Sunday, August 19, 2007


DALJIRE


(Midnimada Adkeeyaay…..Ilduuf)




By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar waxaan ku weydiiyay yaryarkan reer Boorame ee la yidhi dad baa shiiday iyagoo kubbad ciyaaraya maxay ahaayeen?


Doolaal: Aniguba suuqaan ka maqlaye miyaanad laba socon ciyaaraha gobolada dalku isugu yimaadeen ee lagu tartamay halkan?



Dubbe:Wallay iga tay. Aw Xasan Sh. Cisman Nuur (AHN) ayaa isagoo suuqa Burco maraya arkay dad dhallinyaro ah oo meel ku buuqsan. Markaasuu weydiiyay waxa dhacay. “Bob Marley baa dhintay.” Bay ku yidhaahdeen. “Oo adeer ma xero qaadda ayaa lagu dilay?” buu weydiiyay. Ha la yaabine isagu meelihii uu tegi jiray lagama aqoon Bob Marley. Waa ta labaade shaw subaxii hore mar uu soo ag maray xero qaadda ayuu maqlay xabad ka dhacday xerada dabadeed labadii arrin ayuumbuu isu geeyey ;ninkii dhintay iyo xabbaddii dhacday. Iminka ma kubbad baanu ka warhayna? Waxay ahayd inay bahasha ka dhigaan saacadaha laga soo kaco bahalka. Iga walla markaan nus jebisa ka soo tuuro qolaadaan raaco inaan laga badiyeen. Hortayda iyo hareertaydana lama fadhiisteen oo laad iyo madax baan kala daali lahaa cidda fadhiisata. Hadal bay baratay.


Doolaal:Waar waxbana badin mayside maxaad ka sheegaysay dhallinyarada


Dubbe:Hortaa waxaasi hadday dhaceen waa ceeb weyn. sidee inamo kubad ciyaaraya oo farxad iyo tartan ku jira loo shiidaa? Maxaanse u maqli waayay Mayor kii ama Badhisaab ama cid uun xaal siinaysa inamada? Maxaase loo shiiday ma kubaddii baa laysku xanaaqay?


Doolaal: Miyaan garanayaa inay arrin foolxumi meesha ka dhacday ayuumbaan maqlaye.


Dubbe: Ninbaa loo sheegay nin uu jeclaa oo dhintay. "Rag kale ayaan kala jeclaa." buu yidhi. Horta inamada xaal baan anigu siiyay haddaan Dubbe ahay anigoo ku hadlaya magaca mafrishka. Ilaahay hortiina wax la maqlo maaha dadkeenii iyo dhallinteenii oo maanta la yidhi dhagax baa lagu tuuray. Aniguse shiidkaa rag kale ayaan kala jeclaa. Ta kale anigoon marnaba haba yaraatee cudurdaar u samaynayn foolxumada dhacday haddana waan garanayay markuu Ina Rayaale qabyaaladda bilaabay ee uu kolba waa lay qabyaaladaynayaada dhuray ee uu kolba koox yar oo durbaano sidata Boorame ka soo kaxaysanayay ee lahaa kaala reer Hargeysa igula soo foodhya inay waxaa iyo wax ka dariniba dhacayaan. Waar hadalkaygu halkuu kaa dhaafaa? Intaa waxaan leeyahay waar wax kasta dadku hays yidhaahdo laakiin yaan laysku dirin umadda oo gobol gobol laysugu dirin oo qabyaalad laysugu dirin oo wixii laga heshiiyay la soo faqin. Waar Somaliland jiri mayso haddaan dadkeedu walaalo noqon oo aanay gacmaha is qabsan. Waar waa ceeb in aynu Ina Rayaale u aanayno Awdal iyo dadkeeda.


Doolaal: Ma ku soo dhex tuurtay Madaxweeynihii halkanna? "dundumaan aqaan oo waxaro ayaan oo looma kala taag helo." ayuu yidhi ninkii jiray.


Dubbe:Waar mid kaloo Ina Rayaaleba ka liita ayaa jiree, maantuu u darnaaye Saleebaan muxuu yidhi? ma magaca Guurtida ku hadli maayo?


Doolaal:Hadduu yidhaa maxaa ku jaban? saw qofku markaanu magaca golaha uu ka tirsan yahay aanu ku hadlayn ee uu fikirkiisa gaarka ah sheegayo inuu dadka u bayaamiyo maaha?


Dubbe:Waar malaa waad yar silloon tahaye. Anagu dee uma baahnin oday gadhcad oo suuqa iska maraya hadalkiisa. way buuxaan kuwaasu. Ninkani gole dhan oo dalkan jiritaankiisu ku tiirsanaan jiray oo marka ummaddu is qabato dhex geli jiray oo marka dhibaato timaaddo cumaadaha ku kala dhex tuuri jiray ayaa guddoomiye looga dhigay ee halkuu kaga yimi markuu na leeyahay afkaygaan ku hadlayaa? Ma waxaasuu wixii hore umadda ugu darayaa? Muu iska casilo haddaanu afkooda ku hadli karayn. Ahaaaaa!


Doolaal:Waar waxaad ka hadlayso garan mayaayo eh ninkani sax buu ku hadlay ee wax kale ma haysaa.


Dubbe:Allay lehe waa wax kale ma haysaa. Anigaabaanay ahayn inaan Saleebaan ku xiiqo iminka sida uu yahay. Intaasaan garan waayay. Alla ku doori ayuumbaan maqli jiray. qoodh iyo xaro waa la doorsaday. Awalba afka Ina Rayaale ayuunbuu ku hadlijiray ee wuxuu doono ha yidhaado. "Laba walba isa saaray oo weligay laba tagoogo isma saarin." ayuu yidhi ninkii jiray. Allay lehe Saleebaan iyo Ina Rayaale ayaa laba tagoogo ah. waar yaa inoo soo xulay dadkan? Taasaa la leeyahay hore haw socoto.


Waar iskaba daayay kane waxaan ku weydiiyay Ina Rayaale ma intuu Distoorka kala bixiyo oo indhaha isku qabto oo meel farta saaro ayuumbuu qodabka ay noqoto cuskadaa? illayn sidane waa yaabe. Yaa u macneeya Distoorka? Meesha Qaadigii miyuu ka tegey? miyaanu se ogayn inuu yahay qofkii ka fogaan lahaa meelaha mugdigu ku jiro ee dadka madaxa isu gelin karta? miyaanu ahayn kii ummaddan hagi lahaa ee wanaagooda ka shaqayn lahaa? Tolow ninka Ina Rayaale ereyga SARRIIG ma yaqaan oo Af-somaaligkiisa ma ku jiraa? Yeelkadiisee Ingriisi ma ku yaqaan inay tahay ETHICS?


Ma kii kolba hog ka dusi lahaa ee Distoorka iyo xeerarka xar ku noqon lahaa baa?


Aan kuu sgeegee qofku markaanu tixgelin u hayn xeerka waa mishkilad. Nin maalin dhoweyd inala fadhiyay oo reer Kanada ahaa ayaa iiga sheekeeyey gabadh Somaliyeed oo gaadhi wadata oo boolisku joojiyay. Liisankii ay gaadhiga ku wadday buu weydiiyay. Waxay tustay liisan derajadiisu tahay G1. noocaasi muu ahayn mid u oggolaanayaa inay gaadhiga ku kaxayso waddadaa weyn ee lagu qabtay. Markuu askarigii u sheegay inaanay u haysan liisan waddadan ee looga baahan yahay nooca ama derejada G2 ayay saaxiibadeed oo la socotay ku jeesatay oo tidhi. "naa kaagii ma haysaa?" "Haa." bay tidhi. Intay ka qaadday oo askarigii u dhiibtay bay tidhi. " G1 kayga iyo G1 ka saaxiibadday isu gee oo waxay noqonayaan G2 (G1+G1=G2)" Askaragii intuu ku qoslay ayuu tidigh ganaaxa u jaray. Iminka Ina Rayaale kolba qodobbo aan is lahayn iyo waxaan Madaxweyne ku dhaqmin ayuu isugu keen walaqayaa oo odhanayaa qodob baan u cuskaday iyo xeerkaa ii fasaxaya. Malaa carruurtiisuu weydiiyaa. Igawalla arrinkiisu waa G1+G1=G2. Laakiin isaga askari ganaaxi maayo oo Oomane ayaa odhanaya ku wad waddo sax ah baad ku joogtaaye. waxaanse kaga ciil la'ay shicibka iyo taariikhda ayaa siidhiga ku tumi oo mar aan fogayn ganaax aanu weligii iska bixin karin u jari. Hayska sii dhuuqdhuuqo imika.


Doolaal:Adiguna dad aanaan arkayn uunbaad ka sheekaysaa tidhaahdaa waxbay yidhaahdeen. Waar nagala tag sheeko xumida.


Dubbe: Weliba wuxuu yidhi:


Qofkii aan ogaynow


Baqal isir la raaciyo


Asal uu ku faaniyo


Abtirsiin ilayn ma leh


Isna Ubad uu dhalayoo


Adhaxdiisa ka unkamay


Aabo weligii muu odhan


Afcadow Dameer iyo


Abihii ma shaabaho


Islaantana in buu yahay


Iyaduu u badan yahay


Ogobayse eegmada


dadbaa ku ashqraaruu


Faras ula ekaadaa


Is-moodsiise weeyaan



Adna Ina Rayaalow


Islaax iyo wanaag iyo


Ummad iyo Hoggaankeed


Odaynimo markay tahay


Waa laguu ilduufee


Ehelkeedba maad tihid


Aqoonteedna maad lihid


Xilka lagugu aaminay


Sida loo agaasimo


Eber baad ka tahayoo


Ambad baad ku noqotaa


Mid la eegto maad tihid


Arxan laawe bahaloo


Agoomaa dhacaayiyo


Afmiinshaarro tuugoo


Ku adeegta xumahaad


Hadba ururstaayood


Istareex ku tahayood


Addeecdaa warkoodoo


Sida Agab ay leeyiin


Adigana ku maamula


Indhahaad ka xidhantoo


Qalbigaa ku awdmaye


Inta samaha jecelee


Aafaadka necebee


Hor Ilaah u talisee


Wanaag kuu ishaartana


Hadday aayad sheegaan


Ama ay akhriyayaan


Quraankii Ilaahay


Abidkaaba maad maqal


Aayatiin la sheegiyo


Intifaac ma lihidoo


Irbad dhuub ma geliside


Arrintaadu waa mood


iyo noolba urursoo


Aagaan ka buuxsoo


Aqallana ka jeexee


Mee aayahoodii


Dadkii kuu abaabulay


Guusha ololaheedee


Oogada ku saaree


Alla bariga kuu qalay?


Ma ogtahay duruuftoo


Ishey maanta leeyiin?


Anfacada ma haystaan?


Biyo oonka tira iyo


Laydh maw iftiimaa?


Asbaroo kolay tahay


Ma helaan adeegyada?


Intee maqan dhulkoodii?


Ictiraaf ma haysaa?


Yaad siisay adhigii?


Aaway kalluunkii?


Ooridee ku soorteen?


Dhaqaalahu itaal iyo


Awood badan ma leeyahay?


Abaal laawe inaad tahay


Inkiraaya samihii


Amaahdii dadweynaha


Dhaartuu ayaan maray


Axdigiyo Distoorkii


Xeerkii innoo yiil


Saw maad ag marinoo


Idilkoodba maad jebin?


Golahii aloosnaa


Ardaagii Wakiilada


Saw maad asqaynoo


Asaraar ma gelinoo


Sharcigay unkaane


Umddaow sameeyaan


Awaaraha kumaad rogin?


Saw maad arjuminoo


Albaabada umaad xidhin?


Dalka odayadiisii


madax iyo aqoonyahan


Estii baaqigeedii (SNM)


Aasaasayaashii


Afduub sow kumaad guran?


Shuqulkii Afweyniyo


Eedaymo beeniyo


Adyad sow kumaad xidhan?


Kuma urursan jeeloo


Alambaqa kumaad ridan?


Aflagaaddo iyo cay


Sow weliba maad odhan


Argagixiso weeyaan?


Arrin wuxuu ku gaw yahay


Innagaa mas aaduya


Arligii u loognoo


Addimada ku maranee


Inagaa sun biirtiyo


Ajo huursan laacnoo


Cidna eersanmaynee


Umad yahay adkaystoo


Iimaan lahaadoo


Muddadii asdaysnayd


Ayaamaa ka hadhayoo


Kolla ooli maayee


Inuu Eed la'aan baxo


Alla qabay inaga tago


Aamiinta dhaha oo


Oofaa dalkoo idil


Awdal iyo Sanaag iyo


Agagaarka Sool iyo


Inta obocda joogtaay


Is qabsadaa gacmaayoo


Dantu iyada weeyee


Midnimada adkeeyaay.


Aaamiiiiiiin



Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe yidhaahdo.


A. Geeljire

Monday, August 13, 2007


DALJIRE


(Qaraf iyo saliid)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe:Waar xaaladdiinu ma waxay maraysaa inaad xaasaskii inay soo booqdaan raggoodii aydin dulmiga ku xidheen u diiddaan? Maxa waxa maraysaan in iyagoo gosgoshii iyo cuntaday u sideen laalaadsanaya kolba xafiisba xafiis kale u diro? Ma waxaa maraysaan in lagu tuuro warqaddii ay ka soo qaateen maxkamdii xidhay oo tidhaahdaan tani socon mayso ee Guddida Nabadgelyada ee xaaraanta ah u taga?


Doolaal:Waar wax waliba nidaam loo raaco ayay leeyihiin ee nidaamka soo raaca. cid sharciga ka weyni ma jirto. “nin kuu digay kuma dilin.”


Dubbe: Waa hagaage waxaad ka heshaan baa leedihiine, nimankan dhiillaysan ee khasaarahu ka soo gaadhay dabkii maxaa ugu ciyaaraysaan?


Doolaal:Oo waayo? Madaxweynuhu Guddi buu u saaray oo inuu caawiyo ayuu doonayaa.


Dubbe:Waar Wallahi inaanu lacag uu i dhiibo aanay tirinayne luggooyada ka daaya nimanka. Iminkay daaqaddii siday u taagan yihiin ee uu kolba ballan aan dhammaanayn iyo igu soo yar noqda iyo waxoogaa baan meel ka sugayaa nafta ugu keeni oo ay kabahu kaga madhan doonaane nimankaa luggooyada ka daaya. Waar nimankii warshadda lahaayow. Dadkii daaqadda sii taagnaa wax weydiiya oo Ilaahaybaa lacag badane ha ku habsaamina.


Doolaal:Waa waajib in khasaaraha laga taakuleeyo nimankaa dalkooda maal gashaday ee wax kale ma haysaa?


Dubbe:Waan hayaaye nimankan Guurtida ahi ma carruur bay noqdeen? Mise inay Ina Rayaale u kordhiyaan muddada ayay u sii gogol xaadhayaan?


Doolaal:Waar odayada afkaaga ka jeedi. Maxaad ku qoonsatay iyana?


Dubbe:Waxay warbixinta ku sheegayeen ee ay Golahooda ka akhriyayeen ma maqlaysay? “markaasaanu la ballannay oo haddana 9:30kii la ballannaay. Oo maalintii kale lixdii la ballanay markaasaanu nidhi ....Oo haddana hudheel kula ballanay..oo misna..”


Waar ama sagaalkii la ballama ama tobankiiyoo meesha wax macno leh maydaan wadin dee. Farrin Ina Rayaale leeyahay baa sideen ergona waa isku magacawdeen. Labadii nin beddeli mayno baa la soo shir tagteen waxna waanu dhexdhexaadinaynaa baa tidhaahdeen ee waa sidee arrinkiinu?


Anigu maan fahmin sida ay nimankaasi dhexdhexaadka u yaqaanaan? Waaba dhexdhexaadnimadii Maraykanka marka uu Carabta iyo Yuhuudda leeyahay waan u dhexeeyaa. Cidduu la socdana waa la ogyahay.


Arrinkoodiina waakaa fashilmay markuu Ina Rayaale yidhi labadii nin hawl gala.


Siduu u hawl geliyaa niman aanu magacaabistooda lahayn? Sidee buu se ugu cuskadaa qodobka madaxda iyo hay’daha madaxa bannaan ee Madaxweynuhu magaacaabo. Kuwani waa Komishan gooniya xeer gooniya oo u gaarana way leeyihiin.


Doolaal:Hadday ballanka sheegaan saw Shirguddoonka Wakiiladu kagama bixin kullankii? Ta kale Madaxweynuhu saw Distoorka raaci maayo?


Dubbe:Waar heedhee. Waar dalkan sidan ka daaya. Oo khiyaamooyinkan yar yar ee is daba dhigaysaan waanu idinla garanaynaa haysku keen dilina. Garsoorayaal maxkamadda lagu kordhiyo, Guurti iyadoo kalfadhigeedii caadiga ahaa saddex casho ka hadhay qabsata fadhi aan caadi ahayn oo guddi yar oo farrin Ina Rayaale ka soo qaadda la warwareegta, qodobo aan jirin oo uu iska cuskado Ina Rayaale. Waar waanu fahmaynaa naga daaya. Alla ha u naxariistee halgamaagii weynaa ee Faarax Nur haddaan canjilo waxaan odhan lahaa:


Is qallufintii ma dayn Daahir weli Laysku qoonsadaye


Qasab waxuu doonayaa waxaan qabsoomayne


Haddaan heshiiska loo wada qasdiyin wayska qiil jabane


Waataa raggii Qaran lahaa qaar maxbuus yahaye


Goormaa run uga qaadateen quduro weeyaane


Qushi hadalka loo leeyahaan qaar ka didayaaye


Waa lagu qiyaamaynayaa ururka qaaroowe


Bal qallooca daya Guurtidaa idin qafaalaysa


Qaadiyada halkee lagu wadaa layska qoranaayo?


Qasanaddii dadweynaha maxaa qodaha loo siistay?


Qadhaabka maxaa loo siinayaa UCID dan qiiraysan?


Qaraarrada Golaa maxaa loo qaddarin waayay?


Qawsaaradiisii maxaa cay loogu wada quudhay?


Qolo tuuga jaasuus qayaxan qaaraan garanaayo


Odayaal samii laga qafilay oo qarad u hooseeyo


Qodob beena xeerkaa qarriban ee la isku qaadaayo


Qorshe duuban qiso faqasha iyo qabac la dhiibaayo


Doqon ba shirkii lagu qatali qayb ka soo noqone


Maanigaa xarfado lay qarshaa miino Qulujeedsan?


Maanigaa qaraar aan hubin qalin ku duugaaya?


Qaafada dadweynaha la nacay oonka la ilaaway


Umaddaa qaadhaan codeed qayb dhan nagu siine


Qaraf iyo saliid baanu nahay booli quutahe


Inuu haatan Qaahira tagaa Qaadir soo rogaye


Waaryaadha ha quusanina kani waa qaddaro dhowe



Wa innoo Toddobaadka dambe: haddii Eebbe idmo.

DALJIRE

(Hiil Xaq...Dhaliil Guddoomiye)

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waxaan maqli jiray dadbaa dad ay laayeen haddana taxsidooda taga oo la ooya ehelkii ay dadka ka laayeen. Iminka ma waxa tidhaahdeen waanu ka xunnay gubashadii wershaddii gubatay. Oo weliba guddi baadha ayuu Ina Rayaale haddana u saaray. Hadda waa waa guddi haddana. Iyo guddi kale oo soo qiimaysa khaaraha gaadhay. Kkkk

Doolaal:Waayo haddaanu ka xumaanno miyaanay hanti dalku leeyahay ahayn? Kiiskana in la baadho saw maaha?

Dubbe:Waar haddaad hantida dalka dan ka leedihiin malaayiinta doolar ee ku bixisaan basaasnimo iyo mafrish hebel maxaa laga lahaa iyo hudheelada lacag siiya yaanay ku shirin dadweynuhu ayaa boqol gaadhi oo dab demis ah ku soo iibin lahaydeene. Lacagta aydin casuumadaha iyo shir beeleedyada ku qabanaysaan qaranka ayaa u baahan in loogu adeego. Aqalka Ina Rayaale Qaahira ka dhistay imisa booyadood ayuu goyn lahaa? Hadday guddi wax taraysana boqollaal guddi oo hore oo uu arrimo u diray baan weli lahayne maye? Waar Ilaahiina ka yaaba oo dalka u adeega.

Doolaal:Guddiyadu hawlahoodii bay ku maqan yihiin. Dalkana dakhligiisu kuma wada filna adeegyada oo dhan. Kolba wixii daruuri ah ayaa la fulinayaa.

Dubbe:Waar intaa eegeysaan jeeb dad kale waxa ku jira ee ta dalkana idinku daldalnaysaan waxba qaban maysaan. Waxaan xusuustaa, horena waan kuugu sheegay, Ina Rayaale oo dekedda Berbera kormeer ku maraya ayaa shaqaalaheeda la shiray. Waxay weydiisteen hal gaadhi oo dhooli ah. (ambulance) wuxuu ugu jawaabay. “markaan Hargeysa ku noqdo ayaan UNHCR ta weydiisan doonaa inay dhooli idiin iibiyaan. Waar UNHCR ma iyadaa dalka leh? Dhooligu kamuu badnayn $10,000. Hadduu cid baryayana Total baa u dhoweyd oo dekeddana adeegsata xoolo xaaraanana ka gurata oo uu ku amri lahaa, laakiin taa isagaa dhawranayay.

Doolaal:Maxaa taa ku jaban saw hay’adaha caalamiga ah wax ma weydiisan karno?

Dubbe:Waar ma waxa wax loo dul qaato ah sheeka xumidiina aydin weliba warbaahinta ka leedihiin “dadkii ku soo ururay wershadda gubanaysa baanu meel aanu ka marno weynay oo dabka ka bakhtiino.” Miyaa ku kaaji lahaydeen illayn hal booyada ma lihidine? Markay shuf beeshay baa Lankruusar miidhan oo qaboojiye leh ku tagteen meeshii oo dadkii meel aydin ka martaan weydeen?

Doolaal:Waar muxuu ku hadlayaa. Dacaayadda rakhiiska ah waan kugu aqaan. Anagu hantida qaranka waanu u gurmanaynaa. Insha Allaah booyadana waanu soo iibin doona haddii durruftu noo saamaxdo. Iminkana dadweynaha ayaanu weydiisannay inay naga caawiyaan.

Dubbe:Haayoo iyana Jaabiri baa ku ballan qaadi inuu keeno oo markaasuu ka noqon oo Al Cayn ku ballan qaadi oo markaasi ka noqon oo Iiraan keeni oo ay ka noqon oo Jarmal keeni oo uu ka noqon oo Maleeyshiya ay ka garaabi oo hoostana ay ka yabi oo wefti shiina ahi iman oo uu ku ballan qaadi oo ay iska tegi. Alla maxaa digo iyo dambas naga iibiseen oo weliba soo idho caddiin? Waar idinka waan idin aqaane weliba intaan iska amusayo ayaa badane waxaan la yaabay dhawr guddoomiye oo dalka madax ka ah.

Doolaal:Waa maxay guddoomiyeyaashuna? Halkaad inoola baydhay? Haddaad doonto baydhoo anaga naga baydhoo. “Ilaahow colkayaga col ku furo.” Baa la yidhi.

Dubbe:Wuxuu ku heesay oo yidhi Cali Sugule. “Wasaaradaha waan dhalliilay. Ma wada dhalliiline qaar baan dhalliilay.” Iminka guddoomiyeyaasha badh baan dhalliilay. Guddomiyaha UCID waan dhalliilay. Guddoomiyaha Guurtidana waan Dhalliilay Kan Maxkamadda Sarena waan dhalliilay.

Doolaal:Waa maxay dadkan aan is lahayn ee aan wada socon ee aad isku qaaday?

Dubbe:Horta Guddoomiye Faysal ma jecli inaanu isku soo muruxsanno oo saaxiib baanu nahay. Runtii inaan ka warwareego ayaan jecelay oo waadiga arkay oo intaa aynu mafrishka dadka ku duqaynayno sooma qaado. Dee malaa waana mucaarad. Madaxtooyadaa iyo Rayaalahaa intuu iskala joogo dan kama lihi. Laakiin beryahan laba meelood oo aan ka xanaaqo ayuu farta ka dayn waayay. Waa cayda madaxdii SNM iyo dagaalladii sokeeye ee Isaaqa dhex maray. Waxa la yidhi laba dumar ah oo Soomaliyeed oo dal gaalo jooga ayaa isku booday. Booliskii baa u yimi. “Maxaa dhacay?” bay su’aaleen. Midbaa jawaabtay oo tidhi. “she entered my seas.(badahayga ayay soo gashay)” Guddoomiye haw celin gacanta halkaa. SNM adigu, Guddoomiye adigu, waxba ha odhan. Do not enter SNM seas. Waar bal Dhega. Waar bal lama aragtan kaalaya.

Hadda marka laga hadlayo halgana, ragga dalka ka talinaya ee aad la daaweysatona hoos u eeg Guddoomiye. Bal Rayaale eeg.. Bal Cawil eeg. Bal Ina Sulub eeg. Bal Ina Waran Cadde eeg. Bal C/lahi Cirro eeg. Bal Kenyaati eeg. Bal Qasim Sheekh eeg. Bal Xuseen Dheeraha Xeer Ilaaliyaha ah eeg. Bal Ina Xaaji Daahir eeg. Bal Qaybe, la taliyaha Madaxweynaha eeg. Bal Gananka Nuux eeg. Bal Jamac Gaas Mucaaye eeg. Bal Xasan Gdhweyne eeg. Bal Ina Bullaale eeg. Bal C/raxmaanka Bangiga dhexe eeg. Bal Ganan Suldan Cabdi Guray, Taliyaha Asluubta, eeg. Bal shayaadiinta yar yar ee wada iskaraab cunka, adhi cunka, baloodh cunka, shidaal cunka, idaacad cunka iyo balaayo cunka ku mamay ee haddana soo miliqsanaya eeg. Iyo qaar kaloo badan. Bal intaa aan sheegay mid qudhi dalka mawsoo halgamay anigoo aan ceeb kaleba sheekayn? Wallaahi iyo tii xilood inaan Guddoomiyihii loo taag helayn. Waar yaa Ilaahay yaqaan? Dagaaladiina adigaa ka mid ahaa dadkii nabadaynta iyo heshiiska u soo ban baxay ee dadka heswhiisiinayay markaa maanta inaad lafahaa soo qoddo oo adigoo isle cod ku hel ama cid ku xumee dagaalkii markuu socday aad ka xumaatay soo qoddaa iminka taariikhdaa wanaagsan ayay kaa baabiinaysaa. Guddoomiye maanta cid isku dirka Isaaq cod ku helaysaa ma jirto, wallaahi bay ka tahay, ee fadlan Halkaana farta haw celin. Beelaha kalena yaan laysku dirin. Dadka ha la mideeyo.

Doolaal:Dee horta waad la talisay oo ma xuma. Laakiin sidaad noo weerarto maxaad ugu weeri weyday? Miyaad u yar eexatay ninyow?

Dubbe:Iska dhaafoo. Guddomiyaha Maxkamadda Sarre horta waa mujaahid. Ninkuna mar hadduu derajadaa qaato oo uu danta umadda darteed xabbad shafka ugu dhigay anigu kuma dheereeyo. Laakiin haddii laga tegi waayo waxa muuqata inuu mujaahid fudud yahay. Waxa muuqata inuu wixii laga soo dagaalamay ee caddalad darradu ugu weynayd illaaway. Waxa muuqata inuu xadhigga muwaadiniinta iyo mujaahidiinta ee dulmiga ah jecel yahay. Waxa muuqata inuu gar eexo naqo oo Ina Rayaale dhinaca saaro.

Waxaan leeyahay haddaba. Mujaahid xilka ku saarani wuu ka weyn yahay siyaasadda yar ee maxalliga ah ee Ceel Afweyn taalla. Qaran dhan baad caddaaladiisa masuul ka tahay. Haaa. Hadday Cawil iyo rag kale wax kale kugu yidhaahdeen waa been. Qabyaaladi meesha ma taallo. Waynu ka gudubnay taa. Habar yoonis iyo Habar Jeclo wax xumaan ahi kama dhaxeeyaan. Saleebaanba HY baa kow ka ahayd dadkii doortay. Haynugu layn meesha ee qaranka badbaadi. Muwaadiniintan Jeelka loo dirayo ee maxkamadda jeelka loogu geynayo diid.

Xeerka Lam.14 wuxuu sheegayaa cidda urur doonaysa inay furato waa inay gobol walba ka haystaan ugu yaraan 500 oo taageere. Madaxda Qaran dhaqdhaqaaqay wadeen wuxuu ahaa taageero doon sharciya ee olole doorashu muu ahayn. Haddaanay gobolada tegin oo dadka la kulmin ma E-Mail bay u diri lahaayeen Guddoomiye? Haddii markii maxkamadi odhan lahayd arjigiina aan eegnee na tusa inaad haysataan taageerayaasha xeerku dhigayo. Ma na sii suga aan iminka doonee bay odhan lahaayeen? Guddoomiye xukuumaddan sidii waxarka yar ee hooyadii marna caano ka jaqa marna saarta u dhaqmaysa ee dalkii ragaadisay ee marna musuqaysa oo maal ka guranaysa marna indhaha ka ridaysa xaq darro hawgu hiilin.

Mujaahid Guddoomiye, ha ka eexan Ina Rayaalena ee u hiili markuu xaqa ku joogo. Haddaad wax kale garan weydo adeerkaa Oday, Chief Caqil, Mujaahid, Wasiir Siciid Maxamed Nuur wax weydii. “Baqaa Bari ka row.” Haddana. Nacalaba.

Doolaal:Waar muxuu ku hadlayaa? Waar horta afkaagu miyaanu waxba ka yaqyaqsoon? Halkaad ku aragtay Guddoomiyaha oo noo eexanaya?

Dubbe:Waar wallahi runtaa laysu sheegayaa. Oo miyaanu cabudhsanaanaynaa uun? Waxaad doonaysaan inaad habeenkii la soo faqdaan oo qabyaalad xun u soo sheegtaan iyo shuqul aanu idinla garanayno dabeedna warbaahinta ka tidhaahdaan qabyaalad baa rag wadaan. Haddaa Qarannimo doonaysaanna ahlan wa sahlan. Haddaa qabyaalad doonaysaanna miiska inoo soo dhiga. Yaa ka reer wanaagsantihiin horta? Anagu qaranimo ayaanu dooranaynaa iyo sinaan iyo caddaalad dhex marta beelaha Somaliland oo dhan iyo xisbinimada oo lagu dhaqmo. Sidaas oo keliya ayaa qaran lagu noqon karaa.

Doolaal:Idinkaa qabyaalad wada ee anaga waa nala doortay qarankaanu wakiil ka nahay.

Dubbe:Iska Hadle. Waar Guddoomiye Saleebaan baa ii hadhaye. Guddomiye Saleebaan isna waad ogtay oo waaniga intaa dadka ka hor taagan anna waan qaddariyaa. Odayga waanu kala xishoonaa idinkuna xantii uumbaa la yaacaysaan oo sidii reer Djiboutiga qofkii u geynaysaan sidii farriinta. Yeelkadeedee odaygii beryahan waxba ka garan maayo. Odaygii habrasho ayaa qayrkii ka reebtay. Iyaga iyo Allahoode waxay igu yidhaahdeen. “odaygii arrimo shakhsi ah ayaa kaga xidhan Ina Rayaale.” Waxbay ii sheegeen dee.

Doolaal:Maxay ku yidhaahdeen? Kollay beentiinii bay kuu miiseene.

Dubbe:Waar annagu been ma naqaane. Beri baa nin oday ah oo madax ahaa oo Baarlamaankii, Somaliya markii la ahaa, ku jiray shiriyay beeshiisii iyadoo doorasho jirto. Wixii uu soo qabtay oo dhan buu uga sheekeeyay odayadii beesha. Markuu dhammeeyey ayaa raggii wax ka diideen wuxuu sheegay haddana hore u hadli waayeen .Nin shirka fadhiyay ayaa hadlay oo yidhi. “Waar ama ninka u jawaaba ama lixdan shilin buu igu leeyahay ee iga bixiya anigaa u jawabiye.”

Iminka Guddoomiye Saleebaan waxaan leeyahay Ilaahaybaa kharashka qalliinka ee miskaha keeniye, umaba baahnide malaa da’dii baa ku beddeshaye, ninkan Rayaale dalka ha ku sii dayn.

Berigii dagaalkii 1977kii ayuu Xaaji Dallaayad (AHN) duceeyey oo yidhi. “Ilaahayow weligayo intaanu dawlad legednay kamaanaan soo toosin ee doorkan nala qabo.” Iminka bal mar uun yaa inna tusa Oday Saleebaan oo xaqdarrada legday oo ka soo toosay? Wallee waan la aag malaa. Maxaa Ilaahay na tusay? Isagaaba dhulka isu sii dhigaya. Libaaxii iyo wixii uu berigii ASAD isku sawiri jiray maxay ahaayeen?

Waxaan lahaa waatii berigii xaqdarro lagu xidhay oo xadhigga madaxda Qaran wuu cambaarayn doona. Noo halow. Guddoomiye Xaqa u hiili. Labadan xubnood ee laguu xambaariyayna maruun ka gilgilo oo iska tuur.

Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Friday, August 3, 2007


Daljire


(“AlKhawajaat?... Qatalnaahum Amis”)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbee:Waar u kaadiya. Waar bal is dhegeysata. Waar nimanku qaylo badanaa? Waar anigu mid baan idiinn sheegayaa. Geelaa loogu heesi jiray. “Derbi cagaweyn darka loo dhigay deysan meysee wayska dumisaa.” Waar ninkan Ina Rayaale isagaa iska duminaya darka ee idinku iska daaya. Daartii yarayd ee Qaahira ayaa ku fillaatay iyo dhawr xisaabood oo buuxsamay oo cod iyo taageero midna uma baahna. Markaa waxaan idin leeyahay ninkaasi yuu reer Awdal idin kala dilin ee isaga ku ekaada. Marka horena idinkaa doortay ee reer Awdal idinkumay khasbin. Maantana eega bal inay ku yidhaahdaan waad qaldantay ee dadkii ku doortay xumaanta ka daa iyo inkale. Laakiin aflagaaddo iyo ceeb kale yay reer Awdal u tegin. Ogaadana oo wax dheeraadana kuma qabaan ee dhibta uu dadka ku hayo mid ka xun buu ku hayaa. Ina Rayaale ka hor reer Awdal waa lays ahaa dabdiina waa lays ahaan doonaa.



Guud ahaanna waxaan leeyahay waar xisbiyadii aynu ku soo noqono oo beelahan uu Ina Rayaale inagu celiyay xaggooda haynoo kaxayninana.UDUBta ayaa marna qabyaaladda jeclaysata marna ay la qadhaadhaataa.


Doolaal:Waar iminka saddexdan nin ee la xidhay ee sharcigii dalka ka soo hor jeestay ma dadkay ka weyn yihiin? Ninna sharciga kama sarreeyo adeer. Maxaase samayn kartaan?


Dubbe:Horta hadalku wuxuu ku dhan yahay maxaad samayn kartaan? Cawil baaba hore u sheegay oo yidhi “Suldaan Cismaan baanu xidhnay oo cidi ka daba iman weyday oo afartii la socday dhuunteen. Kuwanna markaanu sharciga la tiigsanno cidi ka daba imanmayso.” Dee odayga waa runtiiye ma cidbaa ka daba tegeysa. Xaasha. “ku kaajaan nin u aqaan.” Buu yidhi ninkii jiray. Niinwaliba sidii Dhallin Ileeye ayuu odhan doonaa “Alla uma naxariistaanka annagaabay nagu dari.”


Doolaal:Haaye ma dadkay ka weyn yihiin.?


Dubbe:Horta mushkiladda meesha taalla waxa weeye laaska iyo dubbaha ayaa idin lumiyay. Haddaydaan maanta garanayn qiimo Allah qiime ay leeyihiin nimankaasi maxaan idin odhanba. Waxa la yidhi berigii Sucuudiga laga badhaayay saliidda ayaa laba nin oo Maraykan ah oo khubaradii saliidda baadhaysay ahi saxraagii ku dhaxeen habeen intuu gabbalku ugu dhacay meelihii ay sahmainayeen. Subaxii baa ciidan laga daba diray. Ciidankii baa ku soo baxay laba nin oo reer miyi ah oo Sucuudiyiin ah. waxay weydiiyeen inay arkeen labadaa nin ee maqnaa. Waxay ku jawaabeen. “Alkhawaajaat al ethneyn?” (ma labdii gaal) Nacam.(Haa) Baa la yidhi. “Qatalnaahum amis. Alla yalcan alkufaar.” (Shalay baanu laynay kufaarta Alla ha nacdalee) Bay yidhaahdeen intay iska dhaqaaqeen.


Iminka raggan aydin iska xidhatteen ee si aan sharci ahayn u xidhateen wax ay qiimo idinla leeyihiin ma jirto. Idnka waxa idiin daran uun inaad laba mujaahid xidhaan. Wixii ay keeneen ee ay u soo halgameenna waydinkaa ka dhiishaa dhaansaday. Sidii labadaa badaw ee Sucuudiga ahi ay uga dhergeen saliiddii ay soo saareen raggii ay laayeen. Dhiilkii nabsigaa idinka buuxsamay baan u malaynayaa.


Doolaal:Marka laydin qabtaa baa tidhaahdaan Jabhad iyo kaadi iyo wax. Waar adkaysta. Sharciga iyo nabadgelyada annagaa ka masuul ah. waa nala doortay. Doorashadii baa ku guulaysan weydeen. Hanashada hoggaanka ayaa ku guul darraysateen. Markaasaa ku jiq sii samaynaysaan oo xeerka jebeinaysaan.


Dubbe:Waar haddaydaan xumaan doonayn doonayn maaalin walba ma nin mujaahida ama muwaadina baa xaq darro jeel ku geyn lahaydeen. Nimankan haddaa markii hore u furi weydeen daaqad ay arjigooda ka dhiibtaan oo aydin ka door biddeen inaad dacwad ku soo oogtaan ma waxa garan weydeen markay maxkamadda yimaadeen damaanad ka qaada oo guryahiinii ku noqda dhaha. Inta kiiskaasi socdo ee maxkamadi inna kala saaraysana dhaqdhaqaaqa iyo abaabul siyaasadeed joojiya. Maalmaha dacwaddu socotana kaalaya maxkamdda. Taas oo aydaan xataa xaq u lahayn baa dhaami lahayd jeelka Mandheera geeya. Saw waxaad u jeeddaan maaha karaamada ka qaada? Maxaa iminka kordhisateen?


Doolaal:Maxaa damaanadba keenay? Hawadaa laga qarinayaa ninkii is waala. Angu mujaahid iyo jabhad waxaa ma naqaan. Sharciga qofkii jebiyaa wixii gaadha isagaa isu keenay.


Dubbe:Oo mujaahid iyo nin soo halgamay toona ma taqaaniin danna kama lihidin? Ma idinkii baa sidaa u hadlaya? Kkkk kkk kkk.


Doolaal:Anagu ninkii sharciga jebiya dan kama lihin. Jabhadda waa la wada ahaaye ma. Ma cid baa gaar u ahayd? Maxaadse ku qoslaysaa?


Dubbe:Waxaan ku qoslayaa sheeko beri nin iiga sheekeeyay iyo sidan Somaliland tahay iminka ayaa isu ekaaday. Wuxuu yidhi. “Nin asalkiisu Somaliland ka soo jeedo oo reer Kenya ah ayaa gabadh yar oo quruxbadan oo isagana aad uga yar guursaday. Aad buu ujeclaaday. Carruur aanay dumarkii hore ee uu qabi jiray u dhalin baa Ilaahay ka siiyay tan yar. Wuu sii jeclaaday. Meel tuula ah ayuu ula guuray. Maqaaxi iyo tukaan buu ka furtay. Shaw tuuladan baas nin saajin ah oo ba’an baa xukuma. Odaygii war aanu jeclaysan oo saajinkii iyo gabadhii ku saabsan baa dhegahiisa ka batay. Dhegahuu ka furaystay. Warkii baa kala go’i waayay. Waabuu ka sii daray. Talo ayaa ku caddaatay. Wuxuu arrin ku goostay inaanu gabadhaa furin wax kasta oo loo sheego.


Maalintii dambe ayuu daf gurigiisii soo yidhi mise saajinkii ayuu fal dembiyeedkii lagu sheegi jiray ku qabtay isagoo gacanta kula jira. Saajinkii oo argagaxsan baa boodi kari waayay oo halkii ku qallallay. Ninkii saajinkii lamuu hadale gabadhii buu hadal dagaala ku yidhi. “Naa saajinka cayaarta ka daa wax xun Allah ku badye. Saajinka ayuumbay ku ciyaarta oo la faro-ka-ciyaartaa. Miyaanay wax isku falayn oo aanay xishoonayn? Naa saajinka ka hoos bax oo banaankaa qun yar iska joog”


Ninkaasi wixii laga dagaalami jiray ee laga dhiidhiyi jiray ayuu indhahiisa ku arkay isagoo xaaskiisii lagula kacay. Hase yeeshee wuxuu gacmahiisa u laabtay oo sharaftiisii u difaaci waayay gabadhaa uu jeclaa ee carrurta badan Ilaahay ka siiyay iyo qoyskaasi inaanay ka burburin. Saajinkii wuu iska tegey isagoo nuskii dhintay. Ninkiina reerkiisii wuu iska asturtay oo iska dhaqday. Iminka,aniga hadduu doonayo xaal hay qabto sheeko xumida eh, waxaan leeyahay dalkan iyo dadkiisa ayaanu danaynaa weligiinba na xidhxidha. Somalilandey Nabadsugidda ciyaarta ka daaya ayuumbaanu leenahay oo xukuumadan wadda xadhigga xaqdarrada ah, musuqmaasuqa, khilaafka golayaasha, boobka hantida qaranka iyo cayda iyo aflagaaddada inagaa ka gar daran ee iyadu waxba may samayn. Doorasho aan ku sinno.


Doolaal:Waar kuwii cimaamadda xun ka bixin jirayna miyay maanta kaga baxeen? Waar ninkan aan xishoonayn xaal ka soo bixiya dee.



Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.


A. Geeljire



DALJIRE


“Baarroy Warran?......Gabadhii Dhalatay Garab-Ma-Lays”


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal:Waar shirkan aad la gasheen Gaboose iyo ururkiisii ee la yidhi albaabadaa u soo xidhateen muxuu ahaa? Ma urur aan sharciyeysnayn baa la shiraysaan?


Dubbe:Waxaan ku weydiiyay. Hadh iyo habeen Xabashi iyo C/lahi Yusuf oo ay hoosta ku wadato ayaa la shirtaan oo Addis Ababa, Nairobi iyo Roma intaba waa kula shirtaan dadkana uma sheegtaane ma mujaahidiintan arjiga sidata ee idinle waar daaqad aanu ka dhiibno waraaqdan noo fura ayaa nooga dhigaysaan inay deyrkii Maka gubeen? Waar anagaa la shirnay oo haddana la shiri doonna. Waddan dhan baa bixiseen oo C/lahi Yusuf u xalaalayseen oo illaa iminka aan la hayn oo na leediin Gaboosaa la shirteen. Waar weli gardarradaas oo kale ma aragteen? Waxaanse ku weydiiyay adiga, maxaa idinku kuraasidiisii u qaadateen? Ma kuwaa ku fadhideen baa idiniu yaraaday? Mise iyana xafladaha Madaxtooyada ayaa u baahan?



Doolaal: Allah! “waraabow bood oo xagga cadka u bood.” Baa la yidhi. Ma isku kaayo soo qaadday? Waar waakii Ismaaciil yare sheegay oo yidhi “abtigii Siyaad Barre ayuu jujuubka ka bartay.” Waar meesha sharciga ciddii jebisa shaqo ayaa laga qabanayaa.


Dubbe:Waar waabad i xusuusisaye waxaan arkay ninkii Ismaciil yare oo arrimo badan ka hadlaye. Ma Siyaad Barre ayuu afkiisa soo mariyay oo la hubaa? Awal naanaystiisi maxay ahayd anigu waxaan u aqaan Ismacil Adan Cisman Xaji Farax eh?


Doolaal:Maxaa adiga kaa galay wuxuu ka hadlay? Mucaaradkiinnana waakii yidhi ma rabo oo UDUB baan ahaanayaa weligay eh. Miyaydin khasbi dee? Weliba goalha haynoo ahaato.


Dubbe:Horta intaanan wax kale odhan. Waqti baan u waayay waana laysku leeyahaye ee waan tacsiyadaynayaa isagaya iyo walaalkii Mujaahid Abees ba. Waxaan leeyahay samir iyo iimaan Alla haydinka siiyo Abihiin, idinka iyo qoyskiina iyo qaraabadii uu ka tegey marxuumku. Isagana Ilaahay ha u naxariisto.


Doolaal:Aamiin. Waar qof ma moodaa maanta? Oo hore miyaanad u tacsiyadayn?


Dubbe:Sawnigan ku leh waqti baan u waayay. Horta hadalkiisii waan arkay. Dhinaca Gaboose iyo Qaran wax wixii ay UDUBtu dhuri jirtay ee aan macnaha lahayn ka badan muu odhan horta. Weliba isagu qaar badan buu dhaamay oo wuxuu yidhi. “Maxakamdda ha tagaan.” Laakiin ismaan lahayn Siyaad Barre iyo dhankaa wuu soo hadal qaadayaa. Waxaan kale oo garan waayay waxa ay qoladan UDUB u soo hadal qaaddo in ay Mareexaan dhaleen Ina Gaboose. cid walba cidbaa abti u ah ee maxaa abtiyadii keenay?


Goormaynu xagga islaamaha u ab tirsannay?


Qaar idinka ah baanaan garannayn cid abti u ahba oo aanu is nidhaahnaa malaa kuwan laba dhaqax dhexdood baa laga helay, haddana ma soo qaadno.


Hadda malaa taagga Somalilandnimada ayay u diidan yihiin Ina gaboose. Ta kale isagoo Wasiir ah oo weliba Abti loo yahay ayuu iskaga tegey oo SNM ku biiray ee idinka iyadoon abtina laydiin ahayn guuulwadayaal yar yarna ah haddana saw lamaydaan joogin faqash oo laydiinkuma soo gelin? Maxaa baddaa idin geliyay? Nin Sucuudiga tegey beri ayaa ku soo baxay xayn adhiga Sucuudiga ah ee madmadow ee dhogorta weyn leh. Markaasay ka dideen oo yaaceen. Markaasuu yidhi. “maxay ka yaacayaan?” “Way dideen” Baa la yidhi. “Anagaaba iyaga ka didaynee maxay la didi.” Ayuu yidhi. Iminka idinkiibaa Faqash iyo Siyaad iyo wax soo hadal qaadaya. Anaguna maxaanu soo hadal qaadnaa markaa?


Doolaal:Oo intaa ab iyo abtiba waa hadal haysaane dadkana Faqash waa ku tidhaahdaane maxaa la kululaataan markaanu midkiin yara taabanno? Ismaciilna iminkaanu wasiir ka dhigayna haddana. Haye.


Doolaal: Horta waynu ognay oo Wasiirnimada ciil uma qabo Ismaciil oo dhawr goor buu wasiir noqday inuu noqdo mar kalena waa suura geli kartaa oo biciidsan maynno. Laakiin madaxweyenimo ayaan doonayaa buu yidhi. Dee malaa taasi way ka yar adagtay Wasiirnimada? Miyaanay sidaa ahayn Doolaalow?


Doolaal:Waar anaga waxba naguma adka oo ninkaanu doono ayaanu ka dhigaynaa Madaxweyne. Ee iska wadoo hadal tiradaada adigu.


Dubbe: Wallah? Waar yaa Ilaahay yaqaan? Horta Ismaciil nacas ma aha oo wuu ogyahay in wasiir la noqodo xataa inaanad Madaxweynaha u baahnayn mararka qaarkood. Isla markaa inaanu Madaxweynuhu isagoon ku jeclayn ku eryi karin mararka qaarqood. Sidoo kale aanu wasiirnimada kugu hayn karin isagoo ku jecel mararka qaarkood. Ismaaciilna labadii goor ee uu Wasiirka noqdayba, Ilaahay uma baahin Madaxweynaha. Iminkana u baahin maayo hadduu doono ee anigu Madaxweynenimada ayaan ka hadlayaa baan ku idhi. Bal calaamadan kaalaya. Waar maanta maa daaqaddii xumayd baad ku so xiiqday waadigan sidii gaadhi xun oo foodh (Ford) ah kululaanaya ee aan waxba fahmayne?


Doolaal:siday u adagtay? Saw qofku intuu xisbigiisa ka soo baxo inuu cod doonto uun maaha arrinku?


Dubbe:Mayee waa sidaa marka ay hadalka oo keliya tahay. Laakiin markay falka tahay way ka duwan tahay. Waxaan arkay in ninkii Ismaciil laga badiyay isla markuu sheegay inuu damac madaxweynenimo leeyahay.


Doolaal:sidee looga badiyay? Ma haddaad nin aan tartanba ku jirin tidhi waa laga badiyay? Allah nimanku badis jecelaa?


Dubbe: Dee waa run oo idinka taariikhdiino waa maalintaa la joogo uun. Shalayba ma gaadhsiisna wax ka fog iska daayoo. Markuu Ina Gaboose wax ka sheegayay ayuu isagoo tilmaamaya waxyaabahii xumaa ee Ina Gaboose sameeyay yidhi. “waa ninka ururkii SAHAN ee aanu ku wada jirnay subax qudha ula guuray Dumbuluq. Ma ninkaasaa la aaminayaa?” Waxaan is weydiiyay tolow Dumbuluqdan uu tilmaamay ee la fogaatay ee uu kagaga daba tegi kari waayay ma Talabiib bay ku taal? Waan shakiyay. Maam (map) baan soo qaatay. Waan baadhay. Kaan imi; Dumbuluqdaayba halkaan ka filaayay bay ku taal oo dooxan Hargeysa daantiisa kale weeye. Hadallo horena waa iska jireen oo waakii berigii ninkii gaalka ahaa ee lagu dilay Star yidhi “maxaa isaga qaaradda madaw geeyey?”. Dee markaa waxaan is idhi waar ninka Dumbuluq la fogtay halkee kale ee uu cod uu Madaxweyne ku noqdo u doonanayaa? Berigii Dhoqoshay baa iyana jirtay. Dhankan Saaxil Madaxweyne-Ku-Xigeenka wixii kala gaadhay waynu ogayn oo mari maayo.


Galbeed iyo xaggaa Awdal waakii markuu Madaxweynaha u raacay Oodweyne waqtigii doorasha Wakiilada jiidhay markii lagu soo dhoweeyay makarafoonka ee la yidhi. “Iminkana Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah nin reer galbeed ah aan ku soo dhaweeyo makarafoonka.” Waakii isagoo Madaweynihinu ag taaganyahay, illayn isagu kamuu biqi jirin oo Ilaahayba uma baahine, ku jawaabay. “waar aniga reer galbeed haygu sheegin kuwaasi calooshay wax ku qabsadaane. Reer Oogo dheh.” Markii dambe ayuu caqligu igu soo degay oo inaan qaldanay baan ogaaday oo waxaan idhi. War reer Xaji Farax baa ku filan ee muxuu cid kale ku falayaa. Waar hayska doonto Madaxweynenimada ma Ina Rayaale ayuu ka liita?


Doolaal:Waar waxaase waa waxii hore ee waakii yidhi. “Liisankii siyaasadda ayaan qaatay intii aan xilka ka sii maqnaa.”


Dubbe: Waar anigu inuu hore u haystay baan moodayay ee liisanka siyaasadda ma Zambesi restaurant baa lagu bixiyaa? Yaase u saxeexay? Waar Ismaciil iska daayo sheekadii Ina Rayaale odhan jiray musuq maasuq ma jiro ayaan ogaaday halkuu ka keenay.


Doolaal:Maxaan ku arkay adigoo meel aan waxba ku jirin wax ka deyeya. Waar sheekadaasi way dhamaatay ee wax kale ma haysaa?


Dubbe:Horta islaantii Dulmar baa ii sheegtay oo waxay tidhi. Waxa jirta sheeko deegaamadaa galbeed ee dalka laga yaqaan oo la yidhi. Hadda haddan sheekada qaladana ha la iga raalli noqdo. “ninbaa gabadh guursaday. Gabadhii buu muddo dheer arki waayay iyadoo wax cunta ah afkeeda saaraysa. Wuxuu weydiiyay waxay wax u cuni weyday. Waxay ku tidhi. “waxaan dhashay sebenkii la odhan jiray Garab-ma-lays. Oo qofkaa sebenkaa dhashaa wax ma cuno.” Muddo ayuumbay raashinka beerta ugu keentaa iska noqotaa. Isna gabdhii oo sii naaxaysa ayuumbuu arkaa. Ilaahay yaab buu u keenay. Maalintii dambe ayuu meel aqalka ah ugu gabbaday. Wuxuu arkay iyadoo waxii weel yaallay guriga mid walba wax ka cunaysa ama ka cabbaysa. Ubbada subagga, haanta, xeedhada xilibka, dheriga hadhuudhka IWM. Maalintii dambe ayuu u yeedhay gabadhii. “Cunto ma sidii baad ka tahay? Buu weydiiyay. “Haa.” Bay tidhi. Weelkii guriga yaalay ayuu ku jeestay. Mid mid buu wax u weydiiyay. “Baarroy warran?” ubaddii. “yaa subagga kaa cunay?” “Iyada.” Mid mid bay u sheegeen inay iyadu xaalufisay. Halkii buu ku furay gabdhii.”


Markaa waxaan xusuustay lacagtan la yidhi shandado ayaa lagu geeyaa Madaxtooyada. Qaar kalena waa lagu sii qaadaa. Guryaha la yidhi Masar baa laga dhistay iyo Nairobi ee haddana la leeyahay wax la musuqaaba ma yaallaan. Dee malaa iyana Garab-ma-lays bay dhasheen ee iminka waa inaynu wasaarad walba iyo wakaalad walba iyo hay’ad walba iyo Deked walba, iyo bangi walba, iyo Airport walba iyo Kastan walba iyo Dawlad hoose oo walba iyo Rug Ganacsi walba iyo Total walba iyo Adhi walba weydiinaa cidda ka qaaday lacagtii ka soo baxday oo nidhaahnaa “Baarroy warran?”. Markay sheegaan waa inaynu nidhaahno dib kuugu codayn mayno.


Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.


Geeljire