba dib bay u soo yara ruqaansadaan. Dadkii aaggaas ee ehel iyo xasaboba ahaana inna kala dil oo cadw gacanta u geli.

Iyada horumar iyo iskuullo iyo dhakhtarro iyo xoolahoo naloo daweeyo iyo waxaa cidiba ma hadal hayso oo mid dambe oo Ilaah keeno dalka iyo dadka ka naxaysa mooyee tani quus. Neefkii aanu mar mar soo eryi jirnayna waa maqasheen sida uu yidhi hadda.

Markaa horta annaga sidaasaa naloo dayacay. Laakiin war wuxuu ka joogaa markaa haddana cod naloo soo doonto. Weliba kuwaa xukuumad isku sheegga ah.

Waa innoo toddbaadka dambe. Haddee Eebbe idmo.
A. Geeljire

Monday, July 9, 2007

Maqan


DALJIRE


(Maqan baan dhigay)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe:Allaylehe dadkii reer Hargeysa ee wacnaa ee Madaxweynaha is yidhi soo dhoweeya waxbaa ku dhacay.


Doolaal:Hee. Maxaa ku dhacay?


Dubbe:Dee mar hadduu Ina Rayaale yidhi sacabkan yar ee xun ee dariiqyada la taagan tihiin waaban shuufay ee uf. Oo uu kooxo durbaano sita ka soo kaxaystay Boorame, muxuu kaga tegey? Bal iyagoon inuu wax taroba ka doonayn ayay weliba sacab ugu daraya oo weliba siigada gawaadhidiisa dheeraynaysa liqaya ayuu taa ku samaynayaa. Allaylehe abaalkood baa helay. Haddaba shicib yahow wanaagsani miyaa laga yaaba inaydin mar dambe intaydin laba lugood is daba dhigtaan oo cadceedda safaf dhaadheer is taagtaan u codaysaan ninkaa? “qofka aan quusan naftiisaa quus ah.” ayaa hore loo yidhi.


Mase laga yaabaa inaydin dhegeysataan Wasiir reerkiinna ah oo idin leh ninkan lixda sanadood dalka xukumayay wax-qabadkiisii ama wax-qabadla’aantiisii ha eegina oo ha kula xisaabtamina ee wasiirnimo ayuu innoo oggolyahay ee doorta. Iyo haddii nimaan isaga ahayn la doorto oo beelaha kale ah waa lays dilayaa. Iyo beel heblaayo oo xukunka qabata waxa inoo dhaama Ina Rayaale oo haya?



Doolaal:Waar muxuu ku hadlayaa? Waar iminka yaad u khudbadaynaysaa? Ma olole doorasho ayaad ku jirtaa? Inaynu qayilayno miyaad illawday? Waar koox fannaaniina oo meesha qurxinaysay bay ahaayeen ee waxan aad shubaysaa ma jiraan. Iyagaa isa soo abaabulay. Aroos bay u yimaaddeenna waan maqlay.


Dubbe:Kuwee? Iga walla waxay ahayd dhaadasho iyo dhoolla tusad. Waar war ma hayside ninkii halkaasuu la marayaa ficiltankii iyo qabyaaladdii. Bal yuu la ficiltamayaa ma dadkii kursiga saaray?


Beryahan miyaanad dareemin? Imisaan kuu sheegay? Haye. Iminkana haddaba siduu ku socdo ciidan koofiyadcas ah oo reer Awdal sooc ah oo golxad iyo gundhati xidhan ha keeno madaxtooyada. Berigii hore ee uu sidan dhaamay ee aanu mijo-roorka ka dhaansan lama ogaan jirin wax u yimi iyo wax kale.


Sidoodabana reer Awdal haddaan la kicin dad sanqadh iyo qaylo badan ma aha. Dad i maqlaay i arkaadana yaqaan ma aha oo waa dad deggan. Nin ay sheekaysteen berigaa hore nin Ilaalada Madaxtooyada ah ayaa iiga sheekeeyay. Wuxuu yidhi “waar meeesha cid badani uguma timaaddo ninka ee mar mar baa gaadhi MarkII ahi isa soo taaga markaasay ka soo degaan oo yidhaahdaan. “Haw ma joogo?” markaasaanu nidhaa. kuma? markaasay yidhaahdaan. “Daahir dee. Xaafaddaan nahaye.” Markaa dad xasarad leh may ahayn.” Isagaa iminka bilaabay inuu si qalada dadka wax ugu sheego. Dadku waa dad walaalo ah.


Waar taan hayayba illaabay eh anigoo isle u sheeg gaadhi waddada ku qallibmay ayuumbaan markaan ku arkay kooxdaa xusuustay.


Doolaal:Halkuu ku dhacay? Waxse ma lagu noqday?


Dubbe:Waddadaa Berbera ayuu ku dhacay baa la yidhi laakiin dhaawac fudud ayuumba la sheegay. Sideedaba dadkeenu nabadgelyada gawaadhida qalad bay ka fahamsan yihiin. Gaadhigan ballaadhan ayuumbay arkayaan ee uma fiirsadaan intay dib uga durkaan inuu gebigiisuba taako iyo badh in leeg ku taagan yahay. Bal shaagga eeg. Waa taako iyo badh. Markuu dhaqaaqo ee xawli ku socdana waxay noqotaa taako nuskeed. Markaa gaadhigu cagaba dhul kuma hayo ee dadku waxay ku xisaabtamaan baaxadda gaadhiga. Waar shaagga eega oo qunyar socda.


Doolaal:Ninyow waa runtaaye umaan firrsanba ee show bahalku dhulkaba inyar buu kaga taagan yahay. Waar intaa yaa kuu sheegay maanta? Horta anigu mid gaala oo aan beri raacay ayuumbaan ka maqlay “speed kills.” Oo macnaheedu yahay xawliga dheeri waa dilaa.


Dubbe:Cidda ii sheegtay iska daayoo. Ka warran farrintii Wasiirkii Etoobiyaanka ahaa. Maxaa laydinka saxeexay?


Doolaal:Oo kaa ma warbaa ku hadhay? Sawtii warsaxaafadeedka laga soo saaray.


Dubbe:Oo waxaa tidhaahdaan ama soo qortaan ma cidbaa rumaysata? Waanu iska amusnaa idin dhegeysanaa uune. Arrintiinu waa “warqaddii maqnayd baan dhigay.” Anaguna waanu yaabnaa uun. Intuu yaab naga soo reebi?


Doolaal:Waamaxay warqadda maqani?


Dubbe:Reer miyiga, weliba geeljiraha ayaa waayadii dambe turub bartay. Markaasay faraqa ku qaataan. Waxa ka lunta mid waraaqahiisa ka mid ah ama ka jeexjeexanta. Ka dib markay ciyaarayaan ayay illayn korka ayay ka hayaane yidhaahdaan. “warqaddii maqnayd baan dhigay.” Iminka waxa dadka la barateen jawaabo isku mid ah oo aan macno lahayn. Waa nimankiina yidhi wasiirku wuxuu u yimi inuu Madaxweynaha u sheego farrintii Meles oo ah inuu cilaaqaadkeenii sidii hore yahay. Berigaa idinku odhan jirteen Meles wuxuu yidhi baaba intaa dhaanteen. Iminkaa tiiyoo farriin ah noo sheegteen.


Maalintii dhoweyd ee uu Madaxweynuhu Meles isla sawiray maxay is yidhaahdeen. Isna ma gaal Jarmal ah buu ahaa oo wershed sibidh bay ka wada hadlayeen?


Waar waxa jira dadka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn xisbiyada qaranka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn. Golaha Wakiilada u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn. Guurtida u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn Labada Shirguddoon ee Baarlamanka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn ninkaa aad tidhaahdeen Oomane ayaa la yidhaa ee idiin eexda u sheega.


Doolaal:Xukuumadda iyadaa la doortay oo maamulka iyo siyaadda debedda ka masuul ah oo cadaw badan baynu leenahay. Markaa lama sheegi karo wax walba.


Dubbe:Waar cadawna garan maysaan cadyow miidhani. Waxba haw sheegina haddaad rabtaane wax yar baaba iskaga keen hadhaye. Ninka Oomane ee Maxkamdda sare ee Mujaahidka ahaa sawkii Ina Rayaale labada casho jawaabta ku siin jiray. Jawaabtii Golaha Wakiilada muxuu la qabanayaa?


Doolaal:Maxkamaddu jadwalkeeda ayay ku socotaa cidina ma dedejin karto cidina dib uma dhigi karto.


Dubbe:Dee mayee hayla yaabine. Maxkamadduu kiisaskii mucaaradku geystay 2003dii weli kamay jawaabin. Ina Rayaalena wuxuu weydiisto intay degdeg uga jawaabaan ayay weli u raxeeyaan oo u wafeeyaan oo qaar aanu weydiisan ugu daraan. Ma dawbaa taasi?


Bal haddaba garannay oo Guddoomiye Faysal waxaad tidhaahdeen wuu xanuusananayay. Kii ka horreeyayna waxbaa ku sheegteen. Qaadigiina waa la ogaa oo waxan la hadal hayo kuma jirin isagu. Haddaba ninkan Mujaahidka ahaa ee berigii halgankii buugga yar sidan jiray ee qodob baa la jebiyay wadnaha dadka ku caddeeyey iminka muxuu qodobaddii u arki waayay? Muxuuse caddaaladdii isaga indha tirayaa? Waar mujaahidka Ilaahay ka yaab dhaha oo dadka u xaqsoor oo sheeg waxaad u dhaarin weyday shanta xubnood ee Komishanka Doorashoyinka qaranka. Mujaahid “baqaa bari ka row.”



Doolaal:Eebaheenow muxuu kolba meel isku qaaday. “maxaan waraabow uuuh kaa maqlay.” Buu yidhi ninkii jiray. Maxaa iminkana arrimaha maamulka maxkamadda ku geliyay?


Dubbe: Aan kuu daayaba eh waydinka yidhaa “jaarkaaga Ilaahay baa kuu doora.” Ee maxaa Djibouti u hambalyayn weydeen sannad guuradeeda 30aad? Haddaa xukuumadda collowdeen shicibka miyaa collowdeen?


Doolaal: “Kaba tolow ma halkaasaad ka kudday?” ayaa la yidhi. Halkaad inala martay haddana?


Dubbe:Waar kiiska hayska waaline waataa markaa macawisaha aydin ka arradi weydeen ee weli masaajiddada ku timaaddaan ka soo guran jirteen na odhan jirteen “waa walaalaheen eh.” Maxaa iminka indhaha isaga ridaysaan? Ma macawisii bay joojiyeen?


Anaga hambalyaynayna. Waar Djibouti yey hambalyo. Oo Ina Cumar Geelow Hambalyo sidaad dadkaaga wax ugu qabatay. Woxoogaaga yar yar ee jira ee xagga dimuquraadiyaddana u dadaal. Ka neefi.


Niman wanaagsan oo madaxa baa meesha inooga iman jiray xagaaga. Kollay Xasan baa la xidhiidhiye. Waar nagu salaan Xasanow nimankii wanaagsanaa ee aad na bartay.


Doolaal:Waar maxaad u jeeddaa iminka waa ninka?


Dubbe:Sawtaa odhan jirteen. “haddaanaan xidhiidhka jaarkeena hagaajin oo ku guulaysan mid ka shisheeyana ku guulaysan mayno.” Ma iminka af Talyaanina ku hadasheen reer Djiboutina af garan weydeen? Alla nimanku indha adagaa. Wuxuu yidhi Xaji Dallaayad. “Sow Tuug alaab lagu hayaa kii habrada maaha.” Idinku waaba kaalaxdeen marraa waaxid.



Waa inno toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire

Saturday, July 7, 2007



DALJIRE


(Dhagaxa iska Eeg)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Doolaal:Waar maxaa lugtan aad balastarka ku duubtay kaagaga dhacay? Sawdigii xalay aan waxba qabin.


Dubbe:Oo miyaan kuu noolay. Suulbaa i go’an dee.


Doolaal:Oo sabab?


Dubbe:Dee dhagxaantan aydin meel walba dhigteen baan mid jiidhay. Sawdinkan dalkii meel walba dhagax yar oo beena dhigay maaha. Aniguna dee balastar beena baan isku soo xidhay.


Doolaal:Waar naga tag Allah ku dooriye. Qoodh iyo xaro waxaan mooday inay wax ku dhaceen. Oo iminka balastar beena ayaad isku soo xidhay? Wallahi ninkayga kaa ka naxaya ayaa rag u liita.


Dubbe:Maxaan samayn lahaa haddaa? Kuwii hore ee aydin dhigteen idinkoon dhisin ayaa khiyaamo nacastii uun nagu waddaan. Tii idaacadda meeday. Tii xerada xoolaha meeday? Tii suuqa xorta ah (free zone) meeday? Tii Wershadda laydhka Berbera meeday? Dee miyaan dhammayn karayaa. Dhagax baa la dhigaa ayuumbaa beri maqasheen. Wuxuu ninkii reer Aw Barkhadle yidhi. “Ninka dheri dab saaray ee ku ridaa dhagaxyo kuus kuusan. Ee dhamacda iyo ololkuu ku shiday dhega gaadhsiiyay. Ka kalee dhuuniga la cumo iyo dhereg ka eegaaya. Wallee dhaylo uu bisleeyiyo baruur dhoosha gelin maysid.”


Doolaal:Mashaariicdu ma inay iska dhammaanayso ayaad moodaysa? Sow maaha in marka hore dhaaxa la dhigo dabadeed hawsha kale la qabto.


Dubbe:Waar dadku waxaa wuu ka ilbaxay. Lix sanadood baa soo cunayseen oo iminka ayaa leedihiin dhagax beena baanu meel dhignay. Weliba waxa ka daran sida aydaan waxba dadka isagaga tirinayn markaa u sii sheegaysaan ee leedihiin “bilaha u dambeeya markay doorashadu soo dhawaato ayaanu wax qabanaynaa si aannu cod u helno.” Dadka ma xayawaan baa moodaysaan? Waxa la yidhi. “qofka nacaska ahi waa qof buur figteed keligii fuushan oo dadka hoosta jooga oo dhan markuu hoos u soo eego u arka wax yaryar. Dadkuna markay isaga kor u eegaan waxay arkaan wax yar oo buurtqa dhaladeeda ka madaw.” Haddaba waanu idin ognay oo idin aragnaa.


Ahmed Siciid Boos wuxuu yidhi. “Illayn been la kaynaaniyayaa Kaarasiida (Cressida) leh.”


Wuxuu illowsan yahay in loo doortay inuu dalka hoggaamiyo ee aanu muran iyo murug gelin.


Wuxuu illowsan yahay in loo doortay inuu dalku hore u mariyo ee aanu musuq iyo baylah ku ridin.


Wuxuu illowsan yahay in aanu cod kale ku helayn inuu yidhaahdo “Wakiilada ayaan la xintamayay oo aan wax ka qaban kari waayay.”


Wuxuu illowsan yahay inaanu cod ku helayn “Ha karaama seegina habaar laygu kari waaye.”


Wuxuu illowsan yahay in aanu cod ku helayn “Tolla’ay yaa reer Awdal aheey” iyo inuu isku dayo inuu beelaha Isaaq qaybiyo ama isku diro sida ay Wasiiradiisu ku hadlaan iyagoo isaga ka wakiil ah.


Wuxuu illowsan yahay in lix sanadood ka dib intuu Madaxweynaha ahaa lagu xukumayo wax-qabadkiisa ee aan cod lagu siinayn sida uu mucaaradka ama Golaha Wakiilada u caayo.


Wuxuu illowsan yahay inaanu cod ku helayn Xabashi baa la wadaa wax aan la garanayn.


Waxa uu illowsan yahay inaan laga dhegeysanayn inuu ku ololeeyo “intayadan dheregtay (ee umadda dhacday)dib u doorta intaydin dooran lahaydeen qaar kulul oo cusub ” (waa sidii uu ku ololeeyay doorashadii Wakiilada ee uu ku khudbadeeyay Wasiirku)


Wuxuu illowsan yahay in ay dadweynuhu xusuus dheer yihiin.


Doolaal:Waar waxba ma aragtaane waxaydaan doonayn in dalku hore u maro oo la maal gashado oo mashaariic laga furo mar haddaydaan kursiga idinku joogin. Haye. “Runtu ma fantaa?”


Dubbe:Haye? Afartii kelmadood ee aydin hadalka ka taqaaneen ma tidhi? Waxaasi waa wuxuu Ina Rayaale Berbera kaga khudbadeeyay ee uu yidhi. “Debedda markaan tegey waxaan soo ogaaday inay jiraan dad aan doonayn inay somaliland hore u marto inta aanay kursiga ku fadhiyin.” Miskiin.


Doolaal:Ma Madaxweynaha ayaad miskiin ku leeday?


Dubbe:Weliba waa miskiin wax kale isu qaatay iminka oo aydin waasheen markaa runta u sheegi weydeen. Muxuu ka keenaa debedda lacagta masaankiinta ayuumbuu ku dalxiis tagaa? Markuu soo noqdana wuxuu yidhaahdaa. “Albaab baan soo garaacay. Albaab baan soo furay. Meles wuxuu yidhi. Martiqaad rasmiya ayaan ka haystay...”


ma waxaan miskiin ahayn ninka u haysta inaanu Talyaanigu u sheegin C/lahi Yusuf inuu casuumay ee ku leh waan qarinaayay waayo cadaw baynu leenahay? Cidda qudha ee uu ka qariyay ee uu cadawga u haystaa waa reer Somaliland. Ma ninkaasaa fahamsan xidhiidhka adduunku siduu u shaqeeyo.


Doolaal:Muxuu reer Somaliland uga qarinayaa? Cadwga ayuu ka qarinayaa.


Dubbe:Adigu marka hore xidhiidhka Talyaaniga iyo Wallaweynta ma taqaan? Ta labaad sawkan leh cid dalka u dhalatay baan doonayn inay Somaliland hore u marto. Mise waxaabu u haystaa inaan isaga mooyee cid kale wax aqoon?


Doolaal:Oo waayoo maxaad taa u leeday?


Dubbe:Wakiiladii wuxuu ku yidhi “sharciga soo barta.” Wariyaashii markay wax weydiiyaan wuxuu odhanayaa “cilmiga saxaafadda ma taqaaniin.” Ganacsatadii adhiga wuxuu yidhi ma taqaanaan sida adhiga looga macaasho. Dadkii wuxuu ku yidhi . “Dimuquraadiyadda garan maysaan.” Ciddii juuq tidhaaba wuxuu yidhi waxba gaan maysaan. Weliba hadalada kale ee uu dadka caqligooda ku caayayo ee uu ku odhanayo ayaa ka daran.


Doolaal:Muxuu dadka ku caayay ee aad sheegaysaa? Waxan hore oo dhanna idinkaa iska samaysta ee midna muu odhan.


Dubbe:Miyaanu odhan musuqmaasuq dalka kama jiro? Maa taasaa wax Madaweyne Somaliland ah oo dalkiisa ka nayidhaahdo ah?



Doolaal:Dee musuqmaausq haddaanu jirin miyuu iska yidhaahdaa uun wuu jiraa?


Dubbe:Bal qoodhaa iyo xaradaa wuxuu ninkaasi ku hadlay eeg. Ma musuqmaasuq baan jirin?


Doolaal:Dee Dalka ma cidbaa Madaxweynaha uga sarraysa oo uga war roon? “Ma jiro” buu yidhi. Macnaheedu waa ma jiro. Hay’ado dhan oo sirdonka la yidhaa baa jira.


Dubbe: Waar kuwaasi mafaariishta iyo xanta ayay soo dhegeystaane. Ma musuqan ay carrurtuna ogtahay ayaanu ogayn? Bal sug islaantan Dulmar baynu waydiinaynaa waatan soo socota eh.


Dulmaray Ma nabad baa?


“Haa hooyo e idinku ma roontihiiin?”


Haaye dhawr su’aalood ma ku weydiiyaa rag halan fadhiya baanu murannay eh?


“Hooyo dembigaygii horeba waan la ciirciirayaa ku kale ma qaadi karo ee maad iga daysid.”


Dulmaray ma badna eh:


Marka xisaab xidhka miisaaniyadda xukuumaddu soo celin waydo maxaa la yidhaa?


“Dee hooyo waa musuq maasuq.”


Oo yaa sameeya?


“Dee Rayaale.”


Marka lacagta dekedda miisaaniyadda lagu dari waayo ee la yidhaa qofbaa loo geeyaa waa maxay?


“Hoogi weynay. Dee Waa Musuq maasuq”


oo yaa lagu eedeeyay?


“miyuu is yeelyeelayaa. Dee Rayaale.”


Marka adigoo madax ah aad guri ka dhisato Qahira waa maxay?


“Oo Qaahiri waa halkee hooyo?”


Dee waa dhul carbeed. Waa dhulkii Jamaal C/Naasir.


“ninkii la jihaada allow jebi. Haa hooyo dee waa musuqmaasuq.”


Oo yaa ka dhistay?


“Dee Rayaale. Ma adduun iyo waxbaa inoo nool hooyo ”


Marka adhiga iyo shidaalka iyo sibidhka iyo dhuxusha iyo wax walba shirkad keliya la siiyo oo dadka inta kale loo diido waa maxay?


“Dee waa wax lagu go’ay oo la eeday iyo musuqmaasuq.”


Yaa sameeyay?


“Dee kii hooyo. Rayaale dee”


Marka iskraabka iyo sigaarka ay xukuumaddu dhoofiso waa maxay?


“sun ka liqa dheh. Dee waa musuqmaasuq”


oo yaa sameeyay?


“ Bal amuurtan kaalaya. Dee Rayaale hooyo.”


Marka lacagta adag 3.5 laand ah laguugu sarrifo suuqana 6 lagaga sarrifto waa maxay?


“hooyo lacagtu wax adagba ma leh. Way wada gabowday oo mudhuudhuqday oo farahay kala raacaysaa.”


Ee lacagta adagi waa Doolarka.


“kaa ma aqaan hooyo. Laakiin kollay waa musuqmaasuq uun mar haddii Rayaale ku jiro.”


Marka Maayaradu gurigaaga lacag shandad lagu sido keenaan waa maxay?


“Ma aniga hooyo? Waa taan ku go’aa. Siday aniga lacag iigu keenaan?”


Ee adiga maaha. Waa kuwii kale. kuwa xukuumadda.


“Sidaa u hadal dee hooyo. Waa musuqmaasuq. Waa waxa Jiciir loo ridi kari waayay hooyo. Waxa la yidhi “ama buur ahow ama buur ku tiirsanow.”


Oo yaa loo geeyaa?


“Hooyo magaciisaaban ku daalay ee waa kii uun hooyo.”


Haddaba nin waxaas oo dhan oo jira yidhi dalka musuqmaasuq ma jiro yidhaahda maxaad u malaynaysaa?


“ Ilaahay kaa inama tuso hooyo. Hadduu jirana sharkiisa Ilaahay hayna dhaafiyo hooyo.”


Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire